SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

iyo Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

  • SomaliTalk.com | Nov 3, 2011

Waxaa Arbacadii (Nov 2) magaalada Muqdisho ka dhoofay Ra'iisul Wasaaraha DFKMG iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayagoo wada jir ugu dhoofay Xajka. Safarkaas ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka dibada uga maqan yahay madaxweynaha DFKMG oo safar Talaadadii ku aaday magaalada Kampala.


C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo u dhoofay Xajka, Nov 2, 2011

Warbixinta Video-ga hoose: Sheikh Shariif oo la kulmay Museveni.


Waraysiga Alharam Halkan ka akhri (Carabi)

Dhanka kale Jariidada Al Ahram ee ka soo baxda Qaahira oo waraysi la yeelatay Sheikh Shariif ayaa weydiisey su'aal ku saabsanayd faragelinta shesheeye su'aashaas oo ahayd "Waxaa shacabka Soomaalidu ay si weyn u hadal hayaan in ay jiraan faragelin shisheeye oo curyaaminaysa maslaxadda Soomaaliya iyo xasiloonideeda, sidee u aragtaa arrintaas?

Waxaa Madaxweynaha DFKMG ku jawaabey: "Waxaa jira dano laga leeyahay dhammaan dalalka adduunka, waxaase muhiimaddu tahay sidee ula dhaqanaa dalalkaas wata danahooda gaarka ah naga fushanaya".

Markii la weydiiyey "Ma dooneysaa in aad markale isu magacawdo Madaxweynanimo?" Waxaa Sheikh Shariif ku jawaabey:

"Waxaan ka soo gudubney xilligii adkaa, waxaana geli doonaa waqtigii dib u dhiska iyo dhismaha, waxaana u malaynayaa in qofkii xilka soo hayey watigaas adag in uu ka khibrad wanaagsan yahay qof kasta oo aan garanayn meel uu wax ka bilaabo, sidaas daraadeed waxaan rajaynayaa in aan xilka sii hayn doono xilliga soo socda," ayuu yiri Sheikh Shariif.

Dhanka kale waxaa maalintii 19aad galay xad-gudbka ay Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya, ayadoo ay militariga Kenya ku hanjabeen in ay diyaarado ku duqayn doonaan magaalooyin badan oo ku yaal Koonfurta Soomaaliya.

Arrinta ku saabsan duqaynta cirka weli Sheikh Shariif wax war ah kama soo saarin, lagamana maqal war ka dambeeyey hadalkii uu hore u sheegay ee ahaa in uu ka soo horjeedey ciidamada Kenya, ayna ka dambeysey in ra'iisul wasaaraha DFKMG heshiis magaalada Nairobi kula soo saxiixday Kenya.

Akhri: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG.


C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

***

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha DFKMG ay u safreen xajka. Warsaxaafadeedka oo u qornaa sidan:

Madax ka tirsan Dowladda oo sanadkan Gudanaya waajibaadka Xajka

Muqdisho, November 2, 2011--------Mas’uuliyiin sare sare oo ka tirsan dowladda ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaraddaha ee Aadancadde International iyaga oo ku sii jeeda Magaalada Barakeysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga halkaasoo ay ku soo gudan doonaan waajibaadka Xajka sanadkan..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubno ka tirsan golihiisa Wasiirada iyo sidoo kale, wefdi kale oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku jiraan xildhibaano ayaa galabta ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiintan ayaa gudanaya Xajka sanadkan, maadaama Xajku uu yahay mid ka mid ah Tiirarka Diinta Islaamka, oo qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay inuu Xajiyo marka uu awoodo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sanadkan soo Xajiyo isagoo xusay inuu Alle uga baryi doono shacabka Soomaaliyeed inuu dhibaatada abaarta iyo dagaalada ka dul qaado, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo, Nabad, Horumar iyo Barwaaqo.

Madaxdan ayaa la filayaa in marka ay dhameystaan gudashada Xajka ay u tacsiyeyn doonaan dowladda Sucuudiga oo uu dhowaantan ka geeriyooday dhaxal sugihii boqortooyada, Boqor Sultan bin Abdulaziz Al Saud, waxayna halkaasi kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalka Sucuudiga.

-DHAMAAD - (Isha: DFKMG)

***

Magaalooyinka ay Kenya sheegtay inay Diyaaradaha ku duqayn doonto

Afhayeenka Ciidanka Militariga Kenya ayaa Talaadadii Nov 1, 2011 sheegay in weerar aan kala go'lahayn ay ku qaadi doonaan magaalooyinka: Baydhabo, Baardhere, Diinsor, Afgooye, Bu'aale, Baraawe, Jilib, Kismaayo iyo Afmadow.

Maj Chirchir isagoo adeegsanaya Twitter-ka waxa uu hadalka u dhigay sidan: BAIDOA, BAADHEERE, BAYDHABO, DINSUR, AFGOOYE, BWALE, BARAWE, JILIB, KISMAYO and AFMADHOW will be under attack continously - waxaa sidaas qoraalka u qoray Maj Chirchir, laba jeer ayuu qoray Baydhabo, waxa uu sheegay in weerarka uu ku qaadayo magaalooyinkaas uu xusay ay uu ahaanayo mid aan kala go' lahayn (will be under attack continously)..

RA'YI: ARAGTIDA DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga

Kenyan Military Says It Plans to Attack 10 Towns in Somalia ‘Continuously’


Kenya issues attack warning over Twitter

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: