SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Ansixinta Sharciga lugu soo saarayo Patrolka iyo macdanta dalka, yaa xaq u leh?.

Abdullah Sheikh.
cabdiyare_77@yahoo.com

Dabcan, muran kama jiro baan u malaynayaa in loo baahanyahay in laga faa'iideysto khayraadka dhulka hoostiissa ku jira waayo ilaahay ayaaba ugu talagalay in khayraadkaas bani'aadamku ku intifaacaan.

Caalamka aan hadda joogno, umadaha horumarka ka gaarey dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamada waa dad ku dadaaley inay cilmi bartaan, kadibna ka faa'iideystaan khayraadka ilaahay uu ku abuuray dhulka korkiissa iyo hoostiissaba.

Waxaa aasaas u ah si loo gaaro horumar dhaqaale iyo mid technologyiyadeedba marka hore in la helo degenaansho siyaasadeed, mar haddaysan jirin nabad-galyo ama deganaansho siyaasadeed way adkaanaysaa in horumarka qaarkiis la gaaro.

In dhaqaalo la abuuro, faqriga lala diriro, dhallinyaraduna helaan fursado waxbarasho iyo shaqooyin waxay kamid tahay waxyaalaha keeni kara in la helo degenaansho, islamarkaana colaadaha aan sababta lahayn iska dhamaadaan waayo haddii dhaqaalo iyo horumar la helo energy looma helayo in colaad macno la'aan ah la huriyo.

Faqrigu wuxuu kamid yahay waxyaalaha ugu badan ee sababta u ah colaadaha ama qaska horayna uga jiri-jiray dunida haddana ka jira, sidoo kale dhaqaalaha laftigiissu hadduusan maamul wanaagsan helin wuu sababi karaa colaad.

Dhibaatooyinka hadda dunida ka jira waxaa kamid ah dad faqri isku laynaya iyo dad sad-bursi raadinaya oo loolan dhaqaalo dartiis ah isku laynaya.

Hadda waxaan maqlaynayaa Somalia/Puntland ayaa shidaal laga qodayaa. Mabda'ahaan way wanaagsantahay in khayraadka dhulka ku jira laga faa'iideysto, waxaaba dhici karta haddii Somalia dhaqaalo iyo shaqooyin ka abuurmaan inaan xiiso badan loo qabeyn dagaallo sokeeye, laakiin, yaa shidaalka soo saariddiissa maamulaya, waqtigee ku habboon in lassoo saaro iyo su'aalo kale oo badan haddaan laga fakarin waxaa laga yaabaa arrintaanna inay noqoto mushkilad cusub oo ku soo biirta dhibaatooyinka Somalia hadda ka jira.

Shidaalku waqtigaan dunida wuxuu ka marayaa meel khatar ah, waddamo badan baa shidaal dartiis loo burburiyey ayadoo loogu gabbaday arrimo kale. Khayraadka dabiiciga ah hadda shidaalka baa ugu qaalisan baan u malaynayaa waayo wax-yaalo badan baa looga faa'iideystaa.

Muxalliliin badan waxay aaminsanyihiin, si kasta oo Saddam Hussein uu ugu caasi garoobo reer galbeedka haddana hadduusan dalkiissu shidaal lahayn lama ceejiyeen Saddam Hussein. Duullaankii Ciraaq lugu qaaday waxyaalo kale baa loogu gabbaday laakiin shidaalku dan qarsoon oo reer galbeedku kalahaayeen Ciraaq buu ahaa.

Gobollo badan oo hadda dunida kajira oo qas laga wado baa jira si loo mashquuliyo dadka deegaanka u dhashay si markaas khayraadka dhulkooda ku jira looga faa'iidaysto, sidaas darteed shidaalku wuxuu noqday wax aad qaali uga ah dunida maanta sidaas darteed wuxuu u baahanyahay caqli iyo awood lugu ilaaliyo.

Shidaalka waxaan dhihi karnaa hadda wuxuu noqday qayb kamid ah nolosha adduunka ka jirta, loolanka adduunka kajira maantana shidaalku qayb weyn buu ka yahay.

Sharci ahaan cidda xaq u leh inay go'aan ka gaarto in la qodo shidaalka Somalia ku jira dabcan waa shacabka Soomaaliyeed ama ciddii shacabku u wakiishaan inay hoggaamiyaan talada dalka, waayo khayraadka dhulka hoostiissa ku jira waa wax loo simanyahay, shakhsi gaar ah ma sheegan karo sidoo kale qabiil gaar ahna iskama falan karaan.

Anugu nin sharci yaqaan ah ma ihi, dabcan shuruucda caalamka hadda lugu dhaqo ee wax kasta loo sameeyey sharci looga dambeeyo, waa un sharciyo tajribooyin ku qotoma oo dad bani'aadam ah dajiyeen ama waa sharciyo aysan kaba marnayn eex iyo dano markastaba dad gaar ihi leeyihiin, laakiin qarniyada markastaba is dhaafaya, tajribooyinka laga dhaxlayo iyo is badallada markastaba dunida kussoo kordhaya ama kala-duwanaanshaha dhankastaba ah ee ka dhex-jirta ummad hal qarni wada nool ma ahan wax suuragalinaya in sharci bani'aadam dajiyeen oo aan ka marnayn cadaalad darro iyo nuqsaan, ma ahan wax looga dambayn karo ama lugu maamuli karo xaalad kasta oo meel kasta oo dunida kamid ah ka jirta, waxaan ka wadaa, tusaale, sharciga shirkadaha shidaalka baara ay ku dhaqmaan ama sharciyada waddamada qaarkood u yaalla ma ahan kuwo lugu xukumi karo xaaladda Somalia.. Shirkadaha shidaalka baara ama hay'adaha caalamiga ah ee loo xilsaaray arrimaha shidaalku waxba kalama socdaan xaaladda Somalia. Kaliya, ilaahay sharcigiissa ayaa mudan in looga dambeeyo wax kastaba, waayo ilaahay asagaa dunida abuuray, maalintay dhamaanaysana asaga kaliya ayaa garanaya, shidaalkana ilaahay ayaa abuuray, cid kasta oo shidaal baan qodaynaa dhahaysana ilaahay ayaa abuurtay, ilaahay ayaana ugu cadaalad badan axad kasta, sharciga ilaahayna wax kastaba wuu ka hadlay.

Sharciga ilaahay wuxuu qeexayaa cidda ugu mudan ee bulshadu hoggaan ka dhigtaan inay xaq u leeyihiin in looga dambeeyo maamulka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee ummaddaas.

Hadda guud ahaan Somalia iyo gaar ahaan Puntland-ba kama jiro maamul si xalaal ah ku yimid oo umaddu u wakiisheen inay talada dalka iyo dadkaba ka taliyaan, Somalia rag saldano isku haya iyo dad ajaanib ah oo dano kale leh baa ku hardamaya, shacabkii dalka lahaana talada dalku farahooda kuma jirto, dabcan cudurro gudaha Somalia ka jira oo cudurradda dibadda ka imaanaya ay kussoo gabanayaanna meesha kama marna. Qabiilkii ama nasabkii oo si khaldan loo adeegsaday ayaa kamid ah cudurrada ugu waaweyn ee Somalia ka jira, qabyaaladdiina waxay keentay in cudurro badan oo dibadda kayimid kussoo gabbadaan.

Maamulka hadda Puntland kajira, waa maamul markiissii hore si xaaraan ah ku yimid, kaddibna siday u maamuleen dhaqaalihii iyo siyaasaddii gobolka waa laga wada dharagsanyahay.

Ayadoon shidaal la qodin, dhaqaalaha hadda Puntland kassoo baxa haddii si wanaagsan loo maamulo waxaan shaki ku jirin in wax looga qaban karo dhammaan baahida bulshadeed ee Puntland kajirta, haddaba, haddii dhaqaalihii dekedda Bosaso kassoo baxayey, haddii dhaqaalihii airportda kassoo baxayey iyo canshuurihii shacabka laga qaadayey, haddii laba nin jeebka dambe ku shubteen, intii kalana ciidamada Ethopia ee xasuuqa Muqdisho ka wada lugu biilo, sidee bay kula tahay inay u maamuli doonaan dhaqaalo midkaas ka badan oo Puntland laga helo.

Qofku hadduusan xishoonayn illeen wuxuu doono buu sameeyaa, maamulka Puntland kajira markuu deeqi waayey dhaqaalihii kassoo baxayey dekedaha iyo canshuurihii laga qaadayey shacabka waxay ka xishoon waayeen inay lacag been abuur ah soo samaysteen markaasna ay dadkii masaakiinta ahaa noloshoodii daaqadda ka baxdo, waxaa wax lalayaabo ah in maamulka Puntland kajira dhaqaalihii waddanka kassoo baxayey aysan xittaa waxba kassiin askartii ayaka danohooda ilaalinaysey iyo dadkii kale ee shaqaalaha ka ahaa hay'adaha maamulkaas.

Puntland kama jiro, baarlamaan, xukuumad iyo madaxweyne xaq u leh inay go'aan ka gaaraan khayraadka dabiiciga ah ee ku jira dhulka Puntland, shacabka Puntlandna waa inay arrintaas ka horyimaadaan, waayo maamulka Puntland kajira ayagoon lagala xisaabtamin dhaqaalihii hore ee gobolka meeshay ku bixiyeen xaq uma lahan in loogu sacab tumo inay qotaan wixii haray.

Shirkadaha ajaanibta ah ee qandaraasyada lassoo galay kaligitaliyayaasha Puntland xukuma, waxaan leeyahay dhaqaalihiinna iyo sumcaddiinna (waaba hadday kuwo sumcad leh yihiine) ha iska dhuminnina. Nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin.

Shirkadahaan la sheegayo inay lassoo heshiiyeen maamulka Puntland kajira ma ahan shirkado la yaqaanno, heshiisyada ay galeenna wax faahfaahin ah lagama hayo, waa un suuq madow, waxaase iska cad inay arrintu ka weyntahay heshiis gaar ah oo ay wada-galeen maamulka Puntland iyo shirkado ajaanib ah, waxaan meesha ka marnayn awoodo kale oo ayakuna danohooda wata. Waxaa hadda soo baxaysa in Ethopia arrinta lug weyn kulleedahay, horay baan u sheegay in Ethopia danaha ugu waaweyn ee Somalia ay kalleedahay ay kamid tahay inay isticmaalaan khayraadka ilaahay ku mannaystay dhulka Somalia.

Waxaan maqlayey, wasiirka u qaabilsan maamulka DFKMG ee Somalia arrimaha macdanta iyo Patrolku inuu ka biyo diiday heshiiska maamulka Puntland iyo shirkadaha ajaanibta ah ay wada-galeen, malaha wasiirku wuxuu is illowsiinayaa inaysan jirin wasaarad macdan iyo Patrol qaabilsan oo hadda Somalia ka jirta, wuxuuna is illowsiinayaa inaysan xaaladda Somalia hadda joogin waqti laga hadlo shidaal qodis. Wasiirku ma wuxuu illaawey wasaaradaha beenta ah ee Nuur Cadde sameeyey kaliya inay yihiin magacyo qabaa'il lugu qancinayo, illeen hadda wasaarado dalxiis, patrol, sport iyo kuwo lamid ahba Somalia waqti ay ka fakarto majoogtee.

Waxaan kala garan la'ahay Puntland iyo DFKMG midka la xukumo iyo midka wax xukuma.

DFKMG uma diidana heshiiska maamulka Puntland iyo shirkadaha ajaanibta ah ay wada galeen qaddiyado wadaninimo ku saabsan laakiin qandaraaskaas annaka ayaa xaq u lahayn inaan qaadanno ayay leeyihiin.

Mar haddaysan Somalia ka jirin maamul dadku raalli ka wada-yihiin oo ka arrimin kara arrimaha patrolka iyo khayraadka kale waxaan umadda Somaliyeed ussoo jeedin lahaa inay ilaalsadaan oo ku dhintaan dhulkooda, waana inaysan u ogolaan mooryaanta markay dhamaysteen wixii dhulka korkiissa yaalley ee umaddu lahayd, ussoo dhigtay inay qotaan wixii dhulka hoostiissa ku jirey.

Muwaadin reer Puntland ah.

Abdullah Sheikh.
cabdiyare_77@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | March 26, 2008

"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?
iyo khilaaf xooggaan oo soo kala dhex galay DFKMG iyo DGPL oo ku salaysan shirkadaha ay Puntland heshiisyada la gashay iyo xeerka batroolka iyo hadallo ay is.... Akhris/Dhegeysi

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....


BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: