Musharax Nuuradiin Aaden Diiriye oo ka Hadlay Burcadda kalluumaysiga....
"Burcadda kale ee badda ka dhacda oo ka baaxad weyn 'Burcad badeedka
maraakiibta qafaasha", balse aad moodid in isha dunidu aysan qaban, waa Burcadda
Kalluumaysiga...."
- "Soomaaliya waxaa ku jira 800 (sideed boqol) oo Markab oo si sharci
darro ah uga kalluumaysta Soomaaliya (Illigal Fishing), oo runtii si arxan
darro ah oo aad u ballaaran u daldasha khayraadka Soomaaliya oo dhan oo 17
(toddoba iyo toban sano) daldalanayey... oo hadda Soomaaliya maadaama aysan
awood u lahayna la iska indha tiray arrintaas"
"Run ahaantiina burcadda qafaalashada maraakiibta sababta keentay waa
difaac dadka kalluumaysatadu ay difaacayeen baddooda ayey ku bilaabatay...."
"Waxaa nasiib darro ah midka maraakiibta keliya in maanta loo jeedo,
midka kale oo khayraadka badan oo balaayiin doolar ah ee 17-kii sano ee la
soo dhaafaayna aad moodid in maamuladeenii iyo adduunkuba aysan fahmaynin."
Habeenimaddii Arbacada ee bisha December 10, 2008 ayaa waxaa dhacay shir ay
dadweynuhu kaga soo qayb galeen khadka Telefoonka (Teleconference) oo uu ka
hadlay musharaxa madaxweynanimada DGPL, Nuuradiin Aaden Diiriye oo hadlay arrimo
ay ka amid yihiin Xaalada Guud ee Puntland, Arimaha Doorashadda, Burcad Badeeda,
dhaqaalaha Puntland iyo Qorshahiisa Siyaasadeed.
Dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa su'aalo weydiiyey musharaxa. Waxaana
su'aalaha akhrinayey Warsame Maxamud Xasan oo ka mid ah qaban qaabiyaashii
shirka, isla markaasna ka mida guddiga doorashada musharaxa.
Su'aalahaas waxaa ka mid ahaa su'aal la xiriirtey Burcad Badeedka oo uu
weydiiyey Cabdulqaadir Siciid oo uu gaar ahaan weydiiyey waxa uu
musharaxu ka qaban doono burcad badeeda ama xalka uu hayo Burcad Badeedka.
Waxana uu Nuuradiin Aaden Diiriye kaga jawaabey sidan (Hoos ka akhri ama
dhegeyso):
"Burcad badeedku runtii waa arrin aad iyo aad u fool xun oo maanta ka jirta
Soomaaliya, laba nooc oo Burcad badeed ah ayaana jira - Burcadda badda waxay u
kala qaybsamaan laba qaybood - Mid waa mid burcadaysta oo qafaalasha
maraakiibta, adduunkana uu sharci ka yaallo lagula dagaalamayo arrintaas
Soomaaliyana ay qayb ka tahay, Maraakiibta isaga gooshta badaha adduunka ee ah
kuwa ganacsiga, kuwa gargaarka caalamiga ah, kuwa dalxiiska in la nabad geliyo
waa sharci adduunyada oo dhan la isku waafaqay adduunkuna uu ka dagaalami doono
Soomaaliyana ay ka dagaalami doonto.
"Burcadda kale ee badda ka dhacda oo ka baaxad weyn middaas, balse aad moodid
in isha dunidu aysan qaban, waa burcadka kalluumaysiga. Soomaaliya waxaa ku jira
800 (sideed boqol) oo Markab oo si sharci darro ah uga kalluumaysta Soomaaliya
(Illigal Fishing), oo runtii si arxan darro ah oo aad u ballaaran u daldasha
khayraadka Soomaaliya oo dhan oo 17 (toddoba iyo toban sano) daldalanayey, oo
hadda Soomaaliya maadaama aysan awood u lahayna la iska indha tiray arrintaas.
Run ahaantiina burcadda qafaalashada maraakiibta sababta keentay waa difaac
dadka kalluumaysatadu ay difaacayeen baddooda ayey ku bilaabatay, markii ay ka
dhadhamo fiicnaatay oo maraakiibta la qabsanayo ay dhaqaalo ka badan soo
gashayna waaba is beadeshey arrintii oo waxay noqotay mid maanta faraha ka
baxday oo wax laga qabto aan la garanayn."
"Labada burcad waa in la isku xiraa siyaasadda wax looga qabanayona noqotaa
mid isku xiran, Soomaaliya iyo caalamkuna sidaas uga wada qayb galaan. Waxaa
nasiib darro ah midka maraakiibta keliya in maanta loo jeedo, midka kale oo
khayraadka badan oo balaayiin doolar ah ee 17-kii sano ee la soo dhaafaayna aad
moodid in maamuladeenii iyo adduunkuba aysan fahmaynin."
"Marka ugu horaysa waa in aan anigu labadaas isku xiraa. Marka labaad
nabadgelyada badda waxa keliya oo ay suurta geli kartaa mark nabad gelyada
berriga ay suurta gasho, sababtoo ah nimanka burcaadda ah ee baadda ka
qafaalanaaya waxa ay infrastructure ku leeyihiin berriga. Berriga iyadoo aan la
sugin nabad gelyada oo aysan isku xirnayn badda iyo berriga, oo ilaalo fiican oo la tababaray oo sugi karta ammaanka badda aan la samayn waxba
lagama qaban karo."
"Dunidu Maraakiib dagaal oo kasta oo ay u soo dirto waa ay ka fara
baxsanayaan sababtoo ah berrigii Soomaaliya haddii ay iska soo abaabulayaan,
nabad gelyadeedana aysan sugnayn, dawlad wax ka qabaneysana aysan jirin, waa ay
adkaaneysaa sidii ay ula dagaalamaan marwalba. Marka labada burcad waa in la
isku xiraa marka hore, isku sina loo wajahaa, berriga Soomaaliya iyo badda
Soomaaliya waa in la isku xiraa nabad gelyadoodana isku si loo wajahaa, weeye
aniga siyaasadaydu."
Nuuradiin waxa kale oo uu ka hadlay baaxadda Badda Puntland, isagoo ka
jawaabayey arrin la xiriirta dhaqaalaha Puntland oo uu weydiiyey C/risaaq
Axmed. Waxana uu Nuruudiniin Aaden yiri: "Puntland waxay leedahay bad
(dhererkieedu) kor u dhaafayo in ka badan 1300 Km. Marka (dhererkaas) lagu dhufto
200-mile oo Puntland economic Zone-ka u leedahay waxaan ka hadleynaa ilaa
450-kun Sq.Km (450,000 KM oo Laba-Jibbaaran) oo dhul-badeed ah oo Puntland
leedahay oo leh khayraadka ugu badan kalluumaysiga Soomaaliya oo ballaayiin
doolar oo dhaqaale-kalluun ah sannad kasta laga guri karo.
Waxa kale oo uu xusay in Puntland leedahay macdanno farabadan oo ku duugan
buuraha,
sida dahab, dhuxul dhagax, Gybsum, qalabka dhismaha, iron-ore iwm.
Waxa kale oo uu sheegay in ay tahay arrin qorshe dheer u baahan arrimaha la
xiriira Batroolka iyo gaaska oo ka mid ah arrimaha danta looga leeyahay
Puntland. Arrintaas oo uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Puntland ay noqoto
meel deggan nabad gelyo ahaan, sharci ahaan iyo qaab-dhismeed ahaanba, kaddibna
laga fekero sidii looga faa'iidaysan lahaa khayraadka istaatiijiga ah ee
shidaalka (Batrool iyo gaas iyo macdan).
Halkan ka
dhegeyso Jawaabta ama
Soo rogo (mp3)
AMA
Halkaan ka
dhagayso Su'aalihii SHirka oo Dhan..... (mp3)
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2008
C/laahi Yuusuf oo Xilkii ka qaaday Nuur
Cadde
Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa
ku gacan sayray xil ka qaadistaas, waxana uu sheega in ...
Akhri... Dec 14 |