SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Diyaaradaha Militariga ee Kenya oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib, kuna diley 12 qof oo 6 carruur ahayd..

"Labo diyaaradood ee nooca miigga ah ayaa weeraray degmada Jilib ee Jubadda Dhexe, waxayna xero qaxooti oo ku taal magaalada Jilib ay ku duqeeyeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna halkaas ku laayeen dad masaakiin qaxooti ah oo teendhooyinkooda qaxootiga qorraxda ka gabaadsaneyey,' waxaa sidaas Idaacadda Codka Maraykanka u xaqiijiyey Salaad Xasan Cali oo kamid ah odayaasha degaanka oo ku sugan magaalada Jilib.

Telefishaanka Kenya ee KTN ayaa sheegay in diyaaradaha duqeeyey Jilib ay lahayd Kenya. Telefishanka oo soo xiganayey Reuters waxa ay sheegtay in 12 qof oo shacab ah ay ku dhinteen duqayntaas, kuwaas oo 6 ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaa kale oo ku dhaawacmay 52 qof oo shacab ah.

Ciidamada Dalka Kenya ayaa duullaan ku qaaday Soomaaliya 16-kii Oct 2011, muddaas wixii ka dambeeyeyna ciidamadooda ayaa duqayn u geystey goobo ay ka mid yihiin magaalada Buurgaabo ee xeebta la olloga ah Raas Kambooni.

VIDEO: Daawo warbixintii NTV ee dagaalka kenya qaaday

Taariikh: November 27, 1962 ayey ahayd markii ra'iisul Wasaarahii Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku tegey Maraykanka uuna la kulmay madaxweynahii Maraykanka John F Kennedy, kaddibna jasiiradda Puerto Rico ee hoos tagta Maraykanka ku tegey diyaarada madaxweynahii Kennedy.

Jariidadda Daily Nation Oct 30, 2011 waxay qortay in ciidamada Badda ee Kenya ay ku biirayaan duullaanka lagu qaadayo Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Kismaayo.


Kenya Navy to join battle for Kismayu - Sawirka: Daily Nation, Oct 30, 2011

Magaalada Jilib waxay Kismaayo u jirtaa 114 km. (Tixraac Fogaanta Magaalooyinka)

Luuq

Dooloow

80 km

Luuq

Garba Haarey

69 km

Garba Haarey

Baardheere

129 km

Baardheere

Baydhaba

195 km

Baardheere

Jilib

260 km

Jilib

Kismaayo

114 km

Kismaayo

Afmadow

139 km

Kismaayo

Dhoobley

195 km

Muqdisho

Marka

113 km

Marka

Baraawe

193 km

Baraawe

Jilib

168 km

Kenya military chief suggests Somalia incursion could be long


Bidix hoggaamiyaha ciidanak Kenya Gen. Julius Karangi iyo wasiirka difaaca Kenya Mohamed Yusuf Haji
oo saxaafadda kula hadlayey Nairobi (Sawirka: Latimes, Oct 29, 2011)

Somali PM jets in for talks as battle looms
 


Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

  • SomaliTalk.com | Oct 30, 2011

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi lana sheegey in uu saxiixo Doono Heshiis Kenya u Ogolaanaya in ay ka mid noqoto Ciidamada AMISOM

Wafdi uu Hogaaminayo Raiisul Wsaaraha Dowladda Federaalka ee ku meel gaarka ah Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gaarey Dalka Kenya ka dib markii ay ka helaan Casumuud Dowladda Wadanka Kenya waxaana ku wehliyey safarkiisa Wasiirada Arrimaha Gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha KMG, qaar baa sheegaya in Raiisul Wasaaraha uu saxiixi doono Heashiis dowladda Kenya u ogolaanaya in ka howlgasho Deegaano ka tirsan Wadanka Soomaaliya oo Ciidamadeed haatan ay ku sugan yihiin kuwaas oo dagaalo kula jira Xarakadda Alshabaab ka dib markii ay soo ifbaxeen in Kulankii ka dhacay Muqdisho uu dhaliyey Khilaaf soo kala dhex galey Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka.

Ra'iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo wax ka yar 12 Sacaadood ku Hadley hadalo is burinaya oo ku aadan soo gelitaanka Ciidamada Wadanka Kenya ee Dhulka Soomaaliya isagoo hore u sheegery in Dowlada Kenya aysan wax heshiis la gelin Dowladda Federaalka ayaa aakhirkii waxaa uu sheegey in Dowladda Federaalka ay raali ka tahay Cidamada Kenya ee ku sugan Dhulka Soomaaliya hase yeeshee Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegey in Dowladda Federaalka aysan marnaba ogolaan doonin Ciidamada Kenya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Dadka Siyaasdda u dhuun daloola waxay sheegayaan in Haddii uu Ra'iisul Wasaaraha KMG uu Nairobi ku saxiixo heshiis ku aadan soo gelitaanka Ciidamada Kenya in ay sii abuuri karto in uu sii laba lixaadsado khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha, waxaana jira warar sheegaya in looga digey Raiisul Wasaaraha in uu heshiis la galo Dowladda kenya kaas oo aan soo marin Baarlamanka Federaalka isla markaana uu saxiixin Madaxweynaha.

Warar kale oo aan helney ayaa sheegey in Ra'iisul Wasaaraha KMG uu saxiixi doono heshiis ah in Ciidamada Kenya ay ku shaqeeyaan Magaca AMISOM ka dibna ay la wareegaan Gobolada Jubbooyinka hase yeeshee waxay dadka qaar qabaan in ay adkaan doonto in Ciidmada Kenya ay ku shaqeeyaan Magaca Amisom waayo looma hayo Dhaqaale lagu howlgeliyo Ciidmada Kenya maadaama Ciidmada Amisom ee ku sugan Muqdisho aysan 4 Bilood qaadan wax Mushaaraad ah.

Warar kala oo aan ka helney Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu diidey Casumaad uu ka heley Dowladda Kenya balse uu aqbaley Ra'iisul Wasaaraha hase yeeshee waxay sheegeen in Madaxweynaha uu ku dhegan yahay Go’aankiisii hore ee ahaa in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed aysan ogolaan doonin in Ciidmao Kenyaati ah soo galaan dhulka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG ee ku saabsan safarka Kenya hoos ka akhri....

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaa@yahoo.co.uk


Warsaxaafadeed

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo u dhoofay magaalada Nairobi

Muqdisho, October 30, 2011-------Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay Garoonka Aadancadde International ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa wefdigiisa ka mid ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Xuseen Carab Ciise iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/samad Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisan ayaa waxa ay casuumaad rasmi ah ka heleen dowladda Kenya gaar ahaana Ra’iisul Wasaare Raila Odinga iyagoo ka wada hadli doona arrimaha siyaasada iyo horumarinta ammaanka xuduudaha labada wadan oo beryihii ugu dambeeyey ay ka soconayeen howlgalo ka dhan ah kooxaha argagixisada ku daaban ee Al shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha oo markii uu ka dhoofayay garoonka faah faahiyay safarkiisa ayaa tilmaamay in muhiimada socdaalkiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya isagoo xusay in labadan ay iskaashi wanaagsan ka yeelan doonaan sugida amniga iyo deris wanaaga.

Maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 31-10-2011 ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulan la qaato dhigiisa dalka Kenya Mr. Raila Odinga iyo Wasiiro ka tirsan golihiisa.

 

-DHAMAAD -

--


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia


Wasiirada la safray ra'iisul wasaaraha DFKMG..


Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 30, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: