Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula
qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG
- SomaliTalk.com | Oct 18, 2011
Wasiirka Gaashaandhiga
Kenya oo Markii uu soo Gaarey Muqdisho Beeniyey in Ciidamada Kenya ay galeen
Soomaaliya
Xildhibaan Daahir Ciiro:
”Kenya waxay ka mid tahay Dowladaha Isbaarada u dhigtey Dowladnimadii
Soomaaliya, Duulaankaan ay soo qaadey waa mid ay ku dooneyso in Dhul Badeedka
Soomaaliya Shidaalka kala Baxdo”
Waxaa Magaalada Muqdisho Maanta (Oct 18, 2011) soo gaarey Wafdi ka socda
Dowladda Kenya oo uu Hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka Kenya
Moses Watagulla , waxaa ku wehliya Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed
Yuusuf Xaaji , waxay Booqashadooda ku soo beegantey Xilli Ciidamada Kenya Muddo
Saddex Maalmood laga jooga ay Soo galeen Gudaha Wadanka Soomaaliya.
Wafdigaan ka socda Dowladda Kenya waxay Kulmo la qaateen Madaxda ugu sareeysa
Dowlladda Federaalka KMG waxaana la is kula soo qaadey Soo gelitaanka Ciidamada
Kenya ee Dhulka Soomaaliya iyadoo warar aan heleyno ay sheegayaan in Dowladda
Kenya ay Dooneyso in Dowladda Federaalka iyo Dowladda Kenya ay iskaashi ka
yeesheen sidii looga hortagi lahaa Xarakada Alshabaab oo Dowladda Kenya ku
eedeysey in ay ka dambeeyaan Afduubyo ka dhacay Dalka Kenya hase yeeshee
Xarakada Alshabaab arrinkaa way beeniyeen.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Gaashaandhiga
Kenya oo si wada jir ah Muqdisho Shir Jaraaid ugu wada qabteen ayaa waxaa
wasiirka Gaashaandhig Kenya Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa si kulul u beeniyey in
Ciidamada Kenya ay soo galeen Gudaha wadanka Soomaaliya. Warkaa ayaa u muuqda
mid ay ka dambeysey Dowlada Federaalka oo ah Dowladda Kenya laga dhaadhiciyey in
ay ku dhaqanto Qaacidadii Ciidamada Itoobiya ku soo galeen Soomaaliya oo ahaa in
Dowladii Xiligaa jirtay ay Muddo Beenineysey Soo Gelitaanka Ciidamada Itoobiya.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yaiisow ayaa si indho la’aan u
inkirey in Ciidamada Kenya ay soo galeen Dhulka Soomaaliya, hase yeeshee
Wasiirka Gaashandhiga ayaa hore si cad u sheegey in Ciidamada Kenya ay gudaha u
galeen ilaa Boqol Kiilo Mitir waxay shacabka Somaaliyeed ay si aad ah ula
yaabeen Hadalka Difiraada ah ee ka soo yeerey Afyaheenka Dowladda taasi waxay ku
tilmaameey heerka Daciifnimo ay Joogaan Xubnaha Dowladda FKMG, sidoo kale waxay
la yaabeen warkii ka soo yeerey Wasiirka Gaashaandhiga Kenya oo sheegey in aysan
Raali Gelin ka bixin doonin soo gelitaanka Dhulka soomaaliya ka dib markii uu
diidey in Ciidamada Kenya ay si sharcidaro ah u galeen Dhulka Soomaaliya.

Faragelinta Dowlada Kenya ku sameysey ayaa waxaa Dadka qaar ay qabaan in
Dowladda Kenya ay si Sharcidarro ugu soo Xadgudubtey Dhulka Soomaaliya waxayna
Codsadeen in ay Deg Deg uga baxaan Dhulka Soomaaliya maadaama Kenya Muddoyin
Sanado ah ay iska Ilaalineysey in ay Feregelin ku sameyaso Soomaaliya.
Xildhibaan Muuse Nuur
Amiin wax badan wax ka
yaqaan Sharciyada Caalamka ayaa sheegey in Dowladda Kenya ay ku soo Xadgudubtey
Dhulka Soomaaliya maadaama Baarlamaanka Soomaaliya aysan Ogolaansho ka helin
wuxuu sii raaciyey ”Ciidamada Amisom si shaci ah ayey ku joogaan Soomaaliya
waayo waxaa ogolaadey Baarlamaanka Soomaaliya , marka Ciidamada Kenya waxay
soomaaliya ku soo galeen Sharcidaaro.”
Xildhibaan Daahir
Cabduqaadir Ciiro oo ka mid
ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa ugu baaqey Shacabka Soomaaliyeed
in ay la dagaalamaan Ciidamada Kenya oo si shacidaro ah ku soo galey Dalka
Soomaalia , wuxuu intaa ku darey “ Kenya waxaa xaqiiqo ah in ay Isbaaro u
dhigteen Dowladnimadii Soomaaliya mana doonayaan in soomaaliya hesho Dowlad adag
marka soo gelitaankaan ma aha mid iska yimid waa qorshe Muddo laga fekerayey
waxay dooneysaa in la baxdo Shidaalka ku jira dhul Badeedka ku aadan Xuduudka
Soomaaliya iyo Kenya.
Xildhibaan Daahir Ciiro wuxuu sheegey in Kenya aysan ka warqabin Dowladii Dhulka
Soomaaliya ku soo Xadgudbey ee Casharada loo dhigey wuxuu intaas sii raaciyey
“Haddii ay Kenya u maleysey in soomaaliya lahayn Ciidamo waxaa ciidan u ah
Shacabka Soomaaliyeed oo dhamaantood ah dad Jabhado ah marka waxaan u soo
jeedinayaa Dowladda Kenya in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo
Ciidamadeeda dhulka Soomaaliya.

Dhanka kale afhayeenka ciidamada Kenya ee ka hawl gelaya Soomaaliya, Major
Emmanuel Chirchir, ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku sii jeedaan magaalada
Afmadow oo 160 km gudaha ugu jirta Soomaaliya.
Hadaba Imaanshaha wafdiga Kenya waxaa uu ku turjumayaa sidii ay ugu qiil dayi
lahayd in Ciidamada Kenya ay Xilgaan Faragelin ku sameeyaan Dhulka Soomaaliya
maadaama Soomaaliya lagu Tijaabiyey Dowlado fara badan kuwaa oo wax ka keeni
waayey, sidaa darteed Waxay shacabka Soomaaliyeed ay is leeyihiin Kenya waxay
waayaragnimo ku qaadan lahayd Faragelimadii lagu sameeyey Soomaaliya oo lagala
kulmey Khasaaroyin fara badan iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in
Dowladda Mareykana ka dambeyso in Kenya Faragelin ku sameyso soomaaliya maadaama
uu hore ugu fashilmey Shirqoolo loodhigey Dadka Soomaaliyaa sidoo kale Dowladda
Kenya waxay fahmiweysey dhagarta Reer Galbeedka oo ah in markasta iska
horkeenaan Dadka Afrikaanka ah iyagana Banaanka ka joogaan .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | October 18, 2011
|