Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka
socdey Soomaalida Waqooyi Bari (NFD).
- SomaliTalk.com | Oct 10, 2011
“Gobolka Waqooyi Bari Markiisii hore waa ka Dambeeyey Gobolada kale ee Kenya
marka Hadda waxaa la Doonayaa in loo sii Dhameeyo”. Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxay sheegayaan in uu
kulan balaaran uu dhexmarey Madaxweynaha wadanka Kenya Kibaki iyo xubno ka
socdey Gobolka waqooyi Bari ee Dalka Kenya ee ay Soomaalida (NFD), waxaana ka mid
ahaa Xubno ka socdey odoyaasha , Culumaudiin , Siyaasiyin , Xildhibaano iyo
Wasiiro waxaana kulankaas la is kula soo qaadey soo gelitaanka Ciidamada Kenya
ee Dhulka Soomaaliya iyo saameynta ay arrinkaas ku yeelatey dadka Soomaaliyeed
ee ku nool Gobolka Waqooyi Barri..
Xubnahii ka socdey Gobolka waqooyi Barri ayaa waxay Madaxweynaha Kibaki u
sheegaan in Xaalad Nabagelyo Xumo ay u keentey Soomaalida Waqooyi Bari gelitaankii Ciidamadda Kenya ee Soomaaliyeed iyagoo sheegey laga soo
bilaabo 16 kii oktoober ee bishii la soo dhaafey oo ku beegneyd xiligii Ciidamada Kenya
ay galeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose in Deegaanka Waqooyi bari lagu
diley dad fara badan oo ay sheegeen in qaar ka mid toogasho lagu diley qaar
kalane lala beegsadey Qaraxyo , waxayna ka codsadeen Madaxweynaha in Xaaladda
nabadgelyo ee Deegaanada waqooyi Bari wax laga qabto islamarkaana Dowladda ay ka
fiirsato faregelintii ay ku sameeyaan Soomaaliya . “Tan iyo markii ay burburtey Dowladii Soomaaliya ee Sannadkii 1991 dadka ku nool
Deegaanada Waqooyi Bari ee Dalka Kenya waxay ku noolaayeen Nabad buuxda taasina
waxay ku timid faragelin la’aanta Dowladda Kenya ee Soomaaliya xitaa waxaa
soomaaliya nooga imaanayey Badeecooyin aad uga jaban kuwaas ka soo dega Mambasa
marka waxaan leeyahay Dowladda Kenya in ay joojiso faragelinta ay ku sameeyeen
Soomaaliya waayo wax badan oo dano ah ayey ku weyneysaa Dowladda Kenya “ayuu
yiri nin odey ah oo ka Hadley kulankaas sheegeyna in Dowladda Kenya ay ku
fududaatey gelitaankii Soomaaliya . Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Siyaasi isna ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari
(NFD) waxaana la sheegay in uu yiri “Dowladsda Kenya dib ha u eegto dalka Afganistaan
waxaa reer Galbeedka iyo Mareykanka ka jooga ilaa 300 oo kun oo Askari ilaa iyo
hadda wax xal ah lagama gaarin dalkaas marka Dowladda Kenya waxaan filayaa in
aysan hayn dhaqaalhihii ay ku bixin lahayd la dagaalanka argagixisada marka
waxaa talo ku soo jeedin lahaa in Dowladda Kenya ay xirato Xuduudeeda oo ay
Ciidamadeeda kala soo baxaan Soomaaliya “ wuxuu intaa si raaciyey “ waxaaa loo
baahan yahay in Dowladda Kenya ay si aad ah uga fiirsato faragelinta ay
kusameysey Soomaaliya . “Dowladda Kenya faragelin way ku haysey Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Siyaasada
marka hadii ay ku darto mid Meleteri waxaa imaan kara in faraha ay ka baxdo
Nabagelyadii Deegaanada Soomaalida dalkana uu ku soo qulqulo hub fara badan
marka haddi aan nahay dadka ka soo jeeda Deegaanka Waqooyi Beri waxaa maalmahaan
lana soo gudboonaadey nabadgelyo tii ugu xumeyd xitaa waxaan kor u kacay
Maciishadii waayo Gawaaridii Badeecooyinka nooga keeni jirey Soomaaliya
dhamaantood waa istaageen marka Madaxweynaha waxaan leeyahay Gobolka Waqoyi Bari
markiisii hore waa uu ka harey Gobolada kale ee ay dadka Kenya ay Degaan ha
noqoto mid dhaqaale ,mid Bulsho iyo mid adeeg guud , marka haddii Xaaladii
nabadgelyo ay sii xumaato waxaa Gobolka Waqooyi Bari ku imaan kara iin wixii ay
haysteen ay sii burburaan marka waxaa u soo jeedinayaa Dowladda Kenya in ay
joojiso faragelinta ay ku sameysey Soomaaliya “ ayuu yiri nin ka mid Culimada
Gobolka Wooyi Bari ee ka qayb galey Kulankaas . Madaxweyne Kibaki oo isna ka Hadley kulankaas ayaa sheegey in Dowladda Kenya ay
iska Difaaceyso wax uu ugu yeerey Kooxo argagixisa ah haddii aan laga hortagi ay
imaan karto in in ay faraha ka baxdo Nabadgelyadii dalka Kenya iyo kan Gobolka
marka waxaa idiin soo jeedinayaa in aad kaqayb qaadataan sidii looga hortagi
lahaa nabad diidka ,hase yeeshee kulankaas ayaa waxaa lagu waramey in uu ku
dhamaadey fashil balse loo balamey kulan kale oo la sheegey inay la yeelan
doonaan Raiisul Wasaaraha Kenya . W/D Amiin Yuusuf Khasaaro.
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk.
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.
RA'YI:
ARAGTIDA
DADWEYNAHA: Ku qor halkan ra'yigaaga
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2011
Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka
socdey Soomaalida Waqooyi Bari.
Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin
wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"
Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya
?
Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo
Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen
Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida
Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku
sugan Soomaaliya
Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara
Soomaaliya kaddib 2012
Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u
dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala
Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo
Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad
gudubto Axdiga FKMG
Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada
Kenya ee Galay Soomaaliya
Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku
Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib
Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib
Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli
ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya
Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha
DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey
Golaha Baarlamaanka.
Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen
Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya
Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku
celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya
Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray,
soona dhaweeyey in
Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif
ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya
Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif
Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka
haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...
Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey
Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya
Oct
24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo
Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....
Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii
Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya
Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in
uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya
October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo
Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni
Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu
Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif
Axmed....
Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta
Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya
Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in
Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...
Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula
qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG
Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG
oo Beenisey arrintaas
|