SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

iyo Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay ciidankiisa ku duuley Soomaaliya, halka Sheikh Shariif uu arrinta weli ka aamusan yahay isagoo dalka dibadda kaga maqan

"Madaxda Soomaalida oo sheegay in aysan markii hore ka war hayn weerarkii Kenya ku qaaday dalkooda..."

  • SomaliTalk.com | Oct 21, 2011

Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa Khamiistii (October 20) sheegay in ciidamadoodu qabsadeen magaalada Raas Kamboone ee Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dagaalka ay Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya ka hadlay Madaxweynaha Kenya, Kibaki, oo ka hadlayey xafladda loo dhigay maalinta Geesiyaasha "Mashujaa Day", waxana uu markii ugu horeysey si toos ah uga hadlay dagaalka ay ciidamadiisu ku galeen gudaha Soomaaliya, isagoo shacabkiisa ku qancinaya sabaataana waxa hadalkiisii ka mid ahaa "Waxaan difaacaynaa wadajirka dhulkeena anagoo adeegsaneynaa wax kasta oo suurtgal aah si aan u xaqiijino ammaanka iyo xasiloonida."

Waxaana warbaahinta Kenya intaas raacisey in Ra'iisul Wasaaraha Kenya uu sheegay guusha ay gaareen maanta oo ku beegan maalin ay Kenya u dabaal degeyso "Maalinta Geesiyaasha." (Mashujaa Day). Jariidadda Daily nation waxay cinwaan ka dhigtay "Kenyan forces capture Shabaab’s Ras Kamboni." (Ciidamada Kenya oo qabsaday magaalada Shabaab ee Raas Kamboni."

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka waxa uu intaas raaciyey "waa in Kenya ay si masayr ku jiro u difaacataa dhulkeeda". Dhanka Afmadow waxaa afhayeenka militariga Kenya Maj. Chirchir uu sheegay in ciidankoodu aysan weli gelin Afmadow sababtoo ah "roob xooggan oo aagga ka da'ay," ayuu yiri.

Waxaa kale waxaa ciidanka Kenya ee galay Soomaaliya ka hadlay xoghayihii hore ee Qarammada Midoobey Kofi Annan oo isagoo ku sugan Nairobi waxa uu yiri: "Gelitaanka ay Kenya kaga gudubtey xadka kuna gashay Soomaaliya waa in aysan noqon olole aad u daba dheeraada." Waxana uu muujiyey in uu adkaan doono hawlgalka ay qaaday Kenya.

Dhankiisa Madaxweynaha DFKMG oo ku sugan Turkiga weli warcad kama soo saarin ciidamada Kenya ee ku duuley Soomaaliya. Golaha Wasiirada DFKMG oo shir yeeshay Khamiistii, soona saaray warsaxaafadeed, wixii kulankaas looga hadlay kuma jirin ciidamada Kenya ee galay Soomaaliya. Baarlamaanka DFKMG sidoo kale kama hadlin arrintaas. Waxa keliya oo arrinta ka hadlay waa Kenya oo sheegatay in ciidankoodu qabsadeen Qooqaani, Dhoobley iyo Raas Kambooni.

Wargeyska New York Times ayaa Khamiistii qoray in madaxda Soomaaliyeed ay sheegeen in haba yaraatee aysan wax ka ogaayeyn weerarka Kenya ku qaaday Soomaaliya. Waxaana jariidadu intaas raacisey "laakiin si waadax ah madaxda Soomaaliyeed uma ay qiran karaan in ay ciidamo shisheeye ku soo casumeen dhulka Soomaaliyeed waayo taasi waxay ka caraysiineysaa Soomaalida ayadoo la ogyahay caradii ay Soomaali badani dareemeen 2006 markii Itoobiyaanku galeen Soomaaliya" - sida hoos ku qorna Kenya waxay ku andacootey in ay casumaad ka heshay DFKMG.

Magaalada Raas Kamboni waxaa ku dhow aagga loo bixiyey BLOCK L5 oo qiyaastii 150 km ugu jirta gudaha dhul-baddeedka Soomaaliya, halkaas oo bishii September 2011 ay Kenya heshiis kula gashay shirkadda Total si ay shidaal halkaas uga sahamiso.

Dhanka kale, Warbixin dheer oo ay qortay xarunta Center for American Progress, ayaa tibaaxday khasaaraha ka dhashay dawlad la'aanta ka jirtey Soomaaliya 20-sano, taas oo galaafatay 1.5 qof, waxaana ku baxay $55 billion oo doolar. Islamarkaasna in 750 askari laga diley ciidamada AMISOM laga soo bilaabo Janaayo 2007.

Waxaa warbixintu xustay dhimashada la soo gudboonaatey intii jeer ee ciidamada shisheeye galeen Soomaaliya. Sida Hawlgalkii UNITAF waxaa ku dhintay 8 askari iyo 24 dhaawac ah, waxaana hawlgalkaasi socdey shan bilood, waxaa dheera toban kale oo kudhintay shil. Hawlgalkii UNISOM I iyo II waxaa ku dhintay 300 ciidamadii Qarammada Midoobey, waxaana dhaawacmay qiyaastii 461 askari. AMISOM waxaa ka dhintay 750 askari laga soo bilaabo January 2007 ilaa Setember 2011. Militariga Ethiopia dhimashadoodu aad ayey uga badnayd taas oo waxay gaareysey 100 askari toddobaadkiiba, waxa sidaas qoraaga ku sheegay khabiir ka warhaya AMISOM (Akhri Warbixinta oo dhan).

Moi: Soomaaliya oo Midaysan waxay soo noolayn doontaa Sheegashadoodii Dhulka - September 2003

Kenya waxay gumeysi ku haysataa dhul Soomaaliyeed oo aad  u baaxad weyn, NFD. Waxay ahayd September 19, 2003 markii Madaxweynahii hore ee Kenya Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University ee Washington DC ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay "dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya in ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi doonto 'riyada is-ballaarinta.'" Moi waxa uu intaas ku daray in qaar "dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka." Waxana uu xusay in markii ay xornimada heshay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay sheegatay qayb ka mid ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, ayna ku xejisay dagaal hubaysan si ay u xaqiijiso fikirkan. Daniel Toroitich arap Moi waxa uu madaxweyne ka ahaa Kenya muddo 24 sano ah intii u dhaxaysay August 22, 1978 - December 30, 2002 (Akhri)

Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Zenawi oo Dhambaal Khaas ah oo ku saabsan Soomaaliya ka helay Madaxweynaha Kenya...

iyo Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG oo TV-ga SomaliChannel telefoonka ku damiyey markii la weydiiyey in u shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo waxa uu kala socdo Ciidamada Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya...

  • SomaliTalk.com | Oct 20, 2011

    "Sida taariikhdu ina barayso, Soomaalidu waa midoobeen marka uu weerar shisheeye bannaanka kaga yimaado" Wargeysta Financial Times

DFKMG oo aan weli Shacabka Soomaaliyeed u caddayn in lagala tashaday ama waxa ay ka ogyihiin Ciidanka Kenya ee ku xadgudbey xornimada Soomaaliya, kuna jira Gudaha Soomaaliya maalintii 5aad...

Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa Arbacadii waxa uu dhambaal khaas ah ka helay Madaxweynaha Kenya, Mwai Kibaki. Waxana dhambaalkaas gacanta ka saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Wetangula," sidaas waxaa sheegtay warbaahinta xukuumadda Itoobiya ee ENA. Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Difaaca Kenya ayagoo toos uga duulay Muqdisho ayay tegeen Addis Ababa.

Waxaa kulankaas Zenawi kaddib durbadii ay Kenya bedeshey qaabkii ay uga hadleysey weerarka ay ku qaaday gudaha Soomaaliya, waxayna hadalkii u bedeshey "Dawladda KMG ayaa nagu casuntey inaan gallo Soomaaliya."

Zenawi markii uu weeraray Soomaaliya, xilligaas oo uu weerar ku ahaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed, waxaa uu Aljazeera u sheegay "Weerar hujuum ah (invasion) kuma qaadin Soomaaliya, ee waxaa na casumey (invitation) dawladda sida sharciga ah loo dhisey ee Soomaaliya, dawladda ay beesha caalamku aqoonsan tahay ee Soomaaliya, si aan uga caawino oo meesha uga saarno argagaxisada, sidaas ayaan samaynay." Sidaas waxa uu yiri bilowgii 2007. (Video hoos ka daawo).

Hadalkaas Zenawi mid u dhigma waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya kaddib markii uu ka soo laabtey Addis Ababa oo soo gaarey Nairobi, Arbacadii Oct 19, 2011, waxanan uu Wetangula yiri "Marka deriskaagu dhiban yahay oo ay ku casumaan (invitation), arrintu markaas ma noqoneyso mid adiga khusaysa, ma noqoneyso weerar hujuum ah (invasion).." (Video hoos ka daawo).

Dhanka Xukuumadda Sheikh Shariif wax jawaab sugan ilaa hadda kama bixin in ay Kenya ku casumtey inay ka soo gudubto Xadka NFD. Balse dhankiisa Madaxweynaha DFKMG waxa uu Arbacadii u safray dalka Turkiga.

Dhanka kale, Wareegto Arbacadii, Oct 19, 2011, ka soo baxday Militariga Kenya ay si bareer ah u qirteen in Militarigooda ay Arbacadii u ahayd maalintii 4aad ee ay ku jiraan gudaha Soomaaliya. Akhri Wareegtada.

Qoraal dheer oo wargeyska Financial Times ka qoray weerarka Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya, ayaa gabagabada qoraalka waxaa jariidaddu qortay in "Sida taariikhdu ina barayso, Soomaalidu waa midoobeen marka uu weerar shisheeye bannaanka kaga yimaado" (Somalis tend to unite when foreigners invade : FT.com)

Toddobaad ka hor intii aan Ciidanka Kenya gelin gudaha Soomaaliya, waxaa Oslo dalka Norway lagu qabtay shir looga hadlay tamarta (Energy Plus Partnership) oo ay ka qayb galeen Kenya iyo Ethiopia. Shirkaas oo la qabtay 10kii iyo 11kii October 2011 waxaa Kenya uga qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Moses Watengula (oo Soomaalidu ku xasuusato in uu Kenya u saxiixay heshiiska Is-fahamka ee Norway ku luglahayd ee uu la saxiixday DFKMG). Dhanka Ethiopia waxaa shirka Oslo uga qayb galay Meles Zenawi. Waxaa kale oo kulankaas ka qayb galay Ra'iisul Wasaaraha Norway Jens Stoltenberg iyo xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey Ban Ki-moon .


Shirkii Tamarta ee lagu qabtay Oslo Norway oo ay ka qayb galeen Kenya iyo Itoobiya (isha Sawirka)

  • Taariikh xusid mudan: Soomaaliya markii ay u halgameysey xornimada dhulka maqan ee NFD waxaa xilligaas 1964 heshiis is gaashaan-buuraysi dhexmaray Kenya iyo Itoobiya, heshiiskaas oo ku saabsnaa iska difaacidda Soomaaliya (oo ay labadoodaba gumaystayaashii siiyeen dhul Soomaaliyeed). Heshiiskaas isgaashaan-buuryasiga waxay Kenya iyo Itoobiya cusboonaysiiyeen 1980. Waxa kale oo ay markale sii cusboonaysiiyeen August 28, 1987. Itoobiiya iyo Kenya waxaa Soomaalida kaga maqan Dad iyo Dal (si aad wax badan uga ogaatid NFD Akhri halkan).

Ayadoo ay jiraan cadaymaha Kenya ka bixisay in ciidankeedu galeen Soomaaliya, ayaa dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga ee DFKMG,  Xuseen Carab Ciise, waxa uu telefoonkii ku damiyey Telefishanka SomaliChannel markii la weydiiyey in uu ka warqabo in ciidamada Kenya ay ku jiraan Soomaaliya.  Xuseen Carab Ciise waxa uu yiri "Arrintaas Kenya ka weydii", telefoonkiina waa ka cararay, kuna damiyey weriyaha oo su'aashii wado. (Video hoose wado).


Halkan ka akhri Wareegtada Militariga kenya ku qiranayaan in ay ku jiraan Soomaaliya

Kenya dhankeeda, si ay shacabkeeda markasta ugu qanciso in ciidankeedu ku jiro Soomaaliya, ayaa Arbacadii waxaa Afhayeenka Ciidamada Kenya, Maj Chirchir, uu sheegay in ciidamadooda ay hadda xarun ka samaysteen magaalada Qooqaani oo qiyaastii 100 km ku jirta gudaha Soomaaliya, waxayna isu diyaarinayaan in ay qabsadaan Afmadow, ayey tiri jariidada reer Kenya ee Standard. Waxana uu Afhayeenku sheegay in ciidankoodu hadda ku sugan yihiin agga Qooqaani, meel 5 kiilimotir u jirta Afmadow. Waxaana dad goob joogayaal ah soo sheegeen in ciidamada Kenya ay dhufeysyo ka qodanayeen meel u dhow Afmadow.

Afhayeenka Militariga Kenya waxaa uu intaas raaciyey "Ciidamada Kenya ee ku wajahnaa Afmadow ayaa waxaa ragaadiyey roob ka da'ay aggaas." "Hubka waaweyn ee Militari ayaa waxaa ku dhegtey dhooqada roobka ee jidka Afmadow," ayuu yiri.

Telefishanka KNT ee Kenya ayaa adeegsadey erayadan "5 kiilomitir uga dhiman tahay inay qabsato magaalada Afmadow." Waxana markaas TV-gu shacabkooda tusay khariidada hoose oo uu ku muujinayey meesha ciidankoodu ka joogaan gudaha Soomaaliya.


Khariidada uu TV-ga KNT ku muujinayey halka ay joogaan ciidanka Kenya

Wargeyska Standard ee ka soo baxda Nairobi ayaa qortay qoraal cinwaankiisu ahaa Kenya "Parliament approves war" (Baarlamaanka Kenya waxa uu ansixiyey Dagaal). Horena golaha Wasiirada ayaa Talaadadii ansixiyey hawlgalka militari ee Kenya ka fulineyso Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxtooyada DFKMG iyo Golaha Wasiirada DFKMG ayasan ilaa hadda beeninayaan in Ciidamada Kenya ay ku jiraan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Baarlamaanka FKMG ayaan ilaa hadda go'aan ka soo saarin xornimada dhulka Soomaaliyeed ee lagu soo xad gudbey ayagoo aan lagala tashan.

Raas kambooni

Maalinta Geesiyaasha

VIDEO: Wasiirka Gaashaandhigga DFKMG oo telefoonka ka caray telefoonkii ma la weydiiyey in ciidan Kenya galeen Soomaaliya
Wasiirka Gaashaandhigga ee DFKMG markii la weydiiyey inuu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo waxa uu kala socdo Ciidanka Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya, waxa uu ku jawaabey "Kenya hala weydiiyo." Isagii masuulka ka ahaa difaacana uusan ka jawaabi karin, balse uu telefoonkii kudamiyey weriyaha TV-ga SomaliChannel oo su'aalaha weydiinayey.

Dooddii Baarlamaanka Kenya oo xildhibaanada ka soo jeeda dhulka Soomaaliya ay ku doodeen in la faquuqayo dadkooda

Video: Wetangula (Kenya) oo 2011 sheegeya in uu casumaad ka haysto xukuumadda Sheikh Shariif

Zenawi (Itoobiya) oo 2007 sheegaya in uu casumaad ka haystey xukuumaddii C/laahi Yuusuf
Xilligaas waxaa la cayrsaneyey Sheikh Shariif

Kenya oo tiri: Soomaaliya ma weerarin ee DFKMG ayaa na casuntey

Baarlamaanka Kenya


 


Weriyaha oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad beenaadka", dhinaca kalena uu ka muuqdo gaari milatari.
Weriyaha: "The truck is actually the other side on the border, that is Somalia" ( video)

"We will defend our territorial integrity through all measures necessary to ensure peace and stability," Kibaki His call to arms came as the military revealed it had captured the town of Ras Kamboni. Prime Minister Raila Odinga said, "The forces have already captured the town of Ras Kamboni, a stronghold of the militia group." Prime Minister Raila Odinga announced Kenya’s success in taking over Ras Kamboni during Mashujaa Day celebrations at the Nyayo National Stadium Thursday. Vice-President Kalonzo Musyoka added that Kenya must jealously guard its territory and leaders were united in backing the operation. "There has been no movement from the three towns we seized because of heavy rains, but once it subsides we are looking at seizing Afmadow," said Kenyan military spokesman Maj Emmanuel Chirchir. Former UN boss Kofi Annan said the cross-border incursion by Kenya into Somalia must not turn into a drawn-out campaign. Kenyan forces capture Shabaab’s Ras Kamboni... SOURCE: Dialy nation & Standard. Oct 20, 2011

Standard "By the time of going to press, attention was turning to the end-game after Kenyan forces advanced on Afmadou and trained sights on the strategic Kismayu port, with concerns emerging over a possible long drawn-out presence of its troops in Somalia, and the implications. Kenya is seeking support from her neighbours for the operation and has strongly denied claims that it is intent on occupying the country.". (standardmedia) Oct 19, 2011

Financial Times:  But with history in mind, many regional experts predict that a full-scale invasion against such a guerrilla force could be counter-productive. Somalis tend to unite when foreigners invade. Read Kenya ready for showdown with Somali rebels

Faafin: SomaliTalk.com | October 20, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: