December
2002: Heshiis ayaa dhex maray madaxda Somaliland
iyo nin lagu magacaabo Meier oo reer Norway ah. Mr.
Meier oo uu lasocdey nin asakiisu Hindi yahay oo la
yiraahdo Rajan wax ay la kulmeen Daahir Rayaale
Kaahin, heshiiskana waxaa la saxiixay wasiirkii
Biyaha iyo Khayradka Dabiiciga ah, Mohamed Abdi
Farah (Malow). [Eeg halkan]
January
2005 ayey ahayd markii afar dhakhtar ay shegeen
in ay woqooyi bari Soomaaliya u safri doonaan bisha
Febraury. Dhakhaatiirtaas oo kala ahaa Graham
Forward, Wayne Pennington, Mark Salib iyo Debbie
Wilson (kalkaaliso). Bishii Febraayo ayey
dhakhaatiirtaas reer Australian ah waxay Puntland u
yimadeen in ay caawinaad gaarsiiyaan dadkii ay
dhibaatadu ka soo gaartey bad-gariirka (Tsunami).
Waxaa
dhakhaatiirtaas soo racay Terry oo reer Australia ah
oo markaas sheeganayey in uu ka socdey hay'ad
samofal oo caawisa carruurta magaceedana la yiraahdo
"Kids In Need".
May
2005: Waxaa magaalada Nairobi ku kulmay Ra'iisul
wasaaraha DFKMG iyo mr. Meier oo uu la socdo wiil la
yiraahdo C/raxmaan Liibaan oo reer Norway ah.
Wiilkii waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka
Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna
lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya kala taliyaha arimaha soo saarida
Shiidaalka.
June
10, 2005: Terry waxa uu ka mid noqday wafti uu
hoggaminayey madaxweyna DGPL, Gen. Cadde Muuse,
waftigaas oo sii maray dubai, kaddibna aadey Nairobi
si ayug aqayb galaan xafladii guuritaanka e DFKMg
ayugu guureysey Soomaaliya. Waxaa kale oo waftigaas
ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirika
Caalamiga ah ee DGPL, Dr. Faroole. [Eeg
halkan]
Waftigii
Puntland, Markii
ay Nairobi tageen waxay la kulmeen madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha DFKMG, halkaas oo ay ku kala
xanaaqen Gen. cadde Muuse iyo C/Laahi Yuusuf kadib
markii DFKMG diidey in heshiis loo saxiixo Terry. [Eeg
halkan]
August 25, 2005: Ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay heshiiska hoose
ee DGPL l agashay Terry in uu ku saabsan yahay
dhammaan waxa ku jira dhulk ahoos tiisa, sida macdan,
bartool ama gaas. Heshiiskaas oo si qarsoodi ah u
socdey.
August
26, 2005: Waxaa maxkamad lasoo taagey ninkii
Reer Norway ee heshiiska la galay Somaliland,
noqdayna lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha
DFKMG ee xagga soo saarida shiidaalka, mr. Meier.
August
28, 2005: ayaa ra'iisul wasaraha DFKMG waxa uu war
ka soo saaray magaalada Nairobi uu shaaca kag
aqaadayin heshiis caalami ah oo ay gasho Puntland uu
yahay waxba kama jiraan... [Eeg
Halkan]
August 29, 2005:
ayaa DGPL waxay u jawaabtey hadalkii Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya, ayagoo soo saaray war
saxaafadeed uu ku saxiixnaa
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga
ee DGPuntland. [Eeg halkan]
August
31, 2005: Magaalaad Dubai ee dalka isutaga
imaaraadka carabta waxaa heshiis ku saabsan
baaritaanka khayraadka dabiiciga ah kala saxiixday
Terry iyo DGPL, waxaana heshiiskaas goob joog ka aha
madaxweynaha DGPL iyo wasiirka maaliyada (Dr.
Gaagaab).. [Eeg halkan]
September
9, 2005: Madaxweynaha Soomaaliya, C/Laahi Yuusud
Axmed oo jooga Jawhar ayaa yiri: "Sharci ahaan marka
maanta in Puntland laga gar leeyahay anaa maanta
qiraya, weliba Puntland-na waa ka imid, waana ku
dhashay, madaxweyne waa u ahaa, ninkii dembi
gelayaa yeelkiis anigu lama wadaago, ninkii khalad
gelayaa yeelkiis." [Eeg halkan]
September 10,2005:
Wasiirka maaliyada DGPL, Dr. Gaagaab ayaa shir ku
qabtay Boosaaso, waxana uu sheegay shirkada bishiiba
ay bixin doonto $200,000 iyadana ammaankeeda loo
sugi doono, waxana uu sheegay in ay hawsheeda
bilaabi doonto October 2005. [Eeg
halkan] |
Cali
Maxamed Geeddi oo Maamulka Puntland Uga Baxay ballan
Qarsoodi ahayd oo Qoraal ah - Kaddib markii maaamulka
Puntland Ka Hor Yimid Hadal uu Dhowaan Sii daayey Geedi....
Hadalada is Burinaya ee
Cali Geedi.... Ra'iisul wasaraha Dawlada
Federaalka ee Soomaaliya loogu soo dhisay dalka Kenya oo
habeenimadii Xalay (oo Jimce soo gelayey Nov 18) shir magaalada
Brussels ee dalka Belgium kula yeeshay xubno kamid ah
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Qurbaha ayaa sheegay in
aan maamul goboleedyadu wax shaqo ah ku lahayn shiidaalka.
Cali Maxamed Geeddi oo
arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Waan baahanahay baqtiga
looma cuno, waan baahanahay kaalaya socon mayso. Kheyraadka
dabiiciga ah ee dalka waxaa mas’uul ka ah dowladda dhexe.
Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan, kumana xadgudbi karaan
intaan noolnahay".
Hadalkaasi waxa uu si toos ah uga hor imanayaa warqad
horraantii bishan November uu Cali Maxamed Geedi si hoose
ugu qoray Maamul Goboleedka Puntland. Warqadaas oo uu ku
hagaajiyey Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir
Maxamuud (Af-Qurac) ayuu Puntland ugu ogolaaday in ay
heshiis la geli karto "shirkadda Consort".
Warqadaas oo qarsoodi ahayd
taariikhda uu Cali Maxamed Geedi saxiixay waxa ay ahayd
November 2, 2005, waxana ay ahayd mid ka hor imaneysey
warqadii hore ee Ra'iisul wasaaraha DFKMG uu u diray suuqa
ganacsiga ee Australia markey taariikhdu ahayd October 10,
2005. Warqadaas hore waxa uu Geedi ku qeexay sida uu u
diidanaa in aan shirkado shisheeye oo aan amar ka haysan
Dawlada Dhexe aysan heshiis la geli karin dawlad
goboleedyada.
Madaxweyne ku xigeenka
DGPL, Xasan Daahir Af-Qurac
Cali Maxamed
Geedi, Ra'iisulwasaare DFKMG |
Arinta oo sidaas ah, oo u
muuqata in Cali Geedi uu jebiyey hadalkiisii hore, una
muuqda in uu Puntland si xeer hoosaas qarsoodi ah ugu
ogolaanayo wixii ay Puntland rabtey oo ahaa in ay sii wadi
karto heshiiskii shirkadaha sheegta in ay Australia ka
diiwaangashan yihiin, ayaa waxaa dhacday in
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir
(Af-qurac) uu November 16, 2005 si weyn u dhaliilay hadal
aan shiidaalka la xiriirin ee
November 11, 2005 ka soo yeeray Ra’isul
Wasaare Geedi - hadalkaas Geedi oo la xiriirey kala
geynta wadajirka Soomaaliya iyo in aan dal iyo dad Soomaali
ahi ku hoos jirin gumeysi. Xasan Daahir oo arrintaas ka
jawaabaya ayaa yiri
“Ma aheyn
in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo
ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri
Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul
Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni
kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.
Haddaba
hadalka ah
in aan Maamul goboleedyadu shaqo kuma lahan
shidaalka, kuna xad gudbi karin, ee
Xalay ka soo yeeray Geedi
ayaa ah mid uu mar labaad ku
burinayo warqadii dambe ee qarsoodigaa ahayd, waxana
hadalkaasi u muuqda
mid jawaab u ah Xasan Daahir Afqurac, madaxweyne ku xigeenka
DGPL, oo ah kii uu markii hore ku hagaajiyey warqada.
Warqadii
qarsoodigaa ahayd ee Geedi u diray Puntland ee ogolaanshaha
shiidaal qodista
ahayd, iyo warqadii uu Geedi u diray Suuqa Ganacsiga
Australia ee diidmada shidaal qodista ahayd haddii aan amar
laga haysan DFKMG, labadaas warqadood oo nuquladoodu soo
gaareen SomaliTalk.com waxaad ka daalacan kartaa
linkiyada hoose:
EEG WARQADII
OGOLAANSHADA
(GEEDDI:: Nov 2, 2005)
EEG WARQADII DIIDMADA (GEEDI:: Oct 10, 2005)
HALKAN KA AKHRI
WARBIXINTA SHIRKII NOV 18 ee GEEDI
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2005
C/llaahi Yuusuf
Axmed oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban
Raiisul wasaare Geedi....
iyo Xubnaha labada Gole ee ku
sugan Muqdisho oo Sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi
ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto dalka....
War-bixinnadii: Amiin Yuusuf | Xamar, Soomaaliya
Nov 19, 2005
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa
waxa uu ka dalbaday Maamul Gobaleedka Puntland in aysan kalsoonida kala
laaban Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu dhawaan Ra’isul
Wasaaruhu ku dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka la magacbaxay
Soomaaliland haddii uu aqoonsi ka helo caalamka, wuxuuna C/llaahi Yuusuf u
sheegay mas’uuliyiinta maamul Gobaleedka Puntland in ay sugaan inta uu dib
ugu soo laabanayo dalka gudihiisa.
Sidoo kale maamul Gobaleedka Puntland
waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii dhex maray maamul
Gobaleedka Puntland iyo Ra’isul Wasaare Geedi ee ahaa habka loo qodayo
shidaalka ku jira deegaanada maamul Gobaleedkaasi.
Hadalka ka soo yeeray
Ra’isul Wasaare Geedi waxaa si aad ah uga xumaaday inta badan shacabka
Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in mas’uul jagadaasi haya uu Soomaaliya u
horseedo kala go’ iyo kala qayb qaybin ay tahay mid si aad ah looga xumaado.
Madaxweyne ku xigeenka maamul Gobaleedka Puntland Xasan Daahir Af-Gurac ayaa
waxa uu ka codsaday Ra’isul Wasaaraha in uu raagelin ka bixiyo hadalkii ahaa
in uu aqoonsanayo maamulka Soomaaliland, wuxuuna sheegay in haddii taa
yeeli waayo uu xumaan doono xiriirka u dhexeeya maamulka Puntland iyo
Dowladda uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Cali Max’ed Geedi.
Xubnaha labada Gole ee ku
sugan Muqdisho oo Sheegay in hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi
ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo laabto dalka
Xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho ayaa Nov 19, 2005
si weyn uga dooday dhowr qodob oo la xiriira xaalada dalka, waxaana qodobadaasi
ka mid ahaa hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi oo
uu ku taageerayay goosashada maamulka la magacbaxay Soomaaliland, waxaa kaloo
ka mid ah qodobada ay ka doodeen faragelinta ay dowladda Itoobiya ku hayso
gudaha Soomaaliya iyo maamul u sameynta gobalka Banaadir.
Xubnaha labada Gole waxa ay cabaareeyeen
xadgudubka joogta ah oo ay ciimada Itoobiya ku hayaan gudaha dalka Soomaaliya,
waxayna si gaar ah u cambeereeyeen falkii ciidamada Itoobiya ay ku kaxeysteen
shan qof oo deganaa Tuulada Bacaad ee ka tiran Gobalka Hiiraan, waxayna
codsadeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Odoyashaasi.
Mar ay ka hadlayeen arrimaha maamul u sameynta Gobalka Banaadir waxa
uu Goluhu sheegay in ay meel wanaagsan marayaan howlihii maamulo u sameynta
Gobalka Banaadir.
Mar ay soo hadal qaadeen hadalkii ka soo yeeray Ra’isul Wasaare
Geedi waxa ay sheegeen in ay go’aan ka soo saari doonaan marka uu dib ugu soo
laabto Ra’isul Wasaaruhu dalka, waxay kaloo sheegeen in ay diyaar u yihiin in
khilaafka u dhexeeya xubnaha labada Gole lagu dhameeyo wada hadal iyo is
afgarad, si dowladdu ay ugu suurtagasho wax ka qabashada dhibaatada ka taagan
dalka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.com
|