SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

  • SomaliTalk.com | Oct 23, 2011

Kofi Anan “Ciidamada Kenya Marnaba ku Niyad Jebimaayaan Meydadkii ay soo Bandhigeen Alshabaab” 

 Faarax Macalin “Dagaalka lagula Jiro Alshabaab in uu sii socda waxaa raba Madaxda Sare Dowladda Federaalka si ay uga Macaashaan Dhiigga Askarta” 

 Dr Cabdiweli “Waxba kama ogi in Ciidamo Kenyaan ay soo galeen Dhulka Soomaaliya” 

 Zakeriyey Maxamuud “Dowladda Kenya Rabitaankeedu wuxuu Salka ku hayaa sidii ay Shidaal ugu baaran lahayd Dhulka Soomaaliya Gaar ahaan Xeebaha Jubbooyinka” 

Iyadoo 16-ka Bishaan Oktoobar ay Ciidamada Kenya ay soo galeen Qaybo ka mid Gobolada Jubada hoose iyo Gaddo ee Dhulka Soomaaliya ayaa Faregelintaas Meleteri Waxaa ka Hadley Qaar ka mid Dowladdaha Shisheeye , Ururada Caalamiga, siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah Wadamada Deriska la ah Soomaaliya, qaarkood si aad ah ayay u taageereen faragelintaasi halka kuwo kalana ay si aad ah uga soo horjeesteen.

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Mr Koffi Annan oo hadda ku sugan dalka Kenya qaybna ka qaaday dib u heshiisiinta dhex martay Dadka Kenya kadib markii ay isku qabsadeen doorashadii ka dhacday dalka Kenya sanadkii 2008, wuxuuna sheegay in faragelina ay Dowladda Kenya ku sameysay Soomaaliya ay tahay mid ay nabadgelyadeeda ku sugeyso. “aad baan u soo dhaweyneynaa in ciidamada Kenya galaan Soomaaliya, waayo waxay ka hor tagayaan kooxo nabad diid ah oo qas ka wada Wadamada deriska la ah Soomaaliya”.

Mar wax laga weydiiyey Maydadkii faraha badnaa ee Xarakada Alshabaab soo bandhigeen dhawaan ayuu ku jawaabay Kofi Annan “Dowladda Kenya marnaba ku niyad jabimeyso Mayadadkaasi la soo bandhigay, waxaase ka go’an in ay sugto ammaanka dalkeeda, waxaana ugu baaqayaa Dowladaha deriska la ah Soomaaliya in ay Kenya gacan ku siiyaan faragelinta Milatariga ee Kenya ku sameysay Soomaaliya”.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo isna ka hadlayey faragelinta Ciidamada Kenya ay ku sameeyeen Soomaaliya, wuxuu yiri “Aad ayaan u soo dhaweynayaa waayo Dowlada Kenya waa lagu qasbay in ay gasho Soomaaliya, waxayna dooneysaa in ay sugto ammaanka gudaha dalkeeda”.

Mar wax laga weydiiyey in Shabaab si fudud looga saari karo dalka Soomaaliya, wuxuu yiri “Waxaana aaminsanahay in Dowladda Federaalka ay iyadu hor taagan tahay in Shabaab laga qaado talaabo Milatari, waxay doonayaan in Shabaab uu dalka sii joogo isla markaana dalka laga sii wado qaska iyo dagaalada ka socda Soomaaliya iyo Wadamada deriska ah”, wuxuu sii raaciyey “Madaxda sare ee Dowladda waxay ka Macaashayaan Dhiiga Askarta ka dagaalameysa Soomaaliya, waxay doonayaan in ay helaan lacag fara badan, ma doonayaan in Wadankooda nabad lagu soo dabaalo”.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya ayaa dowladda Kenaya uga digay ina y faragelinta ku sameyso arrimaha Soomaaliya, waxayna intaa ku dareen in Dowladda Kenya ay si sharci daro ah ku soo gashay dalka Soomaaliya, waayo Baarlamaanka Soomaaliya ma uusan ansixin in Kenya ay soo gasho Soomaaliya.

Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalada Jubbooyinka waxay Dowladda Kenya uga digeen in ay hubeyso hal beel oo keliya, iyagoo sheegay in Gobalada Jubboyinka ay degaan 21 Beelood, waxayna soo jeediyeen in dowladda Kenya looga baahnaa in ay la tashi la sameyso Beelaha dega Gobalada Juibbbooyinka.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo ka soo jeeda Gobalka Gedo oo u waramayey qaar ka mid Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Faragelina Kenya laakiin wuxuu sheegay in aysan marnaba ogolaadoonin in Gobalada Jubboyinka ay gacanta u geliyaan Qabaa’il gaar ah, isagoo sheegay in dowladda Kenya laga doonayey in ay mideyso dhamaan ururada ka soo horjeeda Alshabaab oo ay ku dagaalamaan magaca Dowladda Federaalka.

Siyaasiga Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isagoo ku sugan Wadanka IngIriiska oo u waramey Warbaahinta qaar ayaa Daboolka ka qaadey in sababta ka dambaysa Dowladda Kenya inay ku dhawaaqdo Ciidamadeeda Milatariga inay Gudaha u galeen Boqol Kiiloo Mitir oo dhaca Gudaha Dalka Soomaaliya.
Sakariye ayaa sheegay Dowladda Kenya Rabitaankeedu inuu Salka ku hayo sidii ay Shidaal ugu Baaran lahayd Dhulka Soomaaliya Gaar ahaan Xeebaha Jubooyinka,waxaana uu sheegay heshiis ku qotama Badda Soomaaliya in Kenya ay la saxiixatay Dowladda KMG.

Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr Cabdi weli Maxamed Gaas oo wax laga weydiiyey in Ciidamada Kenya ay soo galeen Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada hoose ayaa ku jawaabey “Waxba kama ogi in Ciidamada Kenya ay soo galeen Dhulka Soomaaliya laakiin waxaan ogahay in ay ku sugan yihiin Xuduuda Somaaliya iyo Kenya si ay u sugaan Amaankooda “ hase yeeshee Hadalka Raiisul Wasaaraha ayaa waxaa Beeniyey Madaxda Sare ee Dowladda Kenya oo iyagu ku dhawaaqey in ay Ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya si ay ula Dagaalamaan Xarakada Al Shabaab.

Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiibta Dagaalka Faransiiska duqaysay magaalada Muday....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro-
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | October 23, 2011

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska duqaysay magaalada Muday....

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: