WADAAGGA BATROOLKA:
W1 |
W2 |
W3 |
W4 |
MACDANTA iyo BATROOLKA:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
53 |
54 |
55 |
56 |
57 |
58 |
59 |
60 |
61 |
62 |
63 |
64 |
65 |
66 |
67 |
68 |
69 |
70 |
71 |
72 |
73 |
74 |
75 |
76 |
77 |
78 |
79 |
80 |
81 |
82 |
83 |
84 |
85 |
86 |
87 |
88 |
89 |
90 |
91 |
92 |
93 |
94 |
95 |
96 |
97 |
98 |
99 |
100 |
101 |
102 |
103 |
104 |
105 |
106 |
107 |
108 |
109 |
110 |
111 |
112 |
113 |
114 |
115 |
116 |
117 |
118 |
119 |
120 |
121 |
122 |
123 |
124 |
125 |
126 |
127 |
128 |
129 |
130 |
131 |
132 |
133 |
134 |
135 |
136 |
137 |
138 |
139 |
140 |
141 |
142 |
143 |
144 |
145 |
146 |
147 |
148 |
149 |
151 |
152 |
153 |
154 |
155 |
156 |
157 |
158 |
159 |
160 |
161 |
162 |
163 |
164 |
165 |
166 |
167 |
168 |
170 |
171 |
172 |
173 |
174 |
175 |
176 |
177 |
178 |
179 |
180 |
181 |
182 |
183 |
184 |
185 |
186 |
187 |
188 |
189 |
190 |
191 |
192 |
193 |
194 |
195 |
196 |
197 |
198 |
199 |
200 |
201 |
202 |
203 |
204 |
205 |
206 |
207 |
208 |
209 |
210 |
211 |
212 |
213 |
Wasiirka Maaliyadda
Puntland: Shirkadda Macdanta/Shidaalka Baareysaa waxay
Puntland ka hawl Geli doontaa Bisha October ee sannadkan
2005, Hawshaas oo socon doonta 10 sano...
- "Sannadka hore
waxay shirkadu Puntland soo gelin doontaa lacag dhan $25
million, sannadka xigana waxay lacagtaas gaarsiin
doontaa $50 million....."
Hadalkii
Wasiirka Maaliyada DGPL oo Qoraal iyo Cod ah ka eeg
Halkan... GUJI...

Wasiirka Maaliyadda
DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab): Waxaan
baaritaan ku samaynay Axdiyada DFKMG iyo Kan
Puntland, waxaana wax qiil ah u weyney in DFKMG ay
faragashan karto heshiisyada Maamul Goboleedka
Puntland. |
SomaliTalk.com | Sept
10, 2005: Wasiirka
Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) oo maanta
magaalada Boosaaso kula hadlay Isimada, waxgaradka iyo
saxaafada ayaa sheegay in heshiiska lala galay shirkada lagu
magacaabay "Consort" in uu socon doono muddo toban sano ah
oo ay shirkadaas kula galeen in ay baarto macdanta iyo
shiidaalka, taas oo uu raaciyey in marka hore ay shirkadu
baari doonto macdanaha ay ka mid yihii Tiinka, Dhuxul
Dhagaxda, Birta iwm, laakiin shiidaalka iyo gaaska dabiiciga
ah ay noqon doonaan waxyaabaha ugu dambeeya ee la baari
doono. Waxana uu intaas raaciyey in afarta sano ee ugu
horeeya ay shirkadu baaritan uun samayn doonto.
Wasiirka oo hadalkiisa
siiwata waxa uu qiray in uu jiro heshiis hoosaad (Heshiis
aan saxiixa ku jirin laakiin si hoose loola galay "Xeer reer
magaal"), kaas oo ah in shirkadaasi ay Maamul Goboleedka
Puntland ka kaabi doonto miisaaniyada ayna shirkadu dalka
soo gelin doonto sanadka hore lacag dhan $25 million oo
doolar, sanadka soo socdana ay lacagtaas ka dhigi doonto $50
million. Waxan uu intaas ku daray in aysan "shirkadda" hadda
wax lacag ah ka soo qaadan, isagoo intaas raaciyey in ay
jiraan warar dayaacad ah oo sheegaya in ay lacago soo
qaateen.
Dr. Gaagaab waxa kale oo uu
qiray in markii hore ay shirkadaan la kulmeen Madaxweynaha
DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) iyo Wasiirka
Qorshaynta & Xiriirka Caalamiga ee DGPL Cabdiraxmaan Maxamed
Maxamuud "Dr. Faroole" laakiin ay arrintaas waxba ku dhamaan
waayeen. Waxana uu intaas raaciyey in ay jireen dad dano
gaar ah ka lahaa heshiiska shirkadaas lala gelayey, balse ay
arintaas mar danbe ogaadeen.
Wasiirka
maaliyaddu waxa uu goob joog ka ahaa heshiiska dhex maray
DGPL iyo shirkada magaceeda lagu sheegay "Consort Private
Limited" ee Terry Donnelly oo Hoteel kuyaal Dubai lagu
saxiixday Agoosto 31, 2005. Wasiirka oo Dubai kasoo laabtay
(Sept 9) waxaa safarkiisa ku weheliyey rag wakiil u ah Terry
oo uu kamid yahay ninka lagu magcabo Anthony Black oo reer
Australia ah, ninkaas oo booqasho lagu geeyey Dekedda iyo
garoonka diyaaradaha ee Boosaaso.
Dr. Gaagaab oo ka hadlaayey
arrinta la xiriirta fikirka DFKMG ee ku aadan heshiiskan
waxa uu sheegay in ay baaritaan ku sameeyeen Axdiyada DFKMG
iyo Kan Puntland ayna wax qiil ah u waayeen in DFKMG ay
faragashan karto heshiisyada Maamul Goboleedka Puntland. (Waxaa
xusid mudan in Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya, C/laahi
Yuusuf Axmed, uu Sept 9, 2005 sheegay in 'khayradka
dabiiciga ah ee dalku leeyahay ay mas'uuliyadeeda leedahay
dawlada dhexe.'. Waxaana taas ka horeeyey in August 28keedii
2005 uu ra'iisul wasaaraha dawlada Soomaaliya, Cali Maxamed
Geedi, uu sheegay in haba yaraatee aysan suurta gal ahayn in
la galo heshiis macdanta/shidaalka ah ilaa Dawlada Dhexe ay
soo diyaariso sharci ku saabsan maaraynta Khayraadka
dabiiciga ah.)
Dhanka kale Wasiirka
Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab) maanta wax
cadayn ah kama bixin miisaaniyada "shirkadan", meesha ay ka
diiwaan gashan tahay, shatigeeda Australia ay ku leedahay,
caymiskeeda, iyo taariikhda shirkada. Goobtana kuma qaybin
wax nuqullo ah oo dawladu saxiixday si loo arko waxa ku
qoran heshiiska sida uu sheegay mudada dheer ka jiri doona
Puntland. Sidoo kale ma uusan cadayn in arrintan la hor geyn
doono baarlamaanka si ay uu u ansixiyaan. Keliya waxa uu
qiray in madaxweynaha DGPL Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde
Muuse) uu Puntand kusoo laaban doono maalinta Isniinta,
laakiin ma uu sheegin in uu madaxweynuhu arimahaas cadayn
doono ama faahfaahin ka bixin doono marka uu yimaado
Boosaaso.
Xagga Saxaafada maanta haba
yaraatee looma ogolaan in ay wax su'aalo ah weydiiyaan
wasiirka. Keliya waxa uu u muuqdey in uu rabey in warka loo
dhigo sida uu isagu rabey, sidii xukunkii keligii taliyaha
ahaa ee Siyaad Barre ee saxaafadu keligiis u xirnaan jirtay.
Laakiin sida muuqata saxaafada maxalliga ah ee Puntland
arrintaas maanta kama aamusin, waxyaabihii ay ka qoreena
hoos ka akhri.
- Idaacada SBC:
Wasiirka
maaliyadda Puntland oo faah-faahin ka bixiyey heshiiska
dawladda & shirkadda Concort
- Idaacda Garoowe:
Gagaab:"dad
ayaa dano gaar ah ka lahaa heshiiskaan"
- Radio Midnimo:
Wasiirka
Maaliyada Puntland Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay In La Soo
Dhoweeyo Shirkadda Cocer Oo Dhowaan Puntland Imaan
Doonta
- Wargeyska Horseed
net: Wasiirka
maaliyada Puntland oo ka warbixiyey heshiiskii ay la soo
galeen hay'ada CoCort
Idaacada SBC:::
Wasiirka
maaliyadda Puntland oo faah-faahin ka bixiyey heshiiska
dawladda & shirkadda Concort
Boosaaso -
10.September.2005: Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed
Cali Yuusuf Gaagaab oo goob joog ka ahaa heshiiskii ay kala
saxiixdeen dawlad goboleedka Puntland iyo shirkad laga
leeyahay waddanka Austalia oo lagu magacaabo Concort.
Kulanka uu wasiirku ku faah-faahiyey heshiiskas oo maanta ka
dhacay xarunta maamulka gobolka Bari ee magaalada Boosaaso
ayuu warbixin dheer kaga bixiyey wasiirka maaliyadda
Puntland, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), heshiiskii dhex
maray dawlad goboleedka Puntland shirkadaas.
Wasiirka maaliyadda oo isagu goob joog ka ahaa heshiiskan
ayaa sheegay in uu heshiiskani socon doono muddo toban sano
ah, macdanaha laga baarayo Puntland-na ay yihiin saliidda,
dhuxul dhagaxda iyo tiin-ka, iyadoo saldhigga weyn ee
shirkaddani uu noqon doono magaalada Boosaaso, iyadoo
baaritaanka laga samyn doono inta badan gobollada Puntland.
Dhanka kale, waxaa uu sheegay in dawladda federaalka iyo
maamulka Puntland uu u socdow wada hadal wanaagsan, arrinta
heshiiskana ay tahay mid socon doonta oo lama taabtaan ah.
Maxamuud Faarax Bile
Idaacda Garoowe:::
Gagaab:"dad
ayaa dano gaar ah ka lahaa heshiiskaan"
Sept 10, 2005
Sidaa waxaa yiri wasiirka
Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” mar uu maanta
xarunta Gobolka Bari ugu waramay Isimada,warbaahinta iyo
waxgaradka reer Puntland ee ku sugan magaalada Bosaso...
Wasiirka Maliyada ayaa warbixin dheer ka jeediyey arrimo la
xiriira shirkad lagu sheegay in maamulka Puntland uu la
sixiixday heshiis isugu jira baaritaan iyo soo-saarid
khayraadka (Macdan & Shidaal) gudaha ee Puntland.
Shirkadaan ayaa la sheegay in ragga garwadeenka ka u ah ay
yihiin Australian balse ka diwaan gashan tahay Jasiiradha
Maldives-ka ee ku yaala Badwaynta Hindiya.
Kulankaan ayaa Mud.Gagaab waxa uu dusha cambaarayn uga
tuuray wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ee DGPL
Md.C/raxman Maxamad Farole diidmadiisa uu diiday in uu
heshiiskaan (Contract Agreement) wax ka ogolaado,isagoo
tilmamay in ay jiraan shaqsiyad dano gaar ah ka lahaa
heshiiskan, isaga oo hadalkaas ula jeeday Mud.Gaagaab
wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka Caalimiga ah ee DGPL
Mud.Faroole.
Kulankaan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wasiirka Maaliyada
ugu heli lahaa tageero heshiis la sheegay in DG Punland kula
gashay magalada Dubai shirkad la yiraahdo Consort Private
Limited kol hadii Dowlad goboleedka Puntland ay ku kala
qaybsantay Md. Gaagaab wuxuu kaloo sheegay in shirkadu
waxyaabaha ay baari doonto ay ugu horeeyaan Dhuxul Dhagaxda,
Birta, Tin-ka iwm, wuxuu kaloo intaas raaciyey in shidalka
iyo gaaska ay noqon doonaan waxyaabaha ugu danbeeya ee la
baari doono, wuxuuna tilmaamay bisha Oktoobar in shirkaddu
si rasmi ah hawlaheeda u bilaabi doonto.
Wasiirku wuxuu kaloo intaa ku daray in xiligan aysan
shirkada wax lacag ah aysan ka soo qaadan, balse ay jiraan
warar dacayad ah oo sheegaya in ay lacago soo qaateen,waa
siduu hadalka u yiriye, waxa keliya ee uu sheegay in
shirkaddu ay ka bixisay hoteeladii ay degenaayeen.
Ugu dambayntii ma jirin wax fursad ah uu wasiirku siiyay in
su’aalo la xiriira shirkaddan heshiiska la gashay DGPL ay
waydiiyaan warbaahinta iyo akhyaartii kale ee meesha isugu
timid.
Radio Midnimo:::
Wasiirka
Maaliyada Puntland Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay In La Soo
Dhoweeyo Shirkadda Cocer Oo Dhowaan Puntland Imaan Doonta
Sept 10, 2005
Wasiirka Maaliyada DGPL
Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” ayaa maanta xarunta Gobolka
Bari ugu waramay Isimada iyo waxgaraka reer Puntland ee ku
sugan magaalada Boosaaso, wuxuuna warbixin dheer ka jeediyey
arrimo la xiriira shirkad la sheegay in dhowaan Maamulka
Puntland uu la sixiixday heshiis macdan looga baarayo gudaha
Puntland
Md. Gaagaab wuxuu sheegay in mudo Afar ilaa Shan bilood ka
hor ah ay Puntland ka shaqeyneysay in la ogaado waxa dhulka
hoostiisa ku jira, wuxuu kaloo intaas ku daray in haddii wax
laga helo dhulka hoostiisa baahida looga bixi doono.
Wasiirku wuxuu kaloo caddeeyey in Madaxweynaha Puntland Gen.
Cadde Muuse iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga
ah, C/raxmaan Maxamed Faroole ay horay shirkadan ugula
kulmeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, balse halkaas wax
ku soo dhamaan waayeen.
Gaagaab oo ka hadlayey khilaafka Maamulka Puntland iyo
Dowladda Soomaaliyeed ee Federaalka ah u dhexeeya ayaa
sheegay in qiil walba ay u raadiyeen, ayna baaritaan ku
sameeyeen Axdiga Qaranka iyo Kan Puntland qiilna ay u
waayeen Dowladda Federaalka in ay ku faragelin karto hawlaha
Maamulka Puntland gudihiisa ka wado.
Wuxuu kaloo Md. Gaagaab xusay in wakhtigan aysan dowladda
Federaalku wadanka wax awood ah ku laheyn ayna ku
mashquulsan tahay degitaankeeda iyo hawlaheeda, wuxuuna
carabka ku dhiftay in aysan jirin dastuur gaar ah oo loo
sameeyey Federaalka.
Wasiirka oo ka warbixinayey heshiiskii ay shirkada Concort a
soo galeen ayaa sheegay in mudo Tobban sanadood ah ay
heshiis kula galeen shirkadaas in ay wadanka baaritaan iyo
soo saaris macdaneed ay ka sameyso.
Wuxuu kaloo sheegay in Afarta sano ee ugu horeeya heshiiskan
ay shirkaddu baaritaan kaliya sameyn doonto, wuxuu kaloo
sheegay in shirkadu Maamulka Puntland ka kabi doonto dhinaca
miisaaniyada iyadoo uu sheegay in bil walba ay bixin doonto
200 oo Kun oo Doolar, oo ka bilaaban doonta bisha Oktoobar
ee fooda nagu soo haya.
Wuxuu kaloo intaas ku daray in sanadka hore ay 25 Milyan oo
Doolar in shirkaddu wadanka soo geliso, sanadka soo socdana
ay 50 Milyan ka dhigto, balse dhaqaalahan faraha badan ayuu
Wasiirku sheegay in aysan heshiiska ku jirin ee uu ahaa
heshiis hoosaad “Gentalman Agreement “
Md. Gaagaab wuxuu kaloo sheegay in shirkadu waxyaabaha ay
baari doonto ay ugu horeeyaan Dhuxul Dhagaxda, Birta, Tin-ka
iwm, wuxuu kaloo intaas raaciyey in shidaalka iyo gaaska ay
noqon doonaan waxyaabaha ugu danbeeya ee la baari doono,
wuxuuna tilmaamay bisha Oktoobar in shirkaddu si rasmi ah
hawlaheeda u bilaabi doonto.
Wasiirku wuxuu sheegay in xiligan aysan shirkadda wax lacag
ah aysan ka soo qaadan, balse ay jiraan warar dayaacad ah oo
sheegaya in ay lacago soo qaateen, waa siduu hadalka u
yiriye, waxa keliya ee uu sheegay in shirkaddu ay ka bixisay
hoteeladii ay degenaayeen.
Md. Gaagaab wuxuu carabka ku dhiftay in Wasiirka Qorsheynta
iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan Faroole oo hawshan qayb
ka ahaa in uu kaga soo tegay wadanka Imaaraadka Carabta isla
markaasna uusan wax ka sixiixin heshiiskan.
Wuxuu kaloo Md. Gaagaab sheegay in ay jireen dad dano gaar
ah ka lahaa heshiiskan, taasoo uu tilmaamay in ay wakhtiyo
danbe ogaadeen.
Wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland
Gen. Cadde Muuse uu maalinimada Isniinta ee fooda inagu soo
haysa uu dalka ku soo laaban doono, wuxuuna ka codsaday
dadweynihii uu la hadlayey in la soo dhoweeyo shirkadda
Concert amaankeedana la ilaaliyo.
Ma jirin fursad suxufiyiinta loogu ogolaaday in ay su’aalo
la xiriira shirkaddan ku weydiin karaan Wasiirka.
Wargeyska Horseed net:::
Wasiirka
maaliyada Puntland oo ka warbixiyey heshiiskii ay la soo
galeen hay'ada CoCort
Sept 10,2005
Bosaso:- Wasiirka maaliyada
Puntland oo maanta kaga warbixiyey Guriga Gobolka bari
heshiiskii ay la soo galeen hay'ada CoCort
Wasiirka Maaliyada DGPL Maxamed Cali Yuusuf "Gaagaab" ayaa
maanta xarunta Gobolka Bari ugu waramay Isimada iyo
waxgaraka reer Puntland ee ku sugan magaalada Boosaaso,
wuxuuna warbixin dheer ka jeediyey arrimo la xiriira shirkad
la sheegay in dhowaan Maamulka Puntland uu la sixiixday
heshiis macdan looga baarayo gudaha Puntland
Md. Gaagaab wuxuu sheegay in mudo Afar ilaa Shan bilood ka
hor ah ay Puntland ka shaqeyneysay in la ogaado waxa dhulka
hoostiisa ku jira, wuxuu kaloo intaas ku daray in haddii wax
laga helo dhulka hoostiisa baahida looga bixi doono.
Wasiirku wuxuu kaloo caddeeyey in Madaxweynaha Puntland Gen.
Cadde Muuse iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga
ah, C/raxmaan Maxamed Faroole ay horay shirkadan ugula
kulmeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, balse halkaas wax
ku soo dhamaan waayeen.
Gaagaab oo ka hadlayey khilaafka Maamulka Puntland iyo
Dowladda Soomaaliyeed ee Federaalka ah u dhexeeya ayaa
sheegay in qiil walba ay u raadiyeen, ayna baaritaan ku
sameeyeen Axdiga Qaranka iyo Kan Puntland qiilna ay u
waayeen Dowladda Federaalka in ay ku faragelin karto hawlaha
Maamulka Puntland gudihiisa ka wado.
Wuxuu kaloo Md. Gaagaab xusay in wakhtigan aysan dowladda
Federaalku wadanka wax awood ah ku laheyn ayna ku
mashquulsan tahay degitaankeeda iyo hawlaheeda, wuxuuna
carabka ku dhiftay in aysan jirin dastuur gaar ah oo loo
sameeyey Federaalka.
Wasiirka oo ka warbixinayey heshiiskii ay shirkada Concort a
soo galeen ayaa sheegay in mudo Tobban sanadood ah ay
heshiis kula galeen shirkadaas in ay wadanka baaritaan iyo
soo saaris macdaneed ay ka sameyso.
Wuxuu kaloo sheegay in Afarta sano ee ugu horeeya heshiiskan
ay shirkaddu baaritaan kaliya sameyn doonto, wuxuu kaloo
sheegay in shirkadu Maamulka Puntland ka kabi doonto dhinaca
miisaaniyada iyadoo uu sheegay in bil walba ay bixin doonto
200 oo Kun oo Doolar, oo ka bilaaban doonta bisha Oktoobar
ee fooda nagu soo haya.
Wuxuu kaloo intaas ku daray in sanadka hore ay 25 Milyan oo
Doolar in shirkaddu wadanka soo geliso, sanadka soo socdana
ay 50 Milyan ka dhigto, balse dhaqaalahan faraha badan ayuu
Wasiirku sheegay in aysan heshiiska ku jirin ee uu ahaa
heshiis hoosaad "Gentalman Agreement "
Md. Gaagaab wuxuu kaloo sheegay in shirkadu waxyaabaha ay
baari doonto ay ugu horeeyaan Dhuxul Dhagaxda, Birta, Tin-ka
iwm, wuxuu kaloo intaas raaciyey in shidaalka iyo gaaska ay
noqon doonaan waxyaabaha ugu danbeeya ee la baari doono,
wuxuuna tilmaamay bisha Oktoobar in shirkaddu si rasmi ah
hawlaheeda u bilaabi doonto.
Wasiirku wuxuu sheegay in xiligan aysan shirkadda wax lacag
ah aysan ka soo qaadan, balse ay jiraan warar dayaacad ah oo
sheegaya in ay lacago soo qaateen, waa siduu hadalka u
yiriye.
Md. Gaagaab wuxuu carabka ku dhiftay in Wasiirka Qorsheynta
iyo Xiriirka Caalamiga ah C/raxmaan Faroole oo hawshan qayb
ka ahaa in uu kaga soo tegay wadanka Imaaraadka Carabta isla
markaasna uusan wax ka sixiixin heshiiskan.
Wuxuu kaloo Md. Gaagaab sheegay in ay jireen dad dano gaar
ah ka lahaa heshiiskan, taasoo uu tilmaamay in ay wakhtiyo
danbe ogaadeen.
Wasiirka Maaliyadu wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland
Gen. Cadde Muuse uu maalinimada Isniinta ee fooda inagu soo
haysa uu dalka ku soo laaban doono, wuxuuna ka codsaday
dadweynihii uu la hadlayey in la soo dhoweeyo shirkadda
Concert amaankeedana la ilaaliyo.
Ma jirin fursad suxufiyiinta loogu ogolaaday in ay su'aalo
la xiriira shirkaddan ku weydiin karaan Wasiirka.
Shirkan ayey sidoo kale ka hadleen Guddoomiyaha Gobalka Bari,
Md.Yusuf Dhedo iyo Duqa magaalada Bosaaso Md.Khadar Cabdi
Xaaji Mire oo dhamaantood soo dhaweeyey heshiiskan iyo
arrimaha horumarinta bulshada oo uu maamulka Puntland Wado.
Waxaa asaguna shirkii maanta ku sugnaa Beeldaaje Cali Faarax
oo asagu ku hadlay magaca Issimada Puntland, isla markaana
sheegay in shacabka iyo cuqaasha Puntland ay taageersan
yihiin dadaalka uu wado maamulka Puntland.
Mohamed Ali Hersi (dalmar)
Aragtida dadweynaha waxa lagu soo
hagajin karaa::
http://www.somalitalk.com/feedback/
Afeef: SomaliTalk.com
mas'uul kama ahan aragtida website-yada kale,keliya waxaan
akhristyaasha ugu soo gudbiney inay helaan fikrado kala
duwan ee arintaas ku aadan.
Madaxweynaha Soomaaliya:
"Khayraadka Dabiiciga ah ee dalku leeyahay Mas'uuliyadeeda
waxaa iska leh Dawlada Dhexe."... GUJI...
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 10, 2005
|