- Nov 22, 2008: Gen. Cadde Muuse oo ka hadlay burcad badeedda..
dhegeyso
| soo rogo
(mp3)
Jawaab Maqaalkii Kasoo baxay Warsidaha AGE NEWS
Axad, 23-Nov 2008
Boosaaso, Puntland: Maqaalka Lagu soo daabacay Warsidaha AGE waa mid xaqaa'iqa ka
fog oo aan uqalmin in lagu daabaco paper kasoobaxa dalka Australia sababtoo ah
waa been abuur soocan, aflagaadho iyo waxyeelo loogaysanayo Maamul Goboleedka
Puntland ee Soomaaliyeed iyo shirkadaha ay macaamilka sharciga ah wada leeyihiin.
Hadaan xogyar oo taariikhiya hadaan ka xuso DGPL...
- Taariikhdii la'aas assay 1998.
- Paarlamaan, golo xukuumadeed iyo garsoor
- Masaaxo ahaan wexeey kakooban tahay 7gobol oo qiyaas ahaan lamida hal dhibic
sadex (212,000 Sq km) khariidada Soomaaliya.
Hadaan xusno arimaha burcad badeeda ma aha sida news paperku uga been sheegay
balse waa bilcaksigeeda.
Maamulka Puntland iyo shacab keeduba wey ladagaalamaan burcad badeeda waxayna u
arkaan ineey yihiin Argigixisadii badaha dunida waxaana markhaanti ka ah inta
hawlgal DGPL kusamaysay oo waxna lagusoo qaqab tay waxna ladilay oo boqolaal
kamida xabsiyada kujiraan waxaa intaas raaca qayladhaan ay Maamulka puntland
udirayeen Dunida si caawinaad loolasoogaaro ay burcad badeeda ku tirtiraan ama ay
kaga hortagaan inteysa qaan gaarka noqon. Waxaan kaxunahay markasta oo ay qabsadaan gadiid badah burcadbadeedu waxaan soo
jeedinaa inaan lacag madax furasho lasiin ee hawlgal lagusameeyno laakiin waxaa
na dhabar jabiya oo si qarsoodiya lacag madax furasho ah ku siiya shirkada ha is
kaleh gaadiidka la afduubay. Warsidaha AGE ha xog wareeysato quwadaha waaweynee xeebaha puntland jooga inta
ay been abuur wax yeelaynaya maamul iyo shirkado hanaan wanaagsan ku wada
shaqaynaya waxaan uqaadanaynaa maqaalkaanu inuu uhiilinayo sida shakhsiyaad reer
puntland ah oo danahooda gaarka ah u burburinaya jiritaanka Puntland markii lagu
lamaaniyo burcada maamulkii puntland oo ladagaalamayay. Qoraalkan waxaa kamuuqda ama kadhadhamaya cadawtinimo loo abaabulayo maamul
goboleedka Puntland in lagu wax yeeleeyo horumarkeeda iyo jiri taankeeda. Balse waxaa isweydiin leh maxaa warsidaha gaarsiiyay cadawtinimada bareerada ah
oo magacooda wax yeelo u keenikara sumcad xumo kaga timaada akhristayaasha reer
Australia iyo dhamaan dunida. Qofka maqaalkaan qoray iyo warsidaha AGE daabacay ma garan karaan maamulka
Puntland iyo shacabkiisa ladagaalanka ay kula jiraan sida: Argagixisada, burcada, sicirbararka iyo kuwa soomalida sheeganaya ee weerarka ku
haya qaar kamida gobolada puntland. Dhacdooyinka ku saabsan puntland dhaqaaleheeda iyo sida loo isticmaalay waaka
been sheegay qoraalku. Laakiin waxaan usheegay naa shirkadaha ay quseeyaan in loo istic maalay
waajibaadka daruuriga ah ee puntland iyo dhamaan wax tarka cid kasta oo
danwadaag ay yihiin Puntland. Burcadu waa burburiyaha dhaqaalaha DGPL sababtoo ah canshuurta dakada Bossaso
waxay tahay ama waxay ahaaan jirtay laf dhabarta dhaqaalaha Puntland sidaas
darted intii burcad badeedu ay jireen gaar ahaan 2008 da Dakadu wax soosaar
malahayn waana sababta shaqaalaha dawlad goboleedaka puntland ay ku waayeen
mushaarooyinki iyo adeegi daruuriga u ahaa nolol maalmeedka. Wasiirka Warfaafinta & Isgaarsiinta Ahna ku Simaha
Wasaarada Kaluumaysiga & Dakadaha
C/raxmaan Maxamed Saalah
Qoraalkii Warsidaha THE AGE NEWS halkan ka
akhri......
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2008
Duulaan Burcad Badeed (Piracy attack)
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay oo isku raacay in xayiraad lagu soo rogo qof
kasta oo gacan ka gaysta hurinta rabshadaha iyo deganaansho la’aanta ka jirta
Soomaaliya.. Akhri....
:::(Boosaaso)- Socdaalkaygii Soomaaliya 2008
- Xasan Nuur
Sawirada Cayaaraha Gobolada Puntland.. Daawo
|