Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka
Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib
"Sheikh Shariif waxa uu Afka-baarkiisa ka
muujinayaa in uu ka soo horjeedo gelitaanka Kenya, laakiin hoos ahaan waxa uu ka
taageersan yahay weerarka Kenya ku qaaday Soomaaliya" Jariidadda The
EastAfrican.
Sawirka: The EastAfrican October 30, 2011
(English Read here)
Ayadoo toddobaadkii saddexaad uu galay hawlgalka Militariga Kenya
ka fulinayaan Koonfurta Soomaaliya, ayaa jariidada ka soo baxdo
Nairobi, The EastAfrican caddadkeedii soo baxay Axad October
30, 2011 waxay qortay warbixin dheer oo ay ka soo xigatey
dublomaasiyiin, saraakiil dawladda iyo hay'adaha sirdoonka, kuna
saabsan in dagaal wajiyo badan leh (dagaal maqaar-saar ah / proxy
war) ka dhalan karo haddii Kenya qabsato magaalada Kismaayo.
Waxaana muranku ka jiraa labada nin Maxamed Cabdi Gandi iyo Axmed Madoobe
oo ay kala
taageersan yihiin Faransiiska, Itoobiya iyo Kenya, iyo qorsha Kenya
ee samaynta aagga ood-celinta ah ee Jubbaland ama Azaaniya- Qoraalka
oo cinwaankiisu ahaa "Why capturing Kismayu could trigger proxy
wars for Kenya" ayaa SomaliTalk.com tarjumtey qoddobo kamid ah.
Jariidadda The EastAfrican ayaa qortay sidan:
Qabsashada Kismaayo oo Sababi Kara Dagaal Wajiyo Badan oo
Maqaar-saar ah
Markii aan waraysanay dublomaasiyiin, saraakiil dawladda iyo ilo
sirdoonka ee gobolka, waxaa soo shaac baxay sawir waadax oo
cadaynaya in dagaalka Kenya ay qorshayneysey shan sano ee la soo
dhaafay, taas oo lagu doonayo in si weyn wax loo bedelo qaabka dalka
Soomaaliya (oo si qaabkii hore ka duwan loo qaabeeyo Soomaaliya).
Qaabkaas oo ah: in marka laga reebo Somaliland iyo Puntland in
Soomaaliya inteeda kale laga sameeyo saddex qaybood ama saddex
aag-dhuleed oo kale oo cusub.
Qaybahaas dhulka ah waxay ood-celis (buffer zone) u noqonayaan Kenya
iyo Ethiopia. Itoobiya waxa ay aagga ood-celinta mar hore ka
samaysay aagga gobollada ka bilaabanaya Galgadud, Hiraan, Bay,
Bakool ilaa iyo Gedo (Eeg khariidadda).
Militariga Kenya waxay ku hamiyayaan in ay sameeyaan aag-dhuleed oo
ood-celis ah oo ka bilaabanaya gobollada Gedo
El Wak, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Kama dambaystana ay gobollaasi noqdaan kuwo qayb ahaan gaarkooda isu
maamula, kuwaas oo ay dhici karto in ay maalin uun ka mid noqdaan
Dawlad midaysan oo Federaalka Soomaaliya.
Tallaabada labaad waa kaddib marka la qabsado Kismaayo in aagga
"la xoreeyey" loo dhiibo AMISOM. Arrintaas sida ay sheegeen
Dublomaasiyeen waxay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey (QM) ku
khasbi kartaa in ay AMISOM ka dhigaan ciidan hawlgal buuxa fuliya oo
ugu yaraan la gaarsiiyo 20,000 askari. Ilaa hadda AMISOM waa 9,500
askari oo ku sugan Muqdisho - waxana ciidankaasi ka yimaadeen laba
dal oo keliya ee Bariga Afrika ah, Burundi iyo Uganda. Waxaana jira
qorshe in ciidankaas lagu daro 3,000 laakiin ilaa hadda ma jiro dal
arrintaas ogolaatay in ay ka qayb qaataan.
Tallaabada saddexaad waxay tahay in AMISOM ay Soomaaliya oo la
nabdeeyey
ku wareejiso Qarammada Midoobey.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya Shemsudin Ahmed, ayaa Khamiistii
la soo dhaafay waxa uu Jariidadda The EastAfrican u sheegay
"Haddii Kenya iyo dalalka kale ee gobolku ay tahay in ay in yar
xasiliyaan Soomaaliya, waxay u baahan yihiin in ay kaalmo dheeraad
ah ka helaan Afrika inteeda kale iyo beesha caalamka."
Waxana uu intaas raaciyey "Markaas ayey macne samaynaysaa in lagu
wareejiyo Qarammada Midoobey." Sidaas waxaa yiri safiirka Itoobiya
(IN LAGU WAREEJIYO QM).
Itoobiya waa taageertay weerarka Kenya, kaas oo la mid ah
qorshaheedii shan sano ka hor. Xilligeedii oo Itoobiya dagaalka ku
gashay ayadoo aan taageero ka haysan beesha caalamka marka laga
reebo Maraykanka, waxay kala soo kulan tahay cashar adag oo ah ka
soo baratay, ayey tiri The EastAfrican.
Gelitaankii Itoobiya
Kaddib markii Itoobiya gashay gudaha Soomaaliya 2006 si ay ula dagaalanto
Midowgii Maxaakiimta Islaamiga ah, oo uu markaas hoggaaminayey madaxweynaha
hadda Sheikh Shariif Axmed, si ay taageero u siiso Dawladda Federaalka KMG oo
markaas ku dhuumanaysey Baydhabo, kaddib waxaa Itoobiya baxday laba sano kaddib
ayadoo canaan badani uga timid beesha caalamka.
Waxaa markaas Itoobiya xoogga saartay samaynta aagga-dhuleed ee ood-celinta
(buffer zone) oo ay iska xejineyso Soomaaliya 'xuduudkeeda'. Markaas AMISOM mar
haddii ay xukuntay Muqdishu, qorshahu waxa uu ahaa in aaggaas ood-celiska ah
laga sameeyo Shabeellada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Galgaduud.
Markaasna Kenya ay aag ay raad ku leedahay ka samayo Jubbada Dhexe, Jubbada
Hoose, dhanka hoose ee Gedo, iyo in ay hesho dekedda furaha ah ee Kismaayo, taas
oo halbawlaha dhaqaalaha u ah Alshabaab.
Maaraynta Guusha
Si kasbataba ha ahaatee, Hawlagalka Militariga Kenya ay ka fulinayaan
Soomaaliya waxa u buuxsamey laba toddobaad, waxaana dublomaasiyiinta, militariga
iyo khubarada sirdoonku ay aad uga walaacsan yihiin waxa dhacaya qabsashada
Kismaayo kaddib, sidee loo maarayn karaa guusha, ayey tiri Jariidaddu.
Maadaama Al Shabaab uu cadaadis ka haysto Muqdisho, isla markaasna
Ciidamada Militariga Kenya ay weerar kaga hayaan Koonfurta, waxaa
khubaro u sheegeen The EastAfrican in awoodda ay Al shabaab u
yeelan karaan in ay ka dagaalamaan furimo badan ay aad ugu adkaan
karto.
"Wax shaki ah kuma jiraan inaaan saarayno Al Shabaab," ayuu yiri mid
ka tirsan AMISOM, "laakiin dhibaatadu waxay tahay sida Kenya u
maaraynaso guusha. Marka la qabsado Kismaayo yaa maamulaya? Arrinta
iska hor imaadka keeni doonta waxay u dhaxaysaa Kenya iyo Ethiopia"
ayuu yiri.
Arrintaasi
waxay salka ku haysaa laba nin, kuwaas oo la sheegay inay hor
kacayaan qorshaha Jubbaland, oo ah dawlad-goboleedka ay Kenya
dooneyso inay asaasto.
Labadaas nin midkood waxa uu hore Soomaaliya uga soo noqday
Wasiirka Difaaca, waana "madaxweynaha"Azaniya, Maxamed Gandi, kaas
oo la sheegay in ay xigsanayaan Faransiiska iyo saraakiisha Ammaanka
ee Sirdoonka Kenya.
Jariidaddu waxay qortay: "Itoobiya waa ka walaacsan tahay Gandi
arrin laxiriir beesha uu ka dhashay, oo waxay maanka ku hayaan
dhulka Koonfurta Itoobiya iyo Gobolka Woqooyi Bari ee Kenya."
Ninka kale The EastAfrican waxay ku sheegtay Sheikh Ahmed
Mohamed Islam oo loo yaqaan Madoobe, kaas oo hoggaamiya dhaqdhaqaaqa
Ras Kamboni oo xiriirka la leh DFKMG.
Madoobe waxaa xigsanaya Militariga Kenya sababtoo ah waxa uu keenay ciidamo,
halka Gandi uu yahay siyaasi leh xiriiro wanaagsan oo ganacsi.
In la maareeyo arrimaha maxalliga ah ee Kismaayu waxay Kenya ka dhigi karaan
kuwo u horseeda in ay gasho dagaal wajiyo badan (dagaal maqaar-saar ah) oo la
xiriira awood-goboleedka oo ay la gasho Ethiopia iyo Eritrea. Waxa kale oo
Soomaalidu u arki karaan in Kenya tahay kuwo dalkooda qabsaday.
Waxaa jariidaddu walaac ka muujisay qabsashada Kismaayo. Waxayna markaas
raacisay in Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya uu sheegay in muran badan uusan ka
jirin cidda xakumaysa Jubbaland, taas oo uu ku andacoodey in uu xiriir wanaagsan
kala dhexeeyo Gandi iyo Madoobe. Laakiin, waxaa halkaas The EastAfrican
ay raacsisay sida walaac u jiro ayadoo adeegsatey maahmaah oranaysa "qorsha ay
dejiyeen Jiirka iyo Ragu badanaa faraha ayuu ka baxaa."
Dhawr
maalmood markii Kenya gashay Soomaaliya, waxaa Kenya arrin kusoo bood ah oo
layaab ah ku noqotay markii uu soogelitaankaas ka soo horjeestey Sheik Shariif,
waxaana Kenya ay DFKMG ka dalbatay sharraxaad ku saabsan arrintaas.
Waxaana jariidadda ay intaas raacisay in la isla dhex marayey in Sheikh
Shariif uu isu muujinayey mid Muwaadin Soomaaliyeed ah, halka uu hoos ahaan ka
taageerayey ficilka Kenya, waxana uu doonayey in uu xoojisto sumacadda qaranimo
isagoo si muuqata uga hor imanayey soo gelitaanka Kenya, laakiin hoos ahaan u
taabacsan.
Waxaana intaas Jariidadu raacisey in Sheikh Shariif uu ka walaacsan yahay in
la sameeyo Jubaland ama Azania oo u dhaqmi doona sida Puntland ama Somaliland,
arrintaas oo sababi karta kala qaybinta dalka Soomaaliya.
Gacanta Itoobiya
Itoobiya waxay ka walaacsan tahay cidda xakumi doonta dekedda dhaqaalaha
badani ka soo baxo ee Kismaayo, taas ay ka cabsi qabto in dhaqaalahasi uu gaaro
ONLF Xornima Doonka Ogaden, kuwaas oo doonaya inay ka go'aan Ethiopia kuna
biiraan riyada Greater Somalia, ayey qortay jariidaddu, oo sheegtay in arrintaas
uu beeniyey Safiirka Itoobiya u fadhiye Kenya, isagoo intaas raaciyey in uu "si
joogto ah ula hadlo Gandi."
Waxa kale oo Jariidadu sheegtay in dublomaasiyeen ku dhaw Sheikh Shariif ay
sheegeen in Shariif-ku uusan aad uga welwelsanayn Jubbaland ama Azaaniya, balse arrintu tahay
aragtidiisa ku aadan Al Shabaab iyo muddadii halka sano ahayd ee loo kordhiyey
DFKMG, taas ayaa saamayn ku leh oo uu arrinta Kenya ee uu ka hadlay.
Shirkii Kampala ayaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni waxa uu maareeyey in
kooxo Soomaali ah ay aqbaleen in DFKMG loo kordhiyo hal sano oo ka bilaabanaysey
August (2011).
Waxaana dublomaasiyiintu sheegeen in Shariif "uu ku faraxsanaa in Shabaab
laga cayriyo Muqdishu. Laakiin uusan diyaar u ahayn in laga guulaysto." Sababtoo
ah, ayey yiraahdeen, qorshahiisa ayaa ahaa in uu Shabaab u adeegsado in uu sii
haysto xukunka marka uu dhammaado halka sano ee loo kordhiyey.
Qorshaha oo ahaa, ayey yiraahdeen, in uu markaas Al Shabaab ugu baaqo xabbad
joohin, kaddib ay wada hadal la galaan Shariif-ka, taas oo markaas ay tahay in
la sameeyo dawlad kumeel gaar ah oo uu isagu madax ka yahay - sidaasna uu
markale ku helo xilka ayadoo aan wax doorasho ah la gelin. Waxaana jariidadu
intaas raacisay arrinta ay isku raaceen saraakiisha Ethiopian, Kenyan, Ugandan,
Burundian iyo
Amisom ee la hadlay The EastAfrican waxay ahayd in haddii
heshiis dhexmaro Shariif ama TFG iyo Shabaab, markaas isaga waa u dhammaatay.
Waxayna u badan tahay in markaas xilka looga tuuro hal ilbiriqsi gudahood.
Xiriirka Turkiga
Dhanka kale, Shariif iyo xubno kale oo Soomaali ah waxay ka sii fogaanayaan
saaxiibadii caadiga ahaa ayagoo la xiranaya Bariga Dhexe, dhankaas iyo Turkiga.
Waxaana dublomaasiyiin sheegeen sababta ay xilligan Soomaaliya ugu muuqato in
nabad la gaari karo waa Turkiga. Turkigu waana dal soo kobacaya marka la eego
awooda cusub ee Muslimiinta ee caalamka. Waxaana arrinta ku lug lahaanta Turkiga
ee Soomaaliya ay sababeysaa in ay kor u soo kacaan kuwo loo yaqaan Secular
(aan isku xukunka diin shaqo ku lahayn) iyo kuwa aan xag-jirka ahayn.
Arrinta kale oo jirta waxay tahay inkasta oo ay Soomaaliya duqaynayaan
diyaaradaha aan calaamadda/summadda wadan ee Maraykanka, xilligani waa waqti uu dalka
faransiisku aad ugu lug leeyahay hawlgalka Kenya.
Aan ku
bilowno Gandi, waxaa loo arkaa in uu yahay nin ku jira Jeebka Faransiiska
"France's man". Waxa uu ka mid yahay dadka tiro yar oo si buuxda ugu hadla
Faransiiska islamarkaasna xaaskiisu ay tahay Faransiis (Frenchwoman). Waxana uu
10-kii sano ee la soo dhaafay ee uu deganaa Nairobi kharashkiisa badankiisa
bixinayey Lacagta faransiiska (French money), sidaas waxaa loo sheegay
jariidadda The EastAfrican.
Faransiisku Afrika waxa uu ka fuliyey arrimo muran ku jiro sida weerarkii
Militariga Faransiisku ay gacanta ku siiyeen kooxda mucaaradka ee Ivory Coast
bishii April ee sannadkan 2011 si xukunka looga tuuro
Laurent Gbagbo loona saaray madaxweynaha hadda Alassane Ouattara.
Waxaana jariidadu intaas raacisay in Faransiisku uu doonayo in uu gacan ku
yeesho Soomaaliya, mar haddii Maraykanku uusan doonayn in uu toos ugu lug yeesho
marka laga reebo dagaalka cid-kale kuu fuliso iyo diyaaradaha aan cidina wadin
taas oo ka dambeysey weerarkii 1992 ee waji gabaxu ka raacay.
Arrintaas in Faransiisku ku lug yeesho Soomaaliya waxay muhiimad u leedahay
Kenya, ayey tiri jariidadu, waayo waxay Kenya heleysaa cid la qaybsata kharashka
ku baxaya arrinta u muuqata mid daba dheeraan doonta oo qiime badani ku kici
doonta, ayey qormadeedii ku gabagabaysay The EastAfrican.
***
Duullaanka Kenya waa mid salka ku haya in ay Shidaal ka Baarato Xeebaha
Soomaaliya...
Shabakada
BBC English ayaa qortay warbixin ay kaga hadashay Azaniya, waxayna xustay in
aaggaasi yahay dhul qani ku ah Shidaal (oil). Waxaana warbixintu raacisay in
Maxamed Cabdi Gandhi, wasiirkii hore ee difaaca DFKMG, waxa uu lataliye ahaan
hore ugu soo shaqeeyey
shirkadda Shidaalka baarta ee Total ee laga leeyahay dalka Faransiiska. Arimahaas ayaa
waxay dadka qaarkii sheegeen in dalalka Faransiiska iyo Norway ay lacag ku
bixiyeen mashruuca Azania, ayey tiri warbixintu.
Markii Gandhi la weydiiyey arrintaasna waxa uu yiri "Taasi waa war la isla dhex
marayo oo aan run ahayn", waxana uu intas raaciyey "Inta aan ogahay ma
jiraan koox ama shirkad noo timid. Marka ay nabadi dhacdo waxaan albaabada u
fureynaa shirkada caalamiga ah ee shidaalka baara. ma jiraan wax miiska
hoostiisa ah.
Bishii September ayey ahayd markii Shirkadda Fransiiska ee Total ay heshiiska la
gashay Kenya si shidaal looga sahamiyo aagga loo yaqaan
BLOCK L5 oo
150km gudaha u gashan dhul badeedka Soomaaliya, arrintaas oo aan ilaa hadda
Sheikh Shariif wax jawaab ah ka bixin.
Waxa kale oo uu intaas raaciyey in madaxwenaha DFKMG Sheikh Shariif uusan
isbedel doonayn, balse waxa uu rabaa ay tahay Alshabaab.
Waraysi kale oo uu siiyey Idaacadaa British Broadcasting Corporation (BBC),
qaybta Afka Soomaaliga
halkan ka
dheegyso
Dhanka kale jariidadda The Star qoraal ay cinwaan uga dhigtay (Why
Somali President Wants Kenya Army Out) ayaa lagu xusay waraaqo ay is
weydaarsadeen Sheikh Shariif iyo madaxda Kenya, kuna saabsan ciidamada Kenya
tabaraysey iyo ujeedadooda.
Sidoo kale qoraaga caanka ka ah Kenya ayaa qoraal uu cinwaan uga dhigay (The
Quixotic Invasion of Somalia Will Devastate Kenya) waxa uu kaga faallooday
sida uu u saadaalinayo in weerarka ay Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya uu
sababi karo in Soomaaliya ay la soo laabatoo gobolka NFD oo gumaysigii gacanta u
geliyey Kenya.
Qoraallo badan ayaa muujinaya in ujeedada Kenya ay u gashay Soomaaliya ay la
xiriirto batrool ama shidaal laga baarayo aagga Lamu oo la doonayo in qayb
Soomaaliya ah halkaas lagu darsado.
(Somalia: Oil And Interests – Shadowy Areas Lurking Behind Kenya Offensive)
- Norway oil interests push Kenya into Somalia proxy war.
Waxaana Kenya sheegtay in duulaanka ay ku qaaday Soomaaliya in uusan lahayn
waqti go'an oo aya ka soo baxayso. (Kenya's Operation Linda Nchi not time
bound).
Dhanka kale waxaa dib loo dhigay warbixin uu soo bandhigi lahaa Kaaliyaha
Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasada, B. Lynn
Pascoe, warbixintaas oo markii hore qorshuhu ahaa in la soo bandhigo 27-kii
October ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa 31-da October, 2011. Waxaana
warbixintaas ka mid ah in Madaxda Soomaaliyeed loogu baaqi lahaa in ay ku
dhawaaqaan aagga dhaqaalaha ee Badda Soomaaliyeed cabbirkeeda.... "The report
also calls on Somali authorities to declare an exclusive economic zone off
the Somali coast and take other steps to enhance maritime security, such as
acceding to relevant international conventions." Akhri (Somalia
Briefing and Consultations Postponed.)
Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli
ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2011
|