SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkad Macdanta Baarta oo Lagu Xiriiriyey Burcad Badeedda Soomaaliya

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: The Age, Australia, Nov 20, 2008

Shirkad macdanta qoda oo laga leeyahay Australia ayaa lacag muran dhalisay oo malaayiin doolar ah waxay siisay jabhado Soomaaliyeed oo masuulka ka ah burcad-badeedda caalamiga ah ee laba kaclaysay, oo ay ku jiraan afduubkii toddobkan ee markabka weyn ee shidaalka sida, waxaa sidaas warka ku bilowday jariidadda The Age ee ka soo baxda Australia caddadkedii November 20, 2008.


Agaasimihii hore ee Range Resources, Mike Povey oo soo bandhigaya Jeeg
isaga oo ay la joogaan jaalkiisa agaasime Peter Landau iyo saraakiil Dalwadda Puntland.
Isha: The Age

Jariidada oo warkeedii sii wadata waxay qortay sidan:

Laga soo bilaabo 2005, shirkadda batroolka sahamisa ee Range Resources waxay lacag siineysey dawlad goboloeedka Puntland ee lagu muran san yahay, lacagtaas oo ka badan lix malyan oo doolar ($US6 million) si ay u hesho xuquuqda khayraadka ee gobolka.

Beesha xakunta Puntland ayaa looga shakisan yahay in ay maamulaan burcadda xeebaha Soomaaliya - oo ay ku jiraan burcadda toddobaadkan afduubay markabka Sirius Star ee shidaalka qaada ee laga leeyahay Sucuudiga, markabkaas oo sida shidaal lagu qiyaasay ugu yaraan $US100 million.

Burcaddaas habeenkii xalay (Nov 19, 2008) waxay ka caddeeyeen TV-ga Al-Jazeera in ay markabkaas ka dalbanayaan lacag madax furasho ah laakiin aan caddadkeeda la caddayn.

Markii ay heshiiska la saxiixatay Dawladda Puntland October 2005, waxay shirkadda Range Resources bixisay lacag dhan $US1.5 million oo hormarin ah iyo in  muddo 17 bilood ah ay bil kasta bixiso $US200,000, waxaa intaas dheer $US1 million oo siyaado ah. Lacag bixintaasi waxay joogsatey sannadkii hore (2007).

Shirkadda Range Resources waxay ilaa xilligaas bixisay dhawr lacagood oo ah "deeq" ay siisay Dawladda Puntland, oo ay ka mid ahayd $US250,000 si loogu horumariyo garoon sannadkii hore. Agaasimayaasha Range Resources, Mike Povey iyo Peter Landau ayaa xilligaas u dhoofay Puntland si ay jeegga u dhiibaan.

Bedelkeeda, shirkadda Range Resources waxay heshay xuquuqda sahaminta macdanta iyo batroolka ee dhammaan dhulka Puntland, oo ah dhul baaxadiisu ka badan tahay 212,000 sq. kilometres.

Range Resources iyo jaalkeeda mugdigu ku jiro ee Consort Private, oo ka diiwaan gashan Maldives, ilaa hadda wax batrool ah kama helin Puntland.

Sannadkii 2005, Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah ayaa walaac ay qabtey waxay ku muujisay warqad ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (ASX), walaacaas oo ku saabsanaa sida ay Range Resources ku heshay xuquuqda gaarka ah ee macdanta iyo batroolka ee dhul baaxad weyn oo ka mid ah dalka. Warqad uu ra'iisul wasaarihii xilligaas, Cali Maxamed Geeddi, u diray Suuqa ASX waxa uu ku baaqay wadashaqayn in laga yeesho sidii "wax ka ogaansho (baaritaan)" loogu samayn lahaa sheegashada sahaminta ee shirkaddaasi ku andacooneysey.

Warqaddaas waxay uu (Geeddi) ku caddeeyey in Heshiiska Dawlad Goboleedka Puntland aan waxba ka jirin sababtoo ah in dawladiisa Federaalka ah oo keliya ay leedahay awoodda wada xaajoodka iibinta xuquuqda macdanta iyo batroolka.

Dukumiinti heshiis aan waadax ahayn oo ay Range Resources u dirtay Suuqa ASX iyo saamileyda bishii October 2005, kuma caddayn cidda xaqiiqo ahaan ka macasheysa lacagta xuquuqda macdanta iyo batroolka.

Agaasimihii hore ee Range Resources Mike Povey, oo iskaga tegey shirkaddaas bishii hore (Octover 2008), ayaa u xaqiijiyey Jariidada The Age in lacagtaas si toos ah loo siiyey Dawladda Puntland.

"Haa, iyagaa la siiyey," ayuu Mr Povey u sheegay jariidadda The Age, isagoo intaas ku daray "Ma ogi waxa lacagtaas kama dambaystii loo adeegsadey. Waxaa ka soo qaadayaa in loo adeegsadey mashruucyada dhismaha, si dalka loo maamulo. Waa meel faqiir ah oo ka mid ah dunida, lagactana aad ayaa loogu baahnaa."

Mr Povey waxa uu beeniyey in lacagtaasi ay ahayd laaluush la siiyey xukuumad muqusmaasuq ah, taas oo aysan aqoonsanayn gobolada ka soo horjeeda ee Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan wax caddayn ah u hayn in lacagtaas loo leexiyey in lagu maalgeliyo burcadda ama in hub lagu iibiyey. "Arrintaas wax aan ka ogahay ma jirto haba yaraatee," ayuu yiri Mr Povey.

Heshiiska Range Resources waxay la saxiixatay Wasiirka Maaliyadda ee Puntland, Maxamed Cali Yuusuf. Magaciisu waxa uu ka muuqdey dukumiintiga ay Range Resources u dirtay Suuqa ASX.

Miisaaniyadii (uu soo saaray wasiirka Maaliyadda DGPL) Mr Yuusuf ee 2005-06 waxay muujineysey in Range Resources ay lacag ku dartay miisaaniyadda wasaaradiisa, taas oo loo adeegsadey in lagu soo iibiyey hub loogu talo galay in "lagu nabadeeyo dhulka deriska ah ee aan ahayn Puntland".

Isagoo faahfaahinayey $US11.3 million ee wasaaradiisu kharashgaraysay, Mr Yuusuf (wasiirka Maaliyadda DGPL) waxa uu sheegay "In badan oo lacagta ah waxaa lagu kharashgareeyay ammanka... in badan oo lacagta ah waxaa sidoo kale lagu bixiyey siyaasadda, khaas ahaan si loo nabadeeyo dhulka deriska ah ee aan ahayn Puntland sida Koonfurta Mudug iyo dhulka la isku hayo ee Sool iyo Sanaag."

Wargeys Internetka ku soo baxa ee Somaliland Times waxa uu ku warbixiyey in lacagta ka timid Renge Resources in loo adeegsadey in lagu iibiyo hub ee gobolka. Range Resources waa ka dooday warbixintaas.

Burcaddu waa meesha dhaqaalaha ugu badan ka soo galo Puntland, waxaana lagu qiyaasay in $US35 million ay sannadkan ka soo gashay madax furasho.

Laba Booliska gobolka Victoria (Australia) waxaa sidoo kale lagu xiriiriyey Range Resources iyo hawlgalkeeda Puntland. Sannadkii 2006 ayey ahayd markii askari ka tirsanaan jirey Booliska Victoria oo magaciisu yahay Joe Obeid uu Puntland ku soo sameeyey qiimeyn xagga ammaanka ah, isagoo qiimayntaas u soo sameeyey Range Resources. Warbixintaasi waxay tibaaxday in Puntland ay tahay meel ammaan ah oo ay Range Resources sii wadan karto hawl galkeeda.

Sannadkii 1998, Mr Obeid, oo ka hawl geli jirey (booliska) degaanka Brunswick, ayaa shaqada laga joojiyey kaddib markii lagu helay dembiyo xagga anshax ah oo ka dhan ahaa. Afhayeen u hadlay booliska xilligaas waxa uu sheegay in eedaymaha ay ku jirtey arrin ay dhici kartey in ay hoos u dhigto kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan ciidanka iyo in uu dhexgalay ganacsi isagoo aan ogolaansho uga haysan madaxa booliska.

Tony Langdon ayaa sannadkii hore (2007) isagoo ahaa sarkaal ka tirsan booliska gobolka Victoria (Australia) waxa uu qiimayn xagga ammaanka ah oo ku saabsan Puntland waxa uu u soo sameeyey shirkadda Range Resources. Mr Langdon waxaa ku socda baaritaan xagga anshaxa ah oo lagu eedaynayo in uu handadey labo dembi baare. Waana uu diidey eedayntaas.

ISHA: http://business.theage.com.au

Jawaabtii ay arrintaas ka bixisay Range Resources ka akhri halkan (pdf)

Duulaan Burcad Badeed (Piracy attack)
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo isku raacay in xayiraad lagu soo rogo qof kasta oo gacan ka gaysta hurinta rabshadaha iyo deganaansho la’aanta ka jirta Soomaaliya.. Akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2008

Axmed Saciid Awnuur: Bishii Sagaalaad Waxaan soo Xaraynay 48 Bilyan Shiling Cidna mushaar lama siin, Waxaa cad in Laqaatay lacagtaa. Video

musharaxiinMusharaxiinta Puntland oo si cad u qaadacay Guddiga Ansixinta iyo khilaafaadka Baarlamaanka DGPL 2009 ee uu Magacaabay Gen. Cadde Muuse.... Akhri....

awnuurMusharaxa Jagada Madaxweyne ee DGPL Axmed Saciid Awnuur oo muujiyey in Dowladii uu ka tirsanaa ay Dhacday Dadkii Xoolahoodii kuna shubatay Bankiyo Dibadda. Akhri Oct 23

BAARID | SEARCH


cabdiraxmaanSh. Cabdiraxmaan Sh. Cumar oo Si qoto Dheer uga Ka Hadlay Xaaladda Soomaaliya iyo Xalkeeda: Madaxa Golaha Iimaamyada Soomaaliyeed ee W/Ameerika ayaa soo jeediyey sida lagu gaari karo xalka nabadda Dhegeysi...

"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS