SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

  • Kibaki:  "Hawlgalka aan ka fulinayno gudaha Soomaaliya waa mid sharci ah oo aan ku difaacayno xornimada iyo wadajirka dhulka Kenya"
  • Kibaki: Qaxootiga Soomaaliyeed waa in lagu celiyaa dalkoodii ama la geeyaa dal kale..
  • Wasiirka Amniga gudaha Kenya: "Kenya uma dan laha in ay qayb ka goosato Soomaaliya"

SomaliTalk.com | Oct 29, 2011


Jariidada reer Kenya ee Standard ayaa qortay in "Ciidamada Militariga Kenya ay ku guulaysteen in ay qabsadaan magaalada Buurgaabo ee gudaha Soomaaliya," Waxaana jariidadu soo xignaysey afhayeenka ciidanka Kenya Major Chirchir. ("Kenya’s Defence Forces successfully captured the town of Bargavoin in Somalia." ).

Warkaas in Kenya qabsatay Buurgaabo waxaa ku celceliyey telefishanada Kenya oo qoray cinwaano ay arrintaas ku muujinayaan - Hoos ka daawo Video... "Kenya Defence Forces capture key town" NTV

Waxaana warku intaas raaciyey in dawladda Kenya ay sheegtay in aysan Soomaaliya ka soo laabanayn ilaa "la xaqiijiyo Ammaanka iyo dhaqaalaha Kenya".

Dhanka kale madaxweynaha Kenya oo ka qayb gelaya shirka Barwaaqa Sooranka oo ka dhacaya Australia ayaa sheegay "Hawlgalka aan ka fulinayno gudaha Soomaaliya waa mid sharci ah oo aan ku difaacayno xornimada iyo wadajirka dhulka Kenya," ayuu yiri Kibaki ("Our mission in Somalia is therefore, based on a legitimate right to protect Kenya’s sovereignty and its territorial integrity".)

Kibaki waxa uu intaas raaciyey "Ma xamili karno culayska in aad marti gelino qaxooti aad u tiri badan, sidaas daraadeed waxaan barwaaqa-sooranka ugu baaqayaa in ay naga taageeraan sidii loo fududayn lahaa in (qaxootiga) lagu celiyo Soomaaliya ama la geeyo dal kale."

Xukuumadda uu hoggaamiyo Sheikh Shariif ayaan ilaa hadda war cad ka soo saarin sheegashada Kenya sheegatay in ay qabsadeen dhul Soomaaliyeed, waxaana warki iugu dambeeyey ee lag amaqlay madaxweynaha DFKMG uu ahaa in uusan raali ka ahayn in ciidamo Kenya soo galaan Soomaaliya, laakiin aysan muuqan in arrintaas ay Kenya dheg u jalaqsiisay.

Saitoti: Kenya uma dan laha in ay qayb ka goosato Soomaaliya

Wasiirka Amniga gudaha Kenya George Saitoti ayaa Jimacdii sheegay in Kenya qorshaha ay ku gashay Soomaaliya uusan ahayn in ay qabsadaan Soomaaliya. Isagoo intaas raaciyey waxa ay u socdaan in uu yahay in ay sugaan ammaanka xuduudaha ee aysan doonayn in ay Kenya kusoo daraan qayb ay ka goosteen Soomaaliya - (Saitoti: Kenya doesn't intend to annex Somalia).

Waxaana hadalka Saitoti ka mid ahaa  "Waligeed ujeedadayadu m anoqon mid la xiriirta dhul aan ka soo goosano Soomaaliya ama dhulkooda qaadano. Kenya waxa keliya oo ay doonaysaa in ay difaacdo dalkeeda iyo dadkeeda."

Waxana uu intaas raaciyey in ciidamada Militariga Kenya ee ku jira gudaha Soomaaliya ay hadda la dagaalamayaan Alshabaab oo ay ka soo laaban doonaan marka ay tirtiraan.

Ciidamada Kenya ayaa Oct 16, 2011 wqaxay ku duuleen gudaha Soomaaliya, hawlgal militari oo ay ugu magac dareen “Operation Linda Nchi”.

VIDEO: Kenya oo Sheegtay in ay Qabsataya Buur Gaabo

VIDEO: Militari lagu weeraray Gaarisa Agteeda

Mombasa Reublican

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Oct 28, 2011 Kibaki said: "Our mission in Somalia is therefore, based on a legitimate right to protect Kenya’s sovereignty and its territorial integrity". "Kenya can no longer bear the burden of hosting the massive number of refugees and calls upon the Commonwealth to support efforts to facilitate their return to Somalia or relocation to another country," Eeg halkan)

Saitoti: Kenya doesn't intend to annex Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 29, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: