SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NFD

Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

"Dawladda Sh. Shariif Sh. Axmed xadka waxay u taqaan Waxara-Cadde."

  • SomaliTalk.com | Oct 18, 2011

DFKMG oo weli ankirsan in Ciidamada Kenya ka soo gudbeen Xad Beenaadka NFD.

"Ciidamada Kenya ayaa qabsaday magaalada Qooqaani (Qoqani)" sidaas waxaa qortay Jariidada Standard ee laga leeyahay Nairobi, oo intaas raacisay "arrintaasi waxay timid kaddib duqan cir iyo dhul ah oo socotey laba maalmood. Waxaana ciidamada Kenya ay galabnimadii Isniinta ku siqayeen magaalada Afmadow oo 100 km gudaha Soomaali ah."

Warbaahinta Faransiiska ee AFP ayaa soo xigatey dad goob joogayaal ah oo uu kamid yahay Saleebaan Maxamed oo reer Qooqaani ah oo sheegay "Ciidamada Kenya oo garabsanaya Taangiyo iyo gawaarida dagaalka ayaa ku sugan meel u dhow Qooqani", ayuu yiri ninkaas odayga ah oo intaas raaciyey "Waxaan arkay qiyaastii 32 gawaari oo ay ku jiraan taangiyo iyo boqolaal ciidan ah."

"Ciidamada Kenya oo aad u hubaysan ayaa dhufays ka qodanayey meel u dhow Qooqaani," sidaas waxa kale oo yiri Cabdullaahi Sayid Aadam.

Dhanka kale militariga Kenya waxay xaqiijiyeen in diyaaradii militariga ee kusoo dhacday Libooye ay ku dhinteen (5) shan askari oo saarnaa oo uu ku jirey duuliyihii diyaaradda.

Wasiirka Difaaca Kenya, Mohammed Yusuf Haj, ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawlgallada militari ee ay ka fulinayaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Alshabaab ilaa laga gaarayo xaaladda "aan rabno", ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Moses Wetang’ula (oo Soomaalidu ku xusuusato in uu Dawladda Shariif Axmed la saxiixday heshiiskii Isfaham ee badda) ayaa isaguna sheegay in ciidanka Kenya ay ka gudbeen xadka sidaasna ay weydisatey DFKMG, sidaas waxaa qortay Standard."Waxaan fulineynaa weydiisashadii Dawladda Soomaaliya iyo weliba annaga dal ahaan wax dantayada ah si aan ula dagaalano kooxaha argagaxisada." Sidaasna Watang'ula uu ku xaqiijiyey in ciidanka Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya.

Sida uu sheegay Raadiyaha ku hadla Afka Kenya ee KBC, afhayeenka Dawladda Kenya Alfred Mutua ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay galeen gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale Waxaa baarlamaanka Kenya warbixin albaabadu u xiran yihiin siiyey Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Difaaca. Waxaana Kenya hawlgalka ay ka fulineyso gudaha Soomaaliya ay ugu magac dartay  "Hawlgalkii Difaaca Kenya" "Operation Linda Nchi" (Operation Protect Kenya).

Telefishanka Kenya ee NTV ayaa soo saaray video muujinaya in ciidamada Kenya ay dhanka gudaha Soomaaliya u dhaafeen dhaagaxa yaal "xad beenaadka" NFD, kaas oo weriyuhu si qayaxan u sheegayo in ciidanka Kenya ay ku jiraan dhanka gudaha Soomaaliya. Waxana uu farta ku fiiqayaa dhagax yaal xadka oo dhanka gudaha Soomaaliya ay u dhaafeen ciidanka Kenya.


Weriyaha oo farta ku fiiqaya dhagax yaal "xad beenaadka", dhinaca kalena uu ka muuqdo gaari milatari.
Weriyaha: "The truck is actually the other side on the border, that is Somalia"

Wasiirka Amniga Kenya, George Saitoti isagoo qiil u raadinaya in ay galeen gudaha Soomaaliya waxa uu cuskaday qodobka Article 51 ee Xeerka Qarammada Midoobey (UN Charter), waayo ayuu yiri waan is difaaceynaa sidaas ayaan hawlgal militari u fulineynaa.

Safiirka DFKMG u fadhiya Nairobi, Cali Ameerika oo waraysi siiyey Telefishanka Aljazeera ayaa sheegay in Kenya xor u tahay in ay difaacdo dadkeeda iyo dalkeeda. (Dhegeyso Cali Ameeriko).

Arrimahaas oo jira, ayaa haddana Afhayeenka Dawladda FKMG, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Ing. Yariisow) oo waraysi siiyey Idaacadda Codka Maraykanka ayaa sheegay in ciidanka Kenya aysan ka gudbin xadka oo gelin gudaha Soomaaliya. Sida kor ku xusana Afhayeenkii Dawladda Kenya uu xaqiijiyey in ciidamadoodu galeen Soomaaliya.

Jasiiradda Daily Nation ee ka soo baxda Nairobi oo si weyn u qirtay in ciidamada Kenya ay galeen Soomaaliya, ayaa ayadoo ka hadleysey beeninta saraakiisha DFKMG waxay qortay: Inkasta oo si ballaaran looxaqiijiyey in ciidamada Kenya ay ka gudbeen xadka maalintii Axadda, haddana saraakiisha Soomaalidu waxay sii wadaan beeninta in hawlgalkaasi jiro. Waxaana jariidadu soo xigatey Ing. Yariisow oo dhehaya "Waxaa dadku ku khaldameen ciidanka Soomaalida oo Kenya soo tababartay."

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo dhegeystey hadalka DFKMG ay ku ankirtay in ciidamo Kenya ay ka gudbeen xadka ayaa yiri "Dawladda Sh. Shariif Sh. Axmed xadka waxay u taqaan Waxara Cadde." Weerarka (Kenya invasion of Somalia) "in ay gasho gudaha Soomaaliya waxay xad gudub ku tahay xornimada Soomaaliya". Baarlamaanka Soomaaliyana weli kama hadlin ciidamada Kenya oo galay Soomaaliya.


Maxamed Yuusuf iyo George Saitoti oo warbixin siiyey baarlamaanka Kenya

Kenya waa dal ay dhul iyo dad kaga maqan yihiin Soomaalida, oo xilligii gumeystayaashii reer Yurub u gacan geliyeen dhulka baaxadda weyn ee NFD.

Waxaa kale oo jirta in bishii la soo dhaafay ee September 2011 ay shirkado shidaalka baara sida TOTAL ay heshiis shidaal sahamin kula galeen Kenya aagga loo yaqaan BLOCK L5 oo gudaha badda Soomaaliya ugu jira, taas oo aysan jirin ilaa hadda qof masuul Soomaaliyeed oo arrintaas wax ka yiri.

Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho, halkaasna xilligaas laga saaray maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Waxayna Soomaaliya ciidankaasi xoog looga saaray (Jan 15, 2009) waa kaddib  (749) maalmood oo uu socdey dagaal.

Video muujinaya ciidanka Kenya oo Galay Soomaaliya

Xaqiijin Diyaarada dhacday oo ay ku dhinteen 5 askari

Halkan ka akhri qodobka Article 51 ee UN Charter

Kenyan troops close in on Somali’s second key town, Standard, Oct 17

Faafin: SomaliTalk.com | October 18, 2011

 

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: