Terry ma u Suurta Geli
doontaa in Xera Gashado Ganacsada Soomaaliyeed...
- Terry oo Raba in
ganacsata Soomaaliyeed ay Maal gashadaan qodista
macdanta iyo shiidaalka Puntland, lacagta saamiyada ahna
isaga loo dhiibo....
SomaliTalk.com | Sept
2,2005
Inta aynaan u gudbin
arrinta cinwaanku ku saabsan yahay ayaan akhristayaasha
SomaliTalk.com la socodsiineynaa wax ku soo kordhay
su'aashii hore ee ahayd "Waa kuma Terry"?
Waxaa ugu horeeya oo kusoo
kordhay waa in la soo ogaadey magaca rasmiga ah ee Terry oo
ah "Terry Donnelly". Waxaa magacaas shaaca ka qaaday qoraa
reer Australia ah oo Teery taariikhdiisa hore wax ka og,
isla mar ahaan taasna maqlay in uu sawir la galay madax ka
tirsan Puntland.
Qoraagaasi waxa uu
akhristayashiisa wargeyskiisa u sheegay hadal u qornaa sidan:
"Maalmahan xaalada suuqa
ganacsiga ee Perth, Australia waa deganayd, laakiin waxaan
dareenay dhaqdhaqaaq ka jira xagaa iyo goobta dagaal ee
Soomaaliya."
"Waxaan shaki ku jirin in
akhristaashu xusuustaan arrintii sannadkan horraantii
dhacday" ayuu yiri qoraagu sida uu ku qoran wargeyskiisa
markey taariikhdu ahayd July 13, 2005. Waxana uu xusay
magacyo dhawr ganacsade (Australian) oo arin muran ah dhex
martay iyo dacwad, kaddibna website mid ka mid ah uu inta uu
la wareegey wixii ku qornaa ka masaxay, kun aqortay wax
kale.
Qoraaga oo hadalkiisii sii
wata waxa uu yiri: "Laakiin waxaan ogaaney websitekii (inta
uu xusay websiteka) oo la geliyey sawiro dad u eg
qabiilooyin reer Afrika ah. Waxana uu qoraagu yiri waxaa
websiteka lagu qoray in "Websiteka laga iibiyey ganacsade
deggan Soomaaliya, kaas oo ka hawl gala hay'addo samafal ah
oo loogu talo galay carruurta tabaalaysan ee Afrika."
Kaddib qoraagii waxa uu
raadiyey cidda uu website-kaasi u diiwaan gashan yahay.
Waxana uu ogaadey in uu u diwaan gashan yahay qof deeggan
Muqdisho oo magaciisa lagu sheegay Eli Matelosa kaas
oo laakiin loo diiwaan geliyey Telefoonka Gacanta oo
Australia laga leeyahay.
Qoraagii baaritaanka
samaynayey waxa uu yiri "Waxa aan wacnay Telefoonkii.
Waxaana ka jawaabey Terry Donnelly", kaas oo uu ku tilmaamay
in uu yahay ninkii muranka weyni oo dacwada ah ay dhex
martay asaga iyo shirkad uu qoraagu xusay.
Waxana uu qoraagu yiri; "Hadda
Terry Donnelly waxa uu hawl wadeen ka yahay hay'ad samofal
ah oo loogu talo galay carruurta Soomaaliyeed, waxana uu
waqti badan joogaa dawlad goboleedka is magacawday ee
Puntland." Waa sida uu hadalka u dhigaye.
Waxana uu qoraagu yiri: "Markii
aan la hadlay Terry waxa uu ii sheegay in uusan waxba ka
ogeyn arrimaha websiteka muranku ka tagnaa. Waxana uu Terry
sheegay in uu degdeg u dalban doono in websiteka looga
masaxo telefoonkiisa iyo emailka hay'addiisa samafalka ah."
Waxana uu qoraagu sheegay arrintaas la fuliyey markii qofka
websiteka u diiwaan gashan lagu bedeley qof deggan Athens (Dalka
Giriigga) oo magaciisa lagu sheegay Abdulahi Bashir.
Qoraagu wuxuu yiri: "Waxaan
isku daynay inaan la axiriirno Abdulahi Bashir, laakiin ma
ahan qof leh tixraac iyo meel loogu hagaago." Waxana uu
qoraagu qoray: in website Soomaaliyeed uu Terry wax kaqoray,
kana qoray laba qoraal oo dhaadheer, oo la isku weydiinayo
su'aash ah "Waa kuma Terry" oo ku qoran Afsoomaali.
Haddaba su'aashaas "Waa
kuma Terry" oo aan DGPL wax jawaab ah shacabka reer Puntland
ka siin ayaa magaalada Dubai oo ah dal saddexaad waxa uu
madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland ugu saxiixay Terry
Donnelly heshiis. Heshiiskaas oo aan ilaa hadda shacabka
Puntland loo soo bandhigin waxa ku qoran iyo waxa ay reer
Puntland ka faa'iidayaan.
Taas waxaa ka horeeya sida
ay muhiim u tahay in lagu baraarugsanaado in ay jiraan dad
iyo shirkado ku khamaara waxa ay haystaan si ay wax badan
uga kasbadaan wadamada dadkoodu uu ku jiro dagaalka ahlig
ah, oo inta ay ayagu is fiirsanayaan, is laynayaan,
dalkoodana burburiyaan inta loo yimaado dalka wixii la doono
looga fushado. Aad ayey muhiim u tahay in shacabku uu taas
ku baraarugsanaado, maadaama ay arrintaas mid lamid ah hadda
ka taagan tahay qayb kamid ah Soomaaliya. Waxaa tusaale
fudud kuugu filan sida dalka loogu aasay sunta - suntaas oo
hadda durbadiiba la arko cawaaqibka / halista ay reebtay,
arrinta sunta lagu duugey Soomaaliya badankeeda waxaa la
fuliyey intii dagaalka qabiilku ugu xoogga weynaa - inkasta
oo ay jiraan qaybo sun ah oo la aasay ka hor burburkii
dawladii hore, sida qayb lagu soo qariyey qalabkii lagu
dhisay wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso, oo qaar
fuustooyin ah oo lagu sheegay daamuur dhacday balse sun ah
lagu aasay aagga wadadaas (Bosaaso - Qardho - Garoowe). {Dabcan
waxaa shacabka la gudboon in dadkii wadadaas wax ka dhisay
ama shaqaalaha ahaa ay xusuustaan, calaaamdiyaan, sheegaana
meelaha ay og yihiin ama qiyaasayaan in lagu aasay sun, gaar
ahaan fuustooyin daamuur loogu sheegay) - Taas waxaan
akhristaha u xusuusinay cawaaqibka/raadka ay yeelan karto
marka shacabku aysan wax su'aalo ah weydiin kuwa markaas
xukunka haysta.
Haddaba nidaamka lagu
sheegay baaritaanka saliida/macdanta ee hadda ka socda
Puntland waa qaab noocee ah:?
- Ugu horayn waxaa dalka
yimid nin sheegtay in uu ka socdo hay'ad samafal oo
carruurta ah - waa Terry.
- Waxaa durbadiiba la
arkay ninkii oo safarada u racaya madaxda dawlada halkii
laga filayey in uu u dhaqmo sida hay'daha samafalka ah
ee dalka jooga.
- Waxaa xilligaas hoos
ka socdey wada hadal qarsoodi ah oo ninkani uu la galay
dhawr ka tirsan madaxda ugu saraysa DGPL, sida
madaxweynaha oo uu aad ugu dhowaa.
- Muddo kaddib, waxaa
lala tashaday qareeno, waxayna ku jawaabeen ragga
mashruuca wataa maleh raasamaal, sidaas darteed heshiis
lalama geli karo.
- Madaxdii dawlada ee
dhawrka ahaa arrintii waxay soo hor dhigeen golaha
wasiirada, golihiina waxay yiraahdeen arrintaas dad
aqoon u leh haloo diro....
- Arrintii looma ban
dhigin golaha baarlamaanka iyo xeer beegta Puntland,
laakiin madaxdii sare waxay mar kale u safreen Dubai...
- Dubai Hoteel ku yaal
ayaa la isugu yeeray qaar kamid ah ganacsadata iyo qaar
ka mid ah Xawaaladaha Soomaaliyeed si ay meesha u
joogaan heshiiska lagu gelayo.
Qodobkaas toddobaad weeye
meesha aan qormadan uga soo soconey:
Ganacsada ujeedada ugu weyn
ee meesha loo keenay ayaa ahayd: in la tuso in Terry
Donnelly uu haysto lacag, si taas loo tusona waxa uu Terry
iyo dulaaliintii lasocotey ay goobtii ku bixiyey lacag lagu
qiyaasay $350,000 ilaa $500,000, lacagtaas oo lagu sheegay
horu maris, habka lacagtaas lagu keenayna uu ahaa nidaamka
aan kor kusoo xusnay ee ah in dad/ganacsato/shirkado gaar ah
ay qaar lacagtooda kamid ah u biimeeyaan si ay waxay rabaan
uga fushadaan dalalka dadkoodu dagaalka ku jiro ama dhowaan
dagaal kasoo baxay.
Tallaabada xigta waxay u
muuqataa in ay tahay in Terry Donnelly uu magacaabo shirkad
cusub oo uu yiraahdo ama u radiyo dad saami ku darsada -
dabcan saxiixa ujeedadiisa kale ayaa ahayd in uu raadiyo
ganacsado shisheeye oo uu ku yiraahdo waxaan hayaa heshiis
la ii saxiixay ee saami ku darsada - balse arrinta hadda
muuqata ayaa ah sababta ganacsada (Soomaaliyeed) oo
keliya loogu xushay in ay goob joog ka ahaadaan heshiis aan
baarlamaankii ogeyn in ay tahay in ayaga lagu soo xera
geliyo si looga iibiyo saami shirkad aan la aqoon. Ayana ku
dhici karta sida ka dhacda dalaka dagaalka ka soo baxay ee
sida fudud lo dhaco maalkooda iyo khayraadkooda ayagana
musalif la soo taago.
Haddaba waxaa la gudboon
ganacsada in ay dulaaliinta ninkaas weydiiyaan in ay keenaan
ama tusaan shatiga shirkadda fulineysa mashruuca ballaaran
ee baaritaanka shiidaalka iyo macdanta gebi ahaan Puntland
oo ah sida lagula heshiiyey shirkadaas aan la aqoon - Waxaan
ahaboon in la helo shirkadaas shatigeeda, raasamaalkeeda,
taariikhda shirkada ugu yaraan 14kii sano ee la soo dhaafay,
waxaana haboon shirkad saami lagu darsanayo in ay noqoto mid
la asaasay ka hor intii aan Soomaaliya dagaalku kadhicin,
waayo markaas waxaa cad in ay tahay shirkad miisaan leh oo
la hubo asalkeeda.
Waxaa xusid mudan in
lacagta kor ku xusan ee Terry bixiyey in lagu sii bixiyey
lacago markii horeba deyn loogu lahaa qaar kamid ah madaxda
DGPL, sidaasna aysan wax lacagtaas kamid ahi ugu xeroon
khasnada Dawlad Goboleedka Puntland ama aysan gaarin
shacabka Puntland guud ahaan iyo gaar ahaan 200,000 ee
carruurta ah ee ku waxbarsha la' Puntland.
Terry
& Cadde Muuse |
Waxaa xusid mudan in
hay'adaha Qaramada midoobey u qaabilsan samafalka carruurta
ee loo yaqaan UNICEF ay August 31, 2005 soo saartay warbixin
ay kaga warameyso in qaar kamid ah Puntland ay kadiiwaan
gelisey 57,000 oo carruur ah oo aan iskuul dhigan kuwaas oo
da'doodu u dhexeyso 6-14 -jir (oo ah carruurtii dhalatay
kaddib dagaalkii sokeeye ee bilowday 1991).
Waxaa hay'addu
qorsheyneysaa inay diiwaan gelin kasamayso magaalooyinka iyo
Tuulooyinka: Boossaaso, Qardho, Galkacyo, Garoowe, Buurtinle,
Goldogob, Waaciye, Dangorayo, Xaafun, Baargaal, Bursaalax
iyo Ballidhidin.
Waxaana hay'addu sheegtay
in ilaa hadda diiwan gelinta laga hir geliyey: Boossaaso,
Qardho, Garoowe, Galkacyo, Xaafun iyo Dangorayo, kuwaas oo
ardayda laga diiwan geliyey ay tiradoodu yihiin 57,000 oo
aan wax iskuul ah dhigan (kuwaas oo boqolkiiba 53.5% ay
yihiin wiilal iyo boqolkiiba 43.5% ay yihiin gabdho). Waxaa
hay'addu qiyaastay in ugu yaraan 450 meelood oo laga degan
yahay Puntland in carruurta aan iskuulka dhigan ay tahay
inta u dhexaysa 150,000 ilaa 200,000.
Muhiimada qoraalkani waxay
tahay in la is weydiiyo dhawr su'aalood:
- Heshiis lala gelayo
hay'ad/shirkad dalka horu marineysa ma qarsoodi baa?
miyeysan ahayn in si saraaxo ah loo soo ban dhigo, si
loo ogaado faa'iidada iyo khasaarada ka iman karta si
miisaan loo saaro...
- Shirkad aan
miisaaniyadeeda iyo rasamaalkeeda la aqoon, la garanayn
meel ay ka diiwaan gashan tahay saami ma lagu darsan
karaa, heshiise malala saxiixan karaa?
- Shacabku xaq ma u
leeyihiin in dawladoodu qanciso haddii arrin mugdi soo
galona ay si waadax ah Dawladu u cadayso si arrintu u
kala caddaato..?
Jawaabta su'aalahaas waxaan
u deyney dawlada in ay shacabkeeda xaqiiqada u soo bandhigto.
Ganacsadana in shirkad aan la aqoon ay saamigooda ku
darsanayaan waa mid la arki doono.
SomaliTalk.com | Sept 2,
2005:
|