Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal iyo Heshiis u Ogolaanaya in
Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...
- "Heshiiskaas waa la gaarey, madaxweynaha ayaa amar siiyey ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya iyo ra''sul baarlamaanka in Ra'iisul Wasaaruhu uu
qoraalkaas u sameeyo, qoraalkaasna ay Kenya hadda gacanta ku hayso." Faarax
Macallin
SomaliTalk.com | Oct 25, 2011
Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in Kenya haysato
warqad ay DFKMG ku ogolaatay in Ciidamada Kenya galaan Soomaaliya
Guddoomiye
xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin Dawaare oo la weydiiyey in uu heshiis
dhex maray Dawladda FKMG iyo Kenya kaas oo ciidamada Kenya u ogolaanayey in
galaan Soomaaliya ayaa ku jawaabey "Heshiiskaas waa la gaarey, madaxweynaha ayaa
amar siiyey ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo ra''sul baarlamaanka in Ra'iisul
Wasaaruhu uu qoraalkaas u sameeyo, qoraalkaasna ay Kenya hadda gacanta ku
hayso."
Waxa uu intaas raaciyey in ay "Kenya ku gashay Soomaaliya ayadoo la iska war
hayo, ayada oo la isla ogyahay, ayada oo lagu faraxsan yahay. Galabtana war kaas
ka duwan ayaa laga soo sheegay madaxweynaha. Wixii la hayona waa la hayaa.."
Waxana uu sii raaciyey "Dawladda KMG waanu ku wareernay, ma sidaan uun ayey iska
doonayaan in ay ahaato oo AMISOM ku ilaaliso madaxtooyada, doorasho iyo waxba
aan la gaarin oo ummadda Soomaaliyeed sidaas u baaba'sanaato."
Faarax Macallin saxaafadda weli uma soo bandhigin heshiiskaas dhexmaray DFKMG
iyo Kenya ee ogolaanaya in ciidamada Kenya galaan Soomaaliya.
DFKMG oo ka aamusnayd weerarka Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya ayaa
Isniintii Madaxweynaha DFKMG waxa uu ka soo horjeestey faragelinta Kenya asagoo
yiri "Ciidamo in ay dalka iska soo galaan Dawladuna ma ogola, Shacabka
Soomaaliyeedna ma ogola"
Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo la weydiiyey (Oct 22) in uu ka war qabo Kenya oo
soo gashay Soomaaliya waxa uu ku jawaabey "Anigu ogaantayda ma ogi ilaa hadda
ciidamo gudaha Soomaaliya ku jira. Xadka haa weyjoogaan, laakiin ciidamo gudaha
soo galay oo hadda saacaddaan ciidamo gudaha ku jira anigu lama socdo mana ogi,"
ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG.. (DHEGEYSO).
Ciidamada Kenya ayaa Galay gudaha Soomaaliya October 16, 2011, kuwaas duqeyn
u geystey magaalooyin ka mid ah Soomaaliya, warbaahinta Kenyana ay sheegtay in
ay qabsadeen magaalooyin Soomaaliya ah.
In badan oo Soomaali ah ayaa rumaysan in Kenya jebisey heshiiska
Caruusha ee
1967 dhexmaaray Soomaaliya iyo Kenya.
Akhri: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif
Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha
Soomaaliya
"Ciidamo in ay dalka iska soo galaan Dawladuna ma ogola, Shacabka
Soomaaliyeedna ma ogola" Sheikh Shariif
Madaxweyne Sheekh Shariif oo Dowladda Kenya uga Digay in ay Faragelin ku
sameyso Arrimaha Gudaha Soomaaliya isla markaana wuxuu u soo jeediyey in ay
Qiimeyso Dareenka Shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta
booqday furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan deegaano ku dhow dhow degmada
Dayniile ayaa ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyey
guulihii ay gaareen isagoo ugu baaqay dagaalka ay kula jiraan Xarakada Alshabaab
ay halkaa ka sii wadaan maadaama sida uu sheegay ay dalka ka wadaan nabadgelyo
xumo.
Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif mar uu ka hadlayey faragelinta ciidamada Kenya
ay ku sameeyeen gudaha dalka Soomaaliya, ayaa yiri “Waxaan aad uga xumahay
wararka maalmahan soo baxayey ee ah in ciidamada Kenya ay gudaha u soo galeen
dhulka Soomaaliya, isla markaana waxay arrintani dareen ku abuurtay Shacabka
Soomaaliyeed”.
Madaxweynanaha DFKMG Sheekh Shariif wuxuu u soo jeediyey Dowladda Kenya in ay ka
fiijignaato wax kasta oo carqalad ku keeni kara xiriirka labada shacab ee
Soomaaliya iyo Kenya, isagoo sheegay in faragelinta ay Dowladda Kenya ku
sameysay Soomaaliya ay tahay mid aysan la socon Dowladda Federaalka, wuxuuna ugu
baaqay in Kenya ilaaliso midnimada Soomaaliya.
Sheikh Shariif wuxuu soo hadal qaaday kullan dhawaan ka dhacay Magaalada Adis
Ababa kaas oo lagu go’aamiyey in Dowladaha IGAD ay ilaaliyaan derisnimada isla
markaana aysan dhicin wax kasta oo keeni kara mugdi soo kala dhex gala shucuubta
labada wadan, isagoo sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamda ku yaala
Geeska Afrika isla markaana loo baahan yahay in Kenya iyo Soomaaliya iska
kaashaadaan sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgelyada, hase yeeshee waxaa uu
uga digey Kenya in wax kasta oo keenaya shaki uu yimaado aad ayaan uga digeynaa
ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegayi n dadka Kenya in labaatankii sano ay aad u
soo dadaaleen isla markaana ay iska ilaaliyeen in Soomaaliya ay wax faragelin ah
ku sameeyaan, balse waqtiyadaasi lagama caban, wuxuuse sheegay in maalmahan
dambe ay soo baxday faragelin ay ciidamada Kenya ku sameynayaan arrimaha
Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay kicisay dareenka shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu u soo jeediyey Dowladda Kenya in
ay iskaashi la soo sameyso dowladda Federaalka si loola wada socdo arrimaha soo
kordho isagoo sheegay in Dowladda Federaalka aysan dooneyn in cilaaqaadka u
dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu mugdi soo kala dhex galo.
Ciidanka Kenya oo markaas marayey Libooye (Daily Nation)
Sheikh Shariif, Oct 24, 2011 (Sawirka: AFP)
Hadalka ka soo yeerey Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa ku soo beegmey Xilli ay
weli socdaan Duqeynta Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose oo ay geysanyaan
Diyaaradaha Dagaalka Wadanka Kenya taasoo Khasaaro ka soo gaartey dad rayid ah
oo aan waxba galabasan sidoo kale Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Dafirey soo gelitaanka Ciidamada Kenya isagoo
sheegey in uusan wax ka ogeyn balse uu sheegey in uu ogyahay in Ciidamada Kenya
ay ku sugan yihiin Xuduuda Kenya iyo Soomaaliya
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Somali invasion backed by West, says Kenya (The Independent)
Is the West Helping Kenya on Somalia?
Kenya’s high stakes Shabaab offensive
Militariga Keny aoo alaab ka daabulaya Gaarisa, Oct 18, 2011 (Sawirka
http://blogs.cfr.org)
Oct
24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo
Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....
Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii
Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya
Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in
uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya
October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo
Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni
Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu
Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif
Axmed....
Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta
Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya
Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in
Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...
Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula
qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG
Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG
oo Beenisey arrintaas
Faafin: SomaliTalk.com | October 25, 2011
|