Khilaafka Soo kala Dhex Galay Gen. Cadde, Liibaan, Aloore iyo Shirkadda IMC
iyo Khilaaf soo kala dhex galay madaxda sare ee shirkadda Range Resources
dhexdooda...
- SomaliTalk.com | Axad, July 6, 2008
Jariidadda The West Australian ayaa sheegtay in khilaaf u dhexeeyo
agaasimaha shirkadda Range, Peter Landau iyo maareeyaha guud ee Range
Resources, Michael Povey, oo la xiriira Leo Khouri.
Gen. Cadde Muuse oo Boosaaso degdeg u tegey, Degdegna uga soo laabtay....
Khilaaf xooggan oo la xiriira shidaal baarista Puntland ayaa beryahan ka socdey
Maamul Goboleedka Puntland. Murankaas oo la xiriira cidda maamuleysa hawlaha
sahaminta batroolka ee laga wado Dooxada Dharoor.
Arrintani waxa ay si weyn u soo shaac baxday kaddib markii shirkadda sahaminta
ka wadda Dharoor ee IMC ay ogaatey in mushaharka shaqaaluha aanu sidii loogu
talo galay u gaarin, oo aysan helin
boqolkiiba 50% ama la qorshaynayo in la dhimo. Arrintaas ayaa shacabka iyo shaqaalaha reer Puntland ku
eedaynayaan Liibaan Boqor oo wakiil u ah shirkadda Range Resources. Shaqaalaha guud ee u shaqeeya shirkadda IMC waxaa lagu qiyaasay:
- 150 Askari oo ilaaliya shirkadda, (50 ka mid ah ayaa si gaar ah u tababaran),
iyo
- ilaa 60 dareewal oo is bedbedel.
Mushaharka ay shirkaddu ugu talo gashay waa:
- $500/bishiiba - Askarta Gaarka u tababaran mid kasta (waa 50 asakari)
- $300/bishiiba - Askarta caadiga ah mid kasta (waa 100 askari).
- $400/bishiiba - Dareewallada mid kasta (waa ilaa 60 dareewal).
Shirkadda IMC markii ay ka war heshay in shaqaalaha lacagtooda kala bar laga
jaro ama laga jarayo, ayey la hadashay Liibaan Boqor. Waxana uu markaas shirkadda kula taliyey
in:
- 50% (kala bar) laga jaro/la rabo in laga jaro oo Dareelada markaas la siiyo
midkiiba $200
- 50% (kala bar) laga jaro/la rabo in laga jaro oo askarta caadiga ah markaas
la siiyo midkiiba $150
Shirkadda IMC arrintaas wey ku gacan sayrtay. Si qayaxan ayeyna warkaas uga
diidey arinkaa. Lama oga in arrinkan Liibaan Muuse sameeyey uu yahay mid ay
shirkadda Range Resourses la qabto iyo in arrinku yahay mid isaga u gaar ah,
ayey isweydiinayaan shacabka reer Puntland. Arrinku
sida uu doono ha noqdee, waxay shirkadda IMC tiri hadda laga bilaabo annaga ayaa
toos u maamuleyna hawlaha shaqaalaha, taas oo Liibaan ku gacan sayray. Waxaa wararku tibaaxeen in IMC ay Liibaan
Muuse u sheegtay in uu isagu u shaqeeyo
Range Resources, balse iyagu ay u shaqeeyaan shirkadda Africa Oil oo hawsha
iyaga u xil saartay, sidaas daraadeedna uusan isagu hawlahoodu kusoo faragelin
karin. Waxaa kale oo soo shaac baxday in Wasiirka Tamarta iyo
Macadanta DGPL uu isna doonayey in hawlaha shidaalka si
toos ah isaga loogu soo wareejiyo, oo laga joojiyo Liibaan Muuse oo isaga loo
arko in uu noqday qofka
go'aanka ka gaaraya dadka la qorayo shaqada, cidda ay noqonayaan iyo weliba cidda lagala
hadlayo arrimaha aagga wax laga baarayo. Taasi Wasiirka Macdanta aad ayey uga caraysiisay.
Dad aad ugu dhow dhow wasiirka Macdanta ayaa noo xaqiijiyey in Wasiirku uu dhowr
jeer Jeneraal Cadde iyo Liiban ka codsaday in arrimaha socda lagu wareejiyo
Wasaaradiisa. Laakiin Liibaan iyo Cadde waa ay ka biyo diideen, waxaana ay mar
walba u sheegayeen in arrinka Libaan loo daayo. Arrimahaas oo jira ayaa Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland,
Maxamuud Muuse
Xirsi (Gen. Cadde Muuse) wuxuu dhex dhexaadin ahaan arrimaha aagga Dharoor ugu diray
Wasiirka Tamarta iyo Macadanta DGPL, Xasan Cismaan Maxamuud (Aloore) maalintii
Arbacada July 2, 2008.
Wasiirka Macdanta qorshihiisu wuxuu uu ahaa in wasaaraddiisu ay
noqoto tan u dhaxayneysa IMC iyo shaqaalaha, uuna dhex dhexaadiyo Liibaan iyo
shirkadda. Laakiin arrimihii uu ergada u ahaa waa u suurta geliwayeen.
Shirkadda
IMC waxay ku adkaysatay in aysan u baahnayn cid dambe oo u dhaxaysa iyaga iyo
shaqaalaha iyo weliba shacabka deggan aagga ay ka shaqaynayaan. Sida oo kale waxaa
ay ku soo cel celisey sababta keentay in dawladdu ay arrinkan gacanta ugu qaban
weydey, waxayna shirkaddu farta ku fiiqday in Liibaan Muuse uu baalmarayo Wasiirka iyo Dawaladda.
Halkaas waxaa ka soo
baxday in arrinta uusan wasiirkii macdantu waxba ka qaban karin. Qof aad loogu
kalsoon yahay oo madaxweynaha ku dhowna wuxuu noo sheegay in arrinku isugu soo biyo
shubtay in Madaxweynaha arrinka uu faraha la soo galo oo dhex dhexaadin toosa
sameeyo. Gen. Cadde Muuse markii uu ogaadey wasiirkii uu hawsha u xil
saaray in uusan xallin karayn, ayuu si deg deg ah uga ambabaxay magaalada Garoowe
oo uu ka socdo Kalfadhigii
20aad ee Golaha Baarlamaanka Puntland, iyo shirar kale oo muhiim ah.
Intii uusan ka ambabaxin Garoowe, Gen. Cadde Muuse waxa uu Arbaca July 2,
2008 shir degdeg ah Golahiisa Wasiirada ugu qabtay xarunta madaxtooyada
Garoowe. Waxaana kulankaas ay Golaha Xukuumadda DGPL ku ansixiyeen
Dastuurka Cusub ee Qabyada
ah. Dastuurkaas oo ay ku jiraan qodobbo si gaar ah u khuseeya Macdan iyo
Batrool Puntland.
Waxa uu Gen. Cadde shirka degdeg ahaa ee uu u qabtay Golahiisa Xukuumadda
ka sheegay in 'Dastuurka' loo gudbinayo Golaha Wakiilada (Baarlamaanka). Waxaa
shirkaas la soo hor mariyey hal maalin, waxaana sababta soo hor marinta sharraxaad kooban ka
bixiyey xafiiska wararka u faafiya madaxtooyada DGPL oo sheegay "Kulan(ka)
ayaa waxa uu ahaa kulankii khamiislaha ahaa oo laga soo hor mariyey xalay, ka
dib markii uu madaxweynuhu ay soo gashay safar Boosaaso ah." Sidaas ayuuna
degdeg ugu ambabaxay Boosaaso.
Madaxweynaha DGPL markii uu tegey Boosaaso waxa uu bilaabay in uu u kala dab qaado Liibaan Muuse Boqor, Wasiirka
Xasan Cismaan Maxamuud
iyo hawl wadeennada shirkadda IMC. Waxaana wararku tibaaxeen in uu Khamiis July
3, 2008 la kulmay shirkada IMC. Sidaas oo kale wuxuu Jimcihii (July 4,
2008) la kulmay Liibaan Muuse,
in kasta oo aysan caddayn waxa ay ka wada hadleen natiijadeeda iyo sida arrinta xalkeeda ay
isula meel dhigeen.
Kaddib,
Gen. Cadde Muuse si degdeg ayuu uga soo laabtay Boosaaso isagoo ku soo noqday
Garoowe. Waxana uu Sabtidii July 5, 2008 ka qayb galay shir ka dhacay
Jaamacadda PSU ee ku taal Garoowe, oo dhex maray madaxda maamulka Puntland iyo
Xubno wakiillo u ah hey'addaha Samafalka ee Qaramada Midoobay (UN). Kulankaas oo
Gen. Cadde si kulul uga
cambaareeyey hay'adaha Samafalka.
Safarka degdega ahaa ee Gen. Cadde Muuse ku tegey Boosaaso, lama oga in
qorshihiisii uu u soo hirgalay, mana jiro war sugan oo DGPL ay arrimaha
safarkaas ka soo saartay.
Dhanka kale waxaa soo if baxaya in beelaha deggan aagga Ufayn iyo guud ahaan
Uur-Caleed aysan ku
qanacsanayn qaabka loo maalulay hawl galka shirkadda
sahamintu ay ka waddo aaggaas oo ay ka dhigatay xarun tooda. Arrintaas ifafaalaheeda ugu horeeyey waxa uu soo shaac baxay
June 1, 2008 mar uu
madaxweynaha DGPL booqday kaamka ay shirkadda IMC ka dhigatay aagga Ufayn,
markaas ayaa Guddomiyaha Degmada Ufayn, Cabdullaahi Shire Maxamed, isagoo ka
hadlaayey cidda xaqa u leh in ay qorto shaqaalaha shirkadda u shaqaynaya waxa uu
goobtii uu Gen. Cadde Muuse fadhiyey ka yiri: "waxaa jira 32 qof oo gole degaan
ah oo xaq u leh inay shaqeeyaan, shaqaalaha qoraan, laga amar qaato, degmada
looga dambeeyo, xil loo saaray, qabiiladu u dhiibeen, isimadu firmeeyeen
(saxiixeen), sidaa loo sameeyey, ayagii ayaa marka xaq u leh in ay qabtaan wixii
degaanka laga qabanayo, haddana waxaan leenahay waa in iyaga laga amar qaato..
