SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Madaxweynaah DFKMG Sheikh Shariif ayaa Arbacadii Nov 16 waxa uu gaarey magaalada Nairobi, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynayaasha Kenya iyo Uganda, shir albaabadu u xirnaayeen. Kulankaasi markii uu dhammaaday waxaa saxaafadda hor yimid Kibaki iyo Musaveni si ay isula sawiraan Shariif-ka, laakiin aan saxaafadda la hadlin. Kaddibna waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Watangula (hoos ka daawo).

Waxaana markaas ay saxaafadda Kenya ku xeel dheeraadeen in joogitaanka Sheikh Shariif ee kulanka ay meesha ka saareyso diidamadiisii uu hore u diidey hawlgalka Kenya. Weli Sheikh Shariif shacabka Soomaaliyeed uma caddayn waxa bedeley mowqifka hore ee uu ka qaatay diidmada ciidanka Kenya.

Oct 25 ayey ahayd markii Sheikh Shariif ka soo horjeestey ciidanka Kenya ee galay gudaha Soomaaliya, intii ka dambeysey wax hadal ah lagama maqal.  (Halkan ka Dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif).

Dhanka kale Afhayeenka Militariga Kenya Maj Chirchir ayaa sheegay in aan laga afduubin 3 askari oo ka tirsan militaigooda ku sugan gudaha Soomaaliya.


Maj Chirchir, Afhayeenka Militariga Kenya

shariif

Sheikh Shariif oo u Dhoofay Nairobi

Nov 16, 2011: Madaxweynaha DFKMG Sheikh Shariif ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, arrintaas oo ku xiriirsan hadalkii uu agaasimaha wasaarada Arrimaha dibadda Kenya sheegay in uu Sheikh Shariif degdeg u iman doono Nairobi,cadayna doono mowqifkiisa uu ku taageersan yahay hawlgalka Kenya. Sheikh Sharif ayaa hore u sheegay in uu ka soo horjeedo hawlgalka Kenya ay ku gashay gudaha Soomaaliya. Warbixintaas hore hoos ka akhri.

Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

"Sheikh Shariif si degdeg ah ayuu u imanayaa Nairobi, markaas ayuu cadaynayaa in uu taageersan yahay hawlgalka Kenya ka wado gudaha Soomaaliya." sidaas waxaa yiri Agaasime ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo Sabtidii (Nov 12) la hadlay Saxaafadda

  • SomaliTalk.com | Nairobi, Nov 13, 2011

Kenya oo degdeg ugu yeertay Sheikh Shariif

Wararka ka imanaya magaalada Nairobi ayaa tibaaxaya in madaxweynaha DFKMG uu dhowaan tegi doono magaalada Nairobi, arrintaas oo ay Kenya ka dalbatay si Sheikh Shariif uu aqbalo faragelinta ay Kenya militarigeedu ku galeen dhulka Soomaaliyeed.

Lindsay Kiptiness oo Agaasime ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Sabtidii Nov 12 yiri sidan: "Hadalkii Madaxweyne Shariif ee ahaa in ciidanka Kenya aan lagu soo dhaweyneyn Soomaaliya waxa uu ahaa hadal nasiib darro ah, waayo hadalkaasi waxa uu yiri laba maalmood kaddib markii aan wada gaarney heshiis laba dhinac ah si aan uga wada shaqayno xagga siyaasadda iyo xagga ammaanka, laakiin sidaad xusuusataan waxaa Nairobi loo soo diray ra'iisul wasaaraha kaddib markii aan TFG weydiisaney caddayn, waadna ogeydeen in labada ra'iisul wasaare ay saxaafadda la hadleen, laakiin hadalka (Shariif) waxa uu ahaa nasiib darro. DFKMG waa taageersan tahay hawlgalka Kenya si ay ula dagaalanto Al Shabaab. Madaxweyne Shariif waxa uu imanaya Nairobi si dhaqso ah, marka uu yimaado waxa uu caddayn doonaa in uu taageersan yahay hawlgalka (Kenya) ka waddo gudaha Soomaaliya." Hoos ka dhegeyso Video.

Dhanka kale waxaa Kenya ay taageero ka raadineysaa wadamada Carabta si ay u fuliso hawlgalka ay ka waddo Soomaaliya, waxaana agaasimaha ka tirsan wasaaradda Arimaha dibadda Kenya uu magacaabay wadamada Muslimka ee uu taageerada ka raadinayo in ay ka mid yihiin Turkiga iyo Iiraan.

Prof. Gaani oo aad u canaantay Sheikh Shariif DHEGEYSO

Waraysiga Waxaa qaaday TV-ga Somalichannel

Sheikh Shariif hadalkii ugu dambeeyey oo uu kaga soo horjeestey ciidamada Kenya (Oct 25, 2011) waxaa ka dambeeyey in ra'iisul wasaaraha DFKMG uu degdeg u tegey Kenya, islamarkaasna heshiis la soo saxiixday ra'iisul Wasaaraha Kenya. (Halkan ka Dhegeyso hadalkii Sheikh Shariif).

Hadalkii Agaasimaha Qaybta Bariga afrika u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya hoos ka daawo

(Kenya Asks Arab World for Support in Somalia)

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2011

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: