SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video iyo DFKMG oo weli ankirsan...

Halka DFKMG ay Maalintii 4aad Beenineysa in Ciimada Kenya ay Galeen Gudaha Soomaaliya

  • SomaliTalk.com | Oct 19, 2011

Dawladda Kenya ayaa Talaadadii (Oct 18, 2011) waxay weriyaasha dalkeeda u duulisay jiidda hore ee ay ciidamadeedu gudaha u dhaafeen xadka NFD, qiyaastii 120 kiiloomiter oo dhanka Soomaaliya ah. Waxaana weriyaasha lagu duuliyey diyaarad militari si shacabka Kenya loogu qanciyo in ciidamadoodu ay ku jiraan gudaha dalka Soomaaliya. Waxaana hadalkaas si qeexan u sheegay Telefishanka Kenya ee KNT (Video-ga hoos ka daawo).

Dhanka kale, Afhayeenka Ciidanka Kenya ee ka hawl gelaya xadka dhaafsiisan NFD, Major Emmanuel Chirchir, ayaa Talaadadii yiri "Ciidankayagu waxay maanta xoogga saarayaan aagga magaalada Afmadow." Waxaana jariidada Kenya ee Daily Nation ay warka intaas ku dartay in ciidanka Kenya ay 120 kilomiter gudaha u galeen Soomaaliya. Waxana uu intaas ku daray in dhiiqada roob ka da'ay aagga Afmadow ay hore aad ugu socon waayeen.

Waxaa kale Warsaxaafadeed Talaadadii ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Kenya uu shaaca ka qaaday in Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Kenya ay ku taageereen hawlgalka Militari ee Kenya ka waddo gudaha Soomaaliya, sidan ayaana Daily Nation warkaas u qortay "Presidential Press Service (PPS) said the Cabinet had fully backed the military engagement in Somalia".

Arrimahaas oo jira iyo kuwo badan oo ka horeeyey oo ay Dawladda Kenya shacabkeeda u xaqiijineysey in ciidankeedu gudaha u galay Soomaaliya, ayaa haddana Dawladda FKMG waxay si waji gabax iyo waji ka camays ah ay shacabka Soomaaliyeed ugu sheegtay in aan ciidamo Kenya ah aysan soo gelin gudaha Soomaaliya.

Waxaana arrintaas beeninta in ciidamo Kenya galeen Soomaaliya ay DFKMG si waji dadbasho ugu sii adkaysaneysey Talaadadii oo Shir Jaraa'id lagu qabtay Muqdisho ay goob joog ka ahaayeen Wafti ka socdey Kenya. Waftiga Kenya ayaa ayaguna markii ay arkeen sida madaxda Soomaaliyeed u hadlayaan waxay ayaguna weriyaasha Soomaalida u sheegeen in ciidamadoodu aysan gelin Soomaaliya.

Linkiga hoose ka Dhegeyso Shirkii Jaraa'id ee Muqdisho ay Talaadadii ku qabteen Wasiirka Difaaca DFKMG, Wasiirka Difaaca Kenya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya - sida ay u kala horeeyaan; (Waxaa shirkaas Jaraa'id ay saddexduba ku beeninayaan in ciidamada Kenya galeen gudaha Soomaaliya..)

Waxaa shirkaas jaraa'id ee Muqdisho lagu qabtay si bareer ah uga muuqda in shacabka warku ku wajahan yahay uu yahay shacabka Soomaaliyeed oo indhaha laga camaynayo, halka isla Talaadadii ay dawladda Kenya ku dadaaleysey in ay shacabkeeda ku qanciso in ciidamadeedu gudaha aad ugu galeen Soomaaliya.

Jariidadda New York Times (NYT) oo warkeeda cinwaan uga dhigtay "Saraakiisa Kenya oo daba socda ciinkooda ayaa tegey Soomaaliya", ayaa qortay "Saraakiisha Kenya ayaa safar kaga nixin ah waxay ku tageen Soomaaliya Talaadadii si ay ugu xaqiijiyaan Dawladda Taagta daran ee Soomaaliya in Kenya aysan maanka ku ahayn in ay qabsato Soomaaliya, ayadoo ay jiraaan boqolaan ciidankooda oo ka gudbey xadka Axaddii." Waxaana NYT ay warka intaas raacisay "inbadan oo dadka Soomaaliyeed ayaa ka carooday in ciidamada Kenya ay galaan dhulka Soomaaliyeed."

Waxa kale oo jariidadu soo xigatey Sarkaal Soomaaliyeed oo yiri "Waxaa waji gabax ah in Kenya aysan noo sheegin (in ciidankeedu galeen Soomaaliya), arrintaasii sumacadayada ayey hoos u rideysaa, Kenya waxba nooma sheegin." Waxaana NYT intaas raacisey in Soomaaidu rumaysan yihiin in gobolka Woqooyi Bari (NFD) uu yahay dhul Soomaalidu leedahay.

Dhanka kale waxaa DFKMG iyo Kenya ay Talaadadii Oct 18, 2011 ay kala saxiixdeen heshiis wada shaqayn in ay lal dagaalamaan Alshabaab. Waxaa heshiiskaad DFKMG u saxiixay Wasiirka Difaaca Xuseen Carab Ciise, halka Kenya uu uga saxiixay wasiirka Arrimaha Dibadda Moses Wetang'ula (inkasta uu goobta joogey wasiirka Difaaca  kenya, haddana ma uu saxiixin warqadda ee waxaa saxiixay wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya.) - Weteng'ula waxaa lagu xasuustaa in uu April 2009 heshiis Is-faham la saxiixday DFKMG kaas oo muran gelinayey badda Soomaaliya.

Waxaa heshiiskaas ka mid ah in Sheikh Shariif markale xaqiijiyey sida ay uga go'antahay in DFKMG ay si buuxda u fuliso Go'aankii Kampala ee 9 June 2011.


Halkan ka akhri Heshiiska DFKMG iyo Kenya

Warbixin dheeraad ah: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG


Bidix: Wasiirka Difaaca Kenya Yusuf Haji, wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Watang’ula
iyo wasiirka Difaaca DFKMG Hussein Arab Isse oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho, October 18, 2011 - (Sawirka: Xinhua)


Golaha Wasiirada Kenya, Nairobi - (Sawirka: Daily Nation)

Waxaa Isniintii (Oct 17) baarlamaanka Kenya warbixin albaabadu u xiran yihiin siiyey Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Difaaca. Waxaana Kenya hawlgalka ay ka fulineyso gudaha Soomaaliya ay ugu magac dartay  "Hawlgalkii Difaaca Kenya" "Operation Linda Nchi" (Operation Protect Kenya).

Telefishanka Kenya ee NTV ayaa Isniintii soo saaray video muujinaya in ciidamada Kenya ay dhanka gudaha Soomaaliya u dhaafeen dhaagaxa yaal "xad beenaadka" NFD, kaas oo weriyuhu si qayaxan u sheegayo in ciidanka Kenya ay ku jiraan dhanka gudaha Soomaaliya. Waxana uu farta ku fiiqayaa dhagax yaal xadka oo dhanka gudaha Soomaaliya ay u dhaafeen ciidanka Kenya.


Weriyaha oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad beenaadka", dhinaca kalena uu ka muuqdo gaari milatari.
Weriyaha: "The truck is actually the other side on the border, that is Somalia"

Videoga hoose waa: Weriyaasha oo Kenya u duulisey jiida hore ee dhaafsiisan Xadka NFD si ay shacabkooda ugu qanciyaan in ay ciidankoodu ku jiraan gudaha Soomaaliya

Cali Ameerika, Safiirka DFKMG u fadhiya Nairobi oo hadlaya

Cali Ameerika, Safiirka DFKMG u fadhiya Nairobi oo taageeray Kenya.. DAAWO


Cali Ameeriko


Shariif Axmed iyo Moses Watengula

Kenya waa dal ay dhul iyo dad kaga maqan yihiin Soomaalida, oo xilligii gumeystayaashii reer Yurub u gacan geliyeen dhulka baaxadda weyn ee NFD.

Waxaa kale oo jirta in September 2011 ay shirkado shidaalka baara sida TOTAL ay heshiis shidaal sahamin kula galeen Kenya aagga loo yaqaan BLOCK L5 oo gudaha badda Soomaaliya ugu jira, taas oo aysan jirin ilaa hadda qof masuul Soomaaliyeed oo arrintaas wax ka yiri.

Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho, halkaasna xilligaas laga saaray maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Waxayna Soomaaliya ciidankaasi xoog looga saaray (Jan 15, 2009) waa kaddib  (749) maalmood oo uu socdey dagaal.

Following Troops, Kenyan Officials Go to Somalia: NAIROBI, Kenya — Kenyan officials made a surprise visit to Somalia on Tuesday to reassure the weak Somali government that Kenya was not harboring intentions to occupy Somalia, despite sending hundreds of troops across the border over the weekend." “It was embarrassing, and undermined our credibility,” one Somali official said of the situation. “The Kenyans didn’t tell us much.” Nw York Times, Talada Oct 18, 2011.  

Kenya Faces Quagmire in Somalia Where U.S. and Ethiopia Failed

Faafin: SomaliTalk.com | October 19, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: