SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Militariga Kenya ayaa 7 Kalluumaysato reer Kenya ah ku diley aagga badda ee ku dhaw Raas kambooni

  • SomaliTalk.com | Oct 5, 2011

Ciidanka Militariga Kenya ayaa Jimcadii dooni ay leeyihiin kalluumaysato reer Kenya waxay ku dejiyeen xeebaha ku aadan aagga raas Kambooni, waxaana doontaas ku dhintay 7 qof oo kamid ah kalluumaysatadii. Waxaana jira warar kale oo sheegaya in aagga dadka lagu laayey ay u dhowdahay Lamu. Waxaana Telefishanada Kenya sheegeen in militariga Kenya ay sheegeen in ragga doontaas saarnaa ay ahaayeen Alshabaab, laakiin dadkii qaraabada la ahaa kalluumaysatada ayaa TV-ga u caddeeyey in dadkaas la weeraray ay ahaayeen kalluumaysato u dhashay Kenya. Waxaana qaraadooda ay sheegeen magacyada saddex kamid ah kuwa dhintay oo ah Avisa Yusuf, Haji Omar iyo Issa Yusuf.


Qaraabadii kalluumaysatada ay weerareen Militariga Kenya.

Afhayeenka ciidanka Militariga Kenya, Maj Chirchir ayaa xaqiijiyey ciidanka Badda ee Kenya ay rasaas ku fureen doonta oo uu sheegay "in ay ku socotey xawaare sare."

Waxa kale oo weerarkaas xaqiijiyey saraakiil kale oo ku sugan xeebta Kenya oo sheegeen in maraakiibta Kenya ay rasaas ku fureen doonta waxaana weerarkaas ku dhintay toddoba nin, waxaana ka badbaadey saddex, sida qortay wakaaladda Wararka ee Associated Press (AP) oo intaas raacisay in militariga Kenya ay sheegeen in doonta la weerary ay ay ka buuxeen muqaawamo (insurgents).

Laakiin qaraabadii dadkaas la weeraray oo ku sugan Mombasa (Malindi) ayaa sheegay in kalluumaysatadaasi ay ahaayeen kuwo aan wax xiriir ah la lahayn Al Shabaab.

Said Abdulrahman oo qaraabo la ah mid kamid ah kalluumaysatada saarnaa doonta la weeraray, ayaa sheegay in doonta la weerar inkasta oo ay jirtey in kalluumaysatadu ay hore dawladda ugu sii sheegeen meesha ay ku sugan yihiin. Waxaa kale oo wararku tibaaxeen in Sheikh Swaleh Abdulrahman uu magaciisu yahay Issa Yusuf. Waxaana  Sheikh Swaleh uu sheegay in dadka qaraabadooda ah lagu diley aagga Malindi.

Waxaa kale oo kalluumaysatada laga magacaabay Avisa Yusuf iyo Haji Omar.

Sheikh Badru ayaa sheegay in akhbaarta la xiriirta dhimashada kalluumaysatada ay ogaadeen mid ka mid ah kalluumaysatada oo ka badbaadey weerarkaas.


(A relative of one of the fishermen on the targeted boat, Said Abdulrahman,
said the boat was attacked despite the fact the fishermen had alerted authorities of their whereabouts
)- AP.

Daawo Video (Qaraabada ragga la weeraray oo la hadlaysay TV-ga)

RA'YI: ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga

Xornima Doonka Gobolka Xeebta Mombasa Republican Council..

Dhanka kale waxaa sii xoogeysanaya xornimad doonka xeebta Mombasa oo lagu magacaabo Mombasa Republican Council (MRC), kuwaas oo doonaya in ay ka madax bannanaadaan Kenya. MRC waxaa la asaasay sannadkii 1999 waxayna doonayaan in ay Kenya ka xoroobaan marka uu dhammaado heshiis 1895 dhexmaray Boqortooyadii Ingriiska iyo Boqorkii Zanzibar, kaas oo dhigayey in Xeebaha Mombasa uu sii maamulo Ingriisku, marka heshiiskaasi dhammaadona ay ahaadaan kuwo gaarkooda xor u ah. (Daawo video hoose)

Mombasa Republican
 

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: