SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Prof Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya , Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”

  • SomaliTalk.com | Nov 14, 2011

Inta badan dadka soomaaliyeed ayaa si weyn uga soo horjeestey Duulaankii Ciidamada Kenya ku soo galeen Deegaano ka tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo ka dib markii u arkeen Duulaankaas mid Sharcidaro ah islamarkaana aan lagala tashan Dowladda Federaalka iyadoo taasi ay jirto ayaa Aqoonyahan Prof Xuseen Warsame oo wax ka dhiga Jaamacad ku taal dalka Kanada ayaa mar uu u wareamayey Idaacadda BBC-da Qaybteeda Afka Soomaaliya ayaa daboolka ka qaadey in Ciidamadda Kenya ee Dagaalka ku soo qaadey Soomaaliya ay ku fashilmeen.

”Waxaa Xaqiiqo ah in Kenya ay ku fashilantey Duulaankii Soomaaliya ay ku soo gashey waayo waxay ogaatey in aan Dagaal looga adkaan Karin Xarakada Alshabaab , markaas bay u qayla dhaan dirsatey Wadamada Carabta iyo Dowladda Israail , laakiin Taakulo yar oo ay ka hesho Israaiil waxay ku diri doontaa Dadka Muslimiinta oo Taageeri doona Xarakada Ashabaab iyagoo iska dhaadhicinaya in Gaalada ay isla soo safatey loona Baahan yahay in Muslimiinta ay isla saftaan “ayuu yiri Proff Xuseen warasame.

Prof Xuseen Warsame waxaa kaloo uu sheegey in sababaha ay Dowladda Kenya ugu fashilnatey Duulaanka ay ku qaadey Soomaaliya waxaa uu ku sheegey in Ciidamada Kenya ay iska soo galeen Soomaaliya iyadoo wax la tashi ah la sameyn Dowladda Federaalka taasoo ka careysiisey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed kana dalbadey Dowladda Kenya in ay joojiso Faregelinta ay ku sameysey Soomaaliya .

Wuxuu sheegey in Dowladda Kenya ay taageero ka raadisney Dowladaha Islaamka oo ay ugu horeyso Dowlada Turkiga oo Xiriir kala dhexeeyo Dowlada Federaalka hase yeeshee Prof Xuseen Warsame wuxuu sheegey inay adkaan doonto in ay Taageero ka hesho wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka oo uu sheegey in iyagaba tooda u yaaban yihiin sidoo kale waxaa Celinaya waa Muslinimada sida darteed Kenya wa ku fashilantey Duulaankii ay ku qaadey Soomaaliya.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Dowlada Kenya ayaa Magaalada Qudus kulan kula qaatey Madaxweynaha Israaill Shimon Peres waxaana kulankaas la iskula soo qaadey Duulaanka Ciidamada Kenya ku galeen Deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose waxayna Dowladda Israaiil Balan qaadey in Kenya ay siin doonto Taageero Dhinac weliba leh sidaa darteed Dowladda Kenya sidii ay duulaanka ugu soo qaadey Soomaaliya waxay yeertey Af labadii iyadoo Caalamka ka dalbatey in gacan lagu siiyo Duulaankaas taasoo ka yaabisey qaar ka mid ah wadamada Caalamka oo sheegey in Kenya ayba ku ceeb tahay in ay taageero u raadiso Jabhad yar oo ay la dagaalameyso oo aan heysan Hub Casri ah

W/D Amin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2011

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: