SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...

"Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya waxay dhibaato weyn u keeneysaa hawlgalka Kenya..." Faarax Macallim

faarax macallinNov 22, 2011:

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya, Faarax macallin oo ay waraysi la yeelatay idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo soo gelitaanka ciidanka Itoobiya ay markale ku soo galeen gudaha Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Itoobiya taariikhdeedu waa mid ka duwan taayada (Kenya), waana mid soo jireena ah, marka soo gelitaanka ay hadda soo galeen (Soomaaliya) ma soo dhaweyneyno, waxaana u arkeynaa mid dhib weyn u keeneysa hawlgalkanagii oo waji kale oo loo yeeli karo."

Laakiin Faarax Macallin waxa uu sheegay in taas ay ka duwan tahay Kenya hawlgalkeeda (duullaanka) ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay dastuurka DFKMG (ee lagu soo sameeyey Kenya) waxana uu yiri dastuurkaas "annagu" (kenya) uma soo samayn, waana Federaal, kaas oo uu markaas raaciyey "ma dhici doonto mar dambe in xamar laga taliyo oo nin jooga Kulbiyow....." Hoos ka dhegeyso:

Kenya iyo Ethiopia waxay gumaystayaashii reer Yurub ay gacanta u geliyeen dhul Soomaaliyeed (NFD iyo Soomaali Galbeed), taas oo ay shacab Soomaaliyeed qarnigan ku hoos nool yihiin gumaysiyadaas oo aysan xor u ahayn in ay ka tashadaan mustaqbalkooda.

Duullaanka cusub waxay Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya 16-kii October 2011 markaas oo ciidan koodu galeen gudaha Soomaaliya. Waxaana soo shaac baxayey khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya oo ku saabsan cidda maamuleysa Jubbooyinka. Waxayna ahayd October 30-keedii markii Jariidadda EastAfrican ay qortay in Kenya, Ethiopia iyo Faransiisku ay ku Muransan yihiin Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib.

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Kenya

Waxaa khilaf xooggan soo kala dhex galay madaxda Kenya, gaar ahaan Ra'iisul Wasaaraha Kenya Odinga iyo wasiirka Gaashaandhigga Yuusuf Xaaji, khilaafkaas oo salka ku haya kaddib markii Odinga uu Israel weydiistey kaalmo si ay uga caawiyaan hawlgalkooda militari ee ay ku galeen Soomaaliya. Arrintaasi waxa kale oo ay sababtay in Kibaki uu degdeg safar ugu aado qaar kamid ah dalalka Islaamka. Hoos ka daawo warbixintaas.

Dowladda Federaalka KMG oo Sheegtey in ay soo Dhaweyneyso Ciidan kasta oo la Dagaalamaya Al-Shabaab

Wasiirka gaashaandhigga dawladda federaalka Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo oo dalka dib ugu soo noqday ka gadaal markii uu safaro ku soo kala bixiyay dalalka Kiinya iyo Itoobiya.

November 21, 2011:

Kibaki oo Taageero u raadsadey dalalka Carabta

Madaxweynaha Kenya ayaa Axaddii Nov 20 u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta si uu kaalmo ugu raadsado arrimaha Soomaaliya. (Sawirka Eastandard)


Kibaki oo UAE kula kulmay Sheikh Khalif Bin Zayed Al Nahyan, Nov 21, 2011.
Somalia: Kibaki seeks support from Arab world

Somalia Would Accept AU-Backed Ethiopian Force

Warsaxaafadeed: Dowladda FKMG ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka

Xuseen Carab Ciise wasiirka gaashaan dhigga xukuumadda ku meel gaarka soomaaliya ayaa markii dalka ku soo laabtay waxa uu saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegey inuu ka qayb galay shirar dhowr ah oo looga hadlaya ammaanka dalka soomaaliya kuwaasoo uu sheegey in ay ka soo qayb galeen dalalka doonaya waa siduu hadalka u yiriye in ay ciidamo ku soo biiriyaan hawl galka amisom ee Soomaaliya.

Xuseen carab ayaa sidoo kale sheegey in uu ka qayb galay shirkii madaxweynayasha Somaliya, Ugandha iyo Kiinya ay wada yeesheen isla markaana uu goob joog ka ahaa.,Mr Carab ayaa intaa raaciyay in ay soo dhaweynayaan haddii ay yihiin xukuumaadda Soomaaliya dawlad kasta oo dalka imaanaysa si ay u taageerto dawladda Soomaaliyeed dooneyseyna in ay qayb ka qaadato dagaalka lagala soo hor jeedo Xarakada Shabaab.

Wasirka ayaa la weydiiyey sida uu u arko Ciidamada Itoobiya ee soo galey Qaybo ka mid ah Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan wuxuuna sheegey ama uu ku celceliyey in ay soo dhaweynayaan Ciidan kasta oo la dagaalamay Xarakadda Alshabaab noocey doonaan ha ahaadeen.

Wasiirka ayaa intaa raaciyay in shuuradda ku xiran imaatinka dawladaha caalamka in ay tahay in aysan waxba u dhimeyn dalka Soomaaliya gaar ahaan Qaranimadiisa ,Hadalkan wasiirka ayaa imaanaya xilli dhawaan Ururka Midowga afrika uu ansixiyay in dawladaha Itoobiya iyo Kiinya ay ku biiri karaan hawl galka amisom oo haatan ay ka joogaan ciidamo dalalka Ugandha iyo Burundii iyadoo dhawaana la filayo ciidamo kale oo ka yimaada dalalka Jabuuti iyo Siraaliyoon.

Wasiirka gaashaan dhigga ee dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ayaa saxafiyiinta u sheegey in dhamaanba kulamadii laga yeeshey arrimaha soomaaliya ay noqdeen kuwo meel mar ah isla markaana wadamadii kulamadaas ka soo qayb galay ay ballan qaadeen in ay taageerayaan xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya.

Si kastaba waxaa maalmahan dambe hadal haynta ugu badan ay tahay ciidamada Kiinya kuwa Itoobiya iyo kuwo kale oo la sheegayo in ay imaanayaan arrimahaas oo si aad ah loo hadal hayo in kastoo hadaladan uu wasiirku ka shanqariyay ay u dhigmaan hadalo ay hore u jeediyeen Shabaab oo ahaa in cid kasta oo Jihaad doon ah uu u furan yahay dalka soomaaliya soona geli karaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Ciidamada AMISOM oo La Soo Gaarsiiyay Diyaarado Dagaal oo Noocoodu uu yahay Helikoptaro ah

Warar lagu kalsoonaan karo oo laga heley dhinaca Madaxtooyada dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho loo keenay illaa afar diyaaradooda oo helicopteris ah.

Diyaaradahan helikobtariska ah oo nooca dagaalka ah ayaa la sheegey in markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho in ay sameeyeen hawl galo iyo baaritaano ay ka fuliyeen goobaha ay ciidamada Amisom kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan dagaalka ee loo keeney ciidamada Amisom ayaa sida la sheegey dhawaan waxaa lagu arkay iyagoo joog hoose ku duulaya degaano ay Maamulaan Xarakada Al Shabaab kuwaasoo sida la sheegey loo malaynayay in ay sawiro ka qaadayeen halkaas .

Diyaaradahan ayaa qayb ka noqonaya gaadiidka ay ku hawl galaan ciidamada Amison oo haatan qorsheynaya in ay isku sii fidiyaan degaanada ka baxsan magaalada Muqdisho kuwaasoo la sheegey waddooyinka oo xun dartood in diyaaradahan ay qayb ka qaataan gaarsiinta ciidamada goobaha dagaalada iyo soo qaadida dhaawaca ciidanka.

Dawladda Ugandha ayaa hore u sheegtay in ay gudaha soomaaliya u soo direyso diyaaradaha helikobtariska ah haddii ay dhaqaale u hesho taasoo sida ay sheegeen door ka ciyaareysa dagaalka lagula jiro ciidamada xaraka shabaab.

Codsiga xukuumadda Ugandha ayaa u muuqanaya mid la aqbalay iyadoo sababtuna ay tahay in dawladda Ugandha ay durbaba gudaha soomaaliya soo gaarsiiyay diyaaradahaas dagaalka.

Si kasta ha ahaatee ma cadda diyaaradahan qaabka ay ula hawl galayaan ciidamada amisom iyo kuwa dawladda oo iskaashanaya walow amisom iyo dawladduna aysan ka hadal diyaaradahan la sheegey in Muqdisho la keenay ,hase yeeshee waxaa xusid mudan markii Cidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga soo ridey Diyaarad Dagaal oo Nooceedu yahay Helekopter ka dib mar dambe ma isticmaalin Ciidamada Itoobiya Diyaarado Dagaal waxayna dadweynaha ay isweydiinayaan qaabka ay Ciidamada Amisom u isticmaali doonaan Diyaaradahaas maadaama la haysto Qoryaha lidka Diyaaradaha.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2011

Nov 18, 2011: Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.

Nav 18, 2011: Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000 ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab

Nov 17, 2011: Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Nov 17, 2011: Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Nov 16, 2011: Sheikh Shariif oo gaarey Nairobi iyo Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Nov 14, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay Gaartey Boqolkiiba 50% Ujeedadoodii ugu weynayd ee Hawlgalka Militari, taas oo ah in ay Samayso Aagga loo yaqaan buffer zone

Nov 14, 2011: Prof Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya , Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”

Nov 13, 2011: Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

Nov 11, 2011: Axmed Madoobe oo 10 Kiilo oo Aargoosato ah ku casumay Weriye reer Kenya oo waraysi ka qaaday

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Video / Video

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: