SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Africa Oil oo Sheegtay in Dhul Shidaal Sahamin oo ka tirsan Afrikada Bari ay ka iibsatey Shirkadda Lundin Petroleum AB

  • Lacag dhan $20 million oo Shidkadda Africa Oil ku iibsanayso heshiiskaas waxaa deyminaya shirkadda Lundin Petroleum oo laga iibsano dhulka la baarayo.....

FG: Shirkadda Lundin Petroleum ayaa asaastay Africa Oil oo magaceedu ahaan jirey CANMEX....

  • Tarjumadii iyo Faalladii: SomaliTalk.com | February 2009

    Reer Puntland waxaa shirkadda Africa Oil weli ka sugayaan in ay soo bandhigto natiijadii ka soo baxday baaritaankii iyo sahamintii ay sannadkii hore ee 2008 ku samaysay Dooxada Dharoor, gaar ahaan aagga magaalada Ufayn.


Warsaxaafadeedka Africa Oil eeg halkan (English)


Sawirka oo weyn, eeg halkan


VANCOUVER, CANADA: Warsaxaafadeed ay Feb. 4, 2009 faafisay Shirkadda Africa Oil ayey ku sheegtay in ay saxiixday heshiis Saami iyo Wax-Soo-Saar Wadaag ah oo ay ku iibsaneyso Mashruuc Batroolka Looga baarayo Bariga Afrika, taas oo ay la saxiixatay Shirkadda Lundin Petroleum AB. Mashruucaas oo ku saabsan dhul ballaaran oo ka tirsan Bariga Afrika, gaar ahaan Dooxada Rift. Mashruuca ay heshiiskaas ku gashay Africa Oil waa boqolkiiba 85% faa'iidada hawlgalka ee Blocks 2, 6, 7, 8  iyo boqokiiba 50% faa'iidada hawlgalka ee aagga Adigala Block ee Ethiopia, waxaa intaas dheer faa'iidada boqolkiiba 100%  ee Block 10A iyo boqolkiiba 30% ee Block 9 ee Kenya. Africa Oil waxay qaadeysaa xilka hawlgalka mashruucyadaas oo ay ku jirto Block 9 ee Kenya.

Xiriirka Africa Oil iyo Lundin Petroleum

Inta aynaan u gudbin warsaxaafadeedka oo dhamaystiran, waxaa xusid mudan in akhristuhu fahmo cidda leh ama asaastay shirkadda Africa Oil iyo xiriirka ka dhexeeya Africa Oil iyo Lundin Petroleum.

Haddii aan taas in yar ka xusno: Shirkadda Africa Oil waxaa markii hore magaceedu ahaa CANMEX, waxaana la asaasay March 29, 1993, xilligaas oo laga diiwaan geliyay magaalada Vancouver ee gobolka British Columbia, Canada. Waxaana loo asaasay inay macdan ka baarto Mexico (CANada + MEXico). Maskaxdii asaastay waxaa loo tiriyaa Adolf H. Lundin oo ahaa mulkiilihii shirkadda Batroolka ee reer Sweden ee LUNDIN PETROLEUM. Waxaa markay taariikhdu ahayd Sept 24, 1996 shirkadda CANMEX madaxweyne ka noqday madaxweyne u noqday Lukas H. Lundin [oo uu dhalay Adolf H. Lundin], waxana uu madaxweyne u ahaa ilaa Oct 17, 2006 markaas oo madaxa shirkadda laga dhigay Rick Schmitt. Taariikhdaas oo ku beegnayd shan (5) maalmood ka hor markii heshiiska ku sabsan sahaminta Puntland uu dhex maray CANMEX iyo Range Resources (RRS). RRS waxay 2005 heshiis shidaal sahamin la gashay xukuumaddii hore ee DGPL.

Lukas H. Lundin, jagada madaxweynaha shirkadda CANMEX ka socokow, waxa uu ahaa Agaasimaha iyo xubin ka mid ah qaanbixinta shirkadda LUNDIN PETROLEUM laga soo bilaabo sannadkii 2001. Waxa kale oo shirkaddaas Lundin Petroleum guddoomiye ka ah walaalkiis Ian H. Lundin, laga soo bilaabo 2002. Magacii CANMEX waxaa Agoosto 20, 2007 loo bedeley Africa Oil. (Tixraac).

Marka taas la fahmo waxaa ka soo baxaya macnaha rasmiga ee ka dambeeya heshiiska cusub ee warsaxaafadeedku ku saabsan yahay oo ah dhul ay heshiis sahamin ku haysatey Lundin Petroleum in ay ku wareejiso Africa Oil.

Lacagta ay Africa Oil dhulka kula wareegeyso waa deyn ay ka qaadaneyso Lundin Petroleum

Haddii aan u soo laabano warsaxaafadeedkii, waxaa ku cad in Bedka dhulka ee shirkadda Africa Oil ay ku yeelaneyso saamiga uu yahay dhul aad u baaxad weyn oo gaaray ain ka badan 200,000 Km2 - waa dhul baaxadiisu ku dhowdahay inta uu ku fadhiyo dalka Ingiriisku. Si aad u aragtid baaxadda dhulkaas, Halkan ka eeg Khariirada.

Dooxada Rift ee Bariga Afrika waxa ay ka mid tahay meelaha aan weli la sahmin ee ka mida dooxada ballaaran ee Rift. Waxaana ku xeeran meelo waayadan dambe laga helayey batrool sida meesha lagu magacaabo Albertine Graben ee Uganda oo ay baaraan shirkadaha Heritage/Tullow, oo ku sheegay in ka badan 1 billion oo foosto. Waxaa halkaas la mid ah meelo ay ka soo duxayaan shidaal. Waxaana baaritaano la sameeyey oo ah nooca 'Seismic' ay muujinayaan rajo wanaagsan dhaammaan aaga mashruuca Africa Oil, ayey tiri qormada warsaxaafadeedka oo uu ku saxiixan yahay Rick Schmitt, oo ah madaxweynaha hadda ee shirkadda Africa Oil.

In kasta oo sahamintu ku soo badaneyso aaggaas, haddana in ka yar 200 ceel ayaa muddo sannado ah laga qoday Ethiopia (iyo dhulka Soomaali Galbeed), Kenya iyo Somalia, dooxooyinkooda oo bedkoodu gaarayo in ka badan 2.3 million Km2. Is-barbar dhig ahaan si aan u fahamno, dooxada ku taal badda Waqooyi ee North Sea oo bedkeedu yahay 210,000 Km2 waxaa laga qoday in ka badan 4,600 ceel (61 ceel ayaa la qoday ka hor intaan la heley Batrool ganacsi geli kara), waxaa halkaas (North Sea oo la ollog ah dalalka Yurub) ku kaysan 50 billion foosto oo u dhigma batrool, waxaana hadda halkaas laga soo saaraa batrool u dhigma 5.5 million foostoo maalintii. Sidoo kale aagga Gacanka Suez waxaa laga qoday 3,096 ceel dhul bedkiisu gaarayo 26,000 Km2. Waxaa halkaas ku kaysan 8 billion foosto, waxaana maalintii laga soo saaraa 700,000 foosto.

Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray, Africa Oil waxaa u deggan qorshe ay  labada sano ee soo socota dardar gelineyso mashruuca sahaminta batroolka, kaas oo uu ka mid yahay sahaminta nooca 'seismic' iyo qoditaan Ethiopia iyo Kenya, waxaa taas dheer mashruucii hore loo sheegay ee qoditaanka batroolka Puntland, Somalia.

Rick Schmitt, madaxa shirkadda Africa Oil, oo arrintaas faallo ka bixinayey waxa uu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in shirkadda Africa Oil ay u meel marisay xaqiijinta Heshiis Wax-Soo-Saar Wadaag ah oo ku saabsan sahaminta Batroolka ee aag aad u ballaaran oo ku yaal Bariga Afrika oo ay ku jirto fursad. Waxana uu intaas ku daray in shirkaddu ay bar-tilmaameedsatay meelo baaxad weyn oo rajo wanaagsan leh si loogu sameeyo baaritaan ama sahamin, isaga oo ku rajo weyn fursaddaas sahaminta batroolka ee Bariga Afrika.

Sida uu dhigayo heshiiska iibsigu, Shirkadda Africa Oil waxay qiyaastii US $20 million siin doontaa shirkadda Lundin Petroleum AB, lacagtaas oo lagu maalgelinayo deyn ay Africa Oil ka qaadaneyso Lundin Petroleum AB, taas oo ay tahay in ay iska bixiso December 31, 2011, lacagtaas oo leh dulsaar loo xisaabinayo Lix-bilood oo ay dheer tahay 3%. Lacagtaas deynta ah ee aan la bixin iyo dulsaarkeeda, waxaa loo bedeli karaa saamiyo, ay yeelanayaan Africa Oil ama Lundin Petroleum AB, saamiyaas Africa Oil oo lagu salaynayo CAD $0.90 saamigiiba.

Waxaa warsaxaafadeedku xusay in shirkadda Africa Oil ay hadda qabto deyn gaareysa CAD $6 million oo ay ka qabto saamileyda shirkadda, lacagtaas oo loo rogayo saamiyo shirkada ah oo lagu salaynayo CAD $1.00 qaybtiiba.

Heshiiska Wax-Soo-Saar Wadaagga waxaa garab socda in shirkadda Africa Oil ay iska iibineyso saamiyo gaaraya ilaa 20 million oo saami oo shirkaddu leedahay oo saamigiiba lagu iibinayo CAD $1.00 si loo helo lacag dhan CAD $20 million oo ah lacagta lagu kala gadanayo Heshiiska dhulka laga sahaminayo Afrikada Bari. Waxaa warsaxaafadeedku intaas raaciyey in kharashka saafiga ah ee saamiyadaas ka soo baxa ay Shirkadda Africa Oil ku hir gelineyso mashaariicda Ethiopia, Kenya iyo Somalia, iyo in weliba kagu maaraynayo hawlaha caadiga ah ee Shirkadda.

Warsaxaafadeed kale waxaa soo saaray shirkadda Lundin Petroleum kaas oo adkeeyey warsaxaafadeedka Africa Oil.

Sida ka muuqata khariidadda hoose, oo ay hore u calaamadisay shirkadda Lundin Petroleum, Blocks 2, 6, 7, 8 waa dhulka Soomaaliyeed ee Soomaali-Galbeed. Waxaana shirkadda Lundin Petroleum oo heshiis la gashay Ethiopia ku saabsan dhulka Soomaalida, waxaa digniin kulul hore u siiyey JWXO, digniintaas oo ku aadanayn in shirkaddaasi ay faraha kala baxdo dhulkaas (Ogaden) ilaa lagala tashado dadka leh dhulkaas.


http://www.lundin-petroleum.com/Documents/op_Ethiopia_e.pdf

Shirkadda Africa Oil waxay heshiis ku saabsan baaritaanka iyo sahaminta Dooxada Dharoor iyo Nugaal la gashay Range Resources. Waxa kale oo markaas ay shirkadda Africa Oil qandaraas ku saabsan Dooxada Dharoor siisay shirkadda IMC, taas oo sheegtay in ay baartay aagga Ufayn, laakiin aan weli soo bandhigin xogtii iyo macluumaadkii ay ka heshay dhulkii ay baartay.

Xukuummada cusub ee Puntland ayaa ballan qaaday in aysan degdegayn oo ay tahay in heshiisyadii hore loola galay shirkadaha shisheeye ay tahay in "shuruucdeeda la fiiriyo". Agaasimaha cusub ee Macdanta iyo batroolka DGPL, Dhoollawaa, ayaa markii uu xilka la wareegey Feb 1, 2009, isagoo ka hadlaayey heshiisyadii lala galay shirkadaha shisheeye, waxa uu yiri "...waa arrin aan sahlanayn oo aan iska ahayn HAYE SOCONEE, waa arrin u bahan XILKASNIMO. Waa arrin u baahan in Dawladdu si wanaagsan uga Baaraan degto", isla markaasna marka laga fiirsado heshiisyadaa kaddib la waafajin doono sharciga u yaal Puntland iyo Dastuurka Soomaaliya.

Tixraac: Warsaxaafadeedka Africa Oil eeg halkan (English)

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 16, 2009

BAARID | SEARCH


farooleMaamulka Puntland oo Dacwad Kusoo Oogaya Amiin Caamir...
"Been abuur u dul qaadan meyno ama dibad halaga sameeyo ama gudaha halaga sameeyee" Faroole oo shir jaraa'id qabtay Dhegeysi/Akhris... Feb 15

Barnaamijka Xukumadda Dawlad Goboleedka Puntland 2009-2012 ee uu ansixiyey Baarlamaanka DGPL - Jan 28, 2009

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS