Dalka Yemen oo Batrool ka Baaranaya Badda Soomaaliya?, halisna ku ah
ammaanka Puntland iyo DGPL oo u jihaysatey Gooni isu Taag....
- Indhaha oo Dhammi waxay ku jeedaan Batroolka
- Yusuf [Gaagaab] Waxa uu xiisaynayaa in la kala Qaybsado Faa'iidada
Khayraadka Dabiiciga ah...
- Range Resources Waxay ka hor timid Sheegashadii in laga eryey Meelo Ka
mid ah (Puntland)
- Gobol Shirkaduhu xiisaynayaan, Inkasta oo Dagaal cusub ka jiro
Muqdisho
- Puntland waxay isu diyaarineysaa in ay Keligeed Waddo Qaaddo...
- DFKMG: Khayraadka Dabiiciga ee
Dalku wuxuu Hoos Yimaadaa Dowladda Dhexe, Shirkadii horena waa soo
noqonayaan....
- Yaa leh Shirkadda 'Consort ltd'
- Saamiyada Range Resources boqolkiiba 15% waxaa leh 'Consort ltd',
Waxaana Consort wax ku leh madaxda sare ee Puntland.....
Qoraallo dhawr ah ay daabacday jariidadda (shabakadda) Upstream
December 21, 2007 ayey si qoto dheer ugaga hadashay arrimo xasaasi ah oo
khuseeya Soomaalida sida: DGPL oo ku hamiyeysa in ay goonideeda isu
taagto, Dawladda Yemen oo baaraneysa batroolka Badda Soomaaliyeed, gooni
isu-taagga Maakhir iyo Darwiish, xiriirka Somalialnd iyo Puntland, taag
darrida DFKMG, Sharciga batrool oo laga hirgelinayo Puntland, Shirkadaha
Batroolka ka baaraya Soomaaliya, ra'iisul wasaaraha Cusub ee DFKMG &
Batroolka, Range Resources oo raadineysa shirkado kale oo ay la qaybsato
heshiiska wax-soo-saar wadaagga ee Puntland si ay u hesho lacag, Range
uu u jihaysaneysa dhanka dalka Angoola iyo qodobo kale...
Qoraalladaas waxa kale oo ku cad in C/laahi Yuusuf uu shirkadda Range
u saxiixay heshiiska ay la gashay Puntland, arrintaas oo aan hadda ka
hor soo shaac bixin, (in kasta oo wasiir ku xigeenka batroolka DFKMG uu
sheegay in khayraadka dabiiciga ah uu soo hoor gelayo DFKMG).
Waxaa kale oo soo shaac baxay in boqolkiiba 15% saamiyada shirkadda
Range Resources in ay leedahay shirkadda 'Cosnort ltd' taas oo wararku
tibaaxeen in ay wax ku leeyihiin madax ka tirsan maamulka Puntland.
Dhanka kale, waraysi ay Idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay (Dec
21, 2007) Wasiirka cusub Batroolka ee DGPL iyo Wasiir ku xigeenka
Batroolka ee xukuumada (DFKMG) ee Col. Nuur Cadde ayaa muujiyey
khilaafkii DGPL iyo DFKMG in uu weli taagan yahay.
Wasiir kuxigeenka Batroolka DFKMG waxa uu sheegay in Puntland ay ka
hawl geli jireen shirkado qandaraas ka haystey dawladii hore ee
Soomaaliya kuwaas oo dalka ka baxay dagaalkii ahliga ahaa awgeed, balse
shirkadahaasi ay diyaar u yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan...
(Waraysiga hoos ka dhegeyso)...
Waxaa kale oo qormada hoose ku arki doontaa sababaha ay u daba
dheeraaday muranka batroolka Puntland ee DGPL iyo DFKMG....
- Qoraalkii Upsteam oo SomaliTalk.com soo tarjumtey hoos ka akhri... Waxana
u qoran yihiin sidii jariidadu u qortay oo tarjuman....
Indhaha oo Dhammi waxay ku jeedaan Batroolka
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream
December 21, 2007
Madaxweynaha (DFKMG) Soomaaliya oo ra'iisul wasaaraha cusub ku
aaminey in uu jaaha saaro baaritaanka batroolka.
Madaxweynaha (DFKMG) Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf, ayaa magacaabay
agaasimahii Laanqayrta Cas ee Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen in uu dalka
u noqdo Ra'iisul Wasaare, oo bedeley Cali Maxamed Geeddi, oo booska laga
saaray October (2007) kaddib markii muran la xiriira siyaasadda
batroolka iyo sharciga (batroolka) uu soo kala dhex galay Yuusuf (iyo
Geeddi).
col. Nuur Cadde oo la gudoonsiiyey qaybo ka mid ah
Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed
(Nuur Xasan) Xuseen oo ka qalin jebiyey jaamacadda Washington DC
machadkeeda Booliska ee International Police Academy, waxa uu ka soo jeedaa beesha
Hawiye - sida Geeddi oo kale oo ah beesha ugu badan aagga iyo gudaha
Muqdisho.
(C/laahi) Yuusuf waxa uu ka yimid Puntland oo ah cirirka Geeska
(Soomaaliya),
halkaas oo ay u badan yihiin beesha Harti.
Shirkadaha doonaya in ay soo nooleeyaan sahaminta Soomaaliya waxaa
yoolku u saaran yahay Puntland, oo ah gobol dawladda maleeshiyada
siineysa deganaanshaha yar ee jirta DFKMG ee xarunteedu tahay Baydhabo ee
uu hoggaamiyo Yuusuf.
(C/laahi) Yuusuf waa qabqale dagaal oo haysta maleysiyo daacad ah
kuwaas oo loo arko in ay yihiin kuwa isku haya Dawlada taagtaa daran.
Yuusuf waxa uu awoodiisa koowaad saaray sidii uu u deganaan lahaa
gurigiisu si uu u jiro xiriirka xoogga leh ee hab siyaasiga xoogga leh.
(C/laahi) Yuusuf, oo ay la jirto dawladda deriska ah ee Yemen, waxa
uu taageersan yahay madax bannaanida siyaasadda Batroolka ee ay u
ololaynayaan kuwa noqon kara Jamhuuriyadda Puntland ee xarunteedu tahay
Garoowe.
Yuusuf waxa uu ka soo horjeedaa sharciga (Batroolka) ee qabyada ah ee
uu soo qabanqaabiyey Geeddi, sharcigaas oo baab'in lahaa dhammaan
heshiisyadii iyo dhulkii loo qoondeeyey shirkadaha kaddib 1991, oo ay ku
jirto heshiiskii dhowaanta ahaa ee shirkadda reer Australia ee Range
Resources.
Sharciga ay soo diyaariyeen qareennada MacLeod Dixon ee reer Calgary
(Canada), waxa uu asaasi lahaa Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed,
hay'addaas oo ay xakumi lahaayeen shirkadaha Kuwait Energy iyo
Medco (Indonesia) kuwaas oo saamayn weyn ku lahaa sidii sharcigaas
qabyada ah loo diyaarin lahaa, sida uu sheegay madaxweynaha Puntland
Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde).
(Cadde Muuse) Xirsi waxa uu yiri lataliyayayaashayda reer Koonfur
Afrika, (oo ay is baridda ama isku xirka lahayd shirkaada Range), waxay sameeyeen sharci qabyo
ah (Draf) oo ah Sharciga Batroolka Puntland, kaas oo ay ka doodi
doonaan Baarlamaanka Garoowe ee Qabiilka.
Isagu (Cadde Muuse) waxa uu rajaynayaa in uu kireeyo aagagga (dhulka)
haray, laakiin waa marka uu isagu doono, waxana uu sheegay in
Madaxbannaanida Puntland ee mustaqblaka in aysan muran ka dhex abuuri
doonin iyaga iyo Yemen sheegashaada taariikheed ee jasiiradda Suqadara (Socotra)
ama dhul-badeedka aagagga loo yaqaan blocks 94 & 95 oo ay
dawladda Sanca kiraysay bishii September.
(Dawladda Yemen) Sanaca waxay aagga Block 92 ku magacawday
meel aan weli la kiraysan, in kasta badanaa aaggaas uu si khaas ah u hoos imanayo maamulka Garoowe aaggiisa dhaqaalaha
ee gaarka u ah haddii la jeexi lahaa
xadka badda si isleegna loogu jirsan lahaa Suqadara iyo Soomaaliya.
Eeg sawirka sare inta aagagag 92, 94 iyo 95 ay u
jiraan Soomaaliya. Yaaleh aaggaas waa su'aale?
Block 94 waxaa loo yaqaan
Abd Al Kuri Block (94) waxayan ku fadhidaa aag dhan 12,886 km2 oo ah
badda ku dhow Socotra, halka Block 95 oo loo yaqaan
Samhah Block (95) uu ku fadhiyo bed dhan 20,962 km2 oo ah aagga u
dhow
Socotra. Bartamaha jasiirada Suqadara (Socotra) iyo cirifka geeska
Soomaaliya waxay isu jiran qiyaastaa 180 mile. [Sawirada: GoogleEarth &
Pepa yemen] - Eeg sawirka hoose oo muujinaya meelaha ay Yemen ku
bixisay heshiiska in Batrool laga baaro ee Abd al Kuri iyo Samha...
Suqadara: Dalka Yemen waxa uu
sheegtaa in jasiiradaasi Yemen ku biirtay November 1967. Tirada
dadka ku nool Socotra waxaa lagu qiyaasay 43kun oo qof.
|
"Ma jirto, weligayana ma jirin, sheegasho Suqadara. Codowgayaga ayaa
beentaas sheegaya si ay u abuuraan mucaarad. Xiriir wanaagsan ayaa naga
dhexeeya (Yemen), kaas oo aanaan rabin in carqaladi soo dhex gasho," ayuu yiri
[Cadde Muuse] Xirsi.
Heshiis is faham ah ayaa dhex maray Ras al Khaimah Gas (oo ka tirsan
Imaaraadka Carabta) iyo Garowe
oo ku saabsan dhawr aag (oo lagala noqday Range).
Dhanka koonfureed, Shirkadaha CNOOC (China National Offshore Oil
Corporation) iyo China International Oil & Gas waxaa heshiis is-faham ah
la saxiixday Dawladda Federalka Kumeel gaarka ah oo heshiiskaas kula
gashay (Batroolka) aagga loo yaqaan dooxada Mudug. Waxa kale oo ay aag
ka rabaan Puntland.
"(Shirkadda) Total iyo shawr kale waxa muujiyeen xiiso iyagoo soo
maraya Dowladda federaalka Kumeelgaarka ah, sidoo kale shirkadda CNOOC
wafti ka socda waxay na soo booqdeen saddex jeer iyagoo hal mar oa ka mid
ah safarradaas la socdey Madaxweyne Yuusuf laakiin waa diidney mar
kasta oo ka mid ah."
(Agaasimaha Shirkadda Range) Landau waxa uu sheegay in uu shirkadda CNOOC usoo bandhigay
in uu u ogol yihiin boqolkiiba 30% dooxada Nugaal iyo dooxada Dharoor
in uu ka siiyo shati ama laysan iyadoo inta soo hartay ay lahaaneyso
Shirkadda Africa Oil (oo loo aqoon jirey CANMEX) oo hawsha fulineysa, laakiin Shirkadda baaxadda
weyn ee Shiinuhu (CNOOC) wax intaas ka badan ayey rabtey iyadoo aan
diyaar u ahayn in ay bixiso xitaa $5 million oo ku saabsan gunno dheeri
ah waqtiga
kala saxiixashada.
Madaxweynaha iyo Oday Dhaqameedyadu Puntland waxay qiimayn doonaan
sidii loo bixin lahaa shatiyada dhulka (aagga) harsan ee lagala noqday
Range (Resources) kaddib markii uu waqtigii bilowga ahaa ee sahamintu ka
dhammaaday, sidaas waxaa yiri (Cadde Muuse) Xirsi oo arrintaas sharraxaad
ka bixinayey.
Carqaladda aagga ku xeeran Laascaanood iyo dhulka lagu muransan
yahay, oo kamid ah aaggii hore ee Sool iyo Sanaag, oo sheeganaya in ay
madax bannaan yihiin laakiin aysan aqoonsanayn Jamhuuriyadda (is
magacawday ee) Somaliland
waxay arrintaasi suuqa ku sababtay carqalad ku saabsan awoodda Garoowe u
leedahay in ay maamusho oo ilaaliso dhulkeeda, in badan oo ka mid ah
dhulka lagu tuhmayo Batroolka iyo gaaska.
- Akhri qormadan dhex-taalka ah, kaddib xagga hoose ka akhri inta
ka dhiman qormada sare....
-
Col. Riyaale: C/Laahi Yuusuf "waa nin meelahaas markasta wuxuu
uu rabo iskaga hadla, wax kasoo qaadna ma leh wixiisu..."
Col.
Daahir Riyaale Kaahin, madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland, oo
Janaayo 2, 2008 waraysi siiyey Idaacadda Ingriiska wararka u faafisa
ee 'British Broadcasting Corporation (BBC)" ayaa si kulul uga
jawaabey hadalkii Madaxweynaha DFKMG, Col. C/laahi Yuusuf Axmed ee
ahaa in ay Somaliland ciidamadeeda kala baxdo Laascaanood. Daahir
Riyaale oo markaas safar ugu socdey Maraykanka iyo Britain waxa uu
yiri: "Horta Taariikhda ninka been kasheegay isaga ayaa beentu marka
dambe ka hor iman doontaa oo wajiga kaga dhici doontaa. Laba dal
ayey Soomaaliya ahayd, dalka saddexaad ee ka dhex samaysmay C/laahi
waa beentii uu sameeyey, beentaasna been in uu ku difaaco ayaan u
arkayaa hadallada ka soo yeeray. Somaliland xuduudaheeda way u
socotaa wayna tegi doontaa, martina ugama aha C/laahi Yuusuf.
C/laahina waa nin isagoo kursigiisa ku fadhiyi kara cid kasta in uu
u hanjabo jecel, waxaan anigu qabaa hanjabaad waxba ku qaadi maayo,
Somaliland diyaar ayey u tahay dalkeeda in aydifaacdo, cid ay ka
baryeyso gooni isu taageeda isaga iyo qayrkiisna midnaba kama
baryeyso" Isagoo su'aal kale oo la xiriirta in dadka Laascaano kala
qaysan yihiin, hadalladii uu ku jawaabey Riyaale waxaa ka mid ahaa:
"Kuwaa sheeganaya maamulkaa halkaas dhexe ka abuurmay ee ku salaysan
beel-nimada, wax alla iyo wax ay ka qabteen muddadii ay ku
sugnaayeen Laascaanood ma jirto, xafiis ay hagaajiyeen ma jiro,
musqul ay ka qodeena ma jiro, waxaana qabaa dadku cidda wax u qabata
ayey raaci doonaan.." Waxaa markaas weriye Axmed Siciid Cige oo
waraysaneyey uu weydiiyey "Markaas idinku wax ma u qabteen oo
cashuurtii ahayd boqolkiiba 2% ee aad dadka saarteen wax ma
uguqabateen oo dadkii barakacay ma soo noqdeen", waxa uu Riyaale ku
jawaabye: "Horta dadkii soo noqdeen, xafiisyadiina durba dayactir
ayaanu ku samaynay, mashaariicda uguhoreeya ee aan Laascaano ka
qaban doono waxay yihiin magaaladaas 100,000 ku nool yihiin oo aan
maanta biyo la cabbo lahayn waa mashruuca koowaad ee aan wax ka
qaban doono in aan biyo gelin u samayno, weliba biyo macaan u
raadino markii ugu horeysey taariikhda LaasCaanood..." Waxa kale oo
uu yiri "Garaadada halkaas ka hadlay waxay la mid yihiin garaadada
galbeedkeena jooga ee u ololaynaya Soomaali wayn". Isagoo sii watey
hadalkii uu ugu jawaabayey Col. Yuusuf-na waxa uu Col. Riyaale yiri:
"C/laahina in uu Muusik uu tumaayey oo raali gelin ah Khiyaali ah
uun baan shalay u arkaayey wixii uu ku hadlaalyey, wax kasoo qaadna
ma leh wixiisu, waa nin meelahaas markasta wuxuu uu rabo iskaga
hadla.."
Halkan ka dhegeyso Waraysiga Riyaale ama
Halkan
(mp3)
Col. Yuusuf: Dalka in kala gooyona yeeli meyn
Col.
Cabdullaahi Yuusuf, madaxweynaha DFKMG ee lagu soo dhisay Kenya, oo
shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo kaddib markii uu ka soo
laabtay UK iyo Kenya oo uu u tegey arrimo caafimaad ayaa markii uu
dhammeeyey shirka jaraa'id waxaa su'aalihii la weydiiyey ka mid
ahayd "Sida aad la socotid Gobolka Sool waxaa khilaaf ka dhex jiraa
labada maamul ee Somaliland iyo Puntland, ilaa hadda DFKMG
arrimahaas kama ay hadal, haddaba maxaad ugu baaqeysaa maadaama ay u
muuqato in colaadi halkaas ka jirto. Waxa uu Col. C/laahi Yuusuf
Axmed ku jwaabey: "Waxaan sakay (01/01/2008) halkan ka sheegayaa
Soomaaliya in ay isku duusho oo xoog isku qabsato iyadoo ula jeedadu
tahay in Soomaaliya la kala jarjaro Dawladda Federaalka ah iyo qof
Soomaali ah oo muwaadin ah midna yeeli maayo. Nimanka Soo
duuley ee Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali maayo dalka
in ay kala gooyaan, lagana aqbali maayo dad Soomaali ah oo
goboladoodii jooga in ay xoog ku qabsadaan, iyagoo xoog raba in ay
ku go'aan laga yeeli maayo. Waxaanu rajayneynaa ciidmadooda in ay
meesha kala baxaan oo la noqdaan, waxaan rajayneynaa dagaal weyn in
aan la geline ay wax fahmaan oo arrintey sameeyeen waxa ka imaan
kara in ay fahmaan... Dawladda Federaalkana haddee dalka oo dhan
ayey dawlad u tahaye, ciidan baa soo duuley oo Gobol qabsaday iyo
magaciisii markaa iyo caadifada qabiil iyo magaciisii waanu iska
ilownay waxaana u rajayneyneynaa in ay iyagu garwaaqsadaan khaladka
socda hadday garwaaqsan waayaan laga aqbali maayo, dalka in kala
gooyona yeeli meyno.."
Halkan
ka dhegeyso Hadalkii Yuusuf... ama
Halkan
(mp3)
Col. Yuusuf iyo Col. Riyaale oo Isku diyaarad u raacay UK
Madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf iyo madaxweynaha maamulka
la baxay Somaliland, col. Daahir Riyaale, ayaa Janaayo 6, 2008 waxay
isku diyaarad ka raaceen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Waxaa arrintaas qiray C/laahi Yuusuf oo wax laga weydiiyey in uu la
kulmay Riyaale, waxana uu ku jawaabey: "Daahir Riyaale iyo anigu ma
kulmin ee diyaarad ayaan la wada soconey, annagoo aan war isu hayn,
dabcan haddee haddii dayuurad lawada fuulo oo magiciisoo oo qofba
markii uu musqusha aado kan kale ayuu salaamayaa oo wax intaas
dhaafsiisan oo na dhex maray ma jiraan, oo wax laga wadahalaana ma
jiraan maxaa yeelay haddeer waxa kajira Somaliland iyo Puntlan
dhexdooda haddee wax qallafsan weeye, wax si sahal ah looga
shiraysan karona ma aha."
Waxaa jiray warar sheegayay in Meles Zenawi magaalada Addis Ababa
ku kulansiiyey Yuusuf iyo Riyaale kaddib markii ay haddalo kulul
saxaafadda isku weydaarsadeen. Waraysiga dambe waxa uu Yuusuf warka
u muujiyey wax u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, hadalkaas oo u
muuqda mid ka duwan hadlkii kululaa ee uu u jeediyey Riyaale
safarkii Addis Ababa ka hor.
Gen. Cadde: Puntland waa soo ceshaneysaa LaasCaanood...
Waraysi
uu Cadde Muuse, madaxweynaha maamul Gobleedka Puntland, la yeeshay
Telefishanka Universal, December 16, 2007, ayuu ku sheegay in ay
Puntland soo cashaneyso magaalada LaasCaanood, laakiin markii
su'aalo dhawr ah lagu celceliyey sida ay ku soo ceshanayaan
LaasCaanood, Gen. Cadde Muuse ma uusan caddayn qaabka ama sida ay
kusoo ceshanayaan...
Halkan ka
dhegeyso Waraysiga Cadde ama
Halkan (mp3)
Daahir Riyaale: Meel hadda naga maqan ma jirto...
Daahir
Riyaale Kaahin, madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland,
oo idaacadda codka Maraykanku ay Dec 22, 2007 wax ka
weydisey Laascaanood in ay xoog ku haystaan ama rabitaanka
shacabka, ayaa ku jawaabey in Puntland ay tahay Khayaali
mana aha dal jira ayuu yiri, magaalada LaasCaanood-na ay ku
joogaan rabitaanka shacabka... Sidoo kale waxa uu sheegay in
ay joogaan Sanaag,(Badhan iyo Dhahar) iyo meel walab waa
joognaa, ayuu yiri Riyaale, meel naga maqana ma jiraan. Waxa
kale oo wax laga weydiiyey xiriirka u dhexeeya iyaga
(Somaliland) iyo Casmara oo (lagu eedeeyey in ay uga dhow
yihiin Puntland) waxa uu yiri "waxba kama jiraan
(eedaymahaas ka imanaya Puntland) iyaga (Puntland) ayaa
nooga dhow ayaan oranayaa kuwaas annaga nagu eedaynaya
Casmara in ay nooga dhowyihiin ayaan aamin sanahay."
Waxa kale oo uu sheegay in uusan Dawlad u aqoonsanayn
DFKMG....
Halkan ka dhegeyso Waraysiga Riyaale... ama
Halkan
(mp3)
Axmed
Cali Xaashi: "Wixii
Xoog laysaga Qabsaday Xoog ayaa La isugu Soo Celiyaa"Afhayeenka Baarlamanka Dawlad Goboleedka Puntland (DGPL), Axmed
Cali Xaashi, oo isagoo jooga Garoowe waraysi (Isniin Dec 24, 2007) siiyey raadiye Daljir
ayaa muujiyey in LaasCaanood xoog lagu qabsaday islamarkaasna waxa
keliya oo lagu soo celin karo uu yahay xoog, isagoo arrintaas
(Laascaanood oo Somaliland la wareegtey Oct 15, 2007) ka hadlayeyna
waxa uu yiri "Wixii xoog lagu qabsaday wax aan xoog ahayn laguma soo
celiyo.."
Halkan ka dhegeyso Waraysiga Axmed Xaashi ama
halkan
(mp3)
Col. Jibriil oo u Jawaabey Daahir Riyaale...
Shir
saxaafadeed uu Dec 23, 2007 Madaxweynaha maamul Goboleedka Maakhir,
Col. Jibriil Cali Salaad uu ka jeediyey xarunta aqalka baarlamaanka
Maakhri, sida ay werisey Idaacadda Dhahar, ayaa ugu horeyntii wuxuu
ka waramay shirar halkaasi uga socday baarlamaanka Maakhir iyo waxay
ku saabsanaayeen. Kadib ayaa waxaa la weydiiyey Madaxweynaha
sheegashada Daahir Riyaale uu sheegay gobolka iyo fikradda uu ka
qabo. Col. Jibriil waxa uu ku jawaabey "(Daahir Riyaale) Maamul
Goboleedku (Maakhir) in uu jiro waa ogyahay, laakiin waxaa ku
kallifaaya siyaasadda uu dhex taagan yahay ama uu hogaaminayo, oo
Hargeysa iyo waxa ka jira baanu oran karin sidaas wax duwan ayaanu
oran karin.."
Halkan ka Dhegeyso Waraysiga Jibriil ama
Halkan
(mp3)
"Gaagaab" oo Ganacsatada Weydiitey Lacag Laascaanood
lagu soo celiyo...
Dhanka kale wararka ka imanaya Dubai ayaa tibaaxay in Wasiirka
Maaliyadda ee DGPL, Maxamad Cali Yusuf Gaagaab uu (Dec 22, 2007)
ganacsatada reer Puntland ee deggan Imaaraadka Carabta weydiistey
dhaqaale uu sheegay in dib loogu qabsanayo Laascaanood, arrintaas oo
la sheegay in ganacsatadii aad uga xanaaqeen, waxayna "Gaagaab'
xusuusiyeen in dhaqaalaha soo gala maamulka Puntland uu aad u
farabadan yahay oo ay wasaaradiisu maarayn kari weydey oo ay ahayd
in uu is casilo. Waxana la sheegay in uu hadalkaas kaga jawaabey in
Cadde Muuse ka codsaday in uu jagadaas isagu hayo, sida ay werisey
shabakadda Garoowe..
Cabdiraxmaan-cirro: Cashuur Kordhinta 2% wax looga Qabanayo
G/Sool
Nov
11, 2007 kulan ay isugu yimaadeen Golaha Wakiilada Somaliland ayaa
waxaa ka dhacay buuq ku saabsanaa in la meel mariyo Cashuur kordhin
2% ah oo Xukuumadu ku sheegtay in wax lagaga qabanayo Gobololka
Sool. Sida ay werisey Jariidada Ogaal waxaa dalabkaas soo jeediyey
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-cirro), oo yiri "“Mudanayaal waxa jirtay
bishan afarteedii (Nov 4, 2007) in aan halkan ka akhriyay go’aan ama
talo soo jeedin ka soo baxday Golaha Wasiirada sidaad ka
warqabtaana, sida uu qorayo qodobka 54 ee dastuurka Somaliland,
waajibaadka Golaha Wakiilada waxa ka mid ah jidaynta cashuuraha iyo
talaabooyinka kor loogu qaadayo dakhliga Qaranka. Golaha Wasiiradu
waxay soo jeediyeen in 2% la kordhiyo cashuurta Qaranka si wax loogu
qabto arrimaha hada taagan. Sidaa daraadeed waxa aanu u soo
jeedinaynaa Mudanayaasha sharafta leh inaynu taageero soo jeedintaa
Golaha Wasiirada inaga oo tixgalinayna xaalada taagan oo u baahan
dhaqaale badan, nabadayn, taakulayn, dib-u-dhis iyo abaabul”.
Daahir Ciiro: Cadde Muuse waxa uu ku kacay Khayaano Qaran...
Qoraal
uu Dec 24, 2007 soo saaray Daahir C/qaadir Muuse (Daahir Ciiro),
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Ramaas Puntland (RPP), soona
gaarsiiyey SomaliTalk.com, ayuu ku sheegay in Gen. Cadde Muuse uu ku
kacay "khayaano Qaran" oo ay tahay in "la horkeeno Maxmakamad
danbigiisana Lagu qaado." Isagoo hadalkiisa sii wata, Daahir Ciiro,
waxa uu yiri "Cadde Muuse waxa uu marar badan ku dhaqaaqay Khiyaano
qaran isaga oo hadalkiisii ugu danbeyayna ku sheegay in uu
Somaliland lagalay Heshiis qarsoodi ah kaasi oo aysan ka warqabin
Xubnihiisa madaxa u ruxa ee Baarlamaanka iyo Wasiiradiisa shaaha
lacaba oo qura oo aan wax dan ah u hayn shacabka iyo dalka." Waxa
kale oo Daahir Ciiro uu Cadde Muuse ku eedeeyey in uu lusaday hanti
badan oo gaareysa bilyanno.
Heshiiskii Daahir Riyaale iyo Cadde Muuse xilligii Jabhaddii JPP
Fadhigii baarlamaanka DGPL ee Dec 17, 2007 ayaa Cadde Muuse la
weydiiyey in heshiis dhex maray isaga iyo Daahir Riyaale Kaahin
xilligii uu Gen. Cadde Muuse hoggaaminayey Jabhaddii JPP ee ka soo
horjeedey C/laahi Yuusuf xilligii uu madaxweyanaha ka haa Puntland.
Cadde Muuse waxa uu qiray in heshiiskaasi jirey laakiin wax
faahfaahin ah kama bixin waxa uu ku saabsanaa. Xildhibaanadii
baarlamaanka ayaa markaas ku dhawaaqay in Gen. Cadde galay khayaano
Qaran. Markaas ayaa Cadde Muuse waxa uu yiri baarlamaanku waa xiran
yahay, markii ay xildhibaanadii hadalkaas diideena isagoo caraysan
ayuu kulankii isaga baxay.
Qoraal uu Dec 21, 2007 soo saaray Daahir Ciiro ayaa yiri:
"Su'aalihii la waydiiyay (Cadde Muuse) ayaa waxaa ka mid ahaa
maadaama ay dhamaatay 30 kii bari ee Baarlamaanku u qabtay Xukuumada
Cadde Muuse in ay ku soo celiso Magaalada Laascaanood tilaabada
Xigta ee Cadde iyo Xukuumadiisu ay damacsan yihiin Su'aalahaas iyo
kuwo kale oo aysan wali Xukuumada Cadde Muuse si cad u shaacin waxa
ay ka yeeli doonto haysashada magaalada Laascaanood ay wali haystaan
Maamulka La baxay Somaliland ayaa ka mid ahaa Su'aalihii uu ka
xanaaqay Madaxwayne Cadde Muuse kuna kaliftay in uu xiro kalfadhigii
u socday Golaha wakiilada DGPL Kuwaasi oo iyana sheegay in uusan
Madaxwaynuhu xiri karin kalfadhiga caadiga ah ee u socda
Baarlamaanka in lagu casuumo xiritaankiisa maahane dastuurkuna uusan
u ogolayn in uu xiro Madaxwaynuhu.
Faysal: ma aaminsani wax la yiraahdo Puntland...
Ibraahim
Daa'uud Cabdalle "Gentleman" (SomaliTalk Nairobi) oo
waraysi 29kii November 2007 la yeeshay
Faysal Cali Waraabe, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee UCID, waxna
ka waydiiyay arrimaha cakiran ee u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland
waxa uu yiri "Horta ma aaminsani wax la yiraahdo Puntland, maxaa
yeelay Puntland waa Qabiil, Qabiilna dowlada ma noqon karo, maamulka
Puntland waxa uu noola midyahay somalida inteeda kale, haddii
Maamulka Puntland ay isku dayaan dagaal horle, dagaaku waxa uu ka
dhici doona Garoowe". Waxa uu intaasi ku daray Faysal "Wixii na soo
doonta waan iska celinaynaa, wixii heshiin noola yimaadana si
wanaagsan ayaan u soo dhawaynaynaa".
Hadalkii marxuum Cigaal [Allah ha u naxariistee] ee ahaa
Koonfurta iyo Woqooyigu Mar uun ayey Midoobi doonaan...
Waraysi uu
qaaday Maxamed Xaaji Xuseen oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka,
December 25, 2007, oo uu la yeeshay madaxweynaha Maamulka
Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ayuu weydiiyey su'aal ahayd:
"Waxaa jira hadal Allah ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Ibraahim
Cigaal hore uu u sheegay oo ahaa 'Sida Wedkiisa u hubo in uu u hubo
in ay isku imanayaan Koonfurta iyo Woqooyiga Goboladii la isku oran
jirey, mar ay noqotaba', taas ma aaminsan tahayadigu." Waxa uu
Daahir Riyaale ku jawaabey: "Anigu qeybka kama waramo laakiin
Somaliland waxay aaminsan tahay in ay gooni isu taagto taas ayaana
ku shaqaynayaa, laakiin qeybka in aan ka waramo ma aha oo hawl ii
taal ma aha." Weriyuhu waxa kale oo uu weydiiyey "Marnaba ma laga
yaabaa, 17 sano waa wax dheer oo ay Soomaalidu kala maqnayd, haddii
wanaag uu dhaco oo dadkii Soomaalida ee Koonfurtu ay heshiiyaan, in
aad is tiraahdo Allaylehe Somaliland iyo Koonfurtii Soomaalidu ma
kala maarmaan ee markale ha walaaloobaan." Riyaale waxa uuku waabey:
"Anigu horta madaxweyne markaan ahay la doortay go'aanka ummadda
ayaan ku shaqeeyaa, laakiin go'aan aan leeyahay kuma shaqeeyo oo
keligay go'aan qaadan maayo, markaa go'aanka ummadda ayey u taalaa,
go'aanka ummaadda oo bedesha mootyaane wax anigu aan bedelaayo ma
jiro hadduu Ilaahay yiraahdo."
Halkan
ka Dhegeyso Waraysiga Riyaale ama
Halkan
(MP3)
- Halkan waxaa ka soo socda qormada kor ka soo
bilaabatay ee "Indhaha oo Dhammi waxay ku jeedaan Batroolka"
(Shirkadda) Range (Resources) iyo jaalkeeda Africa Oil (CANMEX) waxay jaaha saarayaan degmoyinka ka baxsan aagga
dhowaantan iska hor imaadku ka dhacay ee bariga LaasCaanood iyo Sanaag.
[Eeg khariidadda -
isha:wiki]
Waxaa jira derejo ku xeeran ka fekerka muranka dhulka ee Hargeysa iyo
Garoowe. Sheegashada tan hore (Hargeysa) ee ah in ay leedahay wax
kasta oo galbeedka ka xiga (dhigta) 49aad waxay taas xitaa soo hoos
gelineysaa caasmida Puntland in ay ka tirsan tahay maamulka Somaliland.
- Eeg sawirka hoose: oo muujinaya in Garoowe dhacdo dhigta 48.30
degree Bari.
Xusuusnow in dhigta 49aad ay garoowe ka marto dhanka
bariga...
"Eritrea
weeye arrinku annaga xagganaga, waxaan rumaysanay in
Shirkadda Total ay lacag siineyso Eritrea, iyo weliba sidoo kale Somaliland si
ay carqalad uga abuurto Puntland, laga yaabee aragti ah in ay qabsadaan
qayb ka mid ah Sool, oo ah meel ay dhex jiifto saliidda ceyriin. Waxaan
luminay aag yar laakiin ma aha meesha (batroolka) ugu badan laga
filayo," ayuu yiri [Cadde Muuse] Xirsi.
Dhigta 49aad waxay dhex martaa Sool iyo Sanaag iyo qayb ka mid ah
dooxada Nugaal, oo ay ka hawl gasho shirkadda Africa Oil, oo ah gaariga Lucas
Lundin. [Waa
Lukas Lundin oo ah reer Sweden.]
(Agaasimaha Range) Landau waxa uu yiri mid kasta oo ka mid ah labada meelood ee laga
filayo (batroolka) ee qorshaysan in sannadka soo socda (2008) la qodo
waxaa ku jira qiyaastii 500 million oo foosto oo saliid ceyriin ah.
Ilaa 70 (meelood) oo yoolku yahay waxaa loo baahan yahay in baaritaan
dheeraad ah lagu sameeyo ceelashaas macluumaadkooda (shaxanada) laga
hayo in la fahmo, taas oo qaadan doonta ilaa lix bilood ka hor inta aan
la bilaabin aag kale oo la qodayo.
[Cadde Muuse] Xirsi waxa uu yiri shirkadda Africa Oil waxay raadineyaa shirkad
kale oo jaal la noqota, taas oo ka caawisa in ay xagga kharashka iyo
dedejinta mashruuca (barnamaijka).
"Waxaan hadda ka hadleynaa kuma saabsan iskaashiga aag horumarinta,
in kasta oo aan rabno in deriskayaga ka wada hadallo fursan kasta. Ma
sugi karro ilaa la gaarayo maalintaas ka hor inta aanaan sii wadin
sahaminta (batroolka), ayuu yiri (Cadde Muuse) Xirsi.
Sharciga Qabyada ah ee Horumarinta Kharaadka Macdanta iyo Batroolka
(Puntland)
waxa ku jira qodob ku saabsan xallinta khilaafka, waxana uu aqbalayaa
in la qaybiyo lacagta soo baxda ee macaashka (royalties), oo la iska ilaaliyo wax
iska hor imaad abuuraya marka la dhisayo shirkadda Batroolka ee
Puntland.
Hadda, (Cadde Muuse) Xirsi waxa uu ku kalsoon yahay shirkadaha waaweyn
ee haysta heshiisyada Soomaaliya - ConocoPhillips, Agip iyo Shell
faraca hoos yimaada ee Pecten - waxay ku baraarugsanaayeen in batrool
iyo gaas farabadan uu dhex jiifo ciidda Soomaaliya. Waxana uu intaas ku
daray "Laakiin shirkadahaas sida Agip waxa lacag farabadan kubixiyeen
gorgortan ah in la aamusnaado oo ay taas iyaga kayd u ahaato."
[Cadde Muuse] Xirsi waxaa kusoo wajahan doorasho sannadka 2009.
Yusuf [Gaagaab] Waxa uu xiisaynayaa in la kala Qaybsado Faa'iidada
Khayraadka Dabiiciga ah...
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream
December 21, 2007
W/Maaliyadda: Gaagaab |
WASIIRKA MAALIYADDA PUNTLAND Maxamed Yuusuf [Gaagaab] waxa uu yiri
qaranka madaxa bannaan waxa uu aqbali karaa boqolkiiba 40% ama 50%
faa'iidada in lala qaysado Dawladda Federaalka Soomaaliya, haddii wada
hadalka dastuurka uu guulaysto si mustaqbalka dhow loo bedelo hab
siyaasateed hadda jira.
Haddi kale, (shirkadaha) Africa Oil iyo Range Resources Wax-soo saar
wadaagga la isku raacay waxa uu qeexayaa faa'iido wadaag ah 50:50 lala
qaybsanayo Dalwadda iyo macaashka (royalties) loo qaybinayo boqolkiiba 4%
iyo 10%.
Badanaa nidaamka asalka ahaa ee Wax-soo-saar wadaagga waxaa laga soo
allifay nidaamka Yemen ee loo adeegsadey heshiiskii shirkadda Hunt Oil,
taas oo la waafajiyey si loo muujiyeyo halista siyaasdeed. Heshiiskii
asalka ahaa ee Range waxaa la saxiixay 2005, kaas oo ra'iisul wasaarihii
hore (DFKMG) Cali Maxamed Geeddi uu ka hor yimid.
Wax-soo-saar wadaagga gabagabada ahaa iyo mashruuca shaqada waxaa
bilowgii sannadkan (2007) lala saxiixday madaxweynaha Dawladda Federaalka
Kumeelgaarka ah C/Laahi Yuusuf, sida uu sheegay agaasimaha Range
Resources, Peter Landau.
"Dastuurka Puntland waxa uu Garoowe u ogolaanayaa in ay bixin karto
qandaraasyada Khayraadka Dabiiciga ah. Inkasta oo khayraadkaasi uu soo
hoos gelayo xuquuqda Federaalka Soomaaliya, marka nimaad dowladeed oo
adag la hir geliyo," ayuu yiri Landau, agaasimaha shirkadda Range.
Afar qof oo reer Puntland oo jaamacad ka qalin jebiyey ayey Shirkadda
Range waxay ku caawineysaa in ay jaamacadda Curtin
University ee Perth, Australia ka qataan fasallo ku saabsan batroolka,
waxayna ku caawineysaa in ay sii wataan tababarka Waaxda Macdanta iyo
Tamarta ee Galbeedka Australia.
Ujeedadeedu waa in ay xafiis la mid ah laga sameeyo Garoowe kaas oo
awood u leh in uu qiimeeyo Batroolka iyo macdanta iyo in uu maareeyo
(agaasimo) shatiyada.
(Agaasimaha Range) Landau kama welwelsana in shirkadaha waaweyn ee
batroolku ay Mustaqbalka mar uun ku soo laabanayaan aagga Puntland,
kuwaas oo markii hore sheegtay in dalka uga bexeen arrimo aysan wax ka
qaban karin awgeed (force majeure) xilligii dagaalka ahliga.
Sannadkii 2003, shirkadaha Agip iyo Pecten waxaa lagu casumey in ay
dib usoo laabtaan, laakiin shirkadda Pecten xitaa ma soo jawaabin.
Sannadkii 2002, shirkadda ConocoPhillips warbixinteeda
sannadlaha waxay ku dartay aagga ay ku lahayd Soomaaliya iyadoo ku
tilmaantay dhulka shirkadaas ee aan weli la horamarin, sannadkii xigey
liiska waa laga tirtiray.
Range Resources Waxay ka hor timid Sheegashadii in laga eryey Meelo Ka
mid ah (Puntland)
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream
December 21, 2007
Shirkadda sahaminta ee reer Australia ee Range Resources ayaa
beenisey warbixinada Soomaaliya ee ah in maleysiyo maxalli ah ay
shirkadaas ka eryeen aagga Buruc oo ka tirsan Dawlad Goboleedka
Puntland, iyadoo laga qaatay qalab loogana digey in aysan aaggaas kusoo
laaban.
Range waxay ku andacooneysaa in ay qoditaan ka bilaabeyso sannadka
soo socda (2008) aagga ay hore (heshiiskeeda) u haysatey shirkadda
Conoco, taas oo iskaga huleeshay ilaa markii dagaalka ahliga ah bilowday
horaantii sanadadii sagaanaadkii (1990-kii).
Agaasimaha Soomaaliya u qaabilisan Range, Liibaan Boqor ayaa yiri
waxaa diyaar ah agaasinka iyo diyaar garowga in la qodo laba ceel si is-garab socod ah waxay bilaabaneysaa bisha Janaayo (2008) iyadoo taageero
laga haysto Madaxweyana Puntland Muuse Xirsi iyo Odayaasha maxalliga.
(Liibaan) Boqor waxa uu yiri laba joolojiiste ayaa waxay baaritaan ka
samaynayeen meel u dhow Buruc, oo ah meel laga filayo macdanta
Yuraaniyumka (uranium) markii ay dhacday arrin ku saabsanayn labo qof
oo reer tuulooyinka ah. Waxaa laga wada hadlay xalka, wax qalab ahna
lama qaadan.
Magaalada Buruc waxay
qiyaastii 60km dhanka bari ka xigtaa Boosaaso, isla markaasna 20 km
dhanka galbeedka ka xigtaa Qandala. [Sawirka GoogleEarth]
Peter Landau |
Agaasimaha Range, Peter Landau, waxa uu saadaaliyey in shirkadaasi ay
qaybteeda Soomaaliya ay (cid kale) ku wareejin doonto kaddib helitaanka lafilayo
(batrool in la helo) sannadka soo socda.
Qorshaha Range waa in ay fidiso hannaankeeda Afrika iyadoo asaaska ka
dhiganeysa Soomaaliya, halkaas oo ay hawl wadeen ka tahay aagga kordhaay
ee dhul-badeedka (shidaalka laga baarayo).
Lacagta ay Range ka urursaneyso suuqyada caalamka waxay ka caawin
doontaa qorshaheeda in ay ku biirto aagga kale oo Afrikaan ah sida dhula
Angola ee Bariga Luanda.
Agaasimaah Range, Landau, waxa uu sheegay in hadda ay si wada jir ah
Gorgortan ugula jirto shirkad kale oo aan la magacaabin, gorgortankaas
oo ku saabsan Shatiga Wax-soo-saar wadaagga (wuxuu ka hadlayaa waa
Puntland khayraadkeeda).
Yemen oo Halis ku ah Degganaanshaha Garoowe..
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream
December 21, 2007
Codadka ka soo hor jeeda in gobolka Soomaaliya ee Puntland isku
daygiisa in uu gaarkiis u dhaqaaqo waxaa ka mid Caaqilka Ceerigaabo ama
oday dhaqabeed Axmed Jaamac-Bodhe, oo ah beesha Dhulbahante ee
Sool-Sanaag.
Axmed Jaamac-Bodhe, oo wax kusoo bartay Ghana & Wye College ee UK,
oo hadda ku sugan Nairobi waxa uu aamin sanay yahay in sheegashada
dalka Yaman ay sheeganayaan dhul-badeedka Puntland in aan la dhayalsan
ama la yaraysan.
"Waxaa jirey cadaadis weyn oo Puntland la saaray bishii September si
ay isaga dhaafta khariidada, maadaama Sanca (Yemen) ay xilligaas qorsheyneysey
wareegii afraad ee laysan ama shati bixinta (batroolka)," ayuu yiri Jaamac-Bodhe.
Yemen waxay xayaysiis u samaysay aaggaga blocks 94 iyo 95 ee biyaha
Puntland, laakiin waxay mid furan ka dhigtay aagga Block 92.
Jaamac-Bodhe waxa uu Yemen ku eedeeyey Kalluumaysi sharci darro ah,
waxaana looga shakiyey maraakiib sahamin batrool ee sawira dhulka
hoostiisa iyagoo adeegsanaya aaladda loo yaqaan
seismic.
Jaamac-Bodhe, oo hore hoogaan uga noqday Hay'adda Qaramada Mideebey
ee Beeraha iyo Cuntada ee Muqdisho ka hor dagaalkii ahliga ah ee
Soomaaliya, waxa uu aamin sanyahay in shirkadaha waaweyn ee Batroolka
lagu qanciyo sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Puntland.
Waxa uu su'aal geliyey sheegashada Garoowe ee ah in si rasmi ah loo
casumey dhammaan shirkadaha waaweyn ee batroolka si loogala
xaajoodo xaaladda ay dalka uga baxeen ee "force majeure" iyo in ay dib u
bilaabaan shaqadoodii
Jaamac-Bodhe waxa uu yiri Shirkadda Conoco hawlgalkeedu xoogiisu ma
ahan aagga Nugal-1, Block 28b ama Kallis-1. Waxa uu yiri shirkadda
baaxada weyn ee Maraykanku waxay xoogga saartay aagga Holhol-1, oo ah
Woqooyiga LaasCaanood, taas oo ay ka huleeshay markii ay la kulantay
cufnaan (pressure) xooggan.
"Haddii Conoco soo laabato, dhammaan deganaansha la'aantu waa
tegayaan," ayuu yiri Jaamac Badhe.
Lataliye hore ee Khaaska ah ee Wasaarada Batroolka iyo Tamarta ee
Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah, Cali Cabdullaahi waa ku raacay
arrintaas. Waxa uu ururiyey intii uu awoodo oo xog ah oo la xiriirta
qoditaanka (batroolka) markii heshiiska nadab gelyo la gaarey. Si
kastaba ha ahaatee ceelka Nogal-I waxa uu gaarey ilaa 8000 feet, taas oo
oo kayar 9000 feet oo ahaa yoolka in hoos loo qodo ceelka.
C/laahi, kaas oo leh Amsas Consulting ee Australia iyo Dubai, waxa uu
qorshaynayaa in uu koox Joolojiistayaal reer Kenya ah geeyo Garoowe si ay
baaritaan uga sameeyaan dooxada Mudug halkaas oo Shiinuhu ay ka
jaleecayaan aag ama dhul.
Inkasta oo ceel qalalan ay ka heleen shirkaddii Oxy sanandkii 1987,
kaddib Pecten (Shell) iyo Elf (Total), waxa uu rumaysan yahay rajada
shidaalka ee dhul-badeedku in ay aad u sarayso, gaar ahaan dhulka ciidda
lakabyada ah ay tuuran tahay.
"Ma jirin arrin si waadax ah u muuqata (transparency) ee siyaasadda
batroolka Puntland," ayuu ku andacoodey C/laahi.
"Garoowe waxaa laga rabey in ay camiraan shirkado daweyne, saamiyada
laga iibiyo dadkeeda, sahaminta batroolkaan ay bilaabaan shirkadaha
waaweyn, khaas ahaan shirkadihii haystey qandaraasyadii asalka ahaa"
ayuu hadalka ku daray.
Gobol Shirkaduhu xiisaynayaan, Inkasta oo Dagaal cusub ka jiro
Muqdisho
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream
December 21, 2007
Shirkadaha batroolku waxay xiisaynayaan in ay Soomaaliya markale ku
laabtaan, inkasta oo dagaal cusub uu ka dhacay caasimada Muqdisho kaddib
markii Itoobiya iyo ciidamda Dawladda (FKMG) Soomaaliya ay iskaga hor
yimaadeen dagaal ay kaga soo hor jeedaan Muqaawamada Islaamiga ah.
Waxaa hakad galay isku dayga in la helo ciidamo nabad ilaalin ah oo
ka socda dalal badan, arrintaas oo ka dhigtay ra'iisul wasaaraha
Itoobiya Meles Zenawi mid haleeli waaya waqti sugan oo uu ciidamadiisa
la baxo kaddib markii uu Maraykanku arrinta ka aamusay arrimo la xiriira
xad gudubyo ka dhan ah xuquuqul Insaanka awgeed.
Degganaansha la'aantu badanaa waa aagga qabaa'ilka Koonfureed, taas
oo Dawlad Goboleedka Puntland ka dhigtay mid gaarkeeda keligeed u
dhaqaaqda.
Inkasta oo ay ka duwan tahay gooni isu taagga Jamhuuriyadda
Somaliland, oo rabta in ay haysato madaxbannanideeda aan weli la
aaqoonsan, Puntland waxay had iyo jeer carrabka ku adkayneysey
rabitaankeeda in ay si buuxda uga qayb qaadato Dawlada Soomaaliya marka
uu hir galo isku dayga iyo maamulka Dimoqraaddiga la hir geliyo oo ay
Dawladda Federaalka Kumeegaarku ansaxiso Dastuurka Muddada dheer la
sugayey.
Isagoo joogey xaruntiisa Garoowe, madaxweynaha Puntland State,
Maxamuud Muuse Xirsi waxa uu sheegtay in Dastuurka Puntland dhigayo in
ay bixin karaan qandaraasyo iyo heshiisyo iyo waxsoosaar wadaag, oo ay
raadinayaan in ay dhiiri geliyaan horumarinta batroolka iyo gaaska sida
ugu dhaqsaha badan ee macquulka ah.
Col. Jibriil Cali Salaad | Sawirka:
Dhahar/Laasqoray
Gen. Cadde Muuse Xirsi | Puntland state |
Beesha Majerteen ee ka tirsan qabiilka Harti-Darod waa kan ugu badan
Puntland. Kooxaha la qaraabada ah, sida Warsengeli iyo Dhulbuhante waxay
ku dhaqan yihiin aaggaga laga filayo batrool ee Sool iyo Sanaag. Xurguf
qabiil iyo riyada qaninimaad batroolka awgeed, halkaas weeye meesha
tafaraaruqu ka bilowday, gaar ahaan beesha Warsangeli, oo uu
hoggaaminayo