SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOL

Sirta ka dambeysa qodista shidaalka ee Puntland waa “Sun ku aasida deegaanada Puntland” Arin u baahan taxadar weyn

Sida la wada ogyahay, waxaa si cad u muuqda in maamulka Cadde musse hogaamiyo ee  Puntland uu ku fashilmay arimaha Amniga, Caafimaadka iyo Mushahar siinta shaqaalaha  hay’addaha dowladda, intaas waxaa sii dheer hanaanka shaqo helista hay’adaha dowlada oo beelo gaar ah ay sadbursadeen, iyadoo laga tegay dadka aan loo arag in ay yihiin muhiim. 

Hadaba waxaa xusid mudan sirta ka dambeysa shidaal qodista Puntland, iyo weliba macdan baaris lagu sameynayo Puntland side bay dadku u arkaan? Waa maxay aragtida dhabta ah ee ka dambeysa barnaamijkaan? Haadaba waxaan hordhignay su’aalahaan xildhibaan magaciisa in la sheego diiday ayaa yidhi “ Sirta shidaal qodista ee Puntland waa arin la rabo in lagu lunsado lacagaha xad-dhaafka ah ee hordhaca u ah heshiisyada lagu sameynayo baaritaanka ama “Surveys” sidaasi-daraadeed waanu ognahay in xiligan aysan suurtagal aheyn in uu hirgalo barnaamij shidaal-qodiseed, iyadoo ay weli dalku uu qasanyahay, siyaasadii dowladda faderaalka ee shidaal qodistana ay hoos u dhac weyn ku yimi arimo la xiriira dhinaca xasiloonida dalka” . 

Sidoo kale, waxaa hogaanka u haya barnaamijka shidaal qodista rag saaxiibo iyo qaraabo  ku ahaa kacada oo iyagu ka dhaxeysay wax wada cun horeed ayaa barnaamijkaan ka qeyb-qaadan doono, waxaa ka mid ah Gen. Cadde Muse, saaxiibkiis uuna u magacaabay Wasaarada batroolka waa Allore, waxaa howshatan ka qeyb-qaadanaya oo kaleeto Liibaan Muse Boqor oo ah wiil uu adeer u yahay Gen. Cadde Musse, wakiil guudna uga ah iskuxirka shirkadda range- resource ee Australianka ah iyo Puntland, iyadoo wararku ay sheegayaan in uu horay lacago hormaris ah uga qaatay shirkadaasi oo haatan Akoonkiisa “Account” ay ugu jirto. 

Hadaba C/raxmaan Farole oo ah sxb-kii hore ee Cadde Musse, iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, xiligii doorashadana ugu biiriyey codadkiisii uu ka helay doorashadii ka dhacday Garowe Jan-2005-ta, ayaa waraysi uu siiyey Idaacadda wararka u faafisa dalka Ingriiska ee "British Broadcasting Corporation" ayaa mar kale caddeeyey sababtii uu uga baxay maamulka DGPL in ay ahayd khilaaf ka dhashay heshiisyo uu Gen. Cadde Muuse u saxiixay shirkado dadka 'Ku maaweelinaya in ay khayraad soo saarayaan" kuwaas oo "aan u qalmin" in heshiiyo lala galo.

Arrimahaas isagoo ka hadlaya Dr. Cabdiraxmaan "Faroole" waxa uu yiri: "2005-tii niman koox ah oo dullaaley ah oo shirkad yar ka diiwaan gashaday jasiiradaha loo yaqaan Maldives ee ku yaal badda Hindiya ayaa heshiis waxaa u saxiixay ninka la yiraahdo Cadde Muuse, heshiiskaas anigu waa is hor taagey waana diidey, aniga iyo isaguna waa ku diriray, golaha wasaaradda ayaan isla tagnay, golaha wasaaradda nasiib darro fikirkii anigu aan ka watey way aqbali waayeen, ceeb xun ayaa ka dhacday meeshaas, arrintu wey fogaatey ilaa dawladda dhexe ayey gaadhey oo aan dacwadii isla gaarey, Qareemo caalami ah (International Lawyers) ayaan soo dhex geliney. Arrintu meel halis ah ayey hadda sii mareysaa, maalin walba laba nin ayaa la keenayaa oo dhuumaalaysi lagu keenayaa, laba oday iyo dhawr dhallinyaro ah oo amuurahaas kumashquulsan oo ay dadka ku maaweelinayaan khayraad ayaan soo saareynaa. Heshiiskaas uu waagaas saxiixay Cadde sharci uma uu lahayn oo ma ahan in uu isagu saxiixo karo."

Waxaa markaas Faroole la weydiiyey "adigu miyaadan wax ka saxixin heshiiskaas markii aad ahayd wasiirkii Qorshaha." Waxa uu ku jawaabey "MAYA, waan diidey, anigu ninkii diidey ayaan ahaa, dadka Soomaalida oo dhan waa ogyihiin, Puntland-na gaar ahaan waa laga ogyahay, Golaha Wasiiraduna waa ogyihiin."

Dr. Faroole oo ka hadlayey ka tegidiisii DGPL waxa uu yiri: "Ka tegidaydu wax caan ah ayey ahayd oo dadka aan ka qarsoonayn, madaxda maamulka iyo anigu waxaan isku qabanay Khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo qaab xun heshiisyo inta loola galay dad aan u qalmin khayraad dabiic ah in ay soo saaraan oo loola jeedey oo qura wax ka dhifso oo ka dhaqaaq uun baan anigu kaga tegey oo aan isku hor fadhiney muddo siddeed bilood ah oo aan maamulka ku jirey gudihiisa ayaan isku haysaney, sidaas ayaan kaga tegey ee kama ciil qabo, oo waxaan aaminsanahay in ayan waxba ka tari karin.."

Wararka ayaa waxay sheegayaan in aysan arinku sidaasi aheyne lagu kala booday sida loo qeybsanayo lacagaha hormariska ah iyo habka heshiisyada loola gelayo uu Dr. Farole isagu aaminsanaa in uu yahay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, mas’uuliyada heshiisyadana uu isagu leeyahay, iyadoo markaasi aysan jirin Wasaarada Macdanta iyo Batroolka, waxaana lacagihii hormariska ahaa afka iska mariyey kooxda Cadde Musse iyo  wiilkiisa Liibaan Musse Boqor, oo isagu kamid ah Agaasimayaasha Range-Resource, waxaana loo magacaabay xilkaasi May 25, 2006.

Welwelka iyo Shakiga ay Ka qabaan shacabka reer Puntland shirkadaha dilaalka ah ee barista shidaal ka bilaabaya Puntland:

Sida aad wada ogtihiin malahan dalka nidaam dowli ah oo si guud u maamula dalka Somaliya, kooxda Puntland ee qorshaha shidaal barista wadata waanu ognahay qolada ay yihiin, waa kuwo iibsadey dalk, sidaasidarteed dadweynaha reer Puntland waxay shaki iyo welwel weyn ka qabaan in shirkadahaan shisheeye ay doonayaan in ay ku aasaan Qashinka iyo suntan hubka wax gumaada ee loo yaqaano “biological&Nuclear  wastage” hadaba waxaa la gudboon ummada Somaliyeed meelkasta oo ay joogto in ay arintaasi meel ka istaagaan oo ay ogaadaan waxa la sumeynayo in ay yihiin dadkoodii iyo dalkoodii.

Hala yaabin haddii laguu sheego in barnaamijka sun aaska Puntland laga helayo shaqooyin iyo fursado qaali ah waa sida ay qabaan qaar kamid ah maamulayaasha shirkadaha iyo maamul Cadde, arintaas oo khatar weyn ku ah jiritaanka  inta ka hartay shacabka soomaalliyeed.

Guntiii iyo gabagabadii, Shakiga weyn ee ay qabaan shacabka Puntland ayaa ah mid sii kordhaya kaasoo ku aadan suntan iyo wasakhda ay wadaan shirkadaha shisheeye ee horboodaya baaritaanka shidaalka iyo macdanta ee Puntland, waana in arintaasi laga hortagaa si loo badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed.

Jacfar zaahid
halgan114@live.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2008
 

BAARID | SEARCH


C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS