SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Col. C/Laahi Yuusuf iyo Col. Nuur Cadde oo London Gaarey...

Dec 10, 2007: Waxaa magaalada London ee dalka UK xalay soo gaarey madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf iyo ra'isul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde. col. Yuusuf ayaa London u tegey arrimo caafimaad isagoo ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku jirey lagu daweynayey kaddib markii diyaarad khaas ahi ka soo qaaday Baydhabo, halka col. Cadde uu ka soo duulay dalka Bortoqiiska oo uu gaarey kaddib markii uu safarkiisii ugu horeeyey kaddib markii ra'iisul wasaaraha DFKMG loo magacaabay uu ku tegey Addis Ababa.

Col. Nuur Cadde ayaa waxaa soo wajahay caqabado la xiriira kaddib markii uu dib u soo magacaabay  xukuumaddii Cali Geeddi, taas oo ay soo baxayaan warar sheegaya in baarlamaanka Baydhabo ka bilaabatay xulufo xoog leh oo ku dadaalaya sidii aan loo ansixin lahayn golaha wasiirada ee col. Cadde.

Waxaa kale oo soo shaac baxayey in hadallo kala duwan ay ka soo baxayeen col. Yuusuf iyo col. Cadde oo la xiriira sidii loo qaabili lahaa kooxaha ka soo horjeeda DFKMG ee lagu soo dhisay Kenya.


Col. C/Laahi Yuusuf iyo Col. Nuur Cadde oo Isku Khilaafsan In Wadahadallo Lala Yeesho Dadka kasoo Horjeeda DFKMG...

  • Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka oo sheegtay in maamulka USA ka soo horjeedaan xeerka lagu magcaabo "HR 2003 - the Ethiopia Democracy and Accountability Act of 2007"

Dec 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, oo jooga Addis Ababa ayaa idaacadda codka Maraykanka waxa uu u sheegay in ay tahay in "mucaaradka", waa sida uu hadalka u dhigay'e, lala kulmo isagoo aan sheegin wax shuruud ah oo ku xiran. Laakiin Madaxweynaha DFKMG oo jooga Nairobi ayaa sheegay in "mucaaradka", waa sida uu hadalka u dhiga'e, ayaa muujiyey in aysan la kulmayn, sheegyna in ay tahay in ay marka hore hubka dhigaan.

Col. Nuur Cadde safarkii ugu horeeyey ee uu Soomaaliya kaga baxo, kaddib markii loo soo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxa uu ku tegey Addis Ababa oo ciidamadoodu ku jiraan dhulka Soomaaliyeed. Ilaa haddana hadal cod lagama hayo col. Nuur Cadde oo ku aadan waxa uu ka yeeli doono ciidamada Itoobiya ee ku jira dhulka Soomaaliya.

Dhinaca Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed waxay hore u sheegeen in aysan wax wada hadal ah la yeelan doonin DFKMG inta ay ciidda Soomaaliyeed ku jiraan ciidamada gumeysiga Itoobiya.

nur addeCol. Nuur Cadde oo ma waxa uu Itoobiya uga mahad celiyey Xasuuqii ay u Geysteen Shacabka Soomaaliya

Sida ay faafiyeen (Dec 5, 2007) warbaahinta xukuumadda Itoobiya, Col. Nuur Cadde oo jooga Addis Ababa kana qayb gelaya shir, ayaa waxa uu u mahad celiyey shacabka Itoobiya iyo dawladooda waxa uu ugu yeeray "caawinaadda ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed iyo dawladda Soomaaliya" - hadalkaas oo dadka siyaasadda Soomaaliya ku xeel dheer ku tilmaameen gef weyn oo col. Nuur Cadde ka galay shacabka Soomaaliyeed ee Itoobiyaanku xasuuqeen, taas oo tiradii ugu dambeysey ee shacabka Muqdisho lagu xasuuqay (inta la diiwaan geleyey) ay kor u dhaafeen 6000 oo qof. "Col. Nuur Cadde oo aan markii hore ka qayb qaadan xasuuqa shacabka loo geystey ayaa hadda u muuqda mid ansixinaya xasuuqaas."

"Haddii uu doono col. Nuur Cadde Itoobiya ha uga mahad celiyo in ay caawiyeen DFKMG oo la ogyahay waxay samaysay, laakiin waxaa gaf weyn ah in uu uga mahad celiyo xasuuqa ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed, oo uu weliba taas ku tilmaamo in ay caawineen shacabka, isagoo og xasuuqaasi in uu dhacay maadaama uu hawl wadeen ka ahaa Laanqayrta Cas ee Soomaaliya.." Waxaana hadda la gudboon col. Nuur Cadde in uu hadalkaas ka laabto inta uusan u gelin taariikhda madow, oo noqon "gefkii col. Nuur Cadde".


Shan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed  Akhri...

Ethiopia’s ‘Own Darfur’ As Villagers Flee Government-Backed Violence

USA Waa ka soo horjeedaa "HR 2003" - Rice

Dhinaca kale, Condoleezza Rice oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo Addis Abaab kula kulantay col. Nuur Cadde (Dec 5, 2007) ayaa wararku waxay sheegeen in ay quudarayneysey in col. Nuur Cadde uu wada xaajood la furo dadka xukuumadiisa ka soo hor jeeda.

Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa ay Arbacadii (Dec 5, 2007) Addis Ababa ka sheegtay in xukuumadda Maraykanku ay ka soo horjeedo xeerka lagu magcaabo "HR 2003 - the Ethiopia Democracy and Accountability Act of 2007" kaas oo la doonayo in looga codeeyo aqalka odayaasha Maraykanka si Itoobiya mucaano loogu siiyo DIMOQRAADIYADDA. Condoleezza Rice waxay caddaysay in maamulka Maraykanku xeerkaas ka soo horjeedo.

Hadalka xoghayaha arrimaha dibadda ay ka sheegtay magaalada Addis Ababa, ee ah in xukuumadda USA ay ka soo horjeeddo HR 2003, waxay waji gabax ku tahay meles Zenawi oo Maraykanka muddo dheer ku sasabaney in uu hir gelinayo dimoqraadiyad iyadoo adduunku hadda indhaha ku kala qaaday tacadiyada ay xukuumadiisu ka geysaneyso Itoobiya, gaar ahaan dhibaatada lagu hayo qowmiyadaha ay ka mid yihiin Oromada iyo Soomaalida dhulka xoogga lagaga haysto.

Kulan Ururka Midnimadda Soomaliyeed iyo Madaxweynaha Finland


Beelaha Jareerweyn, Digil & Mirifle iyo Sade oo si toos ah uga horyimid Qaab-dhismeedka Xukuumadda col. Nuur Cadde

Dec 4, 2007:

Hoos ka dhegeyo codad kala duwan oo isugu jira is casilaad iyo dhaleeceyn Xildhibaano kala duwan ay u soo jeediyeen dhismaha Xukuumada cusub ee col. Nuur Cadde.. Sidoo kale akhri C/laahi Yuusuf oo diyaarad gaar ahi u qaaday Nairobi iyo col. Nuur Cadde oo gaarey magaalada Addis Ababa... iyo DFKMG oo Gargaarkii Qaramada Midoobey gaarsiin lahayd ka mamnuucday Gobolka Shabeelada Hoose...

  • Xildhibaan Sh. Jaamac Xaaji Xuseen oo is casiley, Qaar ka tirsan Xildhibaanada Beelaha Sade oo gebi ahaanba ka soo horjeestey qaab dhismeedka Xukuumada cusub iyo Xildhibaan Sh. Cali Aadan oo isna ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo isna si cad u sheegay in ay ku dagaalamayaan Waranka, falaarta iyo Masaarta... col. Shaatigaduud iyo col. barre Hiiraale oo ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeestey qaabka uu col. Nuur Cadde u magacaabay xukuumadiisa....

Xildhibaan Sh. Jaamac Xaaji Xuseen "Xubin buuxda haa,laakiin mid dhiman maya"
Xildhibaan Avv. Cumar Xasan Zubeyr "Wasaaradaha wax soo saarka leh waxaa qaatey....."

Xildhibaan Sh. Cali Aadan "Waxaan ku dagaalameynaa Waranka, Falaarta iyo Masaarta...."

Xildhibaan Max'uud Sayid Aadan oo u hadley Beelaha Sade iyo magacyada xildhibaanada beesha Sade ee bayaanka soo saaray:

Waxaa codadka soo duubay:
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} SomaliTalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com  | Dec 4, 2007

nur adde

Col. Nuur Cadde oo Gaarey Addis Ababa:


Carruur Soomaaliyeed oo jooga meel cunto loogu qaybinayo Koonfurta Muqdisho, Nov 28, 2007.. Sawirka: AFP

Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, ayaa Talaadadii (Dec 4, 2007) gaarey magaalada Addis Ababa, arrintan oo kusoo beegantahay xilli buuq aad u xooggan ka dhex jiro baarlamaanaka DFKMG kaas oo ku saabsan xukuumadda uu col. Nuur Cadde soo magacaabay taas oo beelaha qaarkood si toos ah uga soo horjeesteen.

Col. Nuur Cadde waxaa horyaal sidii uu xukuumadiisa markale u soo dhisi lahaa maadaama ay wasiiro iska casileen kahor intii aan la horgeyn baarlamaanka Baydhabo. Marka uu soo dhamaystirona waxaa horyaal in uu baarlamaanka hor geeyo si cod bixin loogu qadon. Waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xildhibaanadu u tashadeen sidii dib xukuumadaas loogu celin lahaa col. Nuur Cadde.

  • DFKMG oo Gargaarkii Qaramada Midoobey gaarsiin lahayd ka mamnuucday Shabeelada Hoose:
    Sida ay faafisay AFP, Qaramada Midoobey ayaa talaadadii (Dec 4) sheegtay in DFKMG ay mamnuuc saartay cuntadii mucaawinada ee la gaarsin lahaa Sh/Hoose... UN: Somalia Freezes Aid Operations In Southeast - AFP

Warbixinadii hore ee wasiirada is casiley hoos ka akhri:

Xildhibaanada Beesha Sade oo Kalsoonidii kala Laabtay Xukuumada col. Nuur Cadde

  • C/Laahi Yusuuf oo diyaarad gaar ahi talaadadii u qaaday Nairobi arrimo la xiriira caafimaadkiisa awgeed...

SomaliTalk.com | Baydhabo Dec 4, 2007:

Xubnaha beesha Sade ugu jira baarlamaanka DFKMG iyo odayaasha beesha kaga sugan magaalada Baydhabo ayaa gebi ahaanba kalsoonidii kala laabtay xukuumada col. Nuur Cadde. Beesha Sade ayaa noqotay beeshii labaad oo si toos ah kalsoonida ugala laabata golaha uu soo dhisay col. Nuur Cadde. Beesha Digil iyo Mirifle ayey ahayd beeshii shalay wasiiradoodu is casileen.

barre hiiraale
Barre Hiiraale

Xildhibaan Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" ayaa laga soo xigtey, isagoo u hadlayey xubnaha kalsoonida la laabtay, in uu yiri: Beesha Sade waxay xaq ulahayd ugu yaraan 2 wasiir ilaa 3 wasiir oo ah heerka kowaad iyo 3 wasiir ku xigeen iyo hal Ra'iisal wasaare ku xigeen, waxana uu intaas ku daray in xubnaha beesha ugu jira DFKMG iyo odayaasha beeshu isku waafaqeen in ay gebi ahaan kalsoonidii kala laabtaan xukuumada cusub ee col. Nuur Cadde.

Waxaa kale oo maanta xilkii wasiir ku xigeenka Wasarada Awqaafta iyo arimaha diinta iska casilay Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen, isagoo sheegay in uusan u baahnayn jagadaas uu u magacaabay col. Nuur Cadde.

Dhanka kale waxaa Isniintii diyaarad gaar ah ay baydhabo ka qaaday madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf, waxaana la geeyey cisbitaal ku yaal Nairobi.. [Akhri Warka oo faahfaahsan]

Waxaa jira warar laga helayo ilo u dhowdhow madaxtooyada C/laahi Yuusuf oo sheegaya in golaha wasiirada ee uu soo dhisay col. Nuur Cadde gebi ahaanba dib loo soo dhisi doono kaddib marka dib u habayn weyn lagu sameeyo.

Dadka siyaasadda odoroasa ayaa tibaaxay in wasiiro Soomaaliya ay yeelato aysan beelaha Soomaaliyeed ku qanci doonin inta uu jiro nidaamka loo yaqaan 4.5 ee xaqiraadda ku ah beelaha qaarkood maadaama laga dhigay nus (1/2) taas oo ah quursi uu sharciyeeyey dastuurka lagu soo dhisay Nairobi. "Qof aan loo eegayn aqoontiisa, wax qabadkiisa iyo waaya aragnimadiisa meel ma hgaari karaa," ayaa la is weydiinayaa.

Afar Wasiir oo iska Casiley Xukuumadda Cusub ee col. Nuur Cadde...

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ciidda Soomaaliya oo Madaafiic ku garaacay Huriwaa, Muqdisho...

shaatigaduud
Shaatigaduud

Dec 3, 2007: Shir jaraa'id oo ay habeenimadii Isniinta ee Talaadadu soo geleysey ku qabteen magaalada Baydhabo, ayaa afar xubnood oo uu col. Nuur Cadde u magacaabay golihiisa xukuumadda waxay ku dhawaaqeen in ay is casileen.

Idaacadaa Codka Maraykanka oo su'aalo weydiisey ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, ayaa mar uu ka hadlaayey qaabka uu u soo dhisay golihiisa xukuumada waxa uu yiri "Waa laga yaabaa in dhaliilo ka jiraan dhiilitirka" xukuumada. Waxa kale oo col. Nuur Cadde uu markii ugu horeysey qiray in xukuumadiisa ay ku jiraan qabqablayaashii dagaalka Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yiri: "Dagaal oogayaashii dagaalku wa ku jiraan golaha" (wasiirada DFKMG)... Mar uu ka jawaabayey waqtiga uu xukuumadiisa hor geyn doono baarlamaanka si loogu codeeyo, waxa uu sheegay in safaro jiraan oo marka Hawlihii bannaanka ku xirnaa ay soo dhaystiraan la isu soo noqon doono oo baarlamaanka la hor geyn doono golihiisa xukuumadda. Col. Nuur cadde ma cadayn hawlaha bannaanka kuxirayn waxa ay yihiin:

Afarta xubnood ee is casiley xukuumada col. Nuur Cadde ayaa kala ah:

  1. Xasan Maxamed Nuur "Shaatigaduud" oo loo magcaabey Wasiirka amniga qaranka,

  2. Sh. Aadan Sh. Maxamed-Deer oo loo magacaabay Wasiiru dowlaha dib u heshiisiinta,

  3. Cabdi Kaafi Xasan oo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Ganacsiga,

  4. Ibraahim Xasan Ibrow oo loo magacaabay Wasiirka arrimaha diinta iyo awqaafta

"Shaatiguduud" oo ka hadlay arrinta ay isu casileen waxa uu sheegay sababta ay isu casileen in ay tahay maadaama aan cidi la tashan iyo in ay jiraan "isquursi iyo tix gelin la'aan".

Dhanka kale waxaa buuq weyni ka dhex jiraa xildhibaanada Baarlamaanka taas oo ku saabsan qaabka cod bixinta loo qaadayo in baarlamaanku ogolaado golaha wasiirada ee uu soo magacaabay col. Nuur cadde.. Taas oo ilaa 90 xildhibaan ay doonayaan in si qarsoodi ah cod bixintaas loo qaado.

Xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa ku doodaya in xukuumada la soo dhisay ay tahay tii Cali maxamed Geeddi. Arrintaas oo kulankii Isniintii ee baarlamaanak Baydhabo ka dhalisay buuq wax kala socon waayeen.

Waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay ka biyo diideen qaabka uu col. Nuur Cadde u magacaabay golihiisa wasirada, ayadoo la sheegayo in aan lagu salayn habka loo yaqaan 4.5 ee QABIILKA ee ay ku dhisan tahay DFKMG.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ciidda Soomaaliya oo Madaafiic ku garaacay Huriwaa, Muqdisho...

Ciidamada Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii (Dec 3, 2007) waxaymadaaxfiic xoog badan ku ku garaaceen xaafado ka mid ah Muqdisho sida Huriwaa iyo Shibbis, arrintaas oo ka dambeysey dagaal aagaas ku dhex maray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha Muqaawamadda ee ka soo hor jeeda joogitaanka Ciidmada Itoobiya ee ciidda Soomaaliya.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen madaaficdaas. Laakiin waxaa warar ay fidisay idaacada codka maraykanku uu sheegay in madaafiicda Itoobiyaanku ay ku ridayeen Muqdisho ay ay ku burbureen hanti aad u farabadan, iyadoo ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaarey shacabka.

Waxaa taas ka horeysey in gelinkii hore ee Isniintii in dagaal xooggani ka dhaceen aagga suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho.

Fafain: SomaliTalk.com | dec 3, 2007


Col. Nuur Cadde oo Magacaabay Golihiisa Xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood.. - Dec 2, 2007

nur addeRa'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde ayaa Axad (Dec 2, 2007) ku dhawaaqay golaha dowladiisa oo ka kooban 31 wasiir, 11 wasiiru dowle iyo 31 wasiir xigeen oo isku darkoodu yahay 73 iyo isga (ra'iisul wasaaraha) oo isku darkoodu noqonaya 74 xubnood..

Col. Nuur Cadde oo akhrinaya magacyada golaha xukuumadiisa:

Hoos ka akhri dhammaan xubnaha golaha xukuumada ee uu magacaabay col. Nuur Cadde:

Wasiirada:

  1. Saalim Caliyo Ibrow.... Ra'iisul wasaare kuxigeen, ahna Wasiirka Wasaaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  2. Caydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf..... Raiisul Wasaare Kuxigeen, ahna Wasiirka Wasaaraadda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka
  3. Maxamed Cali Xirsi..... Ra'iisul Wasaare Ku xigeen, ahna Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
  4. Cali Maxamed Maxamuud Xareed.....  Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska
  5. Khadiija Maxamed Diiriye..... Wasiradda Wasaaradda Haweenka
  6. Cabdiraxman Cabdi Xuseen (Guul-Wade)..... Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
  7. Ismaciil Maxamuud Hure "Buubaa"..... Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
  8. Xusseen Ceelaabe Faahiye..... Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta
  9. Drs.Qamar Aadan Cali..... Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka
  10. Ismaaciil Axmed Nuur..... Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga
  11. Cabdi Xaashi Cabdullaahi..... Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Bey’adda
  12. Maxamed Cabdulaahi Kaamil..... Wasiirka Wasaaradda Warshadaha
  13. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud)..... Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka
  14. Maxamed Nuuraani Bakar..... Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha
  15. Ibraahim Isaaq Yarow..... Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
  16. Maxamed Cali Xaamud ..... Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga caalamiga
  17. Maxamed Ibraahim Xaabsade..... Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  18. Madoobe Nuunow Maxamed..... Wasiirka Wasaaradda Dhallinyada iyo Isboortiga
  19. Cabdi Maxamed Tarrax..... Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  20. Axmed Jaamac Jangeli..... Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa
  21. Cali Ismaaciil Cabdi-Giir..... Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Badda iyo Dekedaha
  22. Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla..... Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
  23. Maxamed Yusuf Weyrax..... Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
  24. Cabdullaahi Yusuuf Maxamed..... Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  25. Cabdirisaaq Isaaq Biixi..... Wasiirka Wasaaradda Dib u dhiska iyo Dib u Dejinta
  26. Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere)..... Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  27. Cabdulaahi Axmed Afrax..... Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga
  28. Xasan Dhimbil Warsame..... Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda
  29. Cabdulqaadir Nuur Carraale..... Wasiirka Wasaaradda Beeraha
  30. Cali Cabdulaahi Cosoble..... Wasiirka Wasaaradda Dib u heshiisiinta
  31. Muuse Nuur Amiin..... Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha

Wasiiru Dowlayaal:

  1. Sh. Aadan Sh. Maxamed-Deer..... Wasiiru Dowalaha Wasaaradda Dib u heshiisiinta
  2. Cali Maxamuud Cabdi (Laangale)..... Wasiiru Dawlaha Wasaaradda dib u dhiska iyo dib u dejinta
  3. Maxamed Maxamuud Xayd..... Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga
  4. Barre Ugaas..... Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta
  5. Maxamed Axmed Kulan..... Wasiiru Dowlaha Wasaarada Beeraha
  6. Ibraahim Maxamuud Isaaq..... Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
  7. Axmed Cumar Gaagaale..... Wasiiru Dowlaha Wasaaradad Boostada iyo isgaarsiinta
  8. Saalax Ismaaciil saqaawe..... Wasiiru Dowlaha wasaaradad kalluumaysiga iyo khayraadka badda
  9. Maxamed Xuseen Cadow..... Wasiiru Dowlaha wasaaradda Arrimaha dibadda
  10. Bootaan Ciise Caalim..... Wasiiru Dowlaha wasaaradad gaadiiska cirka iyo dhulka
  11. C/kariim Cige Guuleed..... Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda
Wasiir Ku xigeenadda (W/x):
  1. Fahma Axmed Nuur.... W/x/Wasaradda Arrimaha Gudaha
  2. Xasan Ibraahim Maxamed..... W/x/Wasaradda Hiddaha iyo Tacliinta Sare
  3. Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen..... W/x/Wasaradda Diinta iyo Awqaafta
  4. Axmed Ciise Cawaale..... W/x/Wasaradda Dhallinyarada & Isboortiga
  5. Maxamed Ismaciil Bulbul..... W/x/Wasaradda Shaqada iyo Shaqaalaha
  6. Caasha Cabdullahi Ciise..... W/x/Wasaradda Haweenka & Horumarinta Qoyska
  7. Cabdirahman Ismail Dirir..... W/x/Wasaradda Boostada iyo Isgaarsiinta
  8. Maxamed Cabdi Cawad..... W/x/Wasaradda Dib U Dhiska iyo Dib u Dejinta
  9. Maxamed Cali Daheeye..... W/x/Wasaradda Dalxiiska iyo Duur Joogta
  10. Xasan Buraale Maxamed..... W/x/Wasaradda Garsoorka
  11. Sharif Cali Maxamed Abuukar..... W/x/Wasaradda Warshadaha
  12. Cabdi Kaafi Xassan..... W/x/Wasaradda Ganacsiga
  13. Cabdi Xaaji Yariis..... W/x/Wasaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalka
  14. Khaliif Sheekh Cabdullahi..... W/x/Wasaradda Beeraha
  15. Maxamud Cabdi Xasan (Bekos)..... W/xWasaaradda Batroolka iyo Tamarta
  16. Amiin Axmed Sheekh..... W/x/Wasaradda Maaliyadda
  17. Cali Maxamed Nuur..... W/x/Wasaradda Degaanka
  18. Xassan Cabdi Guure..... W/x/Wasaradda Dib U heshiisiinta
  19. Cabdullahi Axmed Cabdille..... W/x/Wasaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka
  20. Cabdiraxman Sheekh Ismaaciil..... W/x/Wasaradda Macdanta iyo Biyaha
  21. Maxamud Axmed Kulalihi..... W/x/Wasaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga
  22. Jamiila Siciid Muuse..... W/x/Wasaradda Qorshaynta
  23. Maxamed Maxamud Indhageel..... W/x/Wasaradda Howlaha Guud iyo Guriyeynta
  24. Cabdulaahi Bile Nuur..... W/x/Wasaradda Waxbarashada
  25. Ciise Wehliye Maalin..... W/x/Wasaradda Caafimaadka
  26. Salaad Cali Jeelle..... W/x/Wasaradda Gaashaandhigga
  27. Cumar Adan Xassan..... W/x/Wasaradda Xanaanada Xoolaha
  28. Maxamed Sheekh Isaaq (Abaadir)..... W/x/Wasaradda Gadiidka Badda iyo Dekedaha
  29. Xirsi Adan Rooble Afrax..... W/x/Wasaaradda Warfaafinta
  30. Maxamed Xassan Ibraahim (Qoone)..... W/x/Wasaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda
  31. Bashiir Maxamed Aadan..... W/x/Wasaradda Amniga Qaranka

Wasaaraddaha la magacaabay oo tiradoodu dhan tahay 31 waxay la mid yihiin tiro ahaan iyo muuqaal ahaanba golihii hore ee xukuumadii Cali Maxamed Geeddi oo ahaa 31 wasaaradood. Xubnaha ku soo biiray golaha cusub ee col. Nuur Cadde waxaa ka mid ah Maxamed Cali Xaamud, iyo C/raxmaad Cabdi Xuseen "Guulwade". Wasiirada xilkoodii waayey waxaa ka mid ah Xasan Abshir Faarax (oo beryahan dambe joogitaankiisu u badnaa magaalada Garoowe) iyo Mowliid Macaane (oo aad u taageeri jirey Geeddi).

Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa ra'iisul wasaaraha DFKMG loo magacaabay Nov 22, 2007.. Akhris/dhegeysi...

Waxaa isku soo dubaridey:
Max'ed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com | Dec 2, 2007

Wararka kale ee maanta hoos ka akhri::

  • 6000 oo Shacab Soomaaliyeed ah oo La Diley Sannadkan 2007...
  • 80 qof oo ku dhintay Badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen:
  • Bender Bayla: Weerar lala Qaaday 13 Gaari oo Xamuul Sidey...
  • Cadde Muuse oo si sarbeeb ah wax u tusaaleeyey col. Nuur Cadde:

6000 oo Shacab Soomaaliyeed ah oo La Diley Sannadkan 2007...:

Sida ay faafisay hay'adda wararka ee Reuters, oo soo xiganeysey hay'adda xuquuqul insaanka u dooda, ayaa sheegtay in sanandkan 2007 Soomaaliya lagu diley ugu yaraan 6000 (lix kun) oo qof oo shacab ah.

Warku waxa uu intaas ku daray in hay'adda "Elman Peace and Human Rights" ay xaqiijisay ama diiwaan gelisey 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay. [Tiradaasi waa inta la diiwan geliyey]

Dhanka kale, waraysi uu Axadii (Dec 2) Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde uu siiyey NTV ee Kenya ayuu kusheegay in uu diyaar u yahay in uu la hadlo dadka ka soo horjeeda DFKMG.

Ururka Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed ayaa hore u sheegay in aysan la hadlayn ra'iisul wasaaraha cusub inta ciidamada Itoobiay ku jiraan gudaha Soomaaliya.

80 qof oo ku dhintay Badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen:

Sida ay Sabtidii (Dec 1) faafiyeen wararka ka imanaya Yemen, waxaa xeebta Yemen ku soo caariyey ugu yaraan 80 qof oo meyd ah oo ah dad ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya kuwaas oo meydkooda lagu arkay xeebtaa ku dhereran dalka Yemen.

Waxaa wararku sheegeen in doonta dadkaasi ay ku dhinteen ay saarnaayeen ilaa 126 qof.

Ma aha markii uguhoreysey ee Soomaali ku dhintaan badda cas, laga soo bilaabo markii dagaaladu ka bilowdeen Soomaaliya (1991) dad Soomaaliyeed oo Tahriibaya ayaa ku dhimaneyey baddaha. [Akhri Qormadii SomaliTalk.com ee Tahriibayaasha ee 2005]

Bender Bayla: Weerar lala Qaaday 13 Gaari oo Xamuul Sidey...

Dec 2, 2007: 13 baabuur oo wadey laashay iyo xamuul loo wadey Bayla (Bari) ayaa koox hubaysani rasaas ku fureen, waxaa goobta la sheegay in ay ku dhinteen laba qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaa kooxdii weerarka geysatey ay kaxaysteen ilaa sagaal gaari oo xamuul sidey, gawaaridii kalena waxay ka duqeeyeen matoorada iyo taayirada. [Dhegeyso warbixintii Idaacada Codka Maraykanka]

Cadde Muuse oo si sarbeeb ah wax u tusaaleeyey col. Nuur Cadde:

Dhinaca kale Madaxweynaah DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa maanta (Axad Dec 2, 2007) mar uu khudbad ka jeedinayey doorashadii duqa cusub ee degmada Boosaaso waxa uu sheegay in Ra'iisalwasaarihii hore ee DFKMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi sababta uu isku casiley ay ahayd isagoo ka soo horjeestey horumar inay gaarto Puntland iyo in ay Puntland ka faa'ideysato khayraadkeeda.

Gen. Cadde Muuse waxa uu intaas raaciyey in uu si buuxda ula shaqayn doono ra'iisul wasaaraha cusub. Isla markaasna waxa uu goobta ka sheegay in uu xiriir la sameeyey ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, col. Nuur Cadde, oo ay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen maadaama ay Puntland tahay qayb muhiim ah ka tahay DFKMG.

Hadalka uu yiri Gen. Cadde Muuse waxa uu ku soo beegmay xilli uu col. Nuur Cadde ku dhawaaqayey golihiisa wasiirada (ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin).

Hadaladaas waxay dadka la socda arrimaha Puntland ku macneeyeen in Gen. Cadde Muuse uu col. Nuur Cadde ugu muujinayey in uu aqbalo heshiisyada Puntland ee Batroolka, haddii kale uu mari doono wadadii pro. Geeddi. Maadaama sababta uu Cali Maxamed Geeddi kursigiisii kuwayey (sida uu Geeddi qudhiisu qiray) in ay ahayd arrimaha la xiriira Batroolka Puntland.

Ilaalada Gaarka ee Gen. Cadde Muuse oo Jirdil u geystay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Puntland.
xilli ay socotey doorashadii Duqa Magaalada Boosaaso iyo Gen.Cadde oo si sarbeeb ah wax u tusaaleyey col.Cadde Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com