C/Laahi Yuusuf Saxiixii Looga Waayey Garoowe iyo Nairobi ma Lagaga Heli Doonaa
London...
- Faalladii SomaliTalk.com | April 26, 2008
Waxaa isku maalin (April 24, 2008) ka soo safray Afrika iyo Woqooyiga
Ameerika madaxweynaha DGPL Gen. Cadde Muuse iyo madaxweynaha DFKMG col. Cabdillaahi
Yuusuf si ay ugu kulmaan magaalada London ee dalka Ingriiska. Kulankaasi waxa
uu dhacay Sabti April 26, 2008.
Wararka ugu horreeya ee ka soo baxaya kulanka col. Yuusuf iyo Gen. Cadde ee
London ayaa tibaaxay in uu ku saabsanaa arrimo la xiriira Ammaanka Puntland iyo
arrimaha Batroolka Puntland iyo shirkadaha heshiiska la galay DGPL.
Waxaana wararku tibaaxeen in ay qorshaynayaan (Yuusuf & Cadde) in ay la kulmaan
xubno ka socda shirkadaha
sheegay in ay Batrool ka baarayaan Puntland oo hadda ku sugan London, gaar ahaan
shirkadda Range.
col. Yuusuf iyo Gen. Cadde waxay April 24, 2008 ka duuleen
Maraykanka iyo Afrika
si ay ugu kulmaan magaalada London ee dalka UK. Kulankaas oo dhacay 26/4/08
Warar laga helayo ilo wargal ayaa muujiyey in Gen. Cadde Muuse uu doonayo in
C/laahi Yuusuf Axmed uu shirkadahaas u saxiixo heshiiska ay Puntland la gashay, inkasta
oo col. Yuusuf uu arrintaas si cad u diidey dhawr jeer oo hore oo ay kulamo u dhex mareen.
Markii ugu horeysey oo uu saxiixaas diido waxay ahayd July 16, 2006
xilli uu C/laahi Yuusuf
booqasho ku tegey magaalada Garoowe halkaas oo ay ku sugnaayeen xubno ka socdey
shirkadaha doonayey inay helaan saxiixiisa. Markii Yuusuf la kulmay xubnaha ka
socdey shirkadda
heshiiska sahaminta la gashay Puntland waxa uu weydiiyey in ay iyagu shidaalka
sahamiyaan ama qodaan, markii ay ugu jawaabeen maya ee waxaan raadineynaa
shirkado kale oo qoda, waxa uu ugu jawaabey annaguba waa raadsan karaa
dallaaliin. Waxana Yuusuf uu markaas diidey in uu wax heshiis ah u saxiixo
shirkadda Range Resources.
Xilligaas
wixii ka dambeeyey dadka u dhow waxay sheegaan in col. Yuusuf uusan ku
qanacsanayn heshiiska ay Puntland la gashay shirkadahaas.
Garoowe July 2006: C/laahi Yuusuf oo koox ka socotey Range u
sharxayey
khariidada Somaaliya, gaar ahaan aagga Dooxada Nugaal iyo Dharoor....
Xilligaas C/laahi Yuusuf waa diidey in uu saxiix siiyo shirkaddaas...
April 12, 2008
ayey ahayd markii uu col. Cabdullaahi Yuusuf ka soo dhoofay Muqdisho oo uu
gaarey Nairobi isagoo kusii
jeeedey New York ee xarunta Qaramada Midoobey. Waxaa markaas garoonka Jomo Kenyatta
ee Nairobi kaga horyimid Gen. Cadde
Muuse oo isaguna habeenkaas (April 11, 2008) yimid Nairobi isagoo ka soo duulay
Addis Ababa (oo uu tegey
Maarso 30, 2008). Markaas waxaa kulan gaar ah dhex maray Col. Yuusuf iyo
Gen. Cadde Muuse, kulankaas waxaa ilo wargal ah tibaaxeen in Yuusuf diidey in uu
saxiixo heshiiska ay Puntland la gashay shiradaha Batroolka. [Waxaa xusid mudan
in Gen. Cadde Muuse markii uu yimid Nairobi ka hor intii uusan la kulmin Yuusuf
waxa uu la kulmay Cali Maxamed Geeddi.]
- Kulankii Nairobi kaddib, col. C/laahi Yuusuf waxa uu u dhoofay New York,
halka Gen. Cadde Muuse uu dib ugu laabtay Addis Ababa - markaas ayaa
waftigii Addis Ababa la yimid ay ku laabteen Puntland balse Gen. Cadde waxa
uu kusii negaadey Itoobiya ilaa uu ka aaday London oo ay markale ku kulmeen
Yuusuf iyo Cadde Muuse.
Dhanka kale waxaa muran xooggan ooxagga sharciga ah uu ka dhex taagan yahay Baarlamaanka DGPL ee Garoowe iyo
Baarlamaanka DFKMG ee Baydhabo - kun asaabsan cidda xaqa u leh in ay bixiso
heshiisyada caalamiga ah. Arrintaas oo ayaa soo shaac baxday kaddib markii
wareegto uu April 17, 2008 soo saaray
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DGPL, Axmed Cali Xaashi, uu ku muujiyey
sida uu uga soo horjeedo waxa uu ugu yeeray "talo bixintii ka soo baxday
Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee DFKMG", Sh. Aaden Maxamed Nuur (Sh.
Aaden Madoobe), "kuna saabsanayd sharciga Batroolka".
Sidoo kale waxaa xurguf
xooggani u dhexaysaa wasiirka Macdanta iyo Tamarta ee DFKMG, Eng. Maxamuud
Cali Saalax (Kaanje) oo
dhinac ah iyo Gen. Cadde Muuse & wasiirkiisa batroolka oo dhinaca kale ah.
Eng. Kaanje waxa uu si toos ah uga hor yimid heshiisyadii Puntland la gashay
shirkadaha batroolka sahamiya, arrintaas oo ay DGPL ku tilmaantay hadal uu
keligiis iska yiri oo aysan la qabin Col. Nuur Cadde iyo col. C/laahi
Yuusuf. Eedayntaan Puntland waxa uu C/laahi Yuusuf kaga jawaabey aamusnaan.
Sidoo kale waxaan arrintaas weli ka hadlin Ra'iisul wasaaraha xukuumadda FKMG oo
Eng. Kaanje ka mid yahay golihiisa wasiirada. Waxaa jira siyaasiyiin rumaysan in
Col. Nuur Cadde uusan ku dhiiran karin arrimaha Batroolka in uu ka hadlo waayo haddii
uu ka
soo horjeesto Puntland xaalku waxa uu noqon karaa in geeska lagu riixo sidii Geeddi
- oo
sababtii uu jagada isaga casiley ay asaas u ahayd Batroolka iyo shirkadaha
heshiiska lala galay.
Arrimahaas oo jira ayaa waxaa muuqatey in Col. Yuusuf isagoo weli diidan
saxiixa heshiiska Puntland iyo shirkadaha batroolka uu u dhoofay New York oo uu
gaarey April 15, 2008, halkaas oo uu kaga qayb galay kulankii
S/2008/186 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo looga hadlayey Nabadda
iyo Ammaanka Qaaradda Afrika.
Bilowga qormadan sida ku xusan, markii uu C/laahi Yuusuf ka soo dhoofayey New
York (April 24, 2008) waxaa isla xilligaas Afrika ka soo dhoofay Gen. Cadde
Muuse si uu C/laahi Yuusuf magaalada London ugu kulansiiyo shirkadaha heshiiska
la galay Puntland. Kulankii hordhaca ahaa waxa uu April 26, 2008 London ku
dhexmaray madaxweynaha DFKMG iyo madaxweyanaha DGPL. Waxaana la filayaa ayaga oo
wada jira in ay la kulmaan xubno ka socda shirkadaha heshiiska la galay
Puntland.
Haddaba,
su'aashu waxay tahay C/Laahi Yuusuf Saxiixii Looga Waayey Garoowe iyo Nairobi ma
Lagaga Heli Doonaa London oo ah meel ka durugsan qaaradda Afrika? - La arki
doonee!
Lifaaq:
Dabayaaqadii bishii Maarso 2008 markii burburka dhaqaale la soo dersey
shirkaddii dallaalka ahayd ee reer Australia (Opes Prime)
ayaa waxaa soo shaac baxay shirkadaha iyo dadka xiriirka la leh shirkaddaas,
kuwaas oo lugta la soo galay shirkadaha heshiiska la saxiixday DGPL.
(bidix) Leo Khouri , (midig)
Joseph Obeid | Sawirka: janola_crest
Xubno ka socda "Janola Crest" oo jooga garoonka Garoowe
Sawirka sare waxa uu muujinayaa qaar kamid ah ciidmada booliska Puntland iyo
dad reer Puntland ah oo la sawiran xubno ka socdey shirkadda Range Resources
(April 2006). Joseph Obeid oo sawirka ugu xiga dhanka midig, waa nin asal ahaan
ka soo jeeda dalka Lubnaan, muddo dheerna degaana Australia, xillina ka soo
shaqeeyey booliska Australia. Waxana uu ka mid yahay agaasimayaasha shirkadda
Boss Energy, waxana uu tegey Puntland isagoo ah
xoghaynta latalinta shirkadda Range Resources, sida ku cad qoraal ay Range
faafisay April 20, 2006.
Joseph
Obeid waxa kale oo uu maamule sare ka yahay shirkad lagu magacaabo "BodyGuard
Security Services" ama "Australian Protective Securiy Group" taas oo
sheegtay in sannadkii 2006 ay shirkad macdanta baarta (Range) u xilsaaratay in
ay kala taliso xagga ammaanka. Waxaa shirkaddaas ka sii farcama shirkadda lagu
magacaabo Janola Crest, taas oo ah tan tagtay Puntland, gaar ahaan
Garoowe iyo goobaha lagu tababaro ciidanka booliska Puntland.
Agaasimaha shirkadda Range Resources,
Michael Povey ayaa xaqiijiyey in Obeid uu Range ugu soo shaqeeyey
Qandaraas ahaan, sida jariidadda The AGE faafisay April 11, 2008 .
Boss Energy oo uu Obeid [Cubeyd] agaasimaha ka
yahay, waxay ka mid tahay shirkadaha ay saamanta ku burburkii dhaqaale ee
Opes Prime.
Dadka la socda arrimaha la xiriira heshiiska ay DGPL la gashay shirkadaha
sheegay in ay batrool ka baarayaan Puntland ayaa tibaaxay sababaha uu col.
C/laahi Yuusuf saxiixa u diidey in ay la xiriirto isaga oo u arka in
shirkadahaasi ay yihiin dallaaliin aan awood u lahayn in ay shidaal qodaan.
Soomaaliya: Markabkii Kalluumaysiga ee reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho
ah...
Markabka reer Spain ee 'Playa de Bakio' oo April 20,
2008 lagu afduubay Xeebaha Soomaaliya waxaa la siidaayey April 26,
2008 kaddib markii laga bixiyey $1.2 million doolar oo madax furasho ah
oo la siiyey burcaddii qafaalatay... |
Markabka kalluumiysiga Tuunada ee laga leeyahay dalka Spain oo ay saarnaayeen
26 shaqaale ah oo laga afduubay xeebaha Soomaaliya ayaa la siidaayey Sabti
April 26, 2008 kaddib markii laga bixiyey lacag madax furasho ah oo dhan
$1.2 million doolar, sida laga soo xigtey madax Soomaaliyeed.
Markabka kalluumaysta Tuunada ee 'Playa de Bakio' waxaa Axad April
20, 2008 laga afduubay meel 200 miles u jirta xeebta Soomaaliya. Shaqaalaha
markabkaasina waxay ka kooban yihiin 13 Spanish ah iyo 13 Africaan ah.
"Markabka waxaa la siidaayey 4 p.m galabnimo. Waxaana hay'adeheena sirdoonku
noo sheegeen in burcadda la siiyey lacag dhan $1.2 million, waxaana (burcadda)
lagu soo qaaday doon yar." Sidaas waxaa Reuters u sheegay Cabdisalaam Khaliif
Axmed, guddoomiyaha dekedda Xarardheere.
"Waxaa kale oo aan fahamsanahay in burcaddu ay tageen tuulada Ceel-Huur, halkaas
oo ay ka kireysteen gaari ka sii qaaday," ayuu yiri.
El-Hud (Ceel-Huur) waxay u dhowdahay Xarardheere, halkaas oo u dhow
meesha Markabka Tuunada lagu qafaashay.
Markab kuwa ciidanka badda ee Spain, Mendez Nunez, ayaa loo diray aaggaas
kaas oo markabka kalluumaysiga Tuunnada hadda usii galbinaya dhinaca jasiiradaha
Siishelis [Seychelles].
Hay'adda wararka ee AP waxay sheegtay in ra'iisal wasaare xigeenka Spain,
Maria Teresa Fernandez de la Vega, ay ka gaabsatay in markabka laga bixiyey
madax furasho. Waxayna shir saxaafadeed ku sheegtay in markabka la siidaayey.
"Markabkii waa la siidaayey, burcaddiina waxay aadeen dhanka tuulada," sidaas
waxaa yiri Cabdi Khaliif oo telefoon kula hadlay AP.
Markabka oo magaciisu yahay 'Playa de
Bakio', dherer kiisuna yahay 250-foot [76 mitir] waa markab
kalluumaysta kalluunka Tuunnada. Waxaana laga qafaashay xeebta
Soomaaliya, halkaas oo lagu haystey muddo toddobaad ku dhow ilaa laga siidaayey
kaddib markii sida Reuters sheegtay laga bixiyey lacag madax furasho ah.
Isha: Reuters, AP
Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2008 |