SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Markab Dagaal oo laga leeyahay Wadanka Kenya oo lagu Gubey Meel ku dhow Xeebaha Kudhaa ee Gobolka Jubbadda Hoose

Nov 20, 2011: Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in Afar Doonyood oo kuwa dheereeya oo ay ku rakiban yihiin Hub Noocyadiisa kala duwan ay weerar ku qaadeen Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Dalka Kenya oo ku sugnaa Meel ku dhow Xeebta Kudhaa gaar ahan Jasiirada Midhaawa .

Dagaal qaatey Muddo soddon Daqiiqo ah oo la sheegey in uu u dhaxeyay Dagaalyanadii watey Doonyahaas iyo Maraakiibtii Dagaalka ee laga lahaa dalka Kenya ayaa waxay wararka ay sheegayaan in mid ka mid ah Maraakiinta Dagaalka ee wadanka Kenya uu halkaa ku gubtey.

Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay Wadanka Faransiiska oo ka dhawaa Xeebaha Kudhaa ayaa lagu waramey in ay u soo gurmadeen Maraakiibtii Wadanka Kenya iyadoo la sheegey in halkaa ka badbaadiyeen Ciidmadii saarnaa Markiibtaas.

Wararka naga soo gaarya Deegaankaas ayaa waxay sheegayaan in Markabkii halkaa lagu gubey ayaa waxaa la sheegey in gabi ahaanba uu Bas beeley iyadoo la sheegay in Khasaaraha uu intaa uu ka badan yahay ayna jiraan Ciidamo Kenyaati ah uu waxyeelo ka soo gaartey Weerarkaas.

Afhayeenka Militariga kenya ayaa qoraal kooban oo Twitterka ah ku sheegay in maraakiibtooda oo dhan ay bedqabaan, waxana uu qoray sidan: "All Kenya Navy ships and maritime resources intact." Dhanka Warbaahinta Kenya waxay sheegeen in qiyaastii 5tii aroornimo aagga buur gaabo laga maqlay dhawaq madaafiic culculus.


Twitter-ka Chirchir oo ah afhayeenka militariga Kenya.


Tiwitterka Maj Chirchir waxa uu qoray in dhammaan maraakiibta Kenya ay bedqabaan.

Markabka halkaa lagu gubey ayaa waxaa wararka ay sheegayaan in uu ahaa Markab dhawaan Dejiyey Doon Kaluumeysi ooo laga leeyahay wadanka Kenya gaar ahaa Magaalada Mombasa waxaana doontaas ku dhintey 7 qof oo saarneyd iyadoo markii hore Dowladda Kenya ay sheegtey in ay dejiyeen Doon ay lahaayeen Xarakadda Alshabaab.


File photo, google images

Waa Markii ugu horeysey oo Weerar lagu qaado Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya wuxuuna weerarkaan ku soo beegmey xilli Maraakiib Dagaal oo laga leeyahay wadanka Kenya ay maalmahaan dhibaatooyin ay ku hayeen Doomaha kaluumeysiga ee ay leeyihiin dadka Soomaliyeed deegaano ka tirasan Jubadda Hoose.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

  • ROADMAP: Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa November 20, 2011 ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012. Akhri Warsaxaafadeedka - XRW/OM/PR 0097/11/11 ama Dhegeyso.

Nov 19, 2011: Kenya oo sheegtay in 8 askari ka dhinteen ilaa markii ay galeen Soomaaliya


Col. Cyrus Oguna iyo Maj Chirchir - Isha sawirka: Kenya Dailynation

Col. Cyrus Oguna oo ah Afhayeen Militariga Kenya ayaa Sabtidii Nov 19, 2011 waxa uu weriyaal ku sugan Nairobi u sheegay in ilaa markii ay gudaha u galeen Soomaaliya ay ka dhinteen 8 askari, kuwaas oo 3 kamid ah lagu diley dagaalka, halka 5-ta kale ay ku dhinteen diyaarad la dhacday. Waxana uu intaas raaciyey in saddex kale dhaawacmeen.

  • Kenya military says 8 of its soldiers killed since Somalia incursion: NAIROBI, Kenya, Nov 19, 2011: A Kenyan military spokesman says that eight Kenyan serviceman have been killed since Kenya sent troops into Somalia a month ago. Col. Cyrus Oguna says that three were killed by Somali gunmen and five died in a helicopter crash at the start of the operation. Three more have been wounded. Source: AP.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2011

Video / Video

Nov 18, 2011: Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.

Nav 18, 2011: Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000 ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab

Nov 17, 2011: Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Nov 17, 2011: Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Nov 16, 2011: Sheikh Shariif oo gaarey Nairobi iyo Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Nov 14, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay Gaartey Boqolkiiba 50% Ujeedadoodii ugu weynayd ee Hawlgalka Militari, taas oo ah in ay Samayso Aagga loo yaqaan buffer zone

Nov 14, 2011: Prof Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya , Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”

Nov 13, 2011: Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

Nov 11, 2011: Axmed Madoobe oo 10 Kiilo oo Aargoosato ah ku casumay Weriye reer Kenya oo waraysi ka qaaday

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: