SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Sheikh Shariif oo u Dhoofay Nairobi

Nov 16, 2011: Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, arrintaas oo ku xiriirsan hadalkii uu agaasimaha wasaarada Arrimaha dibadda Kenya sheegay in uu Sheikh Shariif degdeg u iman doono Nairobi,cadayna doono mowqifkiisa uu ku taageersan yahay hawlgalka Kenya. Sheikh Sharif ayaa hore u sheegay in uu ka soo horjeedo hawlgalka Kenya ay ku gashay gudaha Soomaaliya. Warbixintaas hore hoos ka akhri.

Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

"Sheikh Shariif si degdeg ah ayuu u imanayaa Nairobi, markaas ayuu cadaynayaa in uu taageersan yahay hawlgalka Kenya ka wado gudaha Soomaaliya." sidaas waxaa yiri Agaasime ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo Sabtidii (Nov 12) la hadlay Saxaafadda

  • SomaliTalk.com | Nairobi, Nov 13, 2011

Kenya oo degdeg ugu yeertay Sheikh Shariif

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa tibaaxaya in madaxweynaha DFKMG uu dhowaan tegi doono magaalada Nairobi, arrintaas oo ay Kenya ka dalbatay si Sheikh Shariif uu aqbalo faragelinta ay Kenya militarigeedu ku galeen dhulka Soomaaliyeed.

Lindsay Kiptiness oo Agaasime ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Sabtidii Nov 12 yiri sidan: "Hadalkii Madaxweyne Shariif ee ahaa in ciidanka Kenya aan lagu soo dhaweyneyn Soomaaliya waxa uu ahaa hadal nasiib darro ah, waayo hadalkaasi waxa uu yiri laba maalmood kaddib markii aan wada gaarney heshiis laba dhinac ah si aan uga wada shaqayno xagga siyaasadda iyo xagga ammaanka, laakiin sidaad xusuusataan waxaa Nairobi loo soo diray ra'iisul wasaaraha kaddib markii aan TFG weydiisaney caddayn, waadna ogeydeen in labada ra'iisul wasaare ay saxaafadda la hadleen, laakiin hadalka (Shariif) waxa uu ahaa nasiib darro. DFKMG waa taageersan tahay hawlgalka Kenya si ay ula dagaalanto Al Shabaab. Madaxweyne Shariif waxa uu imanaya Nairobi si dhaqso ah, marka uu yimaado waxa uu caddayn doonaa in uu taageersan yahay hawlgalka (Kenya) ka waddo gudaha Soomaaliya." Hoos ka dhegeyso Video.

Dhanka kale waxaa Kenya ay taageero ka raadineysaa wadamada Carabta si ay u fuliso hawlgalka ay ka waddo Soomaaliya, waxaana agaasimaha ka tirsan wasaaradda Arimaha dibadda Kenya uu magacaabay wadamada Muslimka ee uu taageerada ka raadinayo in ay ka mid yihiin Turkiga iyo Iiraan.

Prof. Gaani oo aad u canaantay Sheikh Shariif DHEGEYSO

Waraysiga Waxaa qaaday TV-ga Somalichannel

Sheikh Shariif hadalkii ugu dambeeyey oo uu kaga soo horjeestey ciidamada Kenya (Oct 25, 2011) waxaa ka dambeeyey in ra'iisul wasaaraha DFKMG uu degdeg u tegey Kenya, islamarkaasna heshiis la soo saxiixday ra'iisul Wasaaraha Kenya. (Halkan ka Dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif).

Hadalkii Agaasimaha Qaybta Bariga afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya hoos ka daawo

(Kenya Asks Arab World for Support in Somalia)


Amb Diinaari oo caddeeyay in Ujeedada Ciidamada kenya soo galeen ay tahay iney qabsadaan Dekadda Magaaladda Kismaayo

  • SomaliTalk.com | Oct 13, 2011

Siyaasiga Abdiraxman Nuur Maxamed ‘Diinaari’ ayaa caddeeyay in soo gelitaanka Ciidamada Kenya ee dalka Soomaaliya ujeedadiisu ay tahay in kenya ay qabsato Dekadda Magaalada Kismaayo,taasoo uu sheegay Diinaari iney dooneyso iney u isticmaasho dano dhaqaale oo iyadi gaar u ah.

Abdiraxman Diinaari oo ahaa Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Dalka Suuriya ayaa intaa raaciyay in Qorshahan soo gelitaanka Soomaaliya uu soo bilowday sanadkii 2010kii ayna gacan ka geysteen Dalal reer galbeed ah oo ay ka mid yihiin Mareykan iyo faransiiska oo iyagu talo weyn ku lahaa arrintani.

Ambassador-ka wuxuu intaa raaciyay in Afhayeenka Dowladda kenya Alfred Mutua uu caddeeyay in Ujeedada ay keenya u galeen ay tahay iney qabsadaan dedkadda kismayo balse aanay aheyn iney caawiyaan Dowladda KMG sidii ay dowladda mareykanka iyo Itoobiya ay u taageerayeen DKMG ee barigaa jirtay.

Siyaasiga Abdiraxmaan diinaari wuxuu kaloo intaa ku daray in wali ay socoto daraasad la xiriirta qorsha qabsashada Dalka soomaaliya,taasoo buu yiri ay qeyb ka yihiin dalal fara badan oo ay ugu horreyso Faransiska. Qorshaha dib loogu dhisaayo Dakada,Wadda tareenka iyo Laamiga isku xiraaya dalalka Keenya,Itoobiya iyo koonfurta Soomaaliya waa mid lagu doonayo in Magaalada Laamu ay xudun u noqoto ka dhoofinta Shidaal laga soo saaro Xeebaha Soomaaliya oo ay Kenya daneyneysay tan iyo 2009kii ayuu yiri danjire Diinaari.

Ambassador Diinaari mar uu ka hadlaayay sida ay dowladda kenya u daneyneyso dhisida maamul maqaar saar u ah oo laga dhiso Jubba land marka keenya ay qabto Kismaayo waxa uu sheegay Safiirka in qorshaha uu yahay in marka la qabto kismaayo in dowladda looga magacdaray Azaanya oo uu madax ka yahay Prof gaandhi laga dhawaaqo Kismaayo kjadibna ay keenya iyo faransiiska uu u fuliyo wixii ay doonaan, gaar ahaan qodista shidaalka ku jira xeebta Soomaaliya ee degaanka gaar ahaan agagaarka Laamu.

Siyaasiga Diinaari wuxuu waxa laga xukumaada ku tilmaamay sida madaxweyne Shariif uu ugu guuldareystay inuu wax ka qabto arrintan abuuritanka Azaaniya oo socotay muddo laba sano ah,waliba haatan ay ku qasabtay Dowladda Turkiya inuu ka hadlo oo uu diido,maadaama aanay kala tashan lagana wargelin soo gelitaanka Dalka Kenya ee Soomaaliya.

Diinaari wuxuu sidoo kale arrin naxdin leh ku tilmaamay in safiirkii Soomaaliya ee Kenya oo ay shaqadiisu inuu ogaaado howshaasi qatarta ku ah dalka uu wakiilka u yahay

Soomaaliya uu haatan difaacaya in Kenya ay xaq u leedahay iney soo gasho Soomaaliya sidii uu yahay safiir wakii ka ah Dowladda Kenya.

HALKAN KADHEGEYSO CODKII DIINAARI

Ugu dambeyntii Ambassador Abdiraxman diinaari wuxuu Shacabka Soomaaliyeed Gudaha iyo Dibadda ugu baaqay inay ka soo horjeestaan talabadaasi gardarada ah ee ay Keenya ku dooneyso inay ku qabsato dalka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday iney dibadbaxyo lagu diidan yahay arrintaasi laga qabto dalka Gudihiisa iyo dibadiisa

sidoo kalana wuxuu ugu yeeray Madaxweynaha , Xukuumadda, iyo baarlamaanka iney Dadaal diblomaasiyeed qaadaan islamarkaana wufuud loo kala diro dunida si ay taageero ugu raadiyaan in beesha caalamka ay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba ay xaq u leeyihiin iney difaacaan dalkooda iyo dadkooda.

Amb Diinaari oo hadalkiisi sii wata waxaa uu yiri Ciidamada Kenya markey qabtaan Kismaayo waxaa lagu talagalay in Dowladda Gobaleedka Jubba Land looga dhawaaqo,iyadoo qorshuhu uu yyahay

in loo magacboo Madaxweyne Prof Maxamed cabdi Gaandhi oo hore Wasiirkii Gaashaandhiga ee dowladii Sharmarke,tasoo fulin doonta danaha ay Kenya iyo faransiiska ka leeyihiin Gobalada Jubbooyinka.

Hadda waxaa socdo daraasad ay maalgalineyso Dowladda shiinaha oo la doonayo in lagu maalgaliyo soo saaritaan Shidaal lagu soo saaro Xadka Soomaaliya kadib Dekada lagu dhoofiyo Shidaalka iyo wax soo saarka kale dekadda Laamu ku taal, ayuu yiri Ambassador Diinaari,wuxuu intaa ku daray in uu socdo dhismo Laamu looga dhisaayo Wadda tareen iyo Laami isku xira Dalalka kenya iyo Itoobiya iyo kenya iyo Suudaan si laamu ay u noqoto xarunta ganacsi oo laga dhoofiyo shidaalka kasoo baaxa Soiomaaliya iyo Suudaan

Safiirka wuxuu kaloo sheegay in mashruucan qodista Shidaalka ay si wey u daneynayaa dalal dhowr ah oo faransiisku ka mid yahay oo isagu doonaypo inuu Isticmaalo Prof Gandhi oo sanooyinkii ugu danbeeyay ay qarashkiisu bixineysay Shirkad faransiis ah.

Ambassador wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweynaha dowladda KMG ah Shaeekh Shariif uu ku guul´dareystay inuu wax ka qabto abuuritaanka Azaanya oo socday muddo laba sana ah,iyadoo uu caddeeyay dhawaaqan diidmada ah ee ka soo yeeray madaxweynaha in uu ka dambeeyay kadib markii Dowladda turkiga ay weydiisay in lagala tashaday soo gelitaanka Ciidamada kenya oo sheegay in aan lagala tashan,taasi oo ay Dowladda turkiga ku canaanatay inuu ka aamuso, iyadoo ku dhiirigelisay inuu si cad u diido arrintasi.

Siyaasiga Abdiraxman Diinaari wuxuu kaloo si weyn u canaantay safiirka Soomaaliya oo uu sheegay in uu gabay xilkiisi oo ahaa inuu horay usii ogaado qorshahan kenya ay ku soo galeyso Soomaaliya oo socday tan iyo 2010kii ay nasiibsadro tahay inuu Safiirka Soomaaliya u fadhiyo uu yiraahdo Kenya xaq bey u leedahahay iney soo gasho Dalka Soomaaliya,tasoo ah mid ceeb ku ah in Safiirku garan waayo cida uu safiir u yahay mar haduu difaacayo Siyaasad keenya ay wadato

Ugu Dambeyntii Ambassador Abdiraxman Nuur Maxamed Diinaari wuxuu ugu Baaqay dadkja Soomaaliya Gudaha iyo Dibaddaba iney diidaan falkaasi gardarada ah ee ay Kenya kyu dooneyso iney ku qabsato Dalka Soomaaliya wuxuuna ugu yeeray Dadka ay ku jirto dareenka Wadaniyadeed iney u istaagan difaaca dalkooda,islamarkaana ay gudaha iyo dibadaba ka abaabulaan Dibadbaxyo looga siooi horjeedo isagoo Dowladda kmg gaar ahaan madaxweynaha,Xukuumadda,iyo Golaha baarlamaanka iney Dadaal Diplomaasiyadeed ay ku dhaqaaqaan iyakoo adeegsanaya Dadka Soomaaliyeed ee ehelka u ah Siyaasadda,Daacadana u ah Dalka iyo dadka.

Muuse Maxamuud Jiisow
00252-061-5576666
00252-0699-907666

Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2011

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: