{Baydhabo} Wasiirka Batroolka iyo Tamarta Md.
C/llaahi Yuusuf Xaraare: "Shirkadihii hore haddii ay ku imaanwaayaan,
go'aan ayaa laga gaaridoonaa...."
{Waraysi dheer oo xiiso badan}
- Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed Macallin Cismaan{All-man}
SomaliTalk.com Baydhabo.

Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md. Cabdullaahi Yuusuf
Xaraare
|
Waraysi aan la yeeshay Wasiirka Batroolka iyo Tamarta DFKMG Md.
C/llaahi Yuusuf Xaraare oo aan kula kulmay halka uu ka degan yahay
Magaalada Baydhabo, islamarkaana aan wax ka weydiiyey dood beryahaan ka
taagnayd Heshiis dhinaca Batroolka laga baarayo shidaal Soomaaliya la
sheegay , ayaa ka hadlay qaab dhismeedka Wasaaradiisa, sida looga
faa’iideyn karo Tamarta Qoraxda, Dabaysha iyo Biyaha, Daraasad ay
sameysay Wasaaradiisa, waxaan ugu horeyn weydiiyey
S-Md. Wasiir waxaad warbixin kooban naga siiyo Wasaarada Batroolka
iyo Tamarta, waxyaabihii kuu qabsoomay iyo caqabadaha hortaagan intii
aad xilka haysay iyo waxa u qorsheysan wasaarada?.
J-Tilaabada ugu horeysay ee ay qaaday Wasaarada waxay ahayd in ay
dejiso dhismihii Wasaarada iyo siyaasadii ay ku shaqeyn lahayd, Qorshaha
Wasaaradda waa laba qaybood ugu horeyn in dalka oo dhan Koronto la
geliyo iyo in la soo aruuriyo macluumaadkii Batroolka, islamarkaana
looga faa’iidaysan lahaa khayraadka Batroolka, Mashruuca ugu horeeyey ee
aan diyaarino waa Koronto gelinta Magaalada Baydhabo, 4-Matoor oo
awoodooda ay dhan tahay 1.3-MGW, waxaana la kaashan doonaa dad aan kala
hadalney arimaas, inkastoo wasaarada Qorshaheedu yahay in Korantada ay u
bedesho mustaqbalka, mid furan oo ay ku lahaato keli ah Koontaroolka
Ascaarta, si aan shacabka loo saarin wax aysan awoodi Karin, waxaana
jira Barnaamij aan dejinay oo ah in Magaalo walba ay Korontadeeda u
madax banaanaato oo aan ku dabaqno sistamka diyaarsan, maadaama wadanka
Magaalooyinkiisa ay aad u kala fog fog yihiin, arimahaasina meel
wanaagsan ayey inoo marayaan, waxaa kale oo inoo qabsoomey inaan soo
aruurino macaluumaadka Batroolka oo badan, waxaan helnay heshiisyadii
hore ee Batroolka Soomaaliya, waxaan keloo ogaanay Miizaanka aan ku
yeelan karno arimaha Batroolka.
S-Sidee dalkeena looga faa’iideyn karaa Tamarta Qoraxda, Dabeysha
iyo Biyaha?.
J-Soomaaliya waa meel Qorax fiican leh, inkastoo ka faa’iideysiga
Qoraxda ay tahay shey aad u muhiim ah, oo hadana laga siiyo Magaalooyina
ay tahay mid aad iyo aad u qaali ah, laakiin si tartiib tartiib ah in
laga faa’iideysto Qoraxda dadka waa la bari karaa, Tuulooyinka in
Qoraxda looga dhaliyo dab waa wax la gaaridoono, Hay’adda UNDP waxay
sameysay daraasad dhinaca Dabeysha oo Koronto dhalinta xaga Dabeysha ah,
daraasadaasi waxaa inooga harey inaan tijaabo sameyno, hada ayaana ku
guda jirnaa.
S-Meelaha Daraasada laga sameeyey ma inoo carabaabi kartaa Md.
Wasiir?.
J-Meelaha Daraasada laga sameeyey oo la filayo in dabayshu ay ku
badan tahay waa Xeebaha, sida Gobolada Woqooyi Barri iyo kuwa Galbeed
waa meel dabeyshu ay ku badan tahay iyo Magaalooyinka Buuraha
saaran,waana meelihii loo baahnaa in awooda Dabeysha looga dhaliyo Dab.
S- Ka Wasaaradd ahaan wax daraasada ah oo aad sameyseen ma jiraan
?.
J-waxaan sii wadney daraasadihii hore ay u sameeyeen UNDP, waxaana
dooranay meeshii aan ka bilaabi lahayn,.
S- Md. Wasiir waxaa jirey War-saxaafadeed aad hore u balan qaadey
oo dhinaca Batroolka ah, mar aad wareysi siisay Idaacad Astralia ee
marka halkee buu ku dambeeyey, maka tanaasushey mise wali waad soo
diyaarinaysaa?.
J- waxaa keenay inaan ka jawaabi waayo War-saxaafadeedkaas, waxaa la
iiga yeerey Baarlamaanka, si aan warbixin u siiyo, islamarkaana
Baarlamaanku uu iga weydiiyo su’aal arimaha Wasaaradda, waxaana
go’aansadey inaan War-saxaafadeedka dib u dhigto, kadibna aan guto
hawlaha i hor yaala, si aysan u noqon laba arimood oo isku xiran.
S-War-saxaafadeedkaasi Ujeedadiisu guud maxay ahayd?
J-
waxaa jirey jahwareer arimaha Batroolka ku saabsan, maadaama aan
mas’uulkii ugu sareeyey Wasaaradda aan ahay, waxaan damcay inaan dadka
siiyo arin cad si saxna aan dadka wax ugu sheego, waxaana leeyahay
dadku waa inaysan ku jahwareerin arimahaan jira, waayo Wasaaraddu waxay
ku socotaa si taxadir leh dhinaca arimaha Batroolka, dadkuna arimaha ma
fahansana, arimaha qaarkood waxay shuqul ku leeyihiin dhaqaalo, qaarkood
waxay faraha la gelayaan Siyaasada, hawshuna waa mid Qaran, waxayna u
baahan tahay waana mas’uuliyad culus.
S-Md. wasiir markii aad Baarlamaanka warbixinta siinaysay waxaad
xustay in xiligaan Soomaaliya aysan ahayn mid ku haboon in shidaal laga
baaro, marka adigu goorma ayaad magacaabi lahayd in Soomaaliya shidaal
laga baaro, maxayse tahay sababta aad u diiday in shidaalka Soomaaliya
laga baaro?.
J- waa su’aal muhiim ah, dhowr sababood ayaa jira, tan hore meelo
badan oo wadanka ka mid ah Amnigooda ma sugna, waayo waxaa imaanayo waa
shirkado Ajnabi ah iyo shaqaalahooda, waana mas’uuliyad culus in
amaankooda la sugo, waana mid mudan in laga fiirsado, Tan labaad waxaa
jira in shirkadihii hore heshiisyada lala galay iyo Wasaarada dib isu
arkaan, hadii loo baahdo in wax laga bedelo iyo inla waafajiyo casrigan
la joogo iyo in la ogaado intii ay shaqada wadeen hawlihii ay qabteen ay
dib u soo gudbiyaan, macluumaadkii ay hayeena soo raaciyaan,markaas
kadib ayey go’aan gaari kartaa Wasaaraddu iyo meelihii laga bilaabi
lahaa?.
S-Goorma ayaad adigu jeceshahay in ay ku haboon tahay in shidaal
laga baaro Soomaaliya?.
J-waad garan kartaa waxa jira, laakiin aniga waxaan jeclaan lahaa
inta aan wasiirka ahay ay dhacdo, waxaana I xukumaaya waqtiga.
S-Shirkadihii hore ee Soomaaliya shidaalka ka baari jirey, waxaad
sheegtay heshiisyadii ay hore ula galeen Dowladihii hore ay sidoodii ay
u jiraan, kuwa aan dib ugu soo laaban dalka ma baabi’indoontaa mise
sidoodii ay u jirayaan?.
J-Runtii waxay ku
xiran yihiin wada xaajoodka laysla galayo, hadii aan kuu sheego shirkada
Shell Maalintii la magacaabay DFKMG dowlada oo aan ka soo guurin
Magaalada Nayroobi ayey u yimaadeen, waxaa kale oo jira shirkado kale oo
isla waqtigaas soo qoray Waraaqo oo doonaya in arimahooda laga wada
hadlo, taasina waxay ku tusinaysaa in shirkaduhu ay diyaar u yihiin in
ay dalka ugu soo noqdaan, hadii laba ay soo noqdaana waxay muujinaysaa
in kuwa kale ay doonayaan soo noqosho.
S-Md. Wasiir hadii ay soo noqon waayaan adigu ma baabi’inaysaa
heshiisyadooda iyo wax waqti oo aad u qabanayso miyaa jira hada ?.
J-Marka hore waxaan u qabanaynaa waqti, shirkadihii hore hadii ay ku
imaanwaayaan, go’aan ayaa laga gaaridoonaa,waayo ruux kuu imaan waayey
ma ahan in loo xayirnaado, laakiin hadii mudadaas Barnaamijkooda ku soo
gudbiyaan waan tixgelinaynaa, tan kale waqtiga waxaan ku cadeydoonaa
sharciga iyo wada hadalada hada inoo bilowdey.
S- Mudane Wasiir hadii aynu eegno macdanta Soomaaliya ku jirta
dhulkeeda ayaa ka sahlan in laga baaro wadankeena shidaal, ee maxay
tahay sababta loo soo hormariyey in shidaalka laga baaro, tusaale ahaan
mash’ruucydii soo saari jirey macdanta iyo shirkadii soo saari jirtey
Tiinka (Majayahan) miyeyeysan ka sahlanaan karin in la soo saaro
Batroolka?.
J-Arimaha aad hada ii sheegayso waxaa jirta Wasaaradda Batroolka iyo
Tamarka iyo Wasaaradda Macadanta iyo Biyaha, iyada ayaana filayaa inay
arimahaas ku hawlan tahay.
S-maadaama aad adigu tahay Wasiirka dhinaca Batroolka iyo Tamarta
awooda u leh in waxa laga ogaado, Buur-hakaba waxaa lagu sheegaa inay ku
jirto macdanta Yuraaniyamka, Xeebta Jaziira iyo Xamar waxaa lagu
sheegaa Dahab, sidoo kale Diinsoor waxaa lagu sheegaa Dahabka Birta ah,
bal kawaran arimahaas?.
J- Dhinaca Yuraaniyamka wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Eneryg-ga laka
dhaliyo waa laga yaabaa in arimhaas ay sheqada ku lug yeeshaan,waana
arin aad iyo aad aduunku u danaynayo, laakiin waa arin aad iyo aad
taxadir u baahan,shirkadaha lagala macaamilayo waa inay yihiin shirkado
mas’uuliyiin ah, waa inay yihiin kuwo la hubo waxay soo saarayaan oo ka
rajiis gareysan oo la hubo waxa ay soo saarayaan ayaa muhiim ah.
S-Heshiiskii Dowlad Goboleedka Puntlad iyo Shirkada Range, Wasaaraddu
waxay sheegtay in aysan aqoonsaneyn, maxaad ka yeelaysan hadii
heshiiskaasi ay la gashay Dowalad Goboleedka Puntlad shirkada Range ay
ku sii adkeysato, ka wasaarad ahaan adigu?.
J-Runtii marka ugu horeysa waxaa la raadinayaa wada hadal,waxaana
aaminsanahay Puntland inay diyaar u tahay wada hadal, heshiiskaasi waa
maqlaa, laakii Puntland iyo aniga kama wada fariisan, koley taasina waan
kawada hadlidoonaa.
S-wax xiriir
arintaas ku saabsan oo dowlad Goboleedka Puntland aad la sameysay ma
jiraa ?.
J- ma jiro xiriir toos ah oo aan kuwada hadalnay Batroolka aniga
iyo Puntland.
S-Sida ku soo baxdey Internetyada caalamka, shirkada Range waxay
faafisay xog asal ahaan ay lahayd shirkadda CONOCO ee shidaalka ka baari
jirtey aagga Nugaal, haddaba Dukumiintigaasi sharciyan maxaad ka qabateen
ama ka qabanaysaan, ka wasaarad ahaan, muxuuse sharciga ka qabaa
xuquuqda shirkadaas xogteeda la isticmaaley?
J-Aniga runtii arintaasi ma arag, laakiin waxay isugu gudbidoontaa
waxyaabo badan iyo sharci.
S-Makula haboon tahay in adigoo Wasiirka Batroolka ah oo aan wax
fasax ah lagaa qaadan,in la faafiyo xogtaas?.
J-Arimhaas aad sheegayso waa arimo hore u dhacay, wax hore u dhacay
dib looguma laaban karo, meesha hadda ay joogto oo xal loo helo ayaa
muhiim ah.
S-Md.Wasiir waxaa loo baahan yahay in sida dhabta ah loo hadlo oo la
sheego meesha xuquuqda ay jirto, miyaysan ahayn arintaasi in la
weydiisto mag dhaw?.
J-Sax weeye arin kasta inta aadan wax ka qaban waa inaad hubsataa,
macluumaad badana heshaa, deristaa kadib wax ka qabataa, wali macluumaad
igu filan oo aan wax ka qaban karo imasoo gaarin, laakiin waa
imaandoontaa.
S-Waxaa jira Sanadkii hore dabayaaqadiisa in shirkad shidaalka baarta
oo ay leedhay Kenya ay meel u dhow Xeebta Soomaaliya gudaheeda ka
baartey shidaal, sida ay aaminsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed in
meesha shirkadaas ay wax ka baartey ay tahay gudaha Soomaaliya,
arintaas Wasaaradu baarintaan maku sameysay, maxaadse inooga iftiimin
kartaa arintaasi?.
J-Runtii arintu wax la hubo ma ahan, dhinaca Soomaaliya wali wax
lagama baarin, way jirtaa shirkad Kenya ay leedahay, inay wax ka
baareen xuduuda, laakiin waxaa jira heshiis caalami ah, Dowladaha
deriska ah markii ay wax soo kala dhex galaan Xuduuda sida ay wax u
qaybsadaan, waxaan u maleynayaa arin hadal ah, wax la hubo ma jirto
ayaan leeyahay, shirkado soo galay xuduudda oo shidaalka baarey Xeebta
Soomaaliya.
S-Shidaalka Soomaaliya lagu tuhmayo xagee buu u badan yahay?.
J-waayadii hore waxaa la aaminsanaa inuu ku badan yahay Gobolada
Woqooyi ee Soomaaliya, tartiib waxaad moodaa in waqtigu inoo fududeeyey
oo meelo badan uu shidaal ku jiro, sida Sh/Hoose, Hiiraan, Gobolka
Bakool gaar ahaan Degmada Tiyeeglow iyo Ceel Berde, Gedo dhinaca
Man-dheera oo Baasiin ah, marka waxaad moodaa meelo badan oo aan la
filayn in wax ay ka soo baxeen oo waliba rajadoodu ay wanaagsan tahay.
S-mala dhihi karaa horey meelo badan oo la qarin jirey ayaa soo
baxay, marka laga reebo inta aad adigu sheegtay?.
J-sidaan filaayo qarin ma ahayn shirkadaha shidaalka Batroolka baara
waxaa hore loo siiyey baloogyo (blocks), waxayna u badnayeen kuwa Woqooyi la
siiyey, taas ayaa keentey in dhinacaas ay u bato oo waliba waxay u
dhowdahay dhinaca Yeman ayaa ladhihi karaa, islamarkaana Batrool
lahayd, midaas ayaa keentey in dhinaca Woqooyi ay u badnaadaan, markii
dambe meelahaan la baarey ayaa la ogaadey in meelahaan ay wax ku jiraan,
inkastoo Af-gooye hore loo baarey, islamarkaana la ogaa inay wax ku
jiraan, meelahaan kale dib ayey u soo dhasheen rajo fiican way jirtaa,
Batroolka ilaa aad wax soo saarto wax jira ma leh, sababta waxaa waaye
waxa wax lagu raadinaayo waa masawiro la qaaday iyo macluumaad ee ma
ahan wax loo jeedo ama ceel la darsanaayo, waa Kaluun Badd ku jira oo
ruux maqaalin ku tuurtey, laakiin rajadu aad bay u fiican tahay.
S- baloogyada Soomaaliya loo qaybiyey tiro ahaan wax ma inooga sheegi
kartaa iyo dowladaha qaybiyey?.
J- inta diyaarsan waa 46-Baloog ee la og’yahay oo dhulka ah, dhinaca
badda iyo xeebaha waa 13 Baloog, inta hada dowlado la siiyey ama
shirkado isku darkooda waa 19 Baloog, inta kale waa banaan yihiin,
qaarkood waxaa la baarey 1960-kii, heshiisyadooduna way dhamaadeen.
S-ka wasaarad ahaan marka aad eegto ama caalamiyan, maxay tahay, baad
is leedahay, caqabadaha hor taagan in Soomaaliya shidaal laga baaro?.
J-17-sano kadib ayaa dowlad la dhisay, waxayna la kulantey
dhibaatooyin badan, iyadoo aamin deridaasi ay jirto iyo caalamka oo ka
gaabsanaayo, iyagoo darsaaya xaaladaha hada jira, ayaa keenay in la
baari waayo Batroolka dalkeena, waxaana aamin sanahay in hadii wax
waliba sida hada ay ku socdaan ay soo deg degidoonaan wax walba.
S-buuga weyn ee sharciga shidaalka ee Baarlamaanka loo qaybiyey,
shirkadee sameysay, yaa soo daabacay, kharashka ku baxay wax maka
og-tahay, muxuuse yahay buugaan?.
J-buugaan marka la geynaayey Baarlamaanka runtii aniga waan maqnaa,
laakiin Baarlamaanka ayaan ka sheegay inuusan ahayn buug Wasaaradu ay
keentey, Rag Birifaati ah iyo Shirkado ayaa isku soo xiray, Sharcigii
Wasaaradda koobigiisa ayaa dhinaca laga soo lifaaqay, in Baarlamaanka la
marsiiyo oo uu shaqeeyo ayey ahayd, laakiin dadkii waa ka shakiyeen,
marka sharciga ay Wasaaradu keentey la arkey way ku wareereen,
wareerkaasi wuxuu keenay in la hakiyo, ilaa markii dambe ay Wasaaradu u
xaqiijiso waxa jira oo dhabta ah.
S-ma jiraa wax aad Baarlamaanka soo hor dhigteen oo sharcigii
shidaalka ah?.
J-sharcigii shidaalka ee hore ayaa jira oo Gudiga dhaqaalaha iyo niman
sharci yaqaano ah ay iska kaashanayaan, si ay u soo dhameystiraan, iyadoo
lagu daraayo wax alaalle wixii bad baadin kara dhib soo socda.
S-maxaad u soo jeedinaysaa shacbi weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo
ay joogaan oo Akhrisanaaya fikirkaada, maadaama aad adigu tahay
wasiirkii Batroolka iyo Tamarta ee DFKMG, waxaana jira hadalo fara badan
oo la-isla dhex maraayo oo dhinaca shidaalka wal wal badan ku beeray?.
J-waxaan ku soo gebagebaynayaa hadaan Nabad helno waanu dhergeynaa,
Batrool badana waanu qabnaa, aan wada noolaano,Wadankeena aan ka dhigno
wadan degan oo lagu noolaan karo, wax walba nabadgelyada iyo wada
noolaansha ayaa ka qaalisan.
Akh-ristayaasha aynu jecel nahayoow intaas ayaan ku soo gebagabeynay
Waraysigii dheeraa ee aan la yeeshay Wasiirka Batroolka iyo Tamarta
DFKMG Md. C/llaahi Yuusuf Xaraare.
Dhamaad.
Waxaa Waraystey Wariye Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk
Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2007 | Updated: Oct 27, 2007
Range oo Sheegtay in ay Lacag dhan $591,000 siisay Garoonka Garoowe
sannadkan 2007
Lacagtaas oo sida muuqata ka baxsan $250,000 oo ay sheegeen in
Garoonka hore u siiyeen sannadkii 2006.... Range waxay sheegtay in ay
sannadkan 2007 ay Puntland ku bixisay lacag ka badan $6 million.... Waxa
kale oo Range Shaaca ka qaaday in ay Puntland ka dhoofiyeen in ka badan
60 dhagax oo aan aysan ilaa hadda sheegin natiijadii ka soo baxday,
laakiin waxaa dhagxaantaas laga guray meelo lagu tuhmayo macdanta
Yuraaniyumka.... Akhri...


|