SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo Hoggaaminayey Waftigii DFKMG ee ka qayb galay Shirkii IGAD ee Addib Ababa oo Looga hadlay Ciidanka Kenya oo Galay Gudaha Soomaaliya

iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

"Kenya oo Dhulka ay qabsadeen ka dhisaya Gobol loogu magac darayo AZANIYA"

  • SomaliTalk.com | October 22, 2011

Telefishanka Kenya ee KNT ayaa markale ku celiyey in ciidamada Kenya "ay qabsadeen", isla markaasna TV-gu waxa uu shacabka Kenya tusay khariidas ay ku muujiyeen in calanka Kenya lagu sawiray afar magaalo oo gudaha Soomaaliya. (Video hoos ka daawo). Dhanka kale waxaa magaalada Addis Ababa Jimcadii lagu qabtay kulan ay yeesheen IGAD oo looga hadlay ciidanka Kenya oo galay Soomaaliya. Dhanka kale Faarax Macallinm guddoomiyaha baarlamaanka Kenya ayaa qiray in Kenya u socoto in ay Sooomaaliya ka samayso maamul laga dhiso aagga Jubooyinka, kaas oo ah maamulka AZANIYA.


Khariidadda ay NTV Ku muujisay meelaha militariggoodu ka joogo gudaha Soomaaliya

Jimacadii October 21, 2011 magaalada Addis Ababa lagu qabtay kulan heer wasiiro ah ee IGAD, kulankaas oo loog ahadlayey hawlgalka ay Keny augu magac dartay ‘Operation Protect the Nation’ ee ay ciidankeedu kaga gudbeen xadka NFD, kuna galeen gudaha Soomaaliya.

C/raxmaan Sh. Ibraahim Maxamed
Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda DFKMG


Warsaxaafadeedkii  ka soo baxday kulanka IGAD ka akhri halkan Oct 21, 2011, Addis Ababa

Shirkaas ay ka qayb galayeen Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Wasiiradda Difaaca iyo safiiro matalayey wasiiradooda Arrimaha Dibadda, waxaa DFKMG waftigeeda hoggaaminayey Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Shiikh Ibraahim Maxamed.

Kulankaas waxaa laga soo jeediyey in Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobey loogu baaqay in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, isla markaasna la go'dooyimo Kismaayo (blackade), lagana dhigo meel aan diyaaraduhu geli karin (no fly zone).

Dhanka kale Ra'iisul Wasaaraha DFKMG, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uusan ka war hayn ciidamo Kenya in ay ka soo gudbeen xadka Soomaaliya, sidaas waxa uu Jimacadii (Oct 211)  sheegay Idaacadda Muqdisho ee ku hadasha Afka xukuumadda FKMG, oo weydiisey "Hadda ma jiraan ciidamo Keenyaati ah oo gudaha Soomaaliya ku jira", waxa uu ku jawaabey "Anigu ogaantayda ma ogi ilaa hadda ciidamo gudaha Soomaaliya ku jira. Xadka haa weyjoogaan, laakiin ciidamo gudaha soo galay oo hadda saacaddaan ciidamo gudaha ku jira anigu lama socdo mana ogi," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DFKMG.. (DHEGEYSO).

Telefishanka NTV ayaa ku celiyey in Kenya qabsatay Raas Kambooni. Islamarkaasna Sabtidii (Oct 22) waxaa afhayeenka Militariga Kenya Major Emanuel Chirchir waxa uu qoraal uu soo saaray ku sheegay in ay qabsadeen Oddo.

Dhanka kale Faarax Macallin oo waraysi siiyey idaacadda Codka Maraykanka ayaa qiray in Kenya qorshaheedu uu kamid yahay in ay Soomaaliya ka dhisto maamul gobol loo yaqaan AZANIYA.

Kulankii IGAD ee Jimacadii lagu qabatay IGAD ee looga hadlay hawlgalka Kenya ku gashay Soomaaliya waxaa ka qayb galay: Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Hailemariam Desalegn, Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Moses Wetang’ula (oo lagu xasuusto heshiiskii Isfahamka badda), Wasiirka Difaaca Ethiopia Mr. Siraj Fergessa, Wasiirka Difaaca Kenya Yusuf Haji, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee DFKMG Abdirahman Sheikh Ibrahim, Wasiiru-Dowlaha Arrimaah dibadda DFKMG Hamid Ali Masheye, Wasiir ku xigeenka Difaaca DFKMG Brig. Gen. Mohamed Ali Ibrahim, Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya Mohamed Idriss Farah oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mahamoud Ali Youssouf, Safiirka Sudan u fadhiya Itoobiya Hassan E. El Talib oo ka wakiil aha wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Ali Ahmed Karti, Safiirka Uganda u fadhiya Itoobiya iyo Jabuuti Ambassador Mull S. Katende oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Uganda, iyo Xoghaynta EGAD Eng. Mahboub Maalim. Waxa kale oo kulanka loogu tashanayey Soomaaliya ka qayb galay madaxa xafiiska Ciidanka Difaaca ee Itoobiya Gen. Samora Yonusse, madaxa xafiiska ciidanka Gaashaandhigga ee Uganda Gen. Julius Karangi, madaxa xafiiska difaaca DFKMG Gen. Abdukadir Sheikh Ali Dini.

Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

iyo Madaxweynaha Kenya oo ka hadlay ciidankiisa ku duuley Soomaaliya, halka Sheikh Shariif uu arrinta weli ka aamusan yahay isagoo dalka dibadda kaga maqan

"Madaxda Soomaalida oo sheegay in aysan markii hore ka war hayn weerarkii Kenya ku qaaday dalkooda..."

  • SomaliTalk.com | Oct 21, 2011

Ra'iisul Wasaaraha Kenya Raila Odinga ayaa Khamiistii (October 20) sheegay in ciidamadoodu qabsadeen magaalada Raas Kamboone ee Koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dagaalka ay Kenya ku gashay gudaha Soomaaliya ka hadlay Madaxweynaha Kenya, Kibaki, oo ka hadlayey xafladda loo dhigay maalinta Geesiyaasha "Mashujaa Day", waxana uu markii ugu horeysey si toos ah uga hadlay dagaalka ay ciidamadiisu ku galeen gudaha Soomaaliya, isagoo shacabkiisa ku qancinaya sabaataana waxa hadalkiisii ka mid ahaa "Waxaan difaacaynaa wadajirka dhulkeena anagoo adeegsaneynaa wax kasta oo suurtgal aah si aan u xaqiijino ammaanka iyo xasiloonida."

Waxaana warbaahinta Kenya intaas raacisey in Ra'iisul Wasaaraha Kenya uu sheegay guusha ay gaareen maanta oo ku beegan maalin ay Kenya u dabaal degeyso "Maalinta Geesiyaasha." (Mashujaa Day). Jariidadda Daily nation waxay cinwaan ka dhigtay "Kenyan forces capture Shabaab’s Ras Kamboni." (Ciidamada Kenya oo qabsaday magaalada Shabaab ee Raas Kamboni."

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka waxa uu intaas raaciyey "waa in Kenya ay si masayr ku jiro u difaacataa dhulkeeda". Dhanka Afmadow waxaa afhayeenka militariga Kenya Maj. Chirchir uu sheegay in ciidankoodu aysan weli gelin Afmadow sababtoo ah "roob xooggan oo aagga ka da'ay," ayuu yiri.

Waxaa kale waxaa ciidanka Kenya ee galay Soomaaliya ka hadlay xoghayihii hore ee Qarammada Midoobey Kofi Annan oo isagoo ku sugan Nairobi waxa uu yiri: "Gelitaanka ay Kenya kaga gudubtey xadka kuna gashay Soomaaliya waa in aysan noqon olole aad u daba dheeraada." Waxana uu muujiyey in uu adkaan doono hawlgalka ay qaaday Kenya.

Dhankiisa Madaxweynaha DFKMG oo ku sugan Turkiga weli warcad kama soo saarin ciidamada Kenya ee ku duuley Soomaaliya. Golaha Wasiirada DFKMG oo shir yeeshay Khamiistii, soona saaray warsaxaafadeed, wixii kulankaas looga hadlay kuma jirin ciidamada Kenya ee galay Soomaaliya. Baarlamaanka DFKMG sidoo kale kama hadlin arrintaas. Waxa keliya oo arrinta ka hadlay waa Kenya oo sheegatay in ciidankoodu qabsadeen Qooqaani, Dhoobley iyo Raas Kambooni.

Wargeyska New York Times ayaa Khamiistii qoray in madaxda Soomaaliyeed ay sheegeen in haba yaraatee aysan wax ka ogaayeyn weerarka Kenya ku qaaday Soomaaliya. Waxaana jariidadu intaas raacisey "laakiin si waadax ah madaxda Soomaaliyeed uma ay qiran karaan in ay ciidamo shisheeye ku soo casumeen dhulka Soomaaliyeed waayo taasi waxay ka caraysiineysaa Soomaalida ayadoo la ogyahay caradii ay Soomaali badani dareemeen 2006 markii Itoobiyaanku galeen Soomaaliya" - sida hoos ku qorna Kenya waxay ku andacootey in ay casumaad ka heshay DFKMG.

Magaalada Raas Kamboni waxaa ku dhow aagga loo bixiyey BLOCK L5 oo qiyaastii 150 km ugu jirta gudaha dhul-baddeedka Soomaaliya, halkaas oo bishii September 2011 ay Kenya heshiis kula gashay shirkadda Total si ay shidaal halkaas uga sahamiso.

Dhanka kale, Warbixin dheer oo ay qortay xarunta Center for American Progress, ayaa tibaaxday khasaaraha ka dhashay dawlad la'aanta ka jirtey Soomaaliya 20-sano, taas oo galaafatay 1.5 qof, waxaana ku baxay $55 billion oo doolar. Islamarkaasna in 750 askari laga diley ciidamada AMISOM laga soo bilaabo Janaayo 2007.

Waxaa warbixintu xustay dhimashada la soo gudboonaatey intii jeer ee ciidamada shisheeye galeen Soomaaliya. Sida Hawlgalkii UNITAF waxaa ku dhintay 8 askari iyo 24 dhaawac ah, waxaana hawlgalkaasi socdey shan bilood, waxaa dheera toban kale oo kudhintay shil. Hawlgalkii UNISOM I iyo II waxaa ku dhintay 300 ciidamadii Qarammada Midoobey, waxaana dhaawacmay qiyaastii 461 askari. AMISOM waxaa ka dhintay 750 askari laga soo bilaabo January 2007 ilaa Setember 2011. Militariga Ethiopia dhimashadoodu aad ayey uga badnayd taas oo waxay gaareysey 100 askari toddobaadkiiba, waxa sidaas qoraaga ku sheegay khabiir ka warhaya AMISOM (Akhri Warbixinta oo dhan).

Moi: Soomaaliya oo Midaysan waxay soo noolayn doontaa Sheegashadoodii Dhulka - September 2003

Kenya waxay gumeysi ku haysataa dhul Soomaaliyeed oo aad  u baaxad weyn, NFD. Waxay ahayd September 19, 2003 markii Madaxweynahii hore ee Kenya Moi oo hadal ka jeediyay Jaamacadda American Defence University ee Washington DC ee dalka Maraykanka waxa uu sheegay "dib u dhaca nabadaynta Soomaaliya in ay salka ku hayso shakiga ay dalalka gobolku ka qabaan Soomaaliya oo midaysan in ay sii wadi doonto 'riyada is-ballaarinta.'" Moi waxa uu intaas ku daray in qaar "dalalka deriska la ah Soomaaliya ay ka cabsi qabeen Soomaaliya oo dib-u-midowda oo barwaaqo ah ay dib u soo noolayn karto sheegashadoodii dhulka." Waxana uu xusay in markii ay xornimada heshay Jamhuuriyaddii Soomaaliya ay sheegatay qayb ka mid ah Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, ayna ku xejisay dagaal hubaysan si ay u xaqiijiso fikirkan. Daniel Toroitich arap Moi waxa uu madaxweyne ka ahaa Kenya muddo 24 sano ah intii u dhaxaysay August 22, 1978 - December 30, 2002 (Akhri)

Sheikh Shariif Axmed oo la kulmay Madaxweynaha Turkiga Cabdullah Guul (Gül)

Kenya At War: Army Takes Ras Kamboni

 

IGAD, Oct 21, 2011: Urges the International community, in particular the UNSC to impose a blockade on Kismayu and impose no fly zone on parts of Somalia; Further calls for the lifting of the arms embargo on Somalia, as well as a concerted effort to stem the menace of piracy affecting the IGAD coastal countries in particular Djibouti and Kenya. http://igad.int/attachments/361_IGAD_41th_COM_Communique.pdf

Isha Sawirada: Youtube Video, Google images, KNT tv, Citzen TV

Faafin: SomaliTalk.com | October 22, 2011

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: