Gen. Cadde Muuse: Puntland Kama Tirsana DFKMG ilaa laga samaynayo Dastuur
Federaal ah...
Qoraal
uu [Maarso 22, 2008] soo saaray madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
(DGPL),
Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) oo cinwaankiisu yahay "Tub-Raaca
Siyaasadda Dawladda Puntland" [oo ay faafisay Warbaahinta Xafiiska
madaxtooyada Puntland] ayaa si qeexan u sheegay in Puntland
aysan xilligan ka mid ahayn Dawladda Federaalka Ku-Meel Gaarka ah (DFKMG) iyo in
Puntland u madax bannaantahay Shuruucdeeda ilaa laga helayo dastuur ay yeelato
DFKMG.
Waxana uu Gen. Cadde Muuse hadalka u dhigay sidan: "Inta laga helayo dastuur
federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad goboleedyo ku qanacsan
qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda
Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay
DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo
daneheeda."
Qoraalka
Gen. Cadde Muuse ayaa kusoo beegmay laba maalmood kaddib [19/3/2008]
markii qoraal ka soo baxay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta DFKMG, Eng.
Maxamuud Cali Saalax (Kaanje) uu ganafka ku dhuftay sharciga Batroolka ee
Puntland, isagoo yiri: "Waa arrin aan la ogolaan karin in Dawlad Goboleedka
Puntland oo ah laf-dhabarta Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ay si bareer
ah ugu tacadido xeerka u yaal XFKMG ee Soomaaliya, kaas oo si cad u qeexaya
awoodda ay kala leeyihiin Xukuumadda FKMG iyo Dawlad goboleedyada.
Awoodahaas oo sheegaya in khayraadka dabeeciga ah, sida batroolka,
macdanta, iwm ay yihiin hanti qaran masuulna ay shacabka uga tahay Xukuumadda
FKMG ee Soomaaliya; ayna tahay awoodda iyo masuuliyadda XFKMG, in ay u
dajiso siyaasad iyo sharci lagu maamulo si looga faa'iideeyo
dhammaan shacabka Soomaaliya."
Maamulka Gen. Cadde Muuse waxa uu hore ugu hanjabey haddii DFKMG ay soo
"farageliso" arrimaha Batroolka Puntland in markaas DGPL ay ka go'i doonto
DFKMG. Waxaana jira dastuur cusub oo Puntland
samaysaneyso (oo aan weli la ansixin) kaas oo u muuqda mid arrintaas go'i-taanka
u gogol dhigaya.
Weli ma jiro war sugan oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha DFKMG, col.
Nuur Cadde, oo ku aadan hadalka cusub ee madaxweynaha DGPL ku sheegay in aysan
ka mid ahayn DFKMG iyo weliba dastuurka cusub ee ay samaysaneyso Puntland.
Xaashi
Dalmar |
Sharciga
batroolka ee [19/3/2008] ay u codeeyeen Golaha Wakiillada Puntland [oo
codkii noqday barbar dhac 21-21], ayaa
muran weyn dhaliyey. Xildhibaannada Puntland qaarkood waxay ku doodayaan in
guddoomiyaha baarlamaanku uu jebiyey xeer hoosaadka Baarlamaanka Puntland.
Waxaana jira warar soo baxaya oo tibaaxaya in qaar kamid ah Golaha Wakiilladu ay
qorshaynayaan in Baarlamaanka la hor keeno mooshin (cod-bixin) xilka looga qaadayo
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Axmed Cali Xaashi, maadaama, ayey
yiraahdeen, uu jebiyey xeer
ku qoran dastuurka. Waxa wararku tibaaxeen in arrintaas xil ka qaadista ay baaqan karto oo
keliya haddii Guddoomiyihu uu ka noqdo ansixintii sharciga Batroolka oo uu
baarlamaanka kusoo celiyo si markale looga doodo.
Arbaca, June 21, 2006 ayey ahayd markii Golaha Wakiilada Puntland ay
xilkii ka qaadeen guddomihii hore ee Golaha Baarlamaanka DGPL, Cismaan
Dalmar Yuusuf, kaddib markii cod bixin loo qaaday. Xilkaqaadistaasi waxay
timid kaddib markii 7 xubnood oo ka tirsan baarlamanka DGPL ay soo
gudbiyeen mooshin xilka looga qaadayo guddoomiyahii hore. Arrimaha loo
sababeeyey in xilka looga qaaday Cismaan Dalmar
Yuusuf waxaa ka mid ahaa: in uu ku tagri falay shaqadii guddoomiya-nimada
baarlamaanka isla markaana uu ku dhex milmay golaha xukuummada (dawladda),
buriyayna qodobo ka mid ah dastuurka iyo in uu lug wayn ku lahaa hawsha macdan
baarista/khayraadka deegaanada Puntland iyo qodobbo kale. Muddo bil ah kaddib
ayaa July 20, 2006 waxay baarlamaanka
Puntland guddoomiye u doorteen Axmed Cali Xaashi (oo helay 32 Cod), waxaana
maalintaas golaha fadhiyey 61 kamid ah 66-ka ay ka kooban yihiin golaha
wakiillada Puntland.
Qoraalka [22/3/2008] ee Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, soo saaray waxa uu si gaar ah ugaga hadlay siyaasadda Puntland, siyaasadda
Heer-Qaran iyo beesha Caalamka, waxana uu u qornaa sidan:
TUB-RAACA SIYAASADDA DAWLADDA PUNTLAND
Sabti, Maarso 22, 2008 | English Version read here Garowe, Puntland: Nuxurka siyaasadeed
ee Dawladda Puntland (DP) wuxuu u taagan yahay saddex arrimood oo lagama
maarmaan ah:
Tan kowaad, in degaanka Puntland ka badbaado colaadaha sokeeye oo ka dhasha
maamul la’aanta iyo is-herdiga kooxo siyaasadeed oo u kala adeegaya dana
gurracan;
Tan labaad, in ay wax ka baadi-goobto dib-u-yagleelidda dawlad dhexe oo
Soomaaliyeed oo ku salaysan hannaan federaal ah, kaasoo ah habka keliya oo
lagaga sabata-bixi karo awood meel keliya ku urursan iyo kala-googo’ iyo
Tan saddexaad, in ay beesha caalamka la kaashato xal-u-helidda mushkiladda
Soomaaliya guud ahaan iyo dib-u-dhiska iyo horumarinta degaanka Puntland gaar
ahaan.
Qaybaha soo socda ee murtida qoraalkanu waxay shaaca ka qaadayaan tub-raaca
Dawladda Puntland ee ku kala aaddan xaaladda gudaha Puntland, siyaasadda heerka
qaran iyo sida beesha caalamku gacan uga geysan karto labadaas arrimood.
Puntland
Tan iyo markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii ilaa
bartamihii sannadkii 2006, waxaa Puntland ka jirey nabad, xasilooni iyo horumar
dhaqaale marka dalka intiisa kale loo eego. Waxaa ayaandarra ah in waayahaan
dambe ay Puntland soo food-saareen qalalaase kaga yimid koonfurta iyo gobollada
woqooyi galbeed Soomaaliya. Dhinaca koonfurta, xoogaggii Maxkamadaha Islaamiga
ku magacawnaa iyo xag-jiriinta Al-Shabaab baa waxa ay u soo kaba-gashadeen
duullaan xukun-doon ah iyo falal argagixiso oo ay la soo beegsadeen Puntland
iyagoo si gurracan ugu been-abuuranaya diinta Islaamka ee muqaddaska ah. Waxaa
dhulka Puntland marin ka dhigta dhallinyaro badan oo ka yimaada Muqdisho iyo
koonfurta Soomaaliya oo u gudba woqooyi galbeed, dabadeedna ku soo laabta
Puntland oo gabood-fal ka geysta. Dhinaca woqooyi galbeed, waxaa weerarro
hubaysan oo is-daba-joog ah Puntland ku soo qaaday Maamulka Hargeysa oo 15kii
Oktoobbar sannadkii hore ku qabsaday magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas
Caanood una sii tafa-xaydanaya dhul-ballaarsi kale.
Labadaas arrimood waxa ay kala dhantaaleen dadaalkii Puntland ugu jirtey
hirgelinta barnaamijka maamul-wanaagga iyo dhaqaalihii awalba koobnaa ee jirey.
Iyadoo ay jiraan dhibaatooyin baahsan oo kulligood u baahan wax ka qabasho,
waqtigan la joogo Dawladda Puntland waxay halkan ka caddayneysaa in ay dardar
gelineyso fulinta waajibaadyada dastuuriga ah una kala hor-marineyso sida ay
mudaanta u kala leeyihiin:
1. Soo-celinta gacan-ku-haynta magaala-madaxda gobolka Sool ee Laas Caanood iyo
kafaala-qaadidda difaaca dhammaan xuduudaha Puntland;
2. Adkaynta ammaanka gudaha;
3. Sii-ambaqaadidda hirgelinta maamul-wanaagga iyo
4. Dhammaystirka geeddi-socodka dimoqoraaddiyadda Puntland.
Taliska Daraawiishta Puntland oo dib-u-habayn lagu sameeyey wuxuu ku hawllan
yahay tayaynta iyo dhismaha ciidan hanan kara difaaca dalka. Dawladda Puntland
waxay wasaarad cusub u aasaastay arrimaha Amniga Gudaha taas oo u xil-saaran
ka-hortegidda fal-dembiyeedyada iyo gacan-ku-dhigidda dembi-falayaasha. Waxa
xukuumaddu u hurtay amniga gudaha 5% miisaaniyad ka baxsan saamigii ay hey’adaha
ammaanka guduhu ku lahaayeen miisaaniyadda caadiga ah. Dawladda Puntland waxay
kaloo fiira gaar ah u yeelaneysaa xoojinta Garsoorka iyo Ciidanka Asluubta oo
lama huraan u ah u-hoggaansanaanta sharciga iyo helitaanka caddaaladda.
Dhinaca maamul-wanaagga, waxaa xusid mudan aasaasidda Guddiga Shaqaalaha Rayadka
ah ee Dawladda (Civil Service Commission) oo ay hey’adda UNDP gacan ka siineyso
sidii shaqaalayntu u noqon lahayd mid ku timaadda baahida dhabta ah ee maamulka
iyo mutaysi, si wax-soo-saarku u kordho, taas oo xukuumaddu u aragto tallaabo
weyn oo hore loo qaaday. Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Xiriirka
Caalamiga ah oo dhinac ah iyo Bangiga Adduunka iyo UNDP oo dhinac ah waxay in
mudda ah wadeen qiimayn la xiriirta baahida hagaajinta maamulka arrimaha
Maaliyadda iyo Lacagta, waxaana ka dhashay hindisayaal cusub oo si dhaqso ah
fulintoodu u bilaaban doonto, kuwaasoo la xiriira dhidbidda hab-maaliyadeed
casri ah oo ku abbaaran toosinta iyo casriyaynta ururinta cashuuraha, kobcinta
dakhliga, beekhaaminta kharajka, maaraynta miisaaniyadda, kontroolka lacagta iyo
hanti-dhawrka.
Dib-u-eegista dastuurka Puntland waxay mareysaa heer gabagaba ah, waxaana
Puntland, Xukuumad iyo Baarlamaanba, ka go’an in bartamaha sannadkan loo
bandhigo afti dadweyne si loogu gogol-xaaro curashada xisbiyo siyaasadeed iyo
qabashada doorashooyin xor ah.
Siyaasadda Heer Qaran
Tan iyo intii ka damabaysey dhismihii Dawladda Puntland 1dii bishii Agost
1998kii iyo 8dii sano oo ka horreeyeyba, Puntland waxay u heellanayd kana
qayb-qaadaneysey dib-u-heshiin dhexmarta dadka Soomaalida iyo soo-celinta dawlad
Soomaaliyeed. Waxaa laga wada dheregsan yahay kaalintii firfircoonayd ee ay
Puntland ka gashay Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta oo ku dhammaday dhismaha
Dawladda Federaalka Ku-Meel Gaarka ah (DFKMG). Sidoo kale, Puntland waxay
taabba-gelinta dawladda u hurtay dhaqaale iyo cudud.
DFKMG ah isla markii ay hanatay xafiiskaba waxaa la kowsadey kala-qaybsanaan
hey’adihii dawladda iyo is-qabad dhex-galay mas’uuliyiintii xilalka ugu sarreeya
hayey. Waxaa iyana jirey diidmo kaga timid xoogag ka soo horjeeda mabda’a lagu
soo dhisay dawladda.
Is-biirsiga arrimahaasu wuxuu DFKMG ah geyaysiiyey in ay gudan kari weydo
xilalka muddada ku-meel gaarka ah sida sugidda nabadda iyo xasilloonida,
dib-u-heshiisiin, diyaarinta dastuur federaal ah iyo hirgelinta hannaan federaal
ah. Inkastoo ay intaasu jirto, muddadii xukuumadda FKMG ahna in yari ka harsan
tahay, dawladda dhowaan la dhisay iyo baaqii wadahadalka ee ay bixisay waxa ay
leeyihiin yididiila cusub.
Dawladda Puntland waxa ay diyaar u tahay, siina wadi doontaa, taageeridda
Dawladda Federaalka Ku-Meel Gaarka ah, waxana ay beesha caalamka weydiisaneysaa
in ay si weyn ugu hagar baxaan si ay u gudato waajibaadka xilliga ku-meel gaarka
ah inta ay ka gaadho.
Dawladda Puntland oo mar kale ku celineysa in dib-u-yagleelidda dawladnimada
Soomaaliya ay tahay waajib waddani ah oo aan ka-daalis mudnayn, waxay goosatay
in ay faahfaahin dheeraad ah sida soo socota uga bixiso siyaasadda qaran ee ay
higsaneyso:
(1) Puntland waxaan sina loo soo marin doonin hannaan dawladeed oo taladu ku
urursan tahay dawlad dhexe, gobollada iyo degmooyinkuna yihiin kuwa jideeya
awoodaha dawladdaas oo keliya - hab dawladeedka qaabkaas ahi wuxuu dadweynaha
baday in ay ka takoornaadaan talada dalka, aakhirkiina wuxuu horseeday burbur
dawladeed;
(2) Puntland ma aqoonsana mana aqoonsan doonto in baadi-goobka xal dawlad dhexe
oo Soomaaliya yeelato loo maro afkaarihii gumeysigii reer Yurub ku qaybsadeen
dalka Soomaaliya taas oo ay beddeshey midowgii iyo dhalashadii Jamhuuriyadda
Soomaaliya iyo dastuurkii Jamhuuriyaddaas oo ummadda Soomaaliyeed ku ansixisay
afti dadweyne 1961kii iyo
(3) Inta laga helayo dastuur federaal ah oo loo dhan yahay iyo dhismaha dawlad
goboleedyo ku qanacsan qaybsiga awoodaha iyo khayraadka, taageerada Dawladda
Puntland u hayso DFKMG ah sina looguma qaadan karo in ay Puntland ka mid tahay
DFKMG ah - Puntland waa u madax bannaan tahay shuruucdeeda, siyaasaddeeda iyo
daneheeda.
Beesha Caalamka
Dawladda Puntland waxay mahadnaq ballaaran u celineysaa beesha caalamka oo
hawlohoodu qayb libaax ka cayaaraan daryeelka iyo gargaarka dadka tabaalaysan
iyo kuwa bara-kacay ee gudaha iyo kuwa ka yimaada gobollada kale ee Soomaaliya
iyo dalalka deriska ah, arrimaha bulshada gaar ahaan caafimaadka, waxbarashada
iyo biyaha iyo qaybo kala geddisan oo baahiyi ka jirtey. Taageerada
deeq-bixiyayaasha, hey’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa caalamiga ah la’aantood
Puntland ma awooddeen in ay meelo badan iska daboosho.
Waxaan shaki ku jirin in ay beesha caalamku isku taxalujisay Soomaalida
heshiisiinteeda, kaalmaynteeda iyo sidii ay dawladnimadoodu cagaha isugu taagi
lahayd. Abaal weyn ayey dadka iyo dawladda Puntland ugu hayaan beesha caalamka
dadaalkaas, waxana ay ku sii adkayneysaa in ay qiimayntooda ku xoojiyaan
qodobbada soo socda:
1. In ay ku baraarugto inta ay le’eg tahay baaxadda mixnadda ka taagan
Soomaaliya iyo cawaaqib-xumada ay ku yeelan karto Geeska Afrika, lana timaaddo
hal-abuur iyo ajende muddada kala-guurka loogu gudbi karo hab federal ah oo
dimoqoraaddi ah oo wax kala haga;
2. In ay sii wadaan habka saddex-qayboodka ah oo ay iskaashiga iyo taageerada
ula wadeen qaybaha Soomaaliya ka kooban tahay oo ah Puntland, Somaliland iyo
South-Central/TFG.
3. In ay mowqif midaysan ku wajahdo xaaladda Soomaaliya;
4. In ay ka fuliso Soomaaliya casharadii waxtarka yeeshay ee laga bartay dalalka
soo maray dhibaatooyin la mid ah kuwa Soomaaliya, iyagoo tixgelinaya talooyinka
waxgaradka Soomaalida ay ka dhab tahay xal-u-helidda Soomaaliya iyo
5. In ay Puntland diyaar u tahay soona dhowayneyso maal-gashi caalami ah
dhinacyada kala duwan ee khayraadka badda, berriga iyo hawada.
Ugu dambayntii, Puntland, dawlad iyo dadweyneba, waxa ay ka digeysaa in laga
feejignaato taageeridda damaaciga dhinac ka mid ah dhinacyada Soomaaliya, taas
oo 17kii sano oo la soo dhaafay ahayd caqabadda ku gudban xal-u-helidda
dhibaatada Soomaaliya.
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Somaliya
Xigasho: Warbaahinta Xafiiska madaxtooyada Puntland
Daahir Riyaale oo Magacaabay Gobollo iyo Degmooyin Cusub...
Maarso 22, 2008: Hargeysa: Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Daahir
Riyale Kaahin, ayaa [22/3/2008] soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay
16 Degmo iyo 6 Gobol oo cusub, kuwaas oo kala ah:
Gobolada Cusub iyo magaalo Madaxdooda:
- Gobolka Gabiley oo magaalo madax ay u noqonayso GABILEY
- Gobolka Badhan oo magaalo madax u noqonasyo BADHAN
- Gobolka Buuhoodle, oo Magaalo madax u noqonasyo BUUHOODLE
- Gobolka Salal, oo magaalo madax u noqonayso SAYLAC
- Gobolka SARAAR oo magaalo madax u noqonayso CAYNABO
- Gobolka Oodweyne oo Magaalo Madax u noqonaysa Oodweyne
Degmooyinka Cusub iyo Gobolada ay ka tirsanaan doonaan:
- Degmada WAJAALE, Gobolka GABILEY
- Demgada WIDH-WIDH, Goblka Buuhoodle
- Degmada QORULUGAD, Gobolka Buuhoodle
- Degmada GO’DA WEYN, Gobolka Saaxil
- Degmada HARASHEEKH, Gobolka Oodweyne
- Degmada RAYDAB KHAATUMO, Gobolka Oodweyne
- Degmada GARBA DADAR, Gobolka SALAL
- Degmada BOON, Gobolka SALAL
- Degmada XARIIRAD, Gobolka SALAL
- Degmada LAASCIIDLE, Gobolka Saaxil
- Degmada WAR-IDAAD, Gobolka SARAAR
- Degmada CEELAL, Gobolka SARAAR
- Degmada WAR-CIMRAAN, Gobolka Togdheer
- Degmada MAGAALO CAD, Gobolka Awdal
- Degmada KAL-BAYDH, Gobolka Sool
- Degmada XAAJI-SAALAX, Gobolka Oodweyne
Daahir Riyaale waxa uu markii hore maalinnadii (22/3/2008)
soo magacaabay 14 degmo, laakiin isla fiidkii ayuu kusoo daray
labada degmo oo kale oo kala ah Degmada KAL-BAYDH oo kamid
noqoneysa Gobolka Sool [una dhow Laascaanood] iyo Degmada
XAAJI-SAALAX oo ka mid noqonaysa Gobolka Cusub ee Oodweyne
[markii horese ka tirsanayd Gobolka Sool].
Puntland oo ka Jawaabtey Gobolladii ay Samaysay Somaliland...
Madaxweyne-ku-Xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud "Afqurac" ayaa [23/3/2008]
waxa uu warsaxaafadeed ku magaalada Garowe kaga jawaabey wareegtadii
[22/3/2008] ka soo baxday Daahir Riyaale ee uu kusoo magacaabay gobollada.
Xasan Daahir waxa uu si gaar ah digniin uga muujiyey gobollada uu soo
magacaabay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin (ee Deegannada
Badhan iyo Buuhoodle [Cayn]). Afqurac oo arrintaas ka hadlaayey waxa uu xusay:
“Waxaa gobollo uu isagu (Daahir Riyaale) magacyo ula baxay xaggiisana ka taasi
wax ka jira ma jiraan , waxayna soo kordhineysaa buuq iyo isku dhac cusub iyo
degaano cusub oo colaadii hore oo jirtey wax kusoo kordhiya." [Dhegeyso
mp3]
Xasan Daahir waxa kale oo uu ka hadlay arrimaha la xiriira khayraadka
dabiiciga ee Punltand iyo sharciga ay Puntland u samaysay. Waxaa uu sheegay in
Puntland ay lashaqayneso DFKMG, laakiin in DFKMG laga rabo in marka hore ay isku
xirto gobolada dalka. Balse hadda la joogo ay Puntland sharcigaas fulineyso ilaa
laga gaarayo xilli ay DFKMG ay dalka oo dhan maamusho. Waxaa arrintaas sharciga
batroolak Puntland si xoog leh uga soo hor jeeda DFKMG. [Akhri
khilaafka soo kala dhexgalay...]
Maarso 22, 2008: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf Axmed ayaa kusoo
laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii uu safar ku tegey dhawr dal oo ka mid
ah Qaarada Afrika, sida dalka Sinigaal oo uu kaga qayb galay shir ay yeesheen
dalalka Islaamka. Markii uu soo gaarey Garoonka Muqdisho waxaa halkaas ka qaaday
gawaarida qafilan ee ciidamada AMISOM, kuwaas oo geeyey Xarunta Madaxtooyada
iyadoo aad loo ilaalinayey jidka isku xira Garoonka iyo Villa Somalia. Faafin: SomaliTalk.com | March 22, 2008 |