SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG...

  • Nuur Cadde oo u muuqda mid baabi'naya sharcigii Batroolka ee uu sameeyey Cali Maxamed Geeddi...
  • Wadahadal u socda Somaliland iyo Range/Afrika Oil...
  • Yaa ku taajiraya Khayraadka Batroolka ee la sheegayo...

    Faalladii iyo warbixintii SomaliTalk.com | Feb 8, 2008

Kulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde

Khamiistii (Feb 7, 2008) waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan ku dhex maray madaxweynaha DFKMG, Gaashaanle Sare C/laahi Yuusuf Axmed, ra'iisul wasaaraha DFKMG, Gaashaanle Sare Nuur Cadde iyo madaxweynaha DGPL, Janaraal Cadde Muuse.

Kulanka Addis Ababa ee afar-geesoodka ah waxa uu ku saabsan yahay weli looma sheegin shaacabka Soomaaliyeed, balse warar hoose oo ka soo baxaya ayaa muujinaya in kulankani ujeedadiisa ugu weyn la xiriirto wadahadal u socda Shirkaddaha Shidaalka ee Heshiiska la galay Puntland, Madaxweynaha DGPL, ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo madaxweynaha DFKMG. Ujeedada kama dambaysta ah ee wadahadalkaas waa heshiisyada Batroolka ee Puntland la gashay shirkadaha shisheeye sidii loo ansixin lahaa ayadoo aan wax sharci ah loo samayn batroolka DFKMG.

Arrimahaas waxaa daliil u ah qoraal ay (Janaayo 31, 2008) shirkadda Range Resources u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) oo ahaa warbixinta xisaab xirkii Shirkaddaas ee afarta bilood ee la soo dhaafay. Waxaana lagu xusay hadalkan:

"Puntland waxay wada xaajood kula jirtaa madaxweynaha (DFKMG), Ra'iisul wasaaraha cusub iyo wasiirka cusub ee Macdanta iyo Tamarta oo ay kala hadlayaan arrimo la xiriira heshiis dhex mara Puntland iyo DFKMG oo ku saabsan Khayraadka Dabiiciga ah kaas oo kama dambaysta dhawraya ama ogolaanaya heshiiskii dhexmaray Range Resources [iyo Canmex "Africa Oil"] iyo Dawlad Goboleedka Puntland iyo Baarlamaanka. Range waxay kalsooni ku qabtaa in heshiis rasmi ah la gaari doono bisha Febraayo 2008." Sidaas ayey shirkadda Range ku qortay qoraalka ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia 31/1/2008.

Waxa kale oo Range qoraalkeeda ku qortay: "Afartii bilood ee la soo shaafay waxaa is casiley ra'iisul wasaarihii iyo wasiirkii tamarta* ee DFKMG ee Soomaaliya ayagoo jagooyinkoodii sababaha ay isaga casileen ay ka qayb qaadatay sharcigii batroolka Qaran ee DFKMG kaas oo ka hor imanayey jiritaanka xukuumadda Puntland", waa sida ay warka u dhigtay Range. Hadalkaas oo u muuqday mid loogu hanjabayey G/sare Nuur Cadde iyo Inj. Kaanje.

Waxa kale oo arrinta ku saabsan wadahadalka DFKMG iyo DGPL wax ka qortay shabakadda Africa Intelligence oo wax ka qorta arrimaha tamarta, macdanta iyo xiriirada Afrika. Waxayna qormadaasi muujisay in G/sare Nuur Cadde u muuqdo mid baabi'naya sharcigii Batroolka ee uu sameeyey Cali Maxamed Geeddi. Qormada Africa Intelligence ee arrintaas muujineysa oo soo baxday bilowgii Febraayo 2008 waxaa ka mid ahaa:

"DFKMG waxa ay hadda wadahadal la leedahay Dawlad Goboleedka Puntland arrimo la xiriira Batroolka. Ra'iisul wasaaraha cusub, Nuur Xasan Xuseen (G/Sare Nuur Cadde), waxa uu u muuqdaa mid meesha ka saaraya in la soo bandhigo sharcigii batroolka ee ay soo sameeyeen ra'iisul wasaarihii ka horeeyey ee Cali Maxamed Geeddi iyo wasiirkii hore ee tamarta Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, kuwaas oo ay la talinayeen shirkadda reer Indonesia ee MedcoEnergi iyo shirkadda Kuwait Energy Company (KEC). Shirkadahaas oo ku taliyey in la abuuro Shirkad Batrool ee Qaran oo loogu yeerayo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed. Wasiirkii hore ee Batroolka C/laahi Y. Maxamed waxaa lagu bedeley Maxamuud Cali Saalax, kaas oo ay baarlamaanka (Baydhabo) ansixiyeen bartamihii Janaayo 2008."

Qoraalka Africa Intelligence waxa uu intaas ku daray: in Puntland si gaarkeed ah ay xuquuqda khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka hoostiisa u siisay shirkad Australian ah, oo ah Range Resources. Shirkadaas oo iyaduna boqolkiiba 80% ka sii iibisey shirkadda kale ee Africa Oil Corporation (oo loo aqoon jirey CanMex Minerals Corp)."

DFKMG weli (Feb 7, 2008) wax kawaab ah kama bixin qoraalka ay Range Resources u dirtay Suuqa ganacsiga Austarlia iyo warbixinta Africa Intelligence. Aamusnaantu waa aqbalaad marka laga hadlayo arrimaha siyaasadda caalamka.

Wadahadal Somaliland iyo Range/Afrika Oil...

Dhanka suuqyada Australia iyo goobaha ay akhbaarta isku dhaafsadaan dadka saamiyada ku leh shirkadaha macdanta/batroolka ee heshiiska lagalay Puntland, ayaa beryahan waxay isla dhex marayaan in uu jiro wadahadal u socda shirkadaha Range Resources & Afrika Oil iyo maamulka Somaliland.

Warar lagu faafiyey HotCopper, oo ah shabakad ay xogta isku dhaafsadaan dadka saamiyada ku leh Suuqa Ganacsiga Australia, oo soo xiganeyey warar ay faafiyeen warbaahinta Hargeysa, ayaa sheegay in uu wadahadal u socdo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland, Qaasim Sheikh Yuusuf Ibraahim iyo shirkadaha Range Resources & Africa Oil, wadahadalkaas oo ku saabsan heshiis wax-soosaar-wadaag ee Batroolka.

Waxaa wararku tibaaxeen in shirkadahaasi ay caqabado kala kulmi doonaan xisbiyada mucaaradka iyo baarlamaanka Somaliland haddii warkaasi soo shaac baxo oo run noqdo.

Laakiin, ilaa hadda ma jiraan cid beenisey ama xaqiijisay wararkaas sida weyn ugu baahsan Suuqa ganacsiga Australia ee ku saabsan in Range Resources u jihaysatey dhankaas iyo Haargeysa. Lamana oga waxa ay maamulka Puntland ku jawaabi doonaan.

Dhanka dalka Australia waxaa jira in Booliiska Federaalka Australia uu Baaritaan Xooggan ku hayo Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad ama dunida soo koreysa, hab dhaqanka Shirkadaas awgeed..

Kulanka Addis Ababa....

Abdullaahu Yuusuf Ahmed iyo Hu
Madaxweynaha Shiinaha Hu Jintao oo madaxweyanaha DFKMG Abdullahi Yusuf Ahmed kula kulmay magaalada  Beijing ee caasimada Shiinaha  Nov. 7, 2006. C/Laahi Yusuf waxa uu ka qayb galay kulankii loogu magac daray Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (FOCAC) oo qabsoomay Nov. 4-5, 2006.

Haddii aan ku laabanno kulanka Addis Ababa ee Yuusuf iyo laba Cadde, lama saadaalin karo waxa ka soo bixi doona, laakiin aqoonyahanno Soomaaliyeed oo la socda arrimaha shidaalka Soomaalida ayaa saadaaliyey in ay caqabado ka hor imaan karaan in ay saddexda xubnood heshiis wada gaaraan, arrimahan waxaa ka mid ah:

C/laahi Yuusuf iyo Shiinaha...

abdullaahi yusufG/sare C/laahi Yuusuf Axmed, madaxweynaha DFKMG, waxa uu heshiis la galay shirkadda CNOOC ee ay leedahay Dawladda Shiinaha. Waa heshiis ku saabsan in Shiinuhu shidaal ka baari karo qaybo ka mid ah Gobolka Mudug, sida aagga Garacad. Waxaana xusid mudan in sharciga batroolka ee muddada dheer horyaal Baarlamaanka fadhiidka ah ee Baydhabo in uu baab'inayo heshiisyadii la galay wixii ka dambeeyey December 31, 1990. Qodobkaas oo sabab u noqday khilaafkii Geeddi iyo Yuusuf.

C/laahi Yuusuf iyo Shirkadaha Galbeedka..

Waxaa jira xog sheegeysa markii uu xoogeystey khilaafkii Geeddi iyo Yuusuf bishii November-December 2007 ayaa waxaa C/laahi Yuusuf la hadlay dalal reer Galbeed ah, kuwaas oo u sheegay in ay Cali Maxamed Geeddi ku qancinayaan in uu jagada ka dego haddii (C/laahi Yuusuf) uu ka taanaasulayo heshiiska Shiinaha, oo booskaas uu ku bedelayo in la soo celiyo shirkadihii reer galbeedka ee heshiiska la galay dawladdi Maxamed Siyaad Barre.

G/sare C/Laahi Yuusuf iyo Range...

C/laahi Yuusuf kuma qanacsana heshiiska Range Resources la gashay Puntland. Waxay ahayd July 16, 2006 markii uu tegey Garoowe oo uu la kulmay Gen. Cadde Muuse oo weydiistey in uu (C/laahi Yuusuf) u saxiixo heshiiska Puntland la gashay Range Resources. Arrintaas C/laahi Yuusuf waa diidey, waxana uu Garoowe ka laabtay isagoo aan heshiiskaas saxiixin.

Lataliyaha C/laahi Yuusuf ee xagga batroolka & khayraadka dabiiciga ah, Faysal Xawar, waxa uu si qeexan u sheegay shirkadda Range Resources ee heshiiska la gashay Puntland in ay tahay mid aan macquul ahayn ama caqilga gelikarayn.

Gen. Cadde iyo Range...

cadde muuseGen. Cadde Muuse, madaxweynaha DGPL, waxa uu waqtigiisii madaxweynanimada (Jan 8, 2005 ilaa hadda) ku dhammeeyey hal shirkad in uu ku dadaalo sidii uu heshiis ugu ansixin lahaa isagoo aan haba yaraatee la tashan shacabka Puntland oo uu waqtigii kaga khasaariyey sidaas. Lagama filayo in uu la tashado qof dhehi kara 'Cadde sidaas kuma haboona ee sidaas yeel'. Sidaas daraadeed hadda oo sannad wax dhiman uga hareen xilligii loo qorsheeyey madaxweynanimadiisa uma muuqdo mid la imaan kara fikir cusub, ama dadka la tashan doona.

Ilaa hadda DGPL wax caddayn ah kama bixin cidda saamiga ku leh shirkadda CONSORT maadaama arrintaasi muhiimad weyn u leedahay go'aan qaadashada. Shirkadda Consort waxay saami 15% ku leedahay shirkadda Range Resources. Waxaana jirta in qaar ka mid ah madaxda sare ee DGPL ay wax ku leeyihiin CONSORT. Sidaas daraadeed qof saami ku leh shirkad arrimaha ku lug leh ma noqon karo mid ka madax bannaan oo qaadan kara go'aan dan u ah shacabka iyo dalka (arrintaas waxaa Afka Australia lagu yiraahdo Conflict of Interest). In la ogaado cidda leh Consort (oo ka diiwaan gahsan Maldives) waxay fure u tahay in la helo meesha arrimuhu ka cakiran yihiin.

Gen. Cadde iyo DFKMG...

Maxamuud Muuse Xirsi waxa ugu weyn ee uu ku hanjabo waa in uu dhaqaalaha ka jari doono DFKM haddii aysan u ansixin waxa uu doonayo oo ah in shirkadda Range uu C/laahi Yuusuf u saxiixo heshiiskaas. Waxaana taas laga dareemi karaa erayadii ahaa haddii Puntland sida ay rabto aan loo yeelin waxaan ka go'i doonaa DFKMG, hadaladaas oo ka soo yeeray masuuliyiinta Puntland.

G/sare Nuur Cadde iyo Puntland...

nuur caddeG/sare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) weli si qeexan shacabka Soomaaliyeed uguma sheegin mowqifkiisa ku aaddaan shirkadda Range Resources.

Laakiin Wasiirka uu u magacaabay Tamarta & Macdanta, Inj. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje), ayaa sheegay in hawlaha wasaaradiisa iyo waxa ay qabanayaan ay wax badan kaga xiran yihiin ansixinta sharciga batroolka ee horyaal baarlamaanka Baydhabo. Waxa kale oo wasiirku sheegay in Soomaaliya ay ka jirto hal dawlad sidaas daraadeedna ay Puntland ka mid tahay Dawladda FKMG.

Inkasta oo aan weli la ogeyn in Wasiirka Tamarta & Macdantu uu ku biiri doono kulanka Addis Ababa, haddana erayadaas uu hore u sheegay waxay noqonayaan kuwo horyaal G/sare Nuur Cadde, kuwaas oo ka hor imanaya qoraalka ay Nuur Cadde ka werisey Africa Intelligence ee ah in uu baabi'inayo sharciga batroolka ee horyaal Baarlamaanka.

Haddii G/sare Nuur Cadde uu aqbalo heshiiska Range ee Puntland ayada oo aan la ansixin sharciga Batroolka ee Soomaaliya, waxaa iman karta in Baarlamaanka Baydhabo uu ka dhici karo buuq sidii hore uga dhacday, ama loo qaado codka kalsooni kala laabashada. Haddiise uu diido heshiiskaas (Range & Puntland) waxa soo wajahi kara khilaaf la mid ah kii uu Cali Geeddi kala kulmay Puntland.

Range iyo Saamiyada Suuqa Australia


Isha shaxanka: http://www.sharescene.com/

Shirkadda Range Resources waxaa bilihii u dambeeyey soo food saaray hoos u dhac ku imaneyey saamiyada ay shirkaddaasi ku leedahay suuqa Ganacsiga Australia, sida ka muuqata shaxanka sare.

Arrimaha ugu badan ee lagaga faalloodo goobaha ay xogta isku dhaafsadaan saamileyda Suuqa Australia, sida ShareScene, waxaa ka mid ah in shirkaddaasi ilaa hadda aysan wax la taaban karo oo shidaal qodis ah ka samayn Puntland laga soo bilaabo August 31, 2005 oo heshiiskii ugu horreeyey dhex maray Consort iyo Puntland, kaddibna saamiyadii lagu wareejiyey Range, taas oo saamiyada qaar ka sii iibisey Afrika Oil.

Hoos u dhaca saamiyada Range waxa uu cadaadis ku saarayaa Puntland in ay dhaqdhaqaaq sameeyaan maadaama saamiga hoos u dhacaya macneheedu yahay in Consort sidoo kale saamiyadeedu hoos u dhacayaan ama qiime beeleyso, taas oo ay qayb ku leeyihiin qaar ka mid ah madaxda Puntland, sida meelo badan lagu muujiyey.

Range/Africa Oil iyo Somaliland...

Shirkadaha Range Resources iyo Africa Oil, oo u muuqda kuwo fahmey madaxda Afrikaanka ah in aysan la tashan shacabkooda, ayaa waxaa wararku muujiyeen in ay u jihaysanayaan dhanka Somaliland maadaama wax badan uga hirgeli waayeen Puntland. Arrintaas oo loo arko cadaadis ay saarayaan Puntland oo haddii aysan helin saxiixa DFKMG ay markaas ka huleelayaan Puntland.

Laakiin, sida kor ku xusan, Somaliland qudheedu uma muuqato meel u fududaan doonta in Range Resources iyo Afrika Oil ay ka fushadaan waxa ay rabaan arrimo dhawr ah awgeed, sida in Somalilanad ay heshiis kula jirto shirkado aan sidaas loo aqoon oo kusoo horeeyey halkaas, sida TS/NOPEC oo reer Norway ah iyo ROVA (oo 75% ay leedahay Ophir oo laga leeyhaay K/Afrika) iwm.

Halkaas waxaa ka muuqda wadahadalka Addis Ababa in u noqon karo mid cakiran, maadaama marka horeba ay ahaayeen heshiisyo aan loo soo bandhigin shacabka ama lagala tashan-ba. Tijaabada ugu weyna waxay hor taal G/sare Nuur Cadde sidii uu arrinta ka yeeli lahaa.

Yaa ku taajiraya Khayraadka Batroolka ee la sheegayo...

Dunida loo yaqaan 'adduunka soo koraya' ama 'dunida saddexaad' dhibaato weyn ayaa ka haysta maaraynta khayraadka dabiiciga ah ee Allah dhulkooda ku manaystay. Waxaa marar badan la caddeeyey in khayraadkaas ay ka faa'iidaan oo keliya koox kooban oo iyagu awood iyo xoog ku muquuniya shacabka, sidaasna ay khayraadkii ugu koobnaado kooxdaas, shacabkuna ay ka yihiin sabool.

Waxaa xusid mudan qoraal dheer oo ay (February 7, 2008) qortay shabakadda FPIF (Foreign Policy In Focus), oo ah shabakad ay ku midaysan yihiin 600 oo isugu jira aqoonyahanno, qareeno iyo dad firfircoon, qoraalkaas oo ku saabsan Afrika iyo sannadka 2008 ayey ku xustay dhawr dal oo Afrika ah oo leh khayraad Batrool oo aad u farabadan laakiin shacabku ka gaajaysan yahay. Waxaana dalalkaas ka mid ah:

  • Nigeria oo maalintiiba soo saarta 2.5 million oo foosto oo batrol ah maalintii taasoo ah dakhliga dawladda qiyaastii 80%. Inkasta oo dalku sidaas qani u yahay haddana tiro ka badan boqolkiiba 70% shacabku waxay kunool yihiin fakhri/sabool-nimo, waxaana lagu qiyaasay in dadka dalkaasi ay saboolnimada dunida kaga jiraan lambarka 158aad marka la xisaabiyo 177-dal oo looga qiyaas qaato Heerka Hoorumarka Bini'aadamka.
  • Angola waxaa la qiyaasayaa in ay soo saari doonto 2 million oo foosto maalintiiba sannadka 2008. Batroolka iyo gaaska dalkaasi waxa uu sannadkii 2003 soo jiitey maalgelin shisheeye oo gaareysey $20 billion. Sidaas oo ay tahay dadkeedu saboolnimaad waxay kaga jiraan lambarka 162aad.
  • Sudan waxay soo saartaa 520,000 foosto maalintiiba, laakiin dadkeedu waxay ku jiraan kaalinta 147aad ee sabool nimada.
  • Dalalka kale ee khayraadka dabiiciga ah leh ee Afrikaanka iyo kaalinta saboolnimada ay kaga jiraan waxaa ka mid ah:  Equatorial Guinea (kaalinta saboonimo waa lambarka 127aad),  Republic of Congo (139aad) iyo Gabon (119aad)
:NIGER DELTA: OIL & POVERTY:
Delta
Daawo: Sida ay faqiir u yihiin dadka deggan Niger Delta  oo ah gobol qani ku ah Batroolka...
Poverty in oil-rich Niger Delta

Halkaas waxaa laga qaadan karaa in haddii aan hadda laga hortegin qaabka loo maaraynayo batroolka Soomaaliya ee aan weli la soo saarin, oo loo dejin asaas sugan iyo nidaam caadil ah oo loo dhan yahay, in haddii kale dadka Soomaaliyeed ay sida dalalka kale ee Afrika ay khayraadkooda ka gaajaysnaan doonaan ama ka ahaan doonaan sabool oo koox yari maamulan doonto.

Waxaa muhiim ah in la is xusuusiyo xadiiskii Nebi Muxamed Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha-ahaatee (NNKH صَلّى اللهُ عَلَيْهِ و سَلَّم) ee uu weriyey Abuu Daawuud ee ah: "Dadka waxaa ka dhexeeya saddex shey: Biyaha, dhul-daaqsimeedka iyo dabka" - [waxaa dabka lagu fasiray: batroolka, gaaska, korontada iyo aaladaha aan looga maarmi karin nolol maalmeedka, waana dad u dhexeeye.. Tixraac: Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka].

Qoraallo la xiriira muranka heshiiska shirkadaha Shidaalka iyo Puntland:

August 15, 2007 Lataliyaha Madaxweynaha DFKMG xagga batroolka iyo khayraadka dabiiciga ah Faysal Xawar waxa uu si cad u sheegay arrinta shirkadda Range Resource ee heshiiska la gashay Puntland in ay tahay mid aan macquul ahayn ama caqilga gelikarayn. Isla xilligaas wasiirkii Batroolka ee DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Maxamed, waxa sheegay in Hay'adda ama Shirkadda Batroolka Soomaaliyeed ee la qorshaynayo in la dhiso ay noqon doonto mid 100% ay yeelan doonto Dawladda Soomaaliyeed, taas oo meesha ka saartay qorshaha ay wateen shirkadaha Kuwait Enargy iyo MedcoEnergi ee Indonesia ee ahaa in boqolkiiba 49% saamiga Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed ay shirkadahaasi yeelan lahaayeen.

September 5, 2007 Madaxweynaha Dawlad Goboleedka la baxay Maakhir (oo la sameeyey July 1, 2007), Gaashaanle Sare Jibriil Cali Salaad ayaa sheegay in maamulka ka jira Puntland u yaqaan shirkad oo aysan iman karin dhulka (Maakhir) oo shidaal/macdan ka baari karin.

September 8, 2007 Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo ayaa la xiray kaddib markii uu buuq ka dhashay qaanuun loo qaybiyey Baarlamaanka, kaas oo ku saabsanaa sharciga Batroolka Soomaaliya. Arrintaas oo loo xiray shirkii baarlamaanka waxaa ka hadlay Cawad Axmed Cashare oo ka tisan Baarlamaanka DFKMG, oo sheegay in buuqaasi ka dhashay sharciga batroolka oo loo qaybiyey xubnaha baarlamaanka.

September 9, 2007 Gen. Cadde Muuse waxa uu caddeeyey in uu ku "daalay" madaxweyna-nimada, oo la gaarey waqtigii uu nasan lahaa, taas oo reer Puntland u qaateen in Janaraalku uusan xukunka ku soo noqon doonin marka waqtiga xukuumadiisu dhammaado (Talaada Janaayo 8, 2009). Laakiin bilowgii bisha Febraayo 2008 mar uu si gaar ah ula shiray odayaal waxa uu yiri: "Xilka Waxaan Heynayaa ilaa 2013-ka".

November 22, 2007 waxaa magaalada Garoowe iyo ceelka Conoco si hal-haleel ah loo geeyey xubno ka socdey shirkadda Canmex (africa Oil) waxayna la kulmeen Gen. Cadde Muuse, taas oo loo qaatay tabco la hordhigayey ra'iisul wasaaraha cusub ee maalintaas (Nov 22, 2007) loo magacaabay DFKMG, G/sare Nuur Cadde.

December 12, 2007 Wasiirkii Kalluumaysiga Dekadaha ee Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Maxamed Raage, ayaa shaaca ka qaaday sababahii uu isaga casiley xilka wasiirnimo inay ugu weyn yihiin arrimaha la xiriira khayraadka dabiiciga ah ee shacabka sida loo maamulayo oo ay isku afgaran waayeen Gen. Cadde Muuse, gaar ahaan "Macdanta iyo Kalluumaysiga".

December 15, 2007 wareegto ka soo baxday Gen. Cadde Muuse ayaa lagu magacaabay wasaarad cusub oo loo sameeyey Batroolka Puntland oo wasiir looga dhigay Xasan Cusmaan Maxamuud (Xasan Aloore) oo hore (Aug 20, 2007) u yiri "waxaana xiriirka u jari doonaa dawladda (FKMG) haddii baarlamaanku ansixiyo sharciga hordhaca ah "Draft" ee Batroolka". Dhismaha wasaaradda cusub ee Batroolka Puntland ayaa lagu soo beegay xilli la magacaabay ra'iisul wasaare cusub ee DFKMG.

February 4, 2008 Waxaa magaalada Addis Ababa soo gaarey 3-dii dhallinyarada ahaa ee (Maarso 2005) laga kaxaystay Xeebaha Puntland iyagoo ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Puntland, oo ay ilaalo ka ahaa Markab kaddib markii uu Markabkaas oo Kalluumaysato ahaa uu ku xadgudbey nidaamkii oo ay ilaaladaasi ka biyo diideen ayaa dhallinyarada la kaxaystay, kaddibna lagu xiray Xabsi ku yaal magaalada Bangkok ee Thailand oo ay ku jireen intii u dhaxaysay April 2005 ilaa February 2008.

February 5, 2008: Gen. Cadde Muuse ayaa u safray Addis ababa. Safarka Gen Cadde ee Itoobiya waxaa ku weheliya S/Guuto Cabdullaahi Saciid Samatar oo ah wasiirka cusub ee Amniga Puntland oo dhawaan heshiis qarsoodi ahaa magaalada London UK kula yeeshay shirkadaha sheegay in ay batrool ka baarayaan Puntland, heshiiskaas oo lagu dhamays tiray magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta oo ahaa in shacabka Puntland gacan aadag lagu qabto shirkaduhuna ayarrintaas maal geliyaan, iyadoo lacagtii ugu horeeysay oo dhan $200,000 Dollar lagu wareejiyey Wasiirka [S/Guuto C/laahi] ka hor intii uusan Boosaaso ku laaban Jan 21, 2008. Lacagtaas oo khilaaf weyn ka dhex dhalisay madaxda sare ee DGPL, taas oo sababtay in ay dhex dooda kaga tashadeen in si arrintaas loo xalliyo cashuurta Puntland la saaro boqolkiiba 10% si shirkadaha lacata bixiyey loo qanciyo, lacagtaasna sidaas aan xisaabta dawladda lagu darin.

February 7, 2008 Waxaa magaalada Addis Ababa soo gaarey madaxweynaha DFKMG, G/sare C/laahi Yuusuf Axmed kaddib markii uu muddo bil ah ku sugnaa magaalada London, UK oo uu u joogey arrimo caafimaad.

February 9, 2008: Qoraal ay qortay Jariidada The Independent oo ka hadleysey Khilaafkii C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrintii kama dambasta ahayd (ee khilaafka DFKMG) waxa uu ahaa markii lacag dhan $32 million oo doolar oo Sucuudigu ku bixiyey dib u heshiisiinta uu Geeddi badan keedii qaatay. Arrintii is-marin-waaga ahayd ee dhex taaley DFKMG markii ay dhacday ayaa Maraykanku xaaladda majaraha u qabtay. Waxaa Geeddi looga yeeray Addis Ababa halkaas oo lagula yeeshay wadahadal xiriir ah oo socdey laba maalmood oo ay la yeesheen Saraakiil Maraykan iyo Itoobiaan ah... In uu iska-casilo jagada waxaa loogu bedeley in Geeddi magan gelyo laga siiyo Maraykanka iyo in loo ogolaado in uu haysto inta ka hartay lacagtii Sucuudiga ($32 million). Waxa uu guri ka iibsadey magaalada Los Angeles, waxaana saraakiil Maraykan ahi ay wada-xaajood la galeen Jaamacadda University of California ee Los Angeles sidii uu boos uga heli lahaa.

February 11, 2008: G/sare Nuur Cadde waxa uu tegey magaalad Brussels ee dalka Belgium halkaas oo uu kula kulmay xubno ka tirsan Midowga Yurub. Waraysi uu bixiyey markii uu tegey Brusessls waxa uu G/sare Nuur cadde sheegay in uusan tegi doonin magaalada Casmara oo la hadal hayey in uu u tegui doono kulan uu la qaato kooxaha ka soo hojeeda DFKMG. [Halkan ka dhegeyso ama Halkan (mp3)].

February 12, 2008: Waxaa magaalada Addis Ababa ku kulmay madaxweynaha DFKMG, G/sare C/aalhi Yuusuf Axmed iyo madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi, waxaana arrintaas caddeeyey afhayeenka madaxweyanah DFKMG, Cabdirashiid Seed oo u waramay idaacadda Dalka Ingiriiska ee British Broadcasting Corporation. Kulankani waxa uu dhacay xilli uu magaalada Addis Ababa ka tegey ra'iisul wasaaraha DFKMG G/sare Nuur Cadde oo safar ku aadey Yurub. [Dhegeyso 'mp3'].

February 12, 2008: Waxaa magaalada  Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag lagu afduubay nin Jarmal ah oo ka tirsan madaxda shirkad qaabilsan beeraha oo laga leeyahay dalka jarmalka oo lagu magacaabo Welthungerhilfe (German Agro Action) [Dhegeyso 'mp3']. Ninka la afduubay oo magaciisa la yiraahdo Daniel Bronkal waxaa afduubkii laga soo badbaadiyey February 13, 2008 waxaana la keenay Ceerigaabo isagoo bedqabey. Maamulka Somaliland waxa uu afduubkaas ku eedeeyey maamulka Puntland. DGPL waxay arrintaas kaga jawaabtey warsaxaafadeed uu Feb 19, 2008 soo saaray wasiirka Warfaafinta, C/raxmaan Maxamed Saalax (Bangax), oo ku sheegay erayo ay kamid ahaayeen  "waxaan cadaynaynaa in aanay jirin wax laga soo abaabulay Puntland,nimankaasina ay ahaayeen niman u dhashay maamulkaasi (Somaliland).. [Eeg halkan...]

February 12, 2008: Bayaan ay soo saartay hay'adda Qaramada Midoobey, gaar ahaan xafiiska isku xirka arrimaha bini'aadaminimada, ayaa sheegay in hawlgallaada hay'adda Qaramada Midoobey ee goobo k amid ah Soomaali la hakin doono ilaa hay'addaasi ka xaqiijineyso kaddib markii ay la soo derseen arrimo xagga ammaanka ah.. Warbixin arrintaas ku saabsan oo ay baahisey idaacadda British Broadcasting Corporation [Dhegeyso 'mp3'].


February 22, 2008: Cadde Muuse oo ku soo laabtay Puntland:

Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa galabnimadii Jimcadii (Feb 22, 2008) waxa uu ku soo laabtay magaalada Boosaaso ee G/Bari. Waxay ahayd February 5, 2008 markii Gen. Cadde Muuse uu safar ku aadey Itoobiya. Warar ay faafiyeen warbaahinta Puntland ayaa qoray in Gen. Cadde Muuse markii uu safarka ku tegey Addis Ababa uu "Keigiis safar ku aadey Dubai oo uu kula kulmay wakiillada shirkadaha danaynaya maalgashiga Puntland", waa sida ay hadalka u dhigeen'e.

Wasiirka Aminga DGPL oo ahaa wasiirka keliya ee Itoobiya u raacay Gen. Cadde ayaa isagoo (Feb 17, 2008) ku sugnaa Addis Ababa waxa uu qaar kamid ah warbaahinta Puntland u sheegay in Cadde Muuse uu subaxnimadii Feb 17, 2008 u dhoofay Dubai, UAE, halkaas oo uu sheegay in uu ku tegey booqasho ah 3 maalmood oo shaqo ah.

Mar Radiyaha Gaalkacyo ee Daljir uu weydiiyey wasiirka Aminga ee DGPL su'aal ahayd: waxaa jira warar sheegaya in madaxweynaha (DGPL) booqashada uu ku tegey Dubai ay la xiriirto in uu heshiisyo la soo saxiixanayo shirkado, waxa uu C/laahi Siciid Samatar ku jawaabey : "Maya maya maya.. waxba kama jiraan" waxana uu intaas ku daray "Madaxweynuhu waxa u utegey (Dubai) booqasho la xiriirta xagga caafimaadkiisa iyo hawlo la xiriira dawlad Goboleedka Puntland oo waxtar u ah, laakiin ma aha wax shirkado ku saabsan, 3 maalmood ayuuna maqnaanayaa." Hadalkaas oo loo qaatay in wasiirka Aminga ee DGPL uusan wax muhiimad ah u arkin heshiisyada shirkadaha, aan la garanayn wax hab fikirkiisa bedeley - Xusuusnow shirkadaha laga hadlayaa waa kuwa macdanta/shidaalka baara.

Madaxweynaha DGPL markii uu ku soo laabtay Boosaaso waxa uu sheegay in safarkiisa uu ku tegey Itoobiya uu la kulmay madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, oo ay ka wada hadleen xiriirka Puntland iyo DFKMG iyo sidii loo wada shaqayn lahaa dawladda Itoobiya, waa sida uu hadalka u dhigay'e.

Cadde Muuse intii uu Puntland ka maqnaa, waxaa Wasiirka Kalluumaysiga ee DGPL uu Sheegay inaysan u dulqaadan doonin musharrax dambe oo sheeganaya in uu u tartamayo Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Puntland, hadalkaas oo ka yaabiyey shacabka Puntland maadaama 10 bilood oo keliya ay ka harsan tahay xilligii maamulka Cadde.

Warbaahinta Puntland oo faallo ka bixineysey hadalka wasdiirka kalluumaysiga ayaa xustay in halkii uu wasiirka kalluumaysigu wax ka qaban lahaa arrimaha la xiriira Afduubka burcad badeedka xeebaha Puntland, sida afduubkii ka dhacay xeebaha Eyl, in uu isku mashquulinayo arrin aan wasaaradiisu u xil saarnayn, isagoo shaqadiisii ka warbnixin la'. Waxaa kale oo jira warar tibaaxaaya in wasiirka Kalluumaysigu uu qiil usii samaynayo hadalkii uu hore Gen. Cadde Muuse odayaasha ugu sheegay ee ahaa in uu xukunka Puntland sii haysanayo ilaa 2013.

Gen. Cadde Muuse waxa uu safarka uu ku aadey Itoobiya ku maqnaa 17 maalmood, shacabka Puntland-na si qeexan looguma sheegin wixii ka soo baxay sadarkaas.


  • *Range Resources waxay qoraalka ay (Janaayo 31, 2008) u dirtay Suuqa ganacsiga Australia ku xustay in wasiirkii hore ee Batroolka DFKMG uu is casiley: [Halkaas oo ay ku jirto been abuur ah in Wasiirkii hore ee Batroolka, Cabdullaahi Yusuuf Maxamed lagaga been sheegay in uu is casiley - sida la ogyahay markii Prof. Cali Maxamed Geeddi is casiley (October 29, 2007) waxaa wasiiradii DFKMG loo sheegay in ay sii shaqeyaan inta laga soo magacaabayo ra'iisul wasaare cusub. Markii la magacaabay G/sare Nuur Cadde (Nov 22, 2007) kaddib waxa uu (Dec 2, 2007) soo dhisay xukuumad ka koobnayd 73 xubnood, waxaana wasiiradaas ka mid ahaa Cabdullaahi Yuusuf Maxamed oo markale loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta. Laakiin xukuumadaas waxaa (Dec 17, 2007) la laabtay G/sare Nuur Cadde oo ku bedeley xukuumad ka kooban 23 xubnood (Jan 4, 2008) taas oo uu wasiirkii hore ku bedeley Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) oo loo magacaabay Wasiirka Macdanta & Tamarta - sidaas daraadeed wasiirkii hore Batroolka waxa uu la mid ahaa wasiiradii tiradooda la dhimay ee isma casilin - Sidaas daraadeed Range Resources taariikh cusub uma qori karto Soomaalida.]

Faafin: SomaliTalk.com |  Feb 8, 2008 | Updatde: Feb 12, 2008 | Feb 22, 2008

Tixraac:

Yaa saxiixay Heshiiskii Batroolka ee Puntland iyo Consort?

somaliaCashuurta Puntland oo la kordhinayo 10% si loogu ilaaliyo Shirkadaha Batroolka.. Guji..

Khilaafkan 5-Geesoodka ah ayaa u dhexeeya Madaxweyanaha DGPL, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.... Waxaana bilowday waqti cusub oo raggii siyaasadda Puntland u xirayd ay sii kala fogaanayaan.

Waxaa muran ka taagan yahay sidii madaxda sare ee Maamulka Puntland ay u qaysan lahaayeen $200,000 doolar oo laga soo qaaday shirkadaha Batroolka....

Waxa jira qorshe lagu kordhinayo Cashuurta Puntland boqolkiiba 10% si loogu ilaaliyo shirkadaha Batroolka, shacabkana gacan adag loogu qabto....

Akhri: Kordhinta Cashuurta 10%.... Guji..


Soomaaliya: Hadal-haynta Joogtada ah ee Shidaalka

Waraysi Radio Australia SBS ee Bile Qabawsade iyo C/shakur Mire Aden  audio ka Dhegeyso Halkan ama Halkan (mp3)

BAARID | SEARCH

 


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: