SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Shirkadda Range Resources oo Hakad Gelisey Saamiyadeedii Suuqa Ganacsiga Australia (ASX)....

Sababtoo ah Range waxay Puntland ka sugeysaa qoraal ay Dawlad Goboledka Puntland (DGPL) ku cadayneyso nooca uu yahay xiriirka ay la leeyihiin Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah (DFKMG).....

iyo Gen. Cadde Muuse oo Garoowe ka dhisaya Xabsi Weyn oo Cusub...

  • Warbixintii: SomaliTalk.com | March 25, 2008

Peter Landau

ASX: http://www.asx.com.au/

Wareegtadii Eng. Kaanje 19/3/2008

Qoraal uu ku saxiixan yahay Peter Landau, xoghayaha shirkadda Range Resources, oo uu maanta [Talaada, Maarso 25, 2008] gaarsiiyey Suuqa Ganacsiga Australia (ASX) ayuu ku dalbaday in hakad [Trading Halt] lagu sameeyo saamiyada shirkaddaas.

"Shirkaddu waxay dalbaneysaa in hakad lagu sameeyo (ganacsiga saamiyadeeda)" ayuu yiri, taas oo uu sabab uga dhigay "in ay (Shirkaddu) sugeyso qoraal ay Puntland ku cadayneyso xiriirka ay la leedahay Dawladda Federaalka Kumeel Gaarka ah ee Soomaaliya."

Shirkadda Range waxay dalbatay in hakadkaas la geliyey ganacsigeeda uu ku eg yahay ilaa Khamiista Maarso 27, 2008. Taas oo dadka siyaasadda odorosa ay u qaateen in taariikhdaas ay shirkadu qoraal ka heli doonto Puntland.

Shirkadda Range waxay Puntland ka haysataa saxiix u ogolaanaya in ay macdanta/batroolka ka baari karto gebi ahaanba dhulka Puntland (oo ah dhul baaxaddiisa lagu qiyaasay in ka badan 212,000 Km2), taas oo ay DFKMG marar badan muujisay sida xoogga leh ee ay uga soo horjeeddo heshiiskaas, arrintaas oo keentay khilaaf u dhexeeya DGPL iyo DFKMG.

Khilaafkaasi waxa uu sii xoogeysey kaddib markii baarlamaanka Puntland ay [19/3/2008] cod u qaadeen sharciga Batroolka Puntland, cod bixintaas oo noqotay barar dhac 21-21, laakiin uu cod dheeri markii koowaad ku ansixiyey guddoomiyaha baarlamaanka DGPL, arrintaas oo ka caraysiisay Golaha Wakiillada Puntland ee arrintaas diidanaa iyo weliba DFKMG.


Saalim Caliyow Ibrow

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG, Eng. Maxamuud Cali Saalax (Kaanje), ayaa sharciga Batroolka Puntland waxa uu ka soo saaray wareegta [19/3/2008] cad oo uu ku diidan yahay sharcigaas.

Toddobaadkan waxay Puntland sheegtay in ay ogolaansho ka haysto Ra'iisul wasaare xigeenka DFKMG Saalim Caliyoow Ibroow oo ay sheegtay in uu ogolaanshaha Puntland siiyey xilligii uu ra'iisul wasaraha DFKMG u ahaa Geeddi - xilli uu Nairobi ku maqnaa.

Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee DFKMG, col. Nuur Cadde, ilaa hadda wareegto rasmi ah arrimahan kama soo saarin. Sidoo kale maalmahan hadal arrimaha heshiisyadaas ku saabsan lagama maqal madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf.

[Waxaa jira warar tibaaxaya in C/laahi Yuusuf uu heshiis gaar ah oo ku saabsan in shidaal laga baaro aagga GARACAD, oo Gaalkacyo kaga aaddan jihada Bari, kula galay shirkad ay leedahay Dawladda Shiinaha oo lagu magacaabo CNOOC, lama oga heshiiskaasi meesha uu ku dambeeyey].

garacad
Garacad waxay jihada bari ka xigtaa Gaalkacyo | Sawirka GoogleEarth
xasan abshir faarax
Xasan Abshir oo gacanta ku haya buug leh calaamada CNOOC - Garowe, July 16, 2006

Waxaa beryahan hoos u dhac uu ku yimid saamiyada shirkadda Range ee Suuqa ganacsiag Australia, sida ka muuqata shaxda hoose.

saami
ISHA: http://www.asx.com.au/ | 25 mar 2008.

Waxaa la arki doonaa [wixii loo gaaro 27/3/2008] qoraarka ay Puntland gaarsiiso Range waxa ku qorraan doona iyo jawaabta ay ka bixiso DFKMG.

Qoraalka ay Range u dirtay Suuqa Ganacsiaga ka eeg halkan

  • Suuqa Ganacsiag Australia waxaa lagala xiriiri karaa HALKAN...

Gen. Cadde Muuse oo Garoowe ka dhisaya Xabsi Weyn oo Cusub...

Madaxweynaha Maamul Goboledka Puntland, Gen. Cadde Muuse, ayaa Isniin Maarso 24, 2008 waxa uu dhagax dhigay xabsi weyn oo laga dhisayo magaalada Garoowe. Xabsigaas oo ka weyn kii hore uga jirey Garoowe waxaa iska kaashanaya DGPL iyo hay'adda UNDP.

Gen. Cadde Muuse oo meeshii dhagax dhigga ka hadlay waxa uu sheegay in ay dhamaystireen xabsiyo isagoo sheegay in uu rajayanayo xabsiyada la dhisayo in ay wax ka tari doonaan nabad gelyada Puntland, isagoo arrintaas ka hadlaayeyna waxa uu yiri: "Dadka dalka dhibka u geysanaya in aan meel aan ku hayno u samayno, aad iyo aad ayaa ciidamada boolisku u shaqeeyaan, waxaana loo baahan yahay xabsiyadii lagu hayn lahaa, xabsiyadii oo dhan badi waa dhamaystiray, insha Allah waxaan rajayneynaa in ay wax ka tari doonto nabad gelyada Puntland," ayuu yiri [Dhegeyso].

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2008


"Itoobiya oo Ilaalinaysa Meelaha Shidaalka Laga Baarayo ee Puntland"?
iyo khilaaf xooggaan oo soo kala dhex galay DFKMG iyo DGPL oo ku salaysan shirkadaha ay Puntland heshiisyada la gashay iyo xeerka batroolka iyo hadallo ay is.... Akhris/Dhegeysi

caddeQoraal ka soo baxay Gen. Cadde Muuse...
ayaa shaaca ka qaaday in Puntland aysan xilligan ka mid ahayn DFKMG ilaa..... Akhri....

xaashi"Wixii xoog lagu qabsaday wax aan xoog ahayn laguma soo celiyo"..: Sidaas waxaa yiri afhayeenka Baarlamaanka Puntland, warkaas iyo Jibriil Cali Salaad (Maakhir) oo ka jawaabey hadalkii Daahir Riyaale... Akhri...

BAARID | SEARCH


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: