SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Range Resources oo Qoraal ay u Dirtay Suuqa Ganacsiga Australia ku Sheegtay in Gen. Cadde Muuse loo Magacaabay Lataliyaha DGPL...

  • "... anigu waa joogayaa... hawshana waa ku jiraayaa, shirkadihii iyo shaqadii ... (heshiisyadii aan soo galay) waan wadaayaa, awal Canada ayaan aadi lahaa, hadda Boosaaso ayaan Xafiis ka furtay..." Gen. Cadde Muuse, madaxweynihii hore ee DGPL.
  • "Waxaan idiin caddaynayaa saaka madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi oo Cadde Muuse loo yaqaan, in uu noqon doono lataliyahayga xagga arrimihii uu soo wadey oo dhan dhinac kastaba ha ahaadeene , oo mashaariic qaybi ahayd..." Dr. C/raxmaaan Faroole, madaxweynah acusub ee DGPL...
  • "...Magacaabidda madaxweynihii hore Hirsi (Gen. Cadde) loo magacaabay lataliyaha khaaska ah (ee DGPL) waxay anaga naga caawin doontaa in uu sii jiro xiriirkaasi" Peter Landau, agaasimaah guud ee shirkadda Range.

Doorashadii Puntland ka hor, waxaa soo shaac baxay walaac ay qabeen shirkadaha sahaminta batroolka ee heshiiska kula jirey xukuummaddii Gen. Cadde Muuse.

Nov 24, 2008 qoraal ay daabacday jariidadda West Australian ayaa xusay in aysan caddayn in heshiiskii shirkadda Range Resources la gashay Puntland uu sii jiri doono haddii doorashada laga guulaysto Gen. Cadde Muuse.

"Haddii Xirsi (Gen. Cadde) uusan guulaysan (doorashada), ma dhehi karo oo keliya qandaraaska aan kula jiro dawladda macneheedu waa in arrimaha oo dhami ahaanayaan caadi," sidaas waxaa West Australian u sheegay Peter Landau, agaasimaha guud ee Range.

War ay faafisay hay'adda Reuters Jan 4, 2009 ayey ku sheegtay in shirkadda Africa Oil ay joojisey sahamintii ay ka wadey Dharoor. "Africa Oil waa ku guul daraysatay ujeedadeedii... kharash la'aan awgeed," sidaas waxaa yiri Axmed Cali oo ka tirsanaa shaqaalaha degaanka ee shirkadaas, isagoo la hadlayey Reutes waxa uu intaas ku daray "Wax mushahar ah ma helin muddo saddex bilood ah. Shaqaalihii shisheeye mar hore ayaa la dhoofiyey, shirkadduna waxay joojisey hawlgalkeedii."

Askari deegaanka oo qaybta ammaanka u qaabisanaa shirkadda Africa Oil ayaa reuters u sheegay in isaga iyo kuwo jaalkiis ah oo degaanku ay alaab shirkaddu lahayd meel ku xanibeen sababtoo ah shirkadda oo aan bixin lacagtii lagu lahaa. "Waxay rabeen in ay qaataan alaabta ay wax ku sahaminayeen laakiin waan u diidney in ay qaataan ilaa ay bixiyaan lacagta oo dhan," sidaas waxaa yir Maxamuud Axmed oo ah sarkaal boolis ah oo qaabilsanaa ammaanka sida uu u sheegay Reutes.

Qoraal ay January 7, 2009 faafisay jariidadda Herald ee ka soo baxda Australia ayaa sheegay in shirkadda Range Resources ay ku andacootey "in ay kalsooni ku qabto in dib loo soo dooran doono madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi" oo 2005 siiyey heshiiska khaaska u ah Range ee xuquuqda macdanta iyo batroolka Puntland.

"Waxba nama dhexmaraan hoggaamiyaasha mucaaradka," sidaas waxaa Herald u sheegay Peter Landau oo intaas ku daray "Anaga dhinayaga, waxaa muhiimad weyn noo leh in uu soo laabto Xirsi (Gen. Cadde)".

Subaxnimadii Doorashadu ka dhacaysey Puntland (Jan 8, 2009) - oo ku beegnayd Jan 9, 2009 waqtiga Australia - ayaa shirkadda Range Resources waxay hakad gelisey Saamiyadeeda ee Suuqa Ganacsiga Australia (ASX), sid ay ku xustay warqad ay u dirtay ASX.

Doorashadii Puntland waxay noqotay in guushii ay raacday Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole oo helay aqlabiyadda codadkii 66-ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada Puntland.

Xafladdii xilwareejinta oo Garoowe lagu qabtay Janaayo 11, 2009 ayaa waxaa ka hadlay Gen.Cadde Muuse iyo Dr. Faroole.

Gen. Cadde Muuse oo ka hadlayey heshiisyadii uu hore ula galay shirkadaha waxa uu yiri:

"Anigu intii aan joogey waxaan ku dadaaley dhaqaale in aan sameeyo, shariikado ayaan keenay, heshiisyo caalami ah ayaan soo galay,... wixii oo dhan waa diyaar .... dawladda ayaana ku wareejiyey, LAAKIIN waxaan u sheegayaa heshiisyadii aan galay - baarlamaankuna waa i maqlayaa, dawladdii ayey dhaaftay baarlamaankiina waa martay, dawladdana waa u sheegayaa - sharaftii caalamiga ahayd waa in la xajiyaa, anigu waa joogayaa... hawshana waa ku jiraayaa, shirkadihii iyo shaqadii ... (heshiisyadii aan soo galay) waan wadaayaa, awal Canada ayaan aadi lahaa, hadda Boosaaso ayaan Xafiis ka furtay, waana ka shaqaynayaa......" [Dhegeyso].

Kaddib Dr. Faroole waxa uu yiri:

"Waxaan idiin caddaynayaa saaka, sida uu isaguna sheegay, madaxweyne Maxamuud Muuse Xirsi oo Cadde Muuse loo yaqaan, in uu noqon doono lataliyahayga xagga arrimihii uu soo wadey oo dhan dhinac kastaba ha ahaadeene , oo mashaariic qaybi ahayd oo anigu aanan xog badan hadda ka hayn, laakiin isagu xog ka hayo, meesha uu ku soo simay, meeshii laga sii wadi lahaana aniga iyo maamulkaygu ka qaban doonaan wixii laga sii dhaqaajin karo, isagana uu ahaan daano lataliyaha....." [Dhegeyso].

Hadalkaas Dr. Faroole waxaa durbadiiba soo qaatay shirkadda Range Resources, oo qoraal ay u dirtay Suuqa Ganacsiga Australia (Janaayo 13, 2009) waxay ku xustay "...Magacaabidda madaxweynihii hore Hirsi (Gen. Cadde) loo magacaabay lataliyaha khaaska ah (ee DGPL) waxay anaga naga caawin doontaa in uu sii jiro xiriirka (ay la leeyihiin DGPL)".

Qoraalkii ay Range u dirtay ASX (Jan 13, 2009) oo aan soo tarjumney waakan:

Ogeysiis: ASX
Jan 13, 2009

Puntland

Range Resources (RRS) oo ah shirkad batroolka iyo gaaska ka sahamisa Puntland, Soomaaliya, waxay la socodsiineysaa (saamileydeeda) kaddib markii doorasho dimoqraadi ah oo goboleed la qabtay in Dr. Cabdiraxmaan Maxamed "Faroole," loo doortay madaxweynihii afraad ee Puntland. Dr. Faroole oo 63-jir ah waxa uu ku guulaystey wareegii saddexaad oo ay codeeyeen 66-xubnood ee baarlamaanka Puntland, oo ah Golaha Wakiillada.

Shirkaddu waxay u hambalyayneysaa madaxweynaha cusub doorashadiisa, waxayna rajayneysaa in ay sii wadi doonto horumarinta Batroolka iyo macdanta Puntland.

(Shirkadda) Range waxay aaminsan tahay doorashada furan oo nabadda ku dheehan ee madaxweyne Faroole in ay muujineyso sida xooggan ee dadka Puntland u doonayaan ammaan iyo dimoqraadiyadda gobolku in ay ka sii socoto oo lasii wanaajiyo.

Markii ay Garoowe ka socotey xafladdii rasmiga ahayd ee xil-la-wareegidda, madaxweynaha cusub Dr Faroole waxa uu si gaar ah ugu mahad celiyey madaxweynaha xilka ka degayey Hirsi sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyey, waxana uu (Dr. faroole) shaaca ka qaaday in madaxweynihii hore Hirsi (Gen. Cadde) uu noqon doono lataliyaha khaaska ah ee dawladda ee arrimaha la xiriira horumarinta.

Agaasimaha guud ee Range, Peter Landau, oo arrintaas faallo ka bixinayey waxa uu yiri:

"Shirkaddu waxay xiriir shaqo oo wanaagsan la soo lahayd Dawladda Puntland, waxayna aad u jeceshahay inay sii waddo taas. Magacaabidda madaxweynihii hore Hirsi (Gen. Cadde) loo magacaabay lataliyaha khaaska ah (ee DGPL) waxay anaga naga caawin doontaa in uu sii jiro xiriirkaasi" ayuu yiri Mr Landau.

Isagoo intaas ku daray "Ku dhawaaqidda madaxweyne Faroole ee hagaajinta ammaanka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta ganacsiga waxay caawin doontaa dhammaan shirkaduhu in ay ka hawl galaan gobolka, islamarkaasna Puntland waxay ka dhigeysaa meel soo jiidata maalgashiga." [Eeg-Halkan].

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2009

 

BAARID | SEARCH


farooleDr. Faroole oo Khadka Telefoonka Kula Hadlay Jaaliyadda Puntland ee Qurbaha
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in uu Boosaaso u joogi doono heshiisyadii uu la galay shirkadaha shisheeye si uu u sii wado.. Akhri.. Jan 12

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS