Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf ayaa sheegay in uu xilkii ka qaaday
ra'iisul wasaaraha DFKMG Nuur Cadde, waxaqna uu sheegay in uu xilka ka qaaday
Axad Dec 14, 2008. Waxana uu C/laahi Yuusuf sheegay in uu maalmo gudahood kusoo
magacaabi doono ra'iisul wasaare cusub.
C/laahi Yuusuf oo shir jaraa'id ku qabtay Baydhabo ayaa xil-kaqaadista ku
saleeyay in xukuumaddu ay gudan weydey xilkeedii.
Waxaa arrinta xil ka qaadista waxaa ku gacan sayray Nuur Cadde oo ku sugan
Baydhabo, xil ka qaadistaasna ku tilmaamay "sharci darro." Isagoo intaas ku
daray in uu ka xun yahay tallaabada uu qaaday madaxweynaha DFKMG. Nuur Cadde
waxa uu si qayaxan u sheegay in madaxweynaha DFKMG uusan isaga (ra'iisul
wasaaraaha) xilka ka qaadi karin.
Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse oo Sabtidii (Dec 13, 2008) ku soo laabtay
Garoowe ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay waxa uu ku gacan sayray qoraal ka soo
baxay "Golaha Issimada Puntland".
Qoraalka uu ku gacan sayray Gen. Cadde Muuse oo aay soo saareen issimada waxa
uu u qornaa sidan:
Golaha Issimada Puntland -- 13.12.2008
Ku: Madaxwaynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland
Ku: Murashaxiinta u tartamaya madaxtinada Puntland
Ku: Saxaafada madaxa banaan dibad iyo gudaba
Og: Dadwaynaha Reer Puntland
Ujeedo: Gudoon Issimo
Kadib markii ayna soo gaadhay dacwad musharaxiinta ay ku muujinayeen inuu jiro
khilaaf ku saabsan inaan lagu wada qanacsanayn habka doorashada loo wajahayo,
xulida gudiga khilaafaadka iyo ansaxinta xubnaha gollaha wakiilada Puntland,
sugida amaanka iyo tasarufka dhaqaalaha dalka. Kadib markay Issimadu la kulmeen
masuuliyiin kamida maamulka sida madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, Wasiirka
Maaliyada iyo sarkaalka loo xilsaaray sugida nabadgalyada. Waxay Issimada guda galeen sidii xal loogu heli lahaa arrimahaa kor kuxusan.
Falanqayn iyo dood maalmo qadatay kadib markay muuqatay khilaaf jira darteed
in loo baahan yahay in lahelo xal lagu wada qanci karo Issimadu waxay
gudoomiyeen:
1: Doorashadu inay ku qabsoonto waqtigii loo mudeeyay.
2: Nabadgalyada.
A: In taliyaha ciidanka sugida amniga xiliga doorashada uu si buuxda amniga u
sugo caasimada iyo goobaha doorashada.
B: Inta ka horaysa 31 Dec. uu ka amarqaato
Maamulka.
C: In taliyuhu Laga bilaabo 1 January ilaa 10 January uu ka amarqaadan doono
Issimada.
D: In tirada ciidanku aanay ka yaraan 300 oo askari, kana koobnaadaan gobolada
Puntland.
E: In Ciidanku leeyahay astaan ka gaara ciidamada kale.
F: In dadweynuhu ay gacan ka siiyaan ciidankaas gudashada wajibaad kooda.
G: Laga bilaabo 1 January inay reeban tahay kusidashada hubka magaalada dhexdeeda
marka laga reebo ciidankaas.
H: In Murashaxiinta dowlad iyo shacabkuba aanay
tikinko iyo ciidan ka badan
5 askari la imaan karin goobta doorashada.
3: Dhaqaalaha.
A: In dowladu aanay u isticmaalin hantida dowlada noockasta oo ay tahay ololaha
doorashada u garka ah iyaga.
B: In Isla dhaqaalaha dowlada lagu bixiyo qorshaha misaaniyada sida mushaharka,
IWM, mudnaanta koowaadna la siiyo haqabtirka ciidamada sida gaarka ah loogu
xilsaaray sugida amniga iyadoo si buuxda loo tixgalinayo baahida dhaqaale ee
uu taliyuhu la yimaado.
4: Gudiga xalinta khilaafaadka iyo ansaxinta gollaha Wakiilada.
A: Waxaa jiraya
7 xubnood oo gudi marjac Issimood ah.
B: Gudiga xalinta khilaafadka iyo ansaxintu wuxuu ka koobnaan doonaa 7 xubnood.
C: Gudoomiyaha gudigu wuxuu ahaan doonaa kiisii hore.
D: Sadexda xubnood ee Sool, Sanaag iyo Karkaar waxaa soo xulan doona
murashaxiinta maamulka.
E: Sadexda xubnood ee Nugaal, Cayn iyo Mudug waxaa soo xulan doona
musharaxiinta Shacabka.
F: Go'aan qaadashada gudiga laguma meelmarin karo cod qaadis
G: Wixii guddigu isku khilaafo waxaa loo soo gudbinayaa guddiga Issimada ee ku
xusan qodobka 4aad faraqiisa A si aay uga gaadhaan go'aan kama dambaysa.
H: Waa in xubnaha gudiga xalinta khilaafaadka iyo Ansaxintu fadhiyaan 15 Dec.
I: Qabashada waraaqaha kalsoonida xubnaha barlamanka galaya waa in aysan ka
dambayn 20ka Bishan (Dec 2008).
Gabagabo:
Issimadu waxay dadka reer Puntland ee arrimaha doorashada ku howlan si naxariis
leh uga codsanayaan inay si hufan uga qayb qaataan doorashadaas aadna looga
fijignaado wixii wax u dhimi kara xasiloonida iyo habsami u socodka doorashada
iyo wixii la hal mala, isla mar ahaantaa xubnaha tartamaya waxay ku boorinayaan
in ay si dagan oo masuuliyadi ku dheehan tahay u gutaan xilka qaybta ay ku
leeyihiin cidii guuleysatana loo hambalyeeyo lalana shaqeeyo. Murashaxiinta ku
guuleysata doorashadan waxaa laga rabaa inay suuragaliyaan qabashada doorasho
guud
si looga gudbo qaabkaan soo noqnoqday.
Wabilaahi Towfiiq
Issimada Saxiixey go'aankaan
Nugaal
- Islaan Ciise Islaan Maxamad
- Suldaan Siciid Max'ed Garaase
- Suldaan C/laahi H. Nuur
- Suldaan Max'ed Axmed Cabdulle
Sool iyo Cayn:
- Garad Jama Garad Cali
- Garad Saleban Farad Max'ed
- Garad A/lahu Garad Soof
- Suldaan Sicid Cisman Ali
- Ugaas A/lahi Ciise Nuur
- Garad A/salam Xasan
- Boqor A/Laahi Axmed Ali
- Garad Saleban Burale
- Garad Max'ud Cusmaan Mashqare
- Ugaas Faarax Max'ud Gurey
- Garad Max'd Saleeban Colaad
- Garad Ibrahim Barud
Bari iyo Karkaar
- Suldan Siciid Max'd Irbad
- Islam Max'ud Islan Yasin
- Suldan Ciise Axmed Omar
- Ugas Jamal Abdi Ducale
- Suldan Siciid Guled Sanyare
- Suldan Max''ed Yusuf Cabdi