SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO

Gen. Cadde Muuse oo u Dhoofay Dalka Jarmalka

...Waxa uu kusii hakan doonaa dalka Jabuuti...

  • SomaliTalk.com | Aug 24, 2008

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) ayaa Axadii (August 24, 2008) waxa uu ka dhoofay garoonka magaalada Boosaaso isagoo ku sii jeeda dalka Jarmalka.

gen cadde muuse hersi puntlandWar laga soo xigtey xafiiska Gen. Cadde Muuse oo ku saabsan safarka ayaa sheegay "Madaxweynaha (DGPL) waxa uu casuumaad ka helay wadanka Jarmalka isagoo ku sii hakan doona wadanka Jabuuti isagoo kulamo la yeelan doona madaxda ugu sareysa wadanka Jabuuti, waxan auu markaas si toos ah ugu gudbi doona wadanka Jarmalka.. " Faahfaahin lagama bixin safarka Jarmalka.

Gen. Cadde Muuse waxaa garoonka Boosaaso kusii sagootiyey Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee DGPL Cabdisamad Yuusuf Abwaan, Wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Yaasiin Cartan, Taliyaha Ciidanka Puntland Gen. Gaani Maxamed, Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geele Yuusuf, iyo Duqa Degmada Bosaso Cabdrisaaq Xareed.

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22
 

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...: Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

READ: Kuwait’s KEC signs illegitimate agreement with Somali Warlord

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 22, 2008

BAARID | SEARCH


Xog ma ka Haysaa Shirkadda Consort Ltd?... Akhri


caddeGen. Cadde Muuse oo Mamnuucay Ololaha Doorashada Puntland ka hor November 1, 08
iyo in Tiknikada beeluhu haystaan ay dhammaanteed Dowladdu la wareegayso Akhri

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS