SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 31, 2011: Waxaa magaalada Nairobi heshiis ku saabsan ciidanka militariga Kenya ee galay gudaha dalka Soomaaliya uu dhex maray ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo ra'iisul wasaaraha Kenya.

Heshiiskaas dhexmaray Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Railla Odinga oo ka kooban 11 qodob hoos ka akhri:

Qodobada Heshiiska Nairobi ee October 31, 2011 Hoos ka akhri...

Ra'iisul Wasaaraaha DFKMG oo Sheegay in uusan ka war qabin in dad shacab ah ku dhinteen duqayntii Jilib. (Daawo video hoose)


Warbixinta Telefishanka Kenya Oct 31, 2011


Waraaqda heshiisku u qoran yahay oo ay tusayaan saxaafadda Nairobi, Oct 31, 2011



C/weli iyo Odinga, Oct 31, 2011, (Sawirka: Standard)

1. Howlgallada ciidamada Kenya ee Gudaha Soomaaliya waxa uu u jeedkiisu yahay ka hortagga hanjabaadaha kooxda Al-shabaab, ee ah in ay qal qalgelineyso amniga iyo dhaqaalaha dalkaasi, iyadoo dowladda Kenya ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee xeerka Qaramada Midoobay.

2. Al-shabaab waa codowga, labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna Qatar ku tahay gobolka iyo caalamka intiise kale, waana in si isku mid ah labada dowladood ay uga hortaggaan dhibaatada kooxdaasi, iyagoo la kaashanaya beesha caalamka.

3. Howlgalkaan waxaa hogaaminayo ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada Kenya, si ay bartilmaameedsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayan Al-shabaab.

4. Dowladda Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa howlgallada ciidamada Kenya ee ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo si daris wanaag ah iyo ka mid ahaanshiyaha Midowga Afrika uga qayb qaadanaya howgalkaasi.

5. Labada dowladood waxa ay isweydaarsan doonaan warbixinada ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-shaabab, iyadoo la dhisi doono guddi wada jir ah kuwaasi oo si gaar ah uwada shaqeyn doono, islamarkaana kulamo gaar gaar ah ku wada qaadan doono magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

6. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya waxa ay sameyn donaan dib-lomaasiyiin labada dhinac ah kuwaasi oo u ololeynaya taageerada howlgalada bilowga ah, islamarkaana xubno ka tirsan kooxdaasi dib-lomaasiyiinta ah waxa ay kulan 1-da bisha November ku yeelan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, waxa ayna safaro ku kala bixin doonaan caasimadaha labada dal.

7. Ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ayaa la geyn doonaa goobaha laga sifeeyo maleeshiyada Al-shaabab ee koonfurta Soomaaliya, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo nabadgelyada deegaannadaasi, ayna u caawiyaan maamulada ay dowladda Soomaaliya ka hirgelin doonto Gobolladaasi.

8. Beesha caalamku waxa ay kaalmo beni’aadanimo oo deg deg ah gaarsiin doontaa goobihii dhawaan laga saaray Al-shabaab, iyadoo sidoo kale deegannadaasi ka hirgelin doonto xarumo caafimaad iyo goobo waxbarasho.

9. Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC waxa ay dowladda Soomaaliya ka caawin doontaa baaritaannada shaqsiyaadka dambiyada dagaal geystay ee Al-shabaab ka tirsan, sidii maxkamad loo soo taagi lahaa.

10. Beesha caalamku waxa ay keeneysaa taageero dhinaca farsamada iyo maaliyadda ee ku aadan xanibaadda isticmaalka dekadda Kismaayo, ilaa iyo inta Al-shabaab laga saarayo dekadda Kismaayo.

11. Dowladda Kenya marnaba wada xaajood la gelimeyso Al-shabaab, balse dowladda KMG ee Soomaaliya waxa ay u madax banaan tahay in ay wada hadalo la yeelato Al-shabaab, iyadoo laga tixraacayo heshiisyadii Jabuuti iyo kii Kampala oo ay taageereen Urur gobolleedka IGAD iyo Midowga Afrika.

Halkaas waxaa ku eg qodobada heshiiska.

###

Qodobada kuma qeexna xilliga ay baxayaan ciidanka kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya, waqti xadidanna looma qaban.

Heshiiskaas ka dib weli wax war ah kama soo bixin maadaxweynaha DFKMG oo hore u diidey soo gelitaanka Ciidanka Kenya ay ku galeen gudaha Soomaaliya.

Waxaa jira warbixin dheer oo ay qortay jariidad ka soo baxda Kenya oo sheegtay erayo xambaarsan sidan: "Sheikh Shariif waxa uu Afka-baarkiisa ka muujinayaa in uu ka soo horjeedo gelitaanka Kenya, laakiin hoos ahaan waxa uu ka taageersan yahay weerarka Kenya ku qaaday Soomaaliya" waa Jariidadda The EastAfrican. (AKHRI).

Dhanka kale baarlamaanka DFKMG ayaan war ka soo saarin ciidamada shisheeye ee soo galay gudaha Soomaaliya.

Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib


Shir jaraa'id Nairobi, Oct 31, 2011

ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 31, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: