SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Nov 17, 2011: Masuuliyinta Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed ayaa maanta xaruntooda magaalada Muqdisho ku qabtay shir saxaafadeed kaasoo ay uga soo horjeesteen heshiiskii maalintii shalay ay ku kala saxiixdeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya madaxweynayaasha Kenya, Somalia iyo Ugandha kaasoo dhigayey in meel looga soo wada jeesto si wadajir ahna loola dagaalamo Xarakada A-shabaab, iyadoo isbaheysigu uu sheegay in ujeedada Kenya aysan aheyn la dagaaalanka Al-shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay kulankaas ayaa waxaa warbaahinta u aqriyey Dr. C/llaahi Shiikh Daahir oo ah gudoomiye ku-xigeenka isbaheysiga nabada soomaaliyeed waxaana uu u qornaa war saxaafadeedka sidatan:-

War saxaafadeed

Markii uu isbahaysigu si dhab ah u qiimeeyay xaalada amniga iyo siyaasada markii uu arkay faragelinta milateri ee dowlada Kenya ku sameysay cir, dhul iyo bad kuna xasuuqday dad aan waxba galabsan oo qaxooti ah magaalada Jilib horaantii bishaan aan u ku jirno. uguna hanjabtay shacabka Soomaaliyeed meel ey joogaanba iney duqeyn doonto gaar ahaan koonfurta Soomaaliya,markii uu arkay karti darida hogaanka sare ee Dowlada Soomaaliya, markii uu arkay in danahooda gaarka ah hadba maalintaas meesha ey ka arkaan uu mabda’oodi noqday .

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah oo shirkaa

Markii uu arkay in caaydi iyo aflagaadadii shaqsiyaad huwan calanka kenya kana tirsan dowlada kenya ay u gaysteen madaxeynaha Soomaaliya oo huwan sharaftii qaranka Soomaaliya, markii uu arkay iyadoo aan raali gelin rasmi ah laga siin aflagaadadii u dhigantay in qaranka Soomaaliyeed la aflagaadeeyay in uu 16/11/2011 ka degay caasimada kenya ee Nairobi isla markaana uu ilaabay hadalkiisii ahaa in uusan soo gelitaanka kenya waxba ka ogeyn waxna aan laga weydiin.

Waxaa wax lala yaabo ku noqotay isbahaysiga nabada Soomaaliyeed markii ay arkeen madaxweynihii oo leh waxaan ku taageersanahay Dowlada Kenya wax alaale wixii ay soomaaliya ka wado.waxaa la wada ogyahay maalin ka hor maalinta uu kenya tagay, Dowlada kenya inay Dowlada Israa’iil weydiisatay kaalmo milateri oo Soomaaliya ay ku qabsato.

Hadaba siyaasada xumida Kenya waxay garan weysay xasaasiyada ay arintaasi dhalin karto, wuxuuna Isbahaysiga Nabada Soomaaliyeed soo jeedinayaa qodobada soo socda.

1) In Umadda Soomaaliyeed u aqoonsato Hogaanka sare ee dowlada rag loo lebisay dhar aaney cabirkiisa gaarin dabadeetna la kufey.

2) In shabaab iyo kenyaba loo aqoonsado gumeysi duulaan ku ah qaranimada Soomaaliya.

3) in Dalka iyo dibadaba laga dhigo banaan baxyo looga soo horjeedo heshiis ku sheega qabsashada ka danbeeyay waayo waxan wada ognahay in heshiis ku sheega Abdi-Weli Gaas saxiixay uu ka danbeeyay qabsashadii kenya qabsatay gobolada Soomaaliya qaarkood iyo xasuuqii ey ka gaysteen magaalada Jilib iyadoo aan xitaa wax cudur daar ah ka bixin Dowlada Kenya kuna sii hanjabtay inay duqeyn doonto 10 magaalo oo koonfurta soomaaliya ku yaal kadibna loogu yeeray Shariif Shiikh Axmed asaguna inow saxiixo.

4) Dowlada Kenya waxaan uga digeynaa isku deyga 20 sano kadib ku dhashay oo ah in Soomaaliya waa qabsan kartaa xiligaan iyadoo ku cabireysa aragtida ay ka qaadatay shaqsiyaadka ducafada ah ee hada sheegta inay Soomaaliya madax u yihiin, waxaan leenahay Soomaaliya Soomaalibaa leh, kana difaaca doonto cid kasta oo isku dayda ku xadgudubta qaramimada Soomaaliyeed. Inshaa Allaah.

5) Aduunyadu waxay ku dhaqantaa Nidaam & sharci sida wadan kastaba u leeyahay nidaam iyo sharci u gaar ah sidaa daraadeed axdi qarameed Soomaaliya wuxuu qorayaa qodobkiisa 1aad iiyo 2aad in wax kasta oo taabanaya qaranimada (siyaasada) dadka & dalka waxaa go’aan ka gaari kara shacabka si toos ah & si dadbanba isagoo u sii maraya wakiiladiisa (Parliament) qof koox ama dabaqad aan ku saleysneyn shuruucda cahdi qarameedku qabo waa sharci daro.

Abdullahi Shiikh Hassan

SPA Chairman

Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Somaliyed C/llaahi Shiikh Xasan oo war saxafadeedka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in heshiiskii shalay ka dhacay magalada Nairobi uu ahaa mid dowlada Kenya loogu xalaaleynayey ciidamada ay soo gelisay dalka oo uu ku tilmaamay iney aheyd talaabo sharci daro ah wuxuuna xusay in aysan diidaneyn la dagaalanka Al-shabaab oo ku tilmaamay cadowga 1aad ee umada soomaalyed balse ay diiidan yihiin in ciidamada Kenya iska soo galaan dalka iyadoo aan hanaan sharci ah soo marin, wuxuuna gudoomiyuhu si waafi ah uga jawaabay su’aalo ay shir saxafadeedkaas ku weydiityeen warbaahintii goob jooga aheyd.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2011

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: