Geeddi ma Raalli Gelin doonaa
Puntland
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
London, UK | Aug 29, 2005
Siday na bartay khibradaha laga helay Soomaaliya sanadihii u
dambeeyey ayaa tusay in reer Puntland toodu socoto. Reer
Puntland markaan leeyahay waxaan ka wadaa dadka horbooda
ileyn Soomaaliya ma jirto meel shacab laga ixtiraamee. Si
kastaba ha ahaatee, aqoonta lagu tuhmayo Geeddi, weynaanta
arrinta la isku heysto iyo tuhun ay qabaan qabiilka Geeddi
ayaa keenaya inaan jawaabta arrintaas lagu degdegi karin.
Iyadoon daqiiqado ka soo wareegin shirkii-jaraa段d ee Geeddi
ku qabtay Nairobi ee uu ku xusay ineysan Puntland xaq u
lahayn iney keligood la galaan heshiisyo shirkado ayey
madaxda Puntland shir u fariisteen. Iyagoo cuskanaya qoddobo
dastuuri ah ayey sheegeen inuu Geeddi khaldanyahay oo uusan
fahmin dastuurka; kana codsadeen inuu raalligelin ka
bixiyo!
Su誕ashu waxay tahay janan ciidan ahi ma ka badin karaa
dastuurka macallin jaamacadeed? Haddii Geeddi raalligelin
bixiyo waxay noqoneysaa in jananka loogu talogalay inuu dad
(ciidan) la xaalo halka Geeddi loo tabobaray inuu xoolaha
daaweeyo oo uu ka tirsanaado wasaaradda xanaanada xoolaha!
Laakiin waxaa arrintaas shaki gelinaya, degdegga reer
Puntland. Maxaa u diiday iney arrinta cagta u dhigaan oo la
tashadaan qareemo ku xeeldheer arrintaas? Ma qab baa mise
maba qiyaasi karaan dhumucda iyo xajmiga ay arrintu leedahay?
Madaxda Puntland waxay ka dabaakhikaraan hadalka Geeddi
hadday hubaan iney100% gar leeyihiin. Hadday gar helaan,
waxay keenaysaa inuu Geeddi horay iska casilo maxaa yeelay
macquul maaha in ra段isul wasaare uu moogyahay arrintaas oo
kale. Bal ka warran haddii Geeddi gar leeyahay?
Horay wuxuu Geeddi gacanta ula galay arrimo uusan shuqul ku
lahayn sidii magacaabiddii Guddoomiyayaasha Hiiraan iyo
Banaadir. Qabiilka Geeddi waxay mar horaba dhaheen oo ma
annaga keliyaad na xukuntaa! Waxaa intaas dheer iyagoo
jileec ku tuhmay Geeddi, oo leh waxaa howshaadii wada
korneylka.
Inkastoonan aqoon u lahayn dastuurrada iyo xeerarka u degsan
laakiin waxaan maskaxdeyda ka helayaa in Puntland tahay
gobol Soomaaliya ka mid ah. Waxaa la sheegaa in ay jiraan
madaxweyne, ra段isal wasaare, afhayeen baarlamaan, wasiirro
iyo xildhibaanno. Soomaalidu waxay tiraahdaa: dheri ninkii u
dhow baa laf kala baxa. Haddii shidaal iyo barwaaqo ka
dilaacdo Puntland, dadka ugu horreeya oo ka faa段idaya waa
dadka degaanka degan. Laakiin taas micnaheedu maaha in waxa
ka dhacaya Puntland ay ka qarsoonyihiin dowladda iyo
xildhibaannada Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, muxuu qabanayaa
wasiirka macdanta/shidaalka/tamarta/kheyraadka dabiicigaa
hadduusan ogeyn waxa wasaaraddiisu qabaneyso? Weli
taariikhda ma maqal cid u hadleysa sida madaxda Puntland u
hadlayaan. Waxaad mooddaa iney u qaateen in la yiri shidaal
lagama qodi karo degaankaas.
Anigu waxaan aamminsanahay in dastuur ahaan iyo caqli
ahaanba uu Geeddi saxsanyahay. Waxaa kaloo tuhun keenaya
iney jiraan shirkado aan la aqoon cid leh iyo meel laga
leeyahay oo sheegtay iney mar horaba laga gaday deegaanno
ka mid ah Puntland iyadoon la soo marin baarlamaanka
Soomaaliyeed (waa intuu jiray). Waraaqihii shirkaddaasi soo
bandhigay waxaad ka helitaan: Hafza.com iyo Somalitalk.
Waraaqaha shirkaddaasi soo bandhigtay waxaa ku yaal saxiixa
Maxamed Cabdi Xaashi intuu Puntland xukumey iyo korneyl C/hi
ka dib markii loo doortay madaxweyne Soomaaliyeed. Qarinta
qorshaha heshiisyadaas ee Puntland ka qarineyso ra段isul
wasaaraha ayaa keeneysa tuhun ah in dhac iyo boob lagu hayo
dhulka Puntland. Fiiri maqaal ay dhowaan qortay shabakadda
somalitalk.com.
Waxaa shabakadaha Soomaaliyeed qaarkood horay u sheegeen in
mar Cadde Muuse iyo madax kale oo Puntland ka socota ay
damceen inay Geeddi ka saxiixdaan inuu u ogolaado inay
Puntland keenaan shirkado shisheeye laakiin Geeddi ka diiday.
Waxay shabakaduhu xuseen in meeshaas uu korneylku joogay.
Waxaa la sheegaa in madaxda Puntland qaarkeed ay Geeddi
aflagaadeeyeen. Haddii warkaasi jiro, khalad bey ahayd inuu
Geeddi qariyo. Waxaan filayaa iney saxaafaddu weydiin doonto
arrintaas Geeddi maalmaha soo socda haddii Ilaah idmo.
Geeddi wuxuu waqti badan ku lunshay inuu badbaadsho dowladda
C/hi hormuudka ka yahay. Waxay keentay inuu ka abaado
magaaladuu ku dhashay, Muqdisho isagoo raalligelinaya
korneylka. Wuxuu weerar hadallo ah ku qaaday hogaamiyayaasha
kale ee qoladiisa ah marka sina macquul iilama muuqato inuu
hadda raalligelin kale ugu dari karo reer Puntland.
Anigu waxaan aammisanahay, cidda raalligelinta laga rabaa
waa madaxda Puntland dhowr sababood dartood.
-
Weynaanta arrinta leedahay darteed waxay keeni kartaa in
dowladda C/hi soconweydo taasina keento inuu Puntland
dib ugu noqdo. Arrintaasi ma faraxgalineyso madaxda
Puntland.
-
Waxyaalihii laga sheegijiray reer Puntland oo ahaa iney
yihiin dad qab weyn oo raba iney tooda keliya socoto oo
la sii iftiimindoonno.
-
Geeddi ood mooddo inuu u adkeystay xamuul badan oo
korneyl C/hi laakiin uusan diyaar u ahayn inuu aqbalo
xarigan qalloocan ee Cadde Muuse.
-
Geeddi oon helayn af kale oo uu qoladiisa ula tago.
-
Aqoonyahannada Soomaaliyeed, qolo kasta ooy yihiin oon
raalli ka noqondoonin inuu Geeddi arrintaas uga haro
madaxda Puntland.
-
Geeddi oo u muuqanaya inuu galayo khiyaamo qaran haddii
uu arrintaas uga haro reer Puntland.
-
Iyo iyadoo la aamminsanyahay in shirkadaha la sheegayo
aysan ahayn kuwo la yaqaan ooba laga baqayo iney keenaan
masiibooyin dabiici ah sidii ay qortay Somalitalk.
Isku soo duuboo waxaad mooddaa in reer Puntland ay
feylogoynayaan korneylka iyo dowladdiisa iyo iyagoo dadkooda
magaca ka dilaya. Ma filayo iney jirto cid diideysa in
Puntland laga qodo shidaal maxaa yeelay waa arrin u dan ah
Soomaali oo dhan laakiin waxaa fiican in loo maro waddo sax
ah ee aan qudbo-siro lagu jirin.
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Aug 29, 2005
|