Xogta ay maalmahan is weydaarsanayaan Dadka Saamiyada ku leh ASX
Shabakada
http://hotcopper.com.au oo meesha ay xogta isku dhaafsadaan
dadka saamiyada ku leh suuqa ganacsiga ayaa beryahan waxaa
sawirada ugu badan oo laga hadlo waxaa ka mid ah sawirka hoose oo
ah saxiixii heshiiskii Muqdisho ku dhex maray DGPL iyo DFKMG.
Waxaana sawirkaas
dhinac socda qoraal ay warbaahinta DGPL ku qortay afka Ingriisiga, kaas oo sheegay hadalkan:
"Kaddib markii
wada xaajood dheer iyo dood ay dhex martay labada dhinac (DGPL &
DFKMG) waxay wada saxiixden heshiis is afgarad (MOU = memorandum
of understanding). Heshiiskaasi waxa uu ansixinayaa xuquuqda ay
Puntland u leedahay wadaxaajoodyada qandaraasyada/heshiisyada
khayraadka dabiiciga ah ee dhulkeeda, xeerkaas oo u gogol
xaaraya maalgashiga mustaqbalka ee ku saabsan qaybtaas.

Sawirka:
http://hotcopper.com.au
After long discussions and debate both parties signed a MOU
agreement. This agreement will validates the right of the State
of Puntland to negotiate the natural resources contracts for
their territory, this will also clear the way for any future
investors for this sector.
Xogtaas iyo sawiradaas la isla dhex marayo suuqa
ganacsiga Australia waxaa laga soo xigtey warar ku qoran Af
ingriisi oo ay qortay warbaahinta maamulka DGPL kaddib markii uu
madaxweynaah DGPL, Cadde Muuse, ka soo laabtay Muqdisho (Aug 15,
2007).
Madaxweynaha DGPL
iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa ka soo degay Garoonka Kanoko ee
Caasimada DGPl ee Garowe.
Wednesday, 15-Aug 2007
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey
ku simaha xafiiska Madaxweynaha ahna Wasiirka Cadaalada
Cabdirisaaq Cabdulle Geesood, guddoomiyaha Golaha Wakiilada
Axmed Cali Xaashi, Xildhibaano, Wasiiro, Taliyayaasha Ciidamada
Booliiska iyo Daraawiishta, Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo
dadweynaha Magaalada Garowe.
Madaxweynaha DGPL Mudane Maxamuud Muuse Xirsi iyo weftigiisa
ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah ee Caasimada Muqdisho ee Aadan
Cabdulle international airport ku soo sagootiyey Madaxweynaha
DFKMG ah Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed, golaha wasiirada ee
DFKMG ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha DGPL iyo weftigiisa ayaa waxa ay in muddo ah ku
sugnaayeen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaasi oo uu
kulama kala gooni gooni ah kula soo yeeshay Madaxda sare sare ee
DFKMG ah, Saraakiisha iyo qabaa’ilada ku nool Muqdisho,
guddoomiyaha shirka qaran ee beelaha Soomaaliya Mudane Cali
Mahdi Maxamed.
Hadaba weftigan Madaxweynaha DGPl la socday ayaa waxa ay kala
ahaayeen Wasiirka Kalluumaysiga, Khayraadka Badda iyo Gaadiidka
Badda Siciid Maxamed Raage, Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha
Cabdisamed Yuusuf Maxamed, Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta,
dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Maxamed Saalax, Wasiirka
shaqada iyo shaqaalaha, Isboortiga iyo dhallinyarada Cabdinuur
Cilmi Qaaje (Bindhe), Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad,
Xildhibaan Ibraahim Cilmi, Xildhibaan Cabdirashiid Firdhiye,
Xisaabiyaha Guud ee Dowladd Jaamac Maxamed Cismaan, Agaasimaha
waaxda qorshaynta ee wasaaradda Maaliyada,
Isha: Wararka DGPL
| Puntlandgov
The President
returns to Puntland after a succesful trip to Mogadishu
Wednesday, 15-Aug 2007
President of the Puntland State of Somalia H.E. Mohamud Musse
Hersi return to Puntland after a highly successful visit to
Mogadishu, Somalia
The Speaker of the Puntland Parliament, Puntland Ministers,
Traditional Community leaders, regional and local government
officials were at the Garowe Airport, to greet the President and
his delegation.
The President and his delegation were in Mogadishu for a total
of 12 days. The main objective of the visit was to develop a
framework on how the two governments will work together in the
future. Several round of talks were held with the Transitional
Federal Government of Somalia to discuss key issues regarding
security, natural resources,fishing and revenue (taxation)
sharing between Puntland and TFG.
After long discussions and debate both parties signed a MOU
agreement. This agreement will validates the right of the State
of Puntland to negotiate the natural resources contracts for
their territory, this will also clear the way for any future
investors for this sector.
In this MOU agreement Puntland will give portion of their tax
revenue to the TFG. The MOU also clears the way for the State of
Puntland to continue managing the fishing sector within their
own border (issue fishing licenses, protect the whole coastline
of Puntland). Puntland will share a portion of its revenue from
the fishing sector with the TFG.
Isha: Wararka
DGPL. Puntlandgov iyo
http://hotcopper.com.au
Heshiis ay dhaqaalaha ku qayb-sanayaan
oo ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedka
Puntland..
Waxaa maalintii Agoosto 13, 2007 ahayd
heshiis wada saxiixday Dowladda Federaalka iyo Maamul Gobaleedka
Puntland kaas oo ku saabsan sidii ay u qaybsan lahaayeen canshuuraha
ka soo xarooda gobaladaasi, waxaan heshiiskaasi labad dhinac u kala
saxiixay Wasiirka War-faafinta Dowladda Federaalka Madoobe Nuunow
Max’ed iyo Wasiirka War-faafinta C/raxmaan Max’ed (Bankax).
Heshiiskaan ayaa waxa uu dhigayaa in
dhaqaalaha soo gala maamul gobaleedkaasi ay qaybsadaan Dowladda
Federaalka iyo maamulka Puntland.
Madoobe Nuunow oo halkaasi ka hadlay
waxa uu sheegay in maamul gobaleedka Puntland ka go’an tahay in ay
mar kasta taageeraan Dowladda Federaalka, sidoo kale C/raxmaan
Bankax oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in loo baahan yahay in
gobalada kale ay ku daydaan taageerada ay siinayaan Dowladda
Federaalka.
Heshiiskaani waxa uu ku soo beegmay xili
dadweynaha ku nool gobalad Puntland uu saameeyey sicir barar, sidoo
kalana ay jiraan dad fara badan oo duruufo dhaqaale ay aad u hayso,
iyadoo la og yahay in maamulka Puntland uusan weli waxba ka qaban
sicir bararkaasi, waxa uuna sicirbararkaasi ka dhashay markii uu
maamulku keensaday makiinado lagu daabaco lacago, kuwaas oo dadka
qaar sheegeen in ay lagu uruursaday hantidoodii - Warbixin dheeraad
ah heshiiska hoos ka akhri.
Amiin Yuusuf
Ciidamada Daraawiishta, Sirdoonka iyo
Badda ee DGPL oo lagu wareejinayo DFKMG
Dawlad Goboleedka Puntland iyo DFKMG aya Isniintii
(Aug 13, 2007) waxay magaalada Muqdishu ku kala saxiixdeen heshiis
ka kooban dhawr qodob.
Heshiiskaas waxaa DGPL u saxiixay madaxweyne Cadde
Muuse, dhanka DFKMG ahna waxaa u saxiixay ra'iisul wasaare xigeeneka
DFKMG Saalim Caliyow Ibroow. Waxaana goobta heshiisku ka dhacay
joog-googe ka ahaa madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf.
Heshiiskaasi waxa uu dhigayaa:
1. In Dowlad Gobleedka Puntland ay ciidamadeeda
Daraawiishta, ciidamada sirdoonka, iyo Ciidamada Badda ee Puntland
ay ku wareejiso DFKMG, sidaasna ay DFKMG kula wareegto.
2. In Lacagta cashuuraha dadban ay dhaqaale ahaan
Dawladda Federaalka KMG qaybteedu tahay boqolkiiba 40%.
3. In Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland uu
qaybtiisa ka helo khayraadka dalka iyo dhaqaalaha soo gala DFKMG.
4. In DGPL ay sii maamusho ciidamada Booliiska
intalaga dhisayo Booliis Federaal ah.
Canmex to Commence
Trading as Africa Oil Corp. Effective August 20, 2007
VANCOUVER, BRITISH
COLUMBIA--(Marketwire - Aug. 17, 2007) - Canmex Minerals
Corporation ("Canmex" or "the Company") (TSX VENTURE:CXM) is
pleased to announce that effective at the market opening on
August 20, 2007, the Company will commence trading under its new
name, Africa Oil Corp. The new trading symbol of the Company
will be "AOI". The new CUSIP number will be Q08 29Q 101. The
name change is to better reflect the focus and direction of the
Company.
The Company holds an 80% interest in two licenses encompassing
the highly prospective Dharoor and Nogal Valleys in the state of
Puntland in northern Somalia. Both blocks are considered
world-class exploration plays with petroleum systems
geologically similar to and formerly contiguous with those in
the prolific oil producing Republic of Yemen.
A comprehensive exploration work program is underway on the
Nogal and Dharoor Valley Blocks, including geological fieldwork,
reprocessing of prior 2D seismic and review and integration of
all geophysical and geological data. A drilling rig will be
mobilized to the area late in 2007 with the anticipation of
spudding the first well in early 2008.
Forward-looking statements: This press release contains
statements about expected or anticipated future events and
financial results that are forward-looking in nature and, as a
result, are subject to certain risks and uncertainties, such as
political risk, general economic, market and business
conditions, the regulatory process and actions, technical
issues, new legislation, competitive and general economic
factors and conditions, the uncertainties resulting from
potential delays or changes in plans, the occurrence of
unexpected events and management's capacity to execute and
implement its future plans. Actual results may differ materially
from those projected by management.
ON BEHALF OF THE BOARD
Rick Schmitt, President
The TSX Venture
Exchange has not reviewed and does not accept responsibility for
the adequacy or accuracy of this release.


|