Uj: Baaq ay soo saareen
dhallinyarada Gobolka Bari oo ku wajahan Shirkad la sheegay
inay Macdan baarayso oo heshiis la gashay mas’uuliyiin ka
tirsan maamul Goboleedka Puntland.
Waxaa Maamulkii hore ee
Puntland, Cabdullaahi Yuusuf heshiis la galay shirkad lagu
magacaabi jiray Hart Group oo fadhigeedu ahaa Jasiirada
Bermuda taasoo aan marna la horgayn Golaha Shacbka, xeer
qeexana looga samayn maamulkii jiray berigaa, waxayna
shirkadaasi gaysatay dhibatooyin fara badan oo aan la soo
koobi karin iyadoo xaalufisay Badihii islamarkaana jariiftay
ugxantii, kalluumaysatada yaryarna dhaawac mood iyo noolba
leh u gaysatay, waxayna kaloo ku aastay dalka xeebihiisa
haraaga sunta ah ee wershadaha dalalka hormaray iyadoo
lacago fara badan oo aan xadidnayn laga qaatay shirkadaas
kuwaasoo lagu gaaray hadaf jiray xilligaa.
Hadaba waxaa ayaamahan
Puntland ka socday xiisad ku saabsan shirkad aan taa kor ku
xusan ka ood fogayn, iyadoon Golaha shacabka la horgayn,
ayay dowladu heshiis la gashay shirkad magaceeda lagu
sheegay “Consort” oo la yiri waxay ka diiwaan gashan tahay
Jasiirad yar oo la yiraahdo Maldives.
Shirkadan waxaa la sheegay
inay baarayso macdanta noocyadeeda kala duwan islamarkaana
bixinayso 25Milyan oo Dollar sannadkii iyadoo amaankeedana
lagu sugayo aduun gaaraya 200,000Us Dollar bil walba.
Hadaba markaan u kuurgalnay
shirkadan hantideeda, sharciga caalamiga ah ay haysato,
degaankeeda dhabta ah waxa ay doonayso inay Puntland ka
qabato iyo qaabka ay u howlgalayso waxaa noo soo baxday
arrimahan soo socda.
1. Marka hore
Shirkadu waxay ku soo gashay dalka oo keenay xiriir uu
sameeyay nin samafal u yimid Puntland xilligii Tsunami-ga oo
la yiraahdo Terry.
2. Shirkadu ma laha
hanti ay ku howlgasho iyo waayo aragnimo hore sida
shirkadaha saliida qoda ee dunida, waxayna ka mushtaraysaa
Digaag.
3. Shirkadani waxay
la mid tahay tii Hart-group ee qarsoodiga ahayd, mana laha
damaanad sharci.
4. Shirkadani lama
horgayn Golaha Shacabka, aftina looma qaadin.
5. Sharci iyo xeer
qeexayana lagama soo saarin waxyaalaha ay qabanayso,
faa’iidada ay helayso, hantida ay galinayso iyo inta ay
le’eg tahay miisaaniyadeedu.
6. Iyadoo ah suuq
madoow oo aan sidan aqoonsi caalami ah. [Dullaaliin oo kusii
xiriirsan shirkado maqaar saar ah si saamiyo maqaar saar ah
looga iibiyo].
7. Iyadoo ay keeni
karto qalaaase iyo iska horimaad Beelaha wada degga
Puntland oo hantida ay ballan qaaday shirkadu bulshada ka
dhex abuureysa in aaminaad la'aan.
8. Iyadoo ay
dowlada Fedaraalku ku kala qaybsami karaan, isla markaana
keeninna karta kala aamin bax shacabka Soomaaliyeed iyo
maamulkooda.
9. Iyadoo
Shirkadihii hore ee saliida ka baaray Soomaaliya cadaadis
dowli ah ku saari karaan Dowlada Federaalka KMG ah iyo
Maamul goboleedka Puntland sidii loo hakin lahaa geedi
socodka nabada iyo soo cellinta qaranimada Soomaaliyeed.
10. Iyadoo dhaawici
karta Bay’ada nadiifka ah ee deegaanka taasoo hakin karta
horumarinta iyo xannaanada xoolaha, daaqa iyo reer miyiga si
dadbana u wiiqi karta dhaqaalaha dalka.
Hadaba
annagoo ah dhalinyarada u dhalatay Gobolka Bari oo ay
shirkadu xoogeedu ku soo wajahan tahay, haddiiba ay hir
gasho, waxaan go’aan naga ah
in shirkadani maadaama ay ku sifaysan tahay qodobada kor ku
xusan ayan dalka ka shaqayn karin, waan diidan nahay waana
ka soo horjeednaa mana aqbalayno in dalka la keeno wax aan
dan u ahayn dadka. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland ee
heshiiskan galay inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga
laabtaan heshiiska haddii kale wixii ka yimaada arrintaa
waxaa mas’uul ka ah cidda ku xad gudubta qawaaniinta iyo
sharafta shacabka Puntland.
W/Q. Dhalinyarada Gobolka
Bari.
Puntland oo ah meel aan
shacabku afkaartooda xor u ahayn awgeed, ayaa dhallinyarda
Gobolka Bari waxay codsadeen in aan la magacaabin.
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 28, 2005
|