Terry oo Soomaalida
Melbourne Ugu Ololaynaya Wixii uga Qabsoomi Waayey
Puntland...
Oct 27, 2005
Warar SomaliTalk.com ka soo
gaarey dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday in maanta uu
magaalada Melbourne soo gaarey Terry, isaga oo ka soo
kicitimay Perth, Australia.
Waxaa
wararku tibaaxeen in ujeedada uu magaalada Melbourne u yimid
ay tahay in uu la kulmo dad haysta xafiis lagu sheegay "in
uusan metelin dhammaan Soomaalida reer Puntland", oo ay
furihiisa haystaan dad lagu sheegay in ay "la fikrad yihiin"
asaasayaashii "Consort" oo ah "shirkadii" ka dhalatay
safarkii uu Terry ku tegey Puntland isagoo xilligaas watey
mashruuc xanaanada carruurta ee uu ugu yeeray "Kids In
Need". Taas akhirkii saamiga ugu badan ka iibisey
shirkad kale oo la yiraahdo "Range Resources Ltd".
Waxaa warku intaas ku daray
in qorshaha safarka Terry ee Melbourne ay ka mid tahay sidii
loo agaasimi laha nidaam cadaadis lagu saarayo Ra'iisul
wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, si uu uga laabto
qoraalkii uu u diray suuqa ganacsiga Australia (ASX) ee ku
cadaynayey in aan waxba ka jirin heshiisyada shirkadaha
shisheeye ay la galeen Puntland haddii aan la soo marin
Dawlada Dhexe ee Soomaaliya.
Waxa kale oo maalmahan
magaalada Melbourne lagu arkayey waraaqo laga soo daabacay
Internetka websiteka shirkadaha ku andacoonaya in ay
haystaan ogolanshaha aan cidina kula tartami karin ee
xuquuqda shidaal iyo macdan qodista Puntland, waraaqahaas oo
la isku deyayo in Soomaalida Melbourne looga dhaadhiciyo in
ay iibsadaan saamiyada 'shirkadahaas'.
Dhanka kale waxaa la garey
October, laakiin ilaa hadda Puntland wixii ay "Shirkadahasi"
ugu ballan qaadeen ma muuqdaan in wax ka hirgaleen. Waxaana
qorshuhu ahaa inay Puntland ka hawl galaan ama yimaadaan
Puntland October 2005.
Waaya-arag Soomaaliyeed oo
weydiistey in aan la magacaabin ayaa yiri "Musuq maasuqa
baahey ee kajira Puntland ayaa lagu qarinayaa shirkadaha la
sheegayo in ay macdan iyo baatrool ka qodayaan Puntland,
haddii run la sheegayo maxaa heshiis loola geli waayey
shirkadaha adduunka laga yaqaan ee baara shidaalka, oo xitaa
qaar shirkadahaas kamid ah aysan qalabkoodii ka qaadan
Soomaaliya markii dagaalku dhacay, kuwaas weli ku sugan
Soomaaliya. Waxaa kale oo layaab leh sida aan arrintan loo
hor keenin Baarlamaanka Puntland loogana doodin nafaca iyo
dhibka ay keeni karaan shirkadahaas sheeganaya in ay dalka
barwaaqo ka dhigayaan". Waxana uu intaas ku daray "Terry
waxa uu hadda Soomaalida Melbourne ugu ololaynayaa qorshihii
ka hir geli waayey Puntland, kaas oo ahaa in shacabka
Puntland laga dhaadhiciyo wax aan meel ay salka ku hayaan la
aqoon."
October 17kedii ayey ahayd
markii Jariidad ka soo baxda Australia ay shaaca ka qaaday
in Ra'iisul wasaare Geeddi uu warqad garsiiyey suuqa
ganacsiga ee Australia uu uga digayo heshiisyada shirkadaha
shisheeye ay la gelayaan dawlad Goboleedyadu in uusan ahayn
wax jira ilaa ogolaansho laga helo Dawlada Dhexe ee
Soomaaliya. [Akhri warbixintii
wargeyska Austlia]
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 27, 2005
Khudbadihii Gen. Cadde Muuse iyo Dr. Gaagaab ay Jediyeen
Habeenkii ay Terry magaalada Dubai ugu Saxiixayeen
Qandaraaska...
"Shirkada Consort" oo Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland
ka Iibisey "Shirkada Range Resources", taas oo yeelanaysa
xuquuqda gebi ahaan Khayraadka ku jira Puntland.....
|