SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALIA OIL

Ceelasha Batrool ka Laga Baaray ee Xeebaha Banaadir, Maxaa Lagu Arkay?

Abdulkadir Abiikar; London- moolkaal@aol.com

Qormadaan (oo dhammaanteed soo gaabin ah), waxaan soo qaadanaa oo kali ah Xeebta Banaadir oo aan ula jeedo sida loo yaqiinay Waayahii Sayid Barqash ee Cumaaniyiinta Reer Zanzibaar ay xukumi jireen Xeebta Banaadir. Waa Talyaaniga ka hor.  Xeebta Banaadir waxaa la oran jiray min Adale ilaa Xeebta Xamar, Marka, Baraawe, Kismayo iyo Ras Kiyambooni. Aaggaan hadda aan tilmaamay waxuu dhinaca kale ka mid yahay 6 ama 8 deeda meelood oo lagu tuhmo inuu fadhiyo (dhasheegyo dhulka gudahiisa ah) batrool ama gaas.  

Dhasheeg yada dhagax-lakabeed (sedimentary basins) oo lag yaabo inay batroolka  iyo gaaska yeeshaaan waxay kala yihiin:  

  1. Xeebta Banaadir min Adale ilaa Ras Kiyamboni
  2. Dhasheegga Luuq-Mandhera (Luq - Mandhera basin: near Somali-Ethiopian-Kenyan border.) 
  3. Dhasheegga gobollada dhexe ee Galmudug illaa Garacad iyo Ayl
  4. Dhul Saraha Nugaal min Holhol (Sool, Sanaag illaa Nugaal [Ayl])
  5. Xeebta Zaylac – Bixindule ee Waqooyiga Somalia (Gacanka Cadmeed)
  6. The Aal-Madow /Dharoor and Sagaleh Basin 

Qeexid Joolojiyeed: Dhulkaan badan kiisa wuxuu dhacaa bariga ama koofur bari ee Dhagax-Saleed ka Buur (Buur Crystalline Basement). Waxayna ka kooban tahay degmooyinkaan: Adale, Warsheikh, Muqdisho, Afgoye, Marka, Baraawa, Jilib, Jammaama, Kismayo, Bula Xaaji, Kudha, Hoola Wajeer, Badhaadhe, Buur Gaabo, Maanaraani iyo Ras Kiyamboni. 

Ceelasha Batroolka laga raadinaayay waxaa laga qoday meelahaan: 

Map label Exploration Wells Coordinates Total Depth (m) Oldest strata penetrated Year Operator
S1 Marai Asha 1 4°31΄00.0"N
47°26΄00.0"E
4,115 Middle Jurassic 1958 Sinclair
S2 El Qabobe 1 4°14΄48.0"N
47°40΄42.0"E
4,428 Upper Triassic 1980 Arco
S3 Mareg 1 3°43΄11.6"N
47°32΄05.4"E
4,303 Middle Jurassic 1982 Esso
S4 Gal Tardho 1 3°10΄00.0"N
45°50΄50.0"E
2,438 Jurassic 1967 Sinclair
S5 Duddumai 1 2°37΄14.0"N
44°53΄57.0"E
3,380 Jurassic 1960 Sinclair
S6 Warsheikh 1 2°14΄00.0"N
45°30΄00.0"E
4,101 ? 1968 Sinclair
S7 Afgoye 1 2°06΄52.0"N
45°04΄10.0"E
4,164 Jurassic 1966 Sinclair
S20 Afgoye 2 2°05΄20.0"N
45°04΄52.0"E
3,353 (?) 1985 Somali Government
S21 Afgoye 3 Vicinity of Afgoye 1 & 2 4,359 (?) 1985 Somali Government
S8 Marka 1 1°52΄21.0"N
44°53΄28.0"E
3,998 Upper Cretaceous 1959 Sinclair
S9 Qoryoley 1 1°50΄39.0"N
44°33΄16.0"E
3,518 Lower Jurassic (?) 1961 Sinclair
S10 Qoryoley 2 1°49΄43.0"N
44°33΄52.0"E
4,069 ? 1965 Sinclair
S11 Dhobey 1 1°48΄31.0"N
44°31΄29.0"E
2,122 ? 1961 Sinclair
S12 Dhobey 2 2°42΄44.0"N
44°28΄25.0"E
3,830 ? 1961 Sinclair
S13 Brava 1 1°04΄00.0"N
43°31΄00.0"E
3,810 Triassic (?) 1963 Sinclair
S14 Lag Bissiq 1 0°49΄54.0"N
41°21΄07.0"E
3,086 Tertiary 1965 Gulf
S15 Lag Dhera 1 0°29΄48.0"N
41°35΄34.0"E
2,867 Tertiary 1965 Gulf
S16 Jammama 1 0°06΄09.0"N
42°49΄13.0"E
4,126 (?) 1965 Sinclair
S17 Halimo Addey 1
(Oddo Alimo) 1
0°04΄16.0"N
42°25΄08.0"E
4,465 Tertiary 1964 Sinclair
S18 Obbe 1 0°39΄11.0"N
41°31΄07.0"E
4,865 Upper Jurassic 1982 Deutsche Texaco
S19 Kudha 1 0°56΄27.5"N
41°53΄00.8"E
4,972 Upper Cretaceous 1982 Deutsche Texaco

Ceelasha batroolka maxaa lagala kulmay?

Ceelka Sinclair Marka 1 waxaa lagala kulmay gaas cadaadin fiican leh, ka dib markii la soo dhex qoday dhagax sandstone ah oo da’ diisu tahay Eocene. Gaas ka waxaa la gaaray meel u dhexaysa 2,703 – 2,705 m iyo mar kale inta u dhexaysa 2,395 – 2,397 m; waxaana la socday biyo cusbaysan oo biir ah. Sidoo kale, ceelka SinclairAfgoye 1 oo Marka 1 waqooyigiisa ku yaalla, waxaa lagala kulmay tusmooyin gaas ah. 

Sannad kii 1999 Shirkadda Canadian ka ah oo lagu magacaabo Al Consult International waxay daraasaad ay maalgelisay Canadian International Development Agency [CIDA] waxay daraasaad dib-ujaleecid ah ku baartay ceelashii laga qoday Xeebaha Koofureed ee Banaadir. Shirkaad waxay soo bandhigtay in Xeebta Banaadir ay leedahay gaas dabiici ah dhinaca xeebta; haddii loo sii baxo dhinaca badda laga yaabo in batrool la gaari lahaa. 

Sidaas oo kalena waxaa qaba Dr. Bill St. John oo ahaa Maareeyihii Shirkadda Hunt ee Yaman, Ethiopia iyo Niger. Hadda baaris ka sameeyay batroolka Madagascar iyo Kenya. 

Gabagabo:

Xeebaha Koofureed ee Banaadir waxay lee yihiin gaaska dabiici ah dhinaca dhulka; lagna yaabee inay laga helo batrool haddii dhanka badda la qodo (offshore drilling). 

Tixraac (References):

1. Abdi Salah Hussein, 1978. Ricerche and Prospettive Petrolifere nel Bacino di Mogadishu; the Somali National University; Dept. of Geology, unpublished graduation work; Mogadishu; Somalia.

2. Agip Mineraria – Agip Somalia; 1957 – 1977. Reports; unpublished, Mogadishu, Somalia.

3. Andrews S.M., 1968; Final Reports: Sinclair Somali Oil Corporation; unpublished; Mogadishu, Somalia.

4. Barnes, S.U. (Sinclair - Somalia Oil Corporation); 1976, Geology and oil prospects of Somalia, East Africa; The American Association of Petroleum Geologists Bulletin [AAPG]: Vol. 60, No. 3 (March 1976). pp. 389 – 413; 10 fig. and 3 tables

5. Beltrandi M. and Pyre A. , 1973; Geological Evolution of Southwest Somalia in Blant, G., ed., Sedimentary Basins of the African Coasts; Part 2- South and East Coast: Paris; Association of African Geological Surveys; p. 159 – 178.


6. Coffin, M.F., and Rabinowitz, P.D., 1988, Evolution of the conjugate East African-Madagascan margins and the Western Somali Basin, Geological Society of America Special Paper, published by Geological Society of America, vol. 226, p. 78.

7. Coffin, M.F., and Rabinowitz, P.D., 1982, Multichannel seismic transect of the Somali continental margin, Proceedings of the Offshore Technology Conference, Houston, Texas, Report OTC, vol. 4259, p. 421-428.

8. Do Toit, S.R. and Slind, O.L. (Al-consult Int.); Hydrocarbon potential of the East Africa continental margin (from Somalia to South Africa), Offshore Journal; v.59, no.2; 1999.

9. Kamen-Kaye, M and Barnes, SU; 1978, Exploration outlook for Somalia, coastal Kenya and Tazania: Oil and Gas Journal; July 24, 1978; p. 80 – 246.

10. Lyons P and Beninson A.; 1960. Somalia: Geological and geophysical report; Sinclair Somali Corporation; unpublished, Mogadishu.

11. Michael J. Brady; Harms & Brady, Inc. Exploration History and Hydrocarbon Potential of Somalia; Presentation for Kansas Geological Society: Technical talk 2002.

12. Michael J. Brady et al. The Hydrocarbon Potential of Somalia; 1989. Unpublished. Ministry of Water and Mineral Resources. Mogadishu, Somalia

13. Mohamud Arush, Andrew Miall and Schalk Du Toit. Petroleum potential of Somalia. Canadian Society of Petroleum Geologists; Rock the Foundation Convention 2001; Abstracts June 18 -22, 2001.

14. Rabinowitz, P.D., Coffin, M.F., and Falvey, D.A., 1982, Salt diapirs bordering the continental margin of northern Kenya - southern Somalia, Science, vol. 215, p. 663-665.

15. St. John, Bill, 2005, Eastern Africa Offshore; 25th Annual GCSSEMP Foundation Bob F. Perkins Research Conference, Dec. 4-7, 2005, Houston, TX, USA

Abdulkadir Abiikar
London; moolkaal@aol.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2007

::: Shirkadaha Heshiisyadii Hore ee Shidaal Qodista La Galay Dawladda Soomaaliya ka hor 1991..

::: The history of hydrocarbon [oil & gas] exploration activities in Somalia 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH