Wadaagga Batroolka
Dad-u-dhexeeyaha:
Deegaanka maxalliga, Nidaamka-Islaamiga, iyo Adduun-weyne
Tarjumadii:
www.SomaliTalk.com |
Email: somalitalk@gmail.com
Linkiga boggan:
http://www.somalitalk.com/oil/oil2.html
Qaybta 2aad:
Degaannada maxalliga iyo Lahaanshada Batroolka...
Qoraalkani waxa uu ku xiriirsan yahay qaybtii 1aad
Degaanka Maxalliga iyo Wadaagga Batroolka :
Nigeria, Chiapas, Amazon
Aagga ugu muhiimsan ee uu ka soo shaac baxayo batroolka wadaagga ah ee siyaasad
ahaan aan la dhayalsan karin waa gobolka Niger Delta (ee dalka Nigeria).
Aaggaasi waa ubucda sayladda adduunka. Saddex qarni ka hor gobolkaasi laga bilaabo Escarvos ilaa
Calabar[13] waxa uu ahaa meesha ugu weyn ee la isugu soo ururinjirey
dadkii la addoonsanayey ee Afrika isla mar ahaantaasna halkaas laga sii daabuli
jirey si loogu taxaabo Qaarada Ameerika. Ganacsigii addoonsigu waxa uu xilligaas
sumeeyey xiriir dhaqameedkii dadkii degaanka Delta. Maanta dadka degaanka Delta
waxa ay ku dhex lumeen shirkadaha adduunka ee shidaalka oo dadkaas sumeynaya ficil
ahaan iyo dhaqaale ahaan iyo sidoo kale dhaqan ahaanba. Waxana ay arrimahaas
kala hortageen halgan ay ku dheehan tahay geesi-nimo iyo asal-nimo, iyagoo
qaadanaya waddo siyaasadeed oo ka bilaabaneysa in la soo gudo (ama magdhaw laga
bixiyo) dhaawacii ay hore u geysteen shirkadaha batroolku, waxayna si
tartiib-tartiib ah (ama tadawur ah) isugu bedeleen ku
dhawaaqidda wadaagga batroolka dad-u-dhexeeyaha ee Delta.
Nigeria waxa uu
ka mid yahay dalalka Afrika ugu soo saarka badan
batroolka. Waxaana la rajaynayaa in gobolka Niger
Delta maalin kasta laga soo saaro labo (2) million oo
foosto oo shidaal ah.
Niger Delta, ama delta ee webiga Niger River waa
gobol ka tirsan dalka Nigeria, waana gobolka ugu
dadka badan dalkaasi. Sida ay qeexday dowladda
Nigeria, gobolkaasi waxa uu ku fadhiyaa bed dhan
70,000 Km2. Aagga Delta waxaa ku nool dad tiradooda
lagu qiyaasay 20 million oo qof kuwaas oo ka kooban
in ka badan 40 qabiil, waxana ay ku hadlaan 250
luqadood. Dadka degaankas ku dhaqan badankoodu waa
kalluumaysato iyo beeraley.
Webiga Niger River waa webiga ugu weyn dhanka
galbeed e Qaarada Afrika, dhererka webigaasi waa
4000 km (2500 miles) Waxana uu sidii qaanso ahaan u
maraa dalalka Guinea, Mali, Niger, xadka Benin,
kaddibna waxa uu dhex maraa Nigeria. Webiga Niver
River waa webiga saddexaad ee ugu dheer Afrika,
waxaa ka dheer webiga Nile iyo Congo River. Sawirka:
www.wikipedia.org |
Sheekadani
waxa ay bilaabatay horraantii sannadihii 1990-naadkii,
markii ay dadka Ogoni ay go'aansadeen in la soo gaarey
waqtigii ku haboonaa ee is-bedel lagu sameeyn lahaa arrin
muddo dheer lagu soo dagaalamayey laakiin aan si weyn loogu
baraarugsanayn, waxayna galeen halgan (falsafadeed) ay kaga soo
horjeedaan dowladda Nigeria iyo shirkadaha adduunka ee shidaalka baara, halgankaas oo
noqday mid caalamku aqoonsaday. Dadka Ogoni waa qabiil tiro ahaan aan badnayn oo
ku dhaqan dalka Nigeria (tir ahaana ka yar hal malyuun), laakiin waxa ay ku soo
dhex jireen soo saaridii batroolka ilaa bilowgiisii laga soo saaray dalka
Nigeria, waxana ka soo gaarey dhibaato xoog leh. Qaar ka mid ah reer Ogoni waxay
garwaaqsadeen in haddii ay la dagaalamaan shirkadaha adduunka ee shidaalka -- oo
iyaga marka laga hadlayo ah shidkadda Royal Dutch Shell[14]
-- si ay u helaan magdhaw, waa in ay iyaguna noqdaan kuwo caalami ah. Laakiin
sidee ayaa qabiil yar oo faqiir ah oo ku dhex nool "meel dahsoon" oo ka mid ah
Afrika ay
"isaga dhigi karaan caalami"?
Siyaasadda ku dheehan falsafada beesha waxay si xeel
ah ugu caddeeyeen kana
dhaadhiciyeen reer Ogoni in halganku uu qayb ka yahay halgan ballaaran oo adduunka oo dhan ah
oo la xiriira deegaanka, kaas oo looga soo hor jeedo shirkadaha waaweyn ee
shidaalka. Horraantii halgankii "Maya Dhiig loo Qubayo Batroolka" ee looga
soo horjeedey dagaalkii hore ee Maraykanka iyo Ciraaq, reer Ogoni waxa ay farta
ku fiiqeen in iyagana ay dhibaato ka soo gaartey faa'iidada ay heleen shirkadda
Shell iyo wershedaha Yurub iyo Maraykanka. Markaasna ayagoo garabsanaya
hoggaamiyayaashoodii, qoraagii Ken Saro-Wiwa[15], kaas oo qoraalkiisa ku kasbaday
in caalamka oo dhan laga barto, dhambaalka la gudbinayey waxa uu ahaa isku xirka kooxaha
bey'adda (deegaanka) ee daafaha adduunka.
Dhaqdhaqaaqii Badbaadada Dadka Ogoni (MOSOP)[16] waxa
uu ka qayb qaatay "dib u abaabul"
looga soo horjeedey nidaamka "keli u lahaanshada", ilaa markii
dhaqdhaqaaqaas la sameeyey reer Ogoni waxay magdhaw weydiisteen shirkadda Shell
burburkii ay u geysatey deegaankooda taas oo dulucda weydiisashadoodu ay ahayd
in si caam ah loo weydiisanayo qiime horumarineed oo la garwaaqsanayo, oo ay
bixinayaan shirkadahu meel-kasta (oo dunida ka mid ah). Sannadkii 1995 ayaa la
xiray Saro-Wiwa isla-mar ahaantaasna la daldaley asagoo lagu soo eedeeyey dacwad
been ah oo ah dilid, waxaana arrintaas fuliyey xukunkii militariga ahaa ee
Nigeria ee uu hoggaaminayey Gen. Sani Abacha -- waxa uu ahaa ficil ay shirkadda
Shell indhaha
ka rogatey. Ururka Greenpeace[17] iyo ururrada kale ee
deegaanka oo arrintaas jawaab ka bixinayey ayaa waxay sameeyeen abaabul ay ku guulaysteen oo ah in adduunka oo
dhan laga qaadacayo Shell, ayadoo laga mudaharaadayey dhiiga sida xanuunka
badan loogu bedeshey batroolka ee Nigeria iyo sidoo kale Bariga Dhexe. Ken
Saro-Wiwa waxa uu naftiisa u huray in uu reer Ogoni ku xiriiriyo dhaqdhaqaaqa
deegaan-yahannada adduunka, laakiin hab-agaasinka nidaamkiisii waxaa marar badan-oo-badan adeegsadey kooxo yaryar oo ah
beelo kale ee daafaha adduunka oo dhan.
Dhaawaca weyn ee reer Ogoni ka soo gaarey halgankoodii waxaa ka tusaale qaatay
kooxaha kale ee hubaysan ee gobolka Niger Delta, kuwaas oo aan xoogga saarin halganka
caalamiga ah, balse waxa ay xoogga ama jaaha saareen la gorgortanka shirkadaha
shidaalka iyo dowlada Nigeria, ayagoo taas ku salaynaya awoodda ay u leeyihiin
in ay hakin karaan ama curyaamin karaan soo saaridda batroolka ama dhoofintiisa.
Si kastaba ha ahaatee, kooxahaasi waxay halgan-koodii gaarsiiyeen heer cusub --
Halkii ay weydiisan lahaayeen magdhaw sidiii ay sameeyeen dhaqdhaqaaqii MOSOP,
waxa ay sheegteen in ay iyagu leeyihiin batroolka ku hoos
jira dhulkooda, kaas oo ah maal ka dhexeeya (Batroolka Wadaagga).
Sidaas daraadeed dhaqdhaqaaqa Qabaa'ilka Ijaw ee loo yaqaan MOSIEN[18] ayaa noqday
kan ugu caansan ee Delta kaddib isku daygii dhaqdhaqaaqii MOSOP. Qabaa'ilka Ijaw
waxa ay ka mid yihiin qabiilooyinka ugu tirada badan ee deggan Delta (tiradoodana
waxaa lagu qiyaasaa siddeed million), halgankooda badankiisu waxa uu diidey
rabshad-la'aanta, waxayna boorka ka jafeen calaamadihii dagaal-yahanka iyo
xusuusihii iyo waayo-waayihii hore ee ka dhexeeyey. Firqada Egbesu, summaddooda
dagaal-dhaqameed, ayaa ahayd asaaska lagu dagaal geliyo maleeshiyada da'da yar
kuwaas oo hoggaamiyayaashooda ka xoreeyey xabsiyada dowladda, oo la wareegey goobaha batroolka laga qodo, isla mar ahaantaasna afduubay shaqaalaha
batroolka.
Ururka MOSOP waxa uu markii hore ahaa mid ka soo horjeeda rabshadaha. Ken
Saro-Wiwa iyo hoggaamiyayaasha kale ee reer Ogoni waxay aaminsanaayeen in ay
caqli xumo tahay in lagu fikiro in koox beeleed oo yar ay si toos ah uga hor
tagaan Nigeria militarigeeda xoogga weyn -- kaas oo xilligaas ay hoggaaminayeen
ciidamada militariga ee dowladda. Laakiin garabka hubaysan ee reer Ijaw tallaabadaas
waa ka hor yimaadeen, inkasta oo ay soo wajahdey burburin xooggan oo kaga timid
ciidamda militariga Nigeria-- oo ay kamid ahayd xasuuqii argagaxa lahaa ee
sannadkii 1999 oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Odi oo lagu diley 2,000 qof.
Isbedelkaas xeeladaysiga (taaktikada) waxa uu su'aal geliyey taageeradii caalamiga ahayd ee
halganka reer Ogoni iyo qadiyadii uu aabaha u ahaa Saro-Wiwa ee halganka
gobolka Niger Delta.
Waxaa kale oo dhacay isbedelo muhiim ah, marka laga soo tago in loo xuub-siibto ka
hortaga hubaysan ee lagaga hortagayey dowladda iyo shirkadaha batroolka. Waxaana
isbedeladaas ka mid ah Baaqii Kaiama (ee dhallinyarada reer IJAW ee
gobolka Niger Delta ay soo saareen 11kii December 1998), kaas oo si rasmi ah u sheeganayey in
batroolka ku jira dhulka Ijaw in uu yahay maal ka dhexeeya jaaliyadda Ijaw.
Fikradaan ah in batroolku yahay maal dadka u dhexeeya ayaa noqotay arrinta salka
u ah hadalada jabhadaha hubaysan ee aagga Delta. Tusaale wanaagsan waxaa
arrintaas u ah jawaab uu weriye ka socda jariidada Financial Times uu siiyey
Alhaji Mujahid Dokubo-Asari[19] oo ahaan jirey madaxweynihii hore ee Ururka
Dhallinyarada Ijaw, haddana ah abbaanduulaha maliishiyada, mar uu weriyihu
weydiiyey immisa nin oo raggiisa ka mid ah ayaa wax ka soo qaata khadka ay
tuubooyinka shidaalku maraan, waxa uu ku jawaabey "intii aan awoodno, waa
bilaash". [ Alhaji Mujahid Dokubo-Asari waa magac uu labaxay markuu
soo Islaamay]. Waxa kale oo tusaale ah, kaddib markii uu dhacay xasuuqii Odi in
askartii weerarka soo qaaday ay derbiyada ku xardheer erayada sida: "Hadda
Batrool ayaa hesheen? Dadkii Doqomada ahaayow." (Batroolka ma idinkaa leh?
Dadkii Doqomada ahaayow.")
Arrinta kale ee siyaasadeed ee carcarta lahayd ee soo shaac baxday waxay ahayd
markii ay ururada dumarku ka qayb qaateen halgankii wadaagga batroolka
dad-u-dhexeeyaha. Dumarka qabaa'ilka Ijaw iyo Istkeri waxay soo xusuusteen
xirfadda qadiimka ah ee ah in askarta la ceebeeyo marka dumar badani ay dharka
iskaga dhigaan askarta hortooda -- habkaas oo la adeegsadey si raad loogu reebo
"dagaalkii Dumarka reer Aba" ee sannadkii 1929 ay kaga soo horjeedeen British-ka. November 2002
kaddib markii waardiyayaasha shirkad Batrool ay si naxariis darro ah u garaaceen
ayaa koox dumar ah oo deggan Delta waxa ay ku hanjabeen in "10 cisho
gudahood oo maanta ka bilaabaneysa, haddii aan la bixin lacagtii cisbitaalku
nagu daaweeyey iyo magdhaw, annagoo kooxo ah oo dhammaan dharka iska dhigay ayaan soo bixi doonaa,
albaabadooda oo keliyana ma fariisan doono'e, waxa kale oo buuxin doonaa meelaha
shidaalku u soo maro ee dhammaan Niger Delta."
Si kastaba ha ahaatee, shirkadaha batroolka iyo
dowlada Nigeria waxaa uga hanjabaad kulul kumayaal dumar ah oo dharka iska dhiga
oo soo buuxiya goobaha batroolka laga
qodo, waa xaqiiqadii dumarka ka imanaya qaybo kala duwan oo ka soo jeeda
qabiilooyin iska soo hor jeeda, kuwaas oo dhammaantood midoobaya. Kala qaybinta kooxahaas dhexdooda ayaa ah hubka ugu xoogga weyn ee
dowaladda iyo shirkadaha batroolku si ay uga fakadaan qaan-bixinta iyo aqoonsiga
jaaliyadaha gobolka Niger
Delta loo aqoonsado in ay leeyihiin batroolka ku jira dhulkooda. Xaqiiqada ah in
ay hal wax ku midoobaan dumarka ka kala imanaya qabiilooyinka kooxaha inta
baddaan is-dagaalama ee Itsekiri, Ijaw, Ilaje iyo Urhobos waxa ay muujineysaa
ugu yaraan in ay fahmeen sirta xoogga. In midowgoodu uu asaas u noqon doono
dhaqdhaqaaqa wadaagga batroolka dad-u-dhexeeyaha ee gobolka Delta waa arrin weli su'aal
ka furan tahay.
Horraantii sannadihii 1990-naadkii ayey ahayd tallaabadii ugu horeysey ee
isbedelka wadaagga shidaalka dad-u-dhexeeyaha ee gobolka Niger Delta, xilligaas waxaa
kale oo la arkay ururro dadka degaanada ah oo weydiisanaya dalabaad kuwaas la mid ah
sida Mexico, Ecuador iyo Colombia. Waxaan ognahay in waqtigaas ay Zapatista[20]
isu agasimayeen in ay noqdaan jabhad hubaysan oo laga hirgeliyo gobolka Chiapas
(Mexico), jabhadaas oo lagu
dhawaaqay Maalinita Sannadka Cusub ee 1994--Isla waqtigii uu dhaqan galay NAFTA[21]
oo ah heshiis dhaqaale oo mideeya dalalka Canada, USA iyo Mexico. Sida uu
hoggaamiyaha Zapatista, Subcommendante Marcos, marar badan farta ku
fiiqay, marka dadka dhulka asal ahaan
u deganaa ay soo jaranayaan xaabada (qoryaha) ay dabka ugu shidanayaan guryahooda
waa la xirxiraa, waana la ganaaxaa. Laakiin markii shirkadaha batroolku ay
jarayaan dhirta si ay kaynta uga banneeyaan aag ay wadooyin dhigtaan,
miinadoodana ku qarxinayaan dhirta, waxaa loogu hambalyeeyaa horumarintooda/wax-soo-saarkooda!
Laakiin sida qadartu ay ku ahaatay,
jabhadayntii-kaddib jaaliyadaha Zapatista waxaa badanaaba la dejiyey meelo u dhow ama ku dul fadhiya
dhulka shidaalku dhex ceegaago. Waxaa taas ku xigey qaraarkii "San Andres Accords"[22]
-- oo ahaa
dukumiintigii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wadahadaladii nabadda ee u dhexeeyey
jabhadda Zapatistas iyo dowladda Mexico -- waxana lagu aqoonsaday
jaaliyadaha asal ahaan dhulka deganaa. Waxaana qaraarkaas ka mid ahaa qodobka ah:
"Xuquuqda dadka, si loo qiimeeyo qorshaha dawlada dhexe iyo gobolka, si loo
qaabilo baaritaanka khayraadka dabiiciga ah ee ku jiro gobolkooda, si loo
qiimeeyo qorshahaas raadka uu ku yeelanayo dadka dhulka asal ahaan u deganaa."
Qodobkaasi waxa uu jaaliyadaha asal ahaan dhulkaas deggan siinayey awoodda codka
diidmada qayaxan (veto) ee ay saari karaan baaritaanka shidaalka, waxana uu noqday qodob
la isku mari waayey kaas oo qaraarka ka dhigay mid aan la ansixin.
Arrin taas la mid ah waxay ka dhacday dalka Ecuador horraantii sannadihii
1990-naadkii. Inkasta oo baaritaanka iyo soo saarida batroolku uu ka bilowday
kaynta Amazon ee dalka Ecuador sannadihii 1960-naadkii, haddana waqti ayey ku
qaadatay inay is abaabulaan jaaliyadihii dhulkaas degganaa ee ay saamaynta tooska
ah ku yeelatay dhikhowga[23] ay wershedeyntu u geysatey degaankooda iyo
carqaladaynta noloshii hab-dhaqankooda: Ugu horayn waxay weydiisteen in la
nadiifiyo (degaanka), isla mar ahaantaasna la siiyo magdhaw, kaddibna waxay
sheegteen in batroolku uu yahay khayraad wadaag dad-u-dhexeeye ah oo soo saaridiisa ay
ku xiran tahay ogolaanshahooda, ee aysan ku xirnayn dowladda iyo shirkadaha
shidaalka-- waxaana taas ka mid ah "Xuquuqda in ay dhehi karaan 'MAYA.'"
Xuquuqda dhehidda "MAYA" waxaa laga dhigay mid xag-jirta halganka ay dadka
reer U'wa
ee Colombia ay kaga soo horjeedeen shirkadda shidaalka Occidental Petroleum
(OXY)[24] isku
daygeedii in ay shidaal ka baarto dhulkooda bilowgii sannadkii 1993. Reer U'wa
waxa ay ku hanjabeen in ay si jamac ah naftooda u dili doonaan haddii dhulkooda
(oo ay aamminsan yihiin in uu yahay dhul muqas ah) ay shidaal ka qodo shirkadda
Occidental Petroleum, oo ay dawladda Colombia u
ansixisay heshiiska lahaanshada xuquuqda shidaalka looga baarayo dhulka U'wa.
Shirkadda batroolku waxa ay ku qiyaastay in halkaas ay ku jiraan in ka badan hal
billion oo foosto oo batrool ah, taas oo ay aad u danayneysey in ay qiyaastaas
xaqiijiso. Laakiin isku darka dacwado madani ah oo ka dhacay maxkamadaha Colombia
iyo kuwo caalami ah, xeerarka saamiyada, mudaharaadyo lagu hor dhigay
xafiisyadooda California iyo guriga agaasimaha guud ee shirkadda oo ay
sameeyeen dadka reer U'wa iyo jaalkood -- iyo weliba hanjabaada ah in gebi ahaanba
jaaliyadda U’wa ay is khaarijin doonaan -- hadana si ay ku dhacdayba si layaab
leh ayey shirkadu "u qarisay" qodista shidaalka oo ay gaartey. Kaddib shirkadda
Occidental Petroleum iyadoo aan samayn isku dayga labaad oo ah nidaamka caadiga
ah ee la maro marka shidaalka la qodayo ayey iskaga baxday dhulka reer U'wa.
Arrin aan lala yaabin waxaa noqotay in markii ay shirkada
Occidental ku guul
daraysatay in ay dhex jibaaxdo iska caabinta reer U'wa in ay ku xigtey shidaal
baaristii ay samaysay shirkadda Ecopetrol[24] oo ah shirkad ay
leedahay dowladda Colombia -- taas oo ay ka hor timid iska caabin lamid ah iyo guul darro la
mid ah (tii ay la kulantay shirkadii hore Occidental).
Reer U'wa waxay ka mid yihiin in badan oo kunool degaanno maxalli ah ee daafaha
adduunka, kuwaas oo ka hanqal dheer (ama ka gudbey) in ay si gacan hoorsi ah u
weydiistaan magdhaw laga siiyo shirkadaha Batroolku dhibaatada ay geystaan marka ay
soo saarayaan shidaalka. Kororka jilayaasha aan ahayn
shirkadaha waaweyn ama dowladda, kuwaas oo sheeganaya
laahaanshada jaaliyadeed ee batroolka waa arrin aad u xiiso badan, waxana ay
raad la taaban karo ku yeesheen baaritaanka shirkadaha (wershedaha) shidaalka.
Gaar ahaan arrintani waxay run tahay ku baahidda (fiditaanka) shidaal baarista
ee "geesaha"-- aaggaga markii hore ka fogaa xudunta dhexe ee wershedaha
shidaalka. Waa halkaas meelaha xaqiiqo ahaan ay shirkadaha batroolku si
joogto ah ugala kulmaan dad ka hor imanaya, dadkaas oo weli aaminsan dareenka
lahaanshada (wadaagga/dad-u-dhexeynta), maadaama ay sida caadiga ah leeyihiin maal ka
dhexeeya sida deegaanka, iyo sida ay u maarayn lahaayeenba. Arrintaas cawaaqibkeedu
waxa uu noqday in dowladda iyo xeerarka sayladaha (suuqyada) ee lahaanshada batroolku ay is
herdiyaan iyaga iyo dhawr dersin oo ah dhaqdhaqaaqyo maxalli ah
iyo jaaliyado yaryar, kuwaas, oo marka ay ku midoobaan daafaha dunida, ay ka
bilaabaneyso raad ay ku reebayaan xaaladda sharciyeed ee lahaanshada batroolka.
Akhri qaybta 3aad: oo ku saabsan
"Nidaamka
Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Morocco ilaa Indonesia."
Talo, tusaalayn, iyo xog la xiriirta shidaalka ee
looga faa'iideynkaro ummaadeena, fadlan kusoo hagaaji:
somalitalk@gmail.com
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Nov 26, 2006
Fure/Tixraac:
[13] Escarvos & Calabar: Waxa ay ka tisan yihiin gobolka lagu magacaabo Niger Delta
ee dalka Nigeria, halkaas oo ahayd meeshii la isugu keni jirey dadkii
addoonsiga looga soo kaxaystay qaarada Afrika, kaddibna halkaas laga sii
dhoofin jirey si loo geeyo qaarada Ameerika.
[14]
SHELL : Shirkadda SHELL (oo ah shirkad laga leeyhay boqortooyada
Holland) waxa ay dowlada Nigeria la gashay wadaag ah "joint venture" oo
shidaalka lagag abaarayo dalka Nigeria. Sannadihii 1990-naadkii, Ken
Saro-Wiwa oo madax u ahaa ururka MOSOP ayaa waxa uu hoggaamiyey olole aan
rabshado lahayn oo looga soo horjeedey dhibaatada degaanka dhulka reer Ogoni
ee Niger Delta ka soo gaartey shirkadga shidaalka qoda oo ay k amid tahay
shirkada SHELL iyo BRITISH PETROLEUM. Bishii Janaayo 1993 ururka MOSOP waxa
ay soo abaabuleen qiyaastii 300,000 oo qof oo ah in ka badan kala bar dadka
reer Ogoni kuwaas oo isugu yimid afar meelood oo ah dhulka Ogoni, si uu ay
indhaha caalamka ugu soo jeediyaan dhibaatada dadka reer Ogoni. Sannadkaas
ayey shirkada Shell joojisey in ay shidaal ka baarto dhulka reer Ogoni. Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Royal_Dutch_Shell_Environmental , sidoo
kale eeg: http://www.shell.com/
[15] Ken Saro-Wiwa: oo magaciisa
rasmiga ahaa waxa uu dhashay October 10, 1941. Waxa uu ahaan jirey qoraa
caan ka noqday dalka Nigeria. Waxa uu ahaa fikradii ka dambeysey
dhaqdhaqaaqa la magac baxay MOSOP oo ahaa dhaqdhaqaas aan
rabshad-doon-ahaayn oo loog asoo horjeedey dhibatada ay shirkadaha shidaalku
gaarsiinayaan degaanka Ogoniland. Waxaana la abaabulay kacdoon dhan ka ahaa
shirkadda SHELL oo heshiis shidaal baaris ah la gashay dowladda. Dawladda
Nigeria oo uu markaas madaxweyne ka ahaa Sani Abacha waxay xabsiga u
taxaabtay Saro-Wiwa, laakiin waxaa la sii daayey bil ka dib. Markale ayaa
bishii May 1994 waxaa la xiray Saro-Wiwa, waxaana lagu soo oogey dacwad ah
"khiyaano Qaran", dacwadaas oo uu sheegay in wax lagu soo oogey aan waxba ka
jirin, waxana uu xabsiga ku jirey muddo sannad ah, waxaana markii dambe
dowladu sheegtay in maxkamad gar ah ay ku heshay "dembigaas". Sidaas ayaana
November 10, 1995 waxaa dal-dalaad lagu diley Ken Saro-Wiwa iyo siddeed kale
oo ka tirasanaa hoggaankii dhaqdhaqaaqii MOSOP - waxaana arrintaas loo
bixiyey "sagaalkii reer Ogoni". Ken Saro-Wiwa hadaladiisii intii uu xabsiga
ku jirey waxaa kamid ahaa: "Waxaa maxkamada saarani waa qaranka Nigeria, iyo
inta hadda xakunta iyo inta gacan siisa. Ma ahi mid ka gabada ka hor
imaanshaha caddaalad darida iyo caburinta. Militarigu arintan keligood kuma
dhaqaaqin, waxaa gacan siiyay in badan oo siyaasiyiin ah, qareeno ah, xeer
beeg ah, aqoon yahano ah iyo ganacsato, kuwaas oo dhammaantood isku qarinaya
ayagoo sheeganaya in ay hawshooda gudanayeen, waa rag iyo dumar aad uga
baqaya in ay surweeladooda ka dhaqaan kaadidooda...". Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Ken_Saro-Wiwa
[16] MOSOP: oo laga soo gaabiyey "Movement
for the Survival of the Ogoni People" waa dhaqdhaqaaqii uu asaaskeeda lahaa
Saro-Wiwa (sida kor ku xusan).
[17]
Greenpeace:
Waa urur u dhaqdhaqaaqa dhawrida deegaanka adduunka. Waxana ay
qoraal xiriir ah ka qortay xabsigii iyo dilkii Ken Saro-Wiwa. Eeg:
http://archive.greenpeace.org/comms/ken/murder.html . Tixraac:
http://www.greenpeace.org/
[18] MOSIEN: Waxaa laga soo gabiyey
"Movement for the Survival of Ijaw Ethnic Nationality" waana dhaqdhaqaaq ay
lahayeen reer Ijaw.
Alhaji Mujahid
Dokubo-Asari |
[19] Alhaji Mujahid Dokubo-Asari: oo sida
caadiga ah logu yeeraa Asari- waxa uu dhashay sannadkii 1964. Markii uu
dhamaystay dugsiga sare waxa uu galay Jaamacadda "University of Calabar"
(kulliyada Sharciga), saddex sano markii uu dhuganey ayuu sannadkii 1990
iskaga tegey isagoo aan dhamaystirin isagoo sabab taas uga dhigay in
dhibaato uu kala kulmay maamulka Jaamacada. Markale ayuu isku deyey in
waxbarashada ka dhamaystirto jaamacada Rivers State University, laakiin
dhaqdhaqaaqa uu ku jirey ayaa u suurta gelin waayey in uu dhamaysto. Markii
uu ka tegey Jaamacada ayuu Islaamay, waxana uu la baxay magaca Mujahid
Dokubo-Asari. Sannadkii 1998 markii la asaasay ururka dhallinyarada Ijaw ee
IYC (Ijaw Youth Council) waxa uu noqday madaxweyne xigeenka ururkaas, Markii
ururkaasi uu 1998 soo saaray "Bayaankii Kaiama" ee ku saabsanaa shidaalka
dhulka Ijaw in ay leedahay jaaliyadda Ijaw, markaas ayaa dowlada Nigeria
waxay bilowday in ay ururkaas cagta mariso. Asari waxa uu madaxweynaha
ururkii IYC u noqday sannadkii 2001. Sannadkii 2004 ayuu Asari waxa uu galay
kaynta si uu ula dagaalamo dowalada, waxana uu asaasay jabhadda lagu
magacaabo NDPVF (Niger Delta People's Volunteer Force), taas oo ah jabhad ka
dagaalada Delta. Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Alhaji_Mujahid_Dokubo-Asari . Websiteka
Jaamacadaha: http://www.unical.edu.ng/
, http://www.rsust.edu.ng/
[20] Zapatista: Waa urur hubaysan oo ka
jira gobolka Chiapas oo ah gobolka ugu saboolsan dalka Mexico.
Jabhaddaas magaciisa oo dhamaystiran waa: Zapatista National Liberation Army
(EZLN). Waxaana si rasmi ah loogu dhaqaaqay 1dii January 1994, maalintaas o
kubeegnayd markii uu dhaqan galay heshiiska NAFTA Eeg:
http://en.wikipedia.org/wiki/Zapatista_Army_of_National_Liberation
[21] NAFTA: Waxaa laga soo gaabiyey "
North American Free Trade Agreement" - waana heshiis dhaqaale/suuq ay ku
midoobeen dalalka Canada, USA iyo Mexico. Waana nidaam ku salaysan habka
reer Yurub ee hadda loo yaqaan midowga Yurub (European Union). NAFTA waxaa
December 17, 1992 saxiixay hoggaamiyayaasha saddexeda dal: Madaxweyne
Bill Clinton (USA), madaxweyne Carlos Salinas de Gortari (Mexico) iyo
ra'iisul wasaare Brian Mulroney (Canada), waxana uu heshiiskaasi dhaqan
galay January 1, 1994.
[22] San Andres Accords: Waxa uu ahaa
heshiis ay 16kii of February 1996 isla gaareen dowladda Mexico iyo ururka
Zapatista National Liberation Army (EZLN), heshiiskaas oo ka hadlayey
dhawrida degaanka iyo xuquuqda dadka dhulka asal ahaan u deganaa. Eeg:
http://www.globalexchange.org/countries/americas/mexico/SanAndres.html
[23] Dhikhow: (ama Dikhow) Marka uu
deegaanku, sida hawada, biyaha, iwm, ay wasakhoobaan ayaa la adeegsadaa
kelmeda dhikhow. [Deegaanku waa wasakhoobey in la yoraahdo waxaa kaga haboon
'degaankii waa dhikhoobey' taas oo macne ballaaran xambaarsan.
[24] Occidental Petroleum Corporation ("Oxy"):
waa shirkad caalami ah oo shidaalka baarta, xarunteeduna tahay Los Angeles,
USA. Eeg: http://www.oxy.com/
[25] Ecopetrol: Waa shirkad shidaalka
baarta oo ay leedahay dowladda Colombia. Eeg:
http://www.ecopetrol.com.co/english/
Sawirada: Tixraac:
http://en.wikipedia.org/wiki/Petroleum_in_Nigeria
http://en.wikipedia.org/wiki/Niger_River
http://en.wikipedia.org/wiki/Niger_Delta
Google Images.