Burcad Badeed Soomaaliyeed oo siidaayey Laba Markab kaddib markii la siiyey
madax-furasho Gaareysa $1.5 million Doolar...
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Sept 12, 2008
Burcadcad badeed Soomaaliyeed ayaa siidaayey labo markab oo laga kala maamulo
Jarmalka iyo Japan, sida ay Khamiistii (Sept 11, 2008) soo werisey hay'adda
wararka u faafisa Faransiiska ee AFP.
Markabka Jarmalka ee "MV Trinidad" oo uu saaran yahay calanka yahay
Antigua & Barbuda iyo markabka Japan-ka ee "MT Irene" waxaa xeebaha
Soomaaliya lagu qafaashay August 21, 2008.
Markabka "MV Trinidad" waxaa muddo lagu haystey Woqooyiga Bari ee Soomaaliya,
gaar ahaan aagga magaalada Eyl, tirada shaqaalaha ee markabkaas saarnaa waa 13
isugu jira: Naakhuudaha oo u dhashay Slovenia, 10 Filipino ah iyo 2 Ruush ah.
Markabka kale ee "MT Irene" oo shaqaalaha saarna ay koobanaayeen 16 Filipino
iyo saddex Croatian ah waxaa laga siidaayey aagga Eyl, hal-maalin kaddib markii
ay magaalada Nairobi yimaadeen koox reer Japan ah si ay uga qayb qaataan
siideynta markabkaas. "Waxaan haynaa warbixino shegaya in (kooxda Japaanka ah ay
Nairobi) keeneen (lacag) madax furasho oo ay qabanqabinayeen sidii loo bixin
lahaa madaxfurashada," sidaas waxaa yiri Andrew Mwangura oo Kenya u qaabilsan
gargaarka badaha.
Ilo u dhow burcadda oo ku sugan Woqooyi Bari ee Soomaaliya (Puntland) ayaa
AFP u sheegay in $1.5 million oo doolar oo madax furasho ah la bixiyey si loo
siidaayo maraakiibta.
Lacagta madax furashada ah in la bixiyey waxaa hay'adda wararka ee Reuters u
xaqiijiyey mulkiilaha markabka laga leeyahay dalka Jarmalka, waxana uu sheegay
in labixiy lacag ka badan $1 million.
Inkasta oo Mwangura uu sheegay in lacag aad u badan la bixiyey, ayey tiri
hay'adda Reuters. "Ilo ku dhow burcadda ayaa sheegay in ay dalbanayeen lacag
dhan $2.47 million oo madax fursho ah in laga bixiyo markabka MT Irene. Waa
dhici kartaa in la siiyey lacag intaas ka yar. Waxaa xaqiiqo ah in sameeyeen
lacag aad u badan," ayuu yiri Mwangura.
Sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah iyo ururada badaha, waxaa burcad
badeeda Soomaaliyeed ay xeebaha Soomaaliya ku haystaan (dersin) maraakiib
ajaanib ah. (Sida ay qortay Bloomberg waxay burcadda Soomaaliyeed xeebaha ku
haystaan 11 markab oo ay saaran yihiin 200 oo shaqaale ah.)
Khubarada badaha ayaa sheegay in ay jiraan weeraro badan oo ka dhaca xeebta
dheer ee Soomaaliya oo aan la soo sheegin, xeebtaas oo dhererkedu yahay 3,700km
(2,300miles) oo ay harqiyeen burcad adeegsanaya doonyaha dheereeya iyaga oo
kuhubaysan qoryaha darandooriga u dhaca iyo baasuukayaal.
June 2, 2008 ayey ahayd markii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay soo
saareen qaraar lambarkiisu ahaa (1816 (2008)), kaas
oo maraakiibta dagaalka ee shisheeyaha u ogolaanayey in ay galaan badda
Soomaaliya iyagoo ogolaansho ka qaadanaya dawladda (Soomaaliya) si ay ula
dagaalamaan burcadda iyo weerarada hubaysan ee ka dhaca badda Soomaaliya,
laakiin taas weli ma dhaqan gelin.
Bilihii u dambeeyey maraakiib isugu jira beesha caalamka oo saldhigoodu yahay
Jabuuti ayaa waardiyey ka hayey Gacanka Cadan iyo Badda Cas, halkaas oo ah
meelaha la rumaysan yahay in ay ka hawl galaan burcad badeedku.
Gacanka Cadmeen waxaa sannadkii mara qiyaastii 20,000 oo markab oo kusii
jeeda Khooriga Suez.
Qaar kamid ah burcadda ayaa qiil u raadiyey ficilka ay ku kacayaan in uu sax
yahay iyaga oo ku andacoodey maadaama aysan jirin dawlad dhexe oo wax ka qaban
karta Soomaaliya, in ay la dagaalamayaan kalluumaysiga sharci darrada ah iyo
sunta halista ah oo ay daadinayaan maraakiibta shisheeye, sidaas waxaa qortay
AFP, oo intaas raacisay in Soomaaliya aysan ka jirin dawlad dhexe laga soo
bilaabo 1991 xilligaas oo ay dhacday xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre.
Warbaahinta Spain ayaa weriyey in Khamiistii (September 11, 2008) uu Markab
Kalluumaysato oo laga leeyahay gobolka Basque, Spain uu ka badbaadey burcad
badeedka Soomaaliyeed. Markabkaas waxaa leh shirkadda Pevasa oo bishii April
(2008) markab ay leedahay lagu qafaashay xeebaha Soomaaliya, waxaa markabkaas la
siidaayey lix maalmood kaddib, iyada oo la sheegay in markabkaas hore
madax-furasho laga qaatay.
Maamulka Puntland waxay beesha caalamka ku eedeeyeen in ay ku guuldaraysteen
in ay wax ka qabtaan burcadda in kasta oo ay aagga joogaan maraakiib militari ee
Fanasiisk aiyo Maraykanka.
"Waxaan cambaarayneynaa dalalka sida Maraykanka iyo Faransiiska, kuwaas oo
awood loo siiyey in ay biyaha Soomaaliya ka ilaaliyaan falalka burcadda," sidaas
waxaa yiri Cabdulqaadir Muuse Yuusuf, wasiir ku xigeenka wasaradda Kalluumaysiga
Puntland, sida ay qortay Reuters.
Isaga oo intaas ku daray "Waxaan ognahay in Golaha Ammaanku uu awood buuxda u
siiyey in ay arrinta soo dhexgalaan. Waxaan u baaqaynaa Qaramada Midoobey in ay
isku dubaridaan ciidan caalami ah oo ilaaliya biyaha/badda Soomaaliya."
Reuters waxay qortay in burcadda (Soomaaliyeed) ay ku tamashlaynayaan maalka
ay ka heleen lacagta laga siiyey madax-furashada, waxay iibsanayaan gawaari
cusub, waxay dhisanayaan guryo, waxay guursanayaan xaasas cusub, ayey tiri
hay'addu.
Dhanka kale sida ay werisey AFP, waxaa Arbaca Sept 10, 2008 xeebaha
Soomaaliya lagu afduubay markab laga leyhaay dalak Koonfurta Korea. Waxaa
markabkaas saaran siddeex Korean ah iyo 13 u dhashay Burma (Myanmar).
Caymiska Maraakiibta oo
Kor u kacay
Sida ay qortay jariiradadda Times ee ka soo baxda UK, waxaa aad kor ugu kacay
caymiska maraakiibta maraya xeebaha u dhow dhulka Soomaaliya.
Shirkadaha caymiska bixiya ayaa aad u kordhiyey caymiska maraakiibta xamuulka
ee mara Gacanka Cadan (Gulf of Aden), qiimaha caymiska oo ahaan jirey sagaal
boql ($900) sannadkii waxa uu gaarey ilaa sagaal kun ($9,000)
sannadkii.
Burcadda oo adeegsanaya doonyaha dheereeya waxay noqdeen kuwo cawaandi ah.
Maraakiibta sida caadiga ah waxay haystaan ugu yaraan saddex bilood ilaa laga
bixinayo madax-furasho, taas oo celcelis ahaan gaareysa $1 million. Waagii hore
burcaddu waxay ku qanacsanaan jireen "dhawr boqol oo kun," ayuu yiri" Mr Davies.
"Haddii aad ka fekertid Soomaaliya "xaqiiqo hadda ma aha dal. Waxa xakuma
qabqablayaal dagaal. Waxaa uu xarun u noqday sharci darrada. Haddii ay tahay qof
leh markab oo aad alaab ka keentid bariga adduunka ilaa galbeedka adduunka, waa
in aad martaa Gacanka Cadan, ayuu yiri Mr Davies.
Lixdii bilood ee ugu horeeyey sannadka 2008, waxaa Gacanka Cadan laga
afduubay 94 qof oo isugu jirey shaqaale iyo rakaab ah sid aay sheegeen haydda
Badaha ee Caalamiga ah ee loo soo gaabiyo ICC-IMB. Isla xilligaas waxaa gudaha
Soomaaliya lagu qafaashay 63 qof, ayey tiri hay'addu.
Afduubayaasha Qafaashay Weriyayaasha oo Dalbaday $2.5 Million Madaxfurasho
ah
CALGARY, CANADA: Sida ay qortay warbaahinta Canadian Press, waxaa la cadeeyey
in afduubayaasha labada weriye ku haysta Soomaaliya ay dalbadeen lacag madax
furasho ah.
Gabadha magaceeda la yiraahdo Amanda Lindhout (Canadian) iyo Nigel Brennan
(Australian) iyo turjumaan Soomaali ah Cabdifataax Maxamed Cilmi waxaa August
23, 2008 koox hubaysani ka qafaasheen jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho.
Madaxa weriyaasha aan xuduudda lahayn oo ku sugan magaalada Montreal, Canada
ayaa sheegay in ay soo gaartey caddayn muujineysa in ay afduubayaashu
dalbanayaan lacag dhan $2.5 million oo doolarka Maraykanka si ay u siidaayaan
dadka u qafaalan.
Waxa kale oo lacagta in ay afdubayaashu dalbanayaan caddeeyey ilo kale oo ay
ka mid tahay jariidadda Sydney Morning Herald ee ka soo baxda Australia
iyo jariidadda African Press Agency oo soo xigatey qof u dhexeeye ah (ama
dhexdhexaadiye) oo ku sugan Muqdisho.
"Afduubayaashu waxay dalbanayaan $2.5 million si ay u siidaayaan weriyaasha
ajaanibta ah iyo saaxiibkooda Soomaaliga ah," sidaas waxaa yiri Daahir Faarax
Axmed oo ah dhexdhexaadiye, waxan auu sidaas telefoon ugu sheegay African Press
Agency, Axadii Sept. 7, 2008.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2008
|