waa sheegnay, qabiilku waa qabiil guud, madaxweynuhu waa madaxweyne guud, waxay
shaqadu imaaneysaa cidda masuulka ka ah degaanka, taas madaxweyne waxaan
dooneynaa in laga amar qaado culaysna la saaro..." Dhanka kale waxaana la ogyahay in Beeldaajaha beelaha deggan aagga Ufayn,
Beeldaaje Cali Faarax, ahna isim qadarin iyo magac weyn ku leh Gobolka Bari iyo
guud ahaan Puntland, uu ka mid ahaa isimada Puntland ee Baaq ka soo
saaray Garoowe, Isniin
June 30, 2008.
Baaqaas Isimada oo ku taliyey in Puntland loo qabto "shirweyne Qaran" si loo badbaadiyo.
Qodobada ay sida gaarka ah u tilmaameen waxaa ka
mid ah "Dastuurkan qabyada ah" ee loo samayanayo Puntland oo ay ku
sheegeen in
ay "ku jiraan qodobo aan u cuntami karin reer Puntland".
Baaqa isimada waxaa si kulul uga jawaabey wasiirka Wasiirka Warfaafinta
Isgaarsiin, Dhaqanka & Dalxiiska DGPL C/raxmaan Max’ed Saalax (Bankax),
oo warsaxaafadeed uu soo saaray
July 2, 2008
ku sheegay "In aanay jirin go’aanno uga yimid Isimada Puntland," isagoo intaas
ku daray "Waxaa dastuurka dalka u yaal dhinac marsan in gobollada lagu khaldo
isugu yeeris ergooyin uusan dalbim maamulku."
"Shan Bilood ayaan ku soo saareynaa Batroolkeena..." Gen. Cadde Muuse -
Jun 15, 2008 |
Gen. Cadde Muuse ilaa markii la doortay waqtigiisa ugu badan waxa uu ku
bixiyey arrimaah la xiriira Macdanta iyo Batroolka. Waxana uu June 15, 2008
sheegay in ay Batroolka Puntland kusoo saarayaan ilaa 5 bilood [oo
ku beegan November 15, 2008] - Inkasta oo aan weli wax hawl qoditaan ah
laga bilaabin aagga Dooxada Nugaal, gaar ahaan ceelkii aagga CONOCO oo ah meesha loogu
tuhunka badan yahay in batrool ku jiro.
Shirkadaha ku xiriirsan Puntland
Shirkadda IMC waxay sahamin ka wadaa Dooxada Dharoor, gaar ahaan
baaritaanka nooca loo yaqaan "seismic' oo ah bilowga hore ee lagu
ogaado in shidaal ku jiro ubucda dhulka hoostiisa.
Shirkadda IMC waa shirkad laga leeyahay dalka UK, waxayna qandaraas ka
haysataa shirkadda kale ee Africa Oil (Ex-CANMEX) oo ah shirkad laga
leeyahay dalka Sweden, laakiin ka diiwaan gashan dalka Canada.
Shirkadda Africa Oil waxay heshiis ku saabsan baaritaanka shidaalka ee
Dooxada Dharoor iyo Nugaal la gashay shirkadda reer Australia ee Range
Resources.
Shirkadda Range Resources waxay xuquuqda shidaal iyo macdan qodista dhulka
Puntland ka iibsatey shirkadda ka diiwaan gashan jasiirada Maldives ee
CONSORT ltd. Laakiin shirkadda Consort ltd waxay weli saami gaaraya 15% ku leedahay
Range Resources. Waxaana warbixino hore tibaaxeen in shirkadda Consort ay wax ku leeyihiin
ama ku lug leeyihiin qaar ka mid ah madaxda sare ee maamulka Puntland, arrintaas oo ilaa hadda aysan
si qayaxan uga hadlin maamulka DGPL.
Shirkadda Consort ltd waxaa saxiixa baaritaanka macdanta/batrool ee Puntland siiyey Gen. Cadde Muuse, kaddib markii uu
kulan dhex maray Jeneraalka iyo nin reer Australia oo lagu magacaabo Terry
Donnelly oo ka
socdey hay'ad samafal carruurta "Kids in Needs", ninkaas oo loo
aaneeyo fikirka
asaaska shirkadda Consort, in kasta oo aan dib dambe warkiisa loo maqal.
Gen. Cadde Muuse waxa uu marar badan sheegay in uu heshiis la gelayo shirkado
jirri ah. Waxaa ugu dambeysey
June 15, 2008 oo uu yiri
"Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu
soo saaro".
Khilaafka Shirkadda Range Resources Dhexdeeda
Akhri [Khilaafka oo kala dhex galay madaxda Range iyo
Guriga Xafiiska u ah Rang eoo beec ah...]
###
Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2008 |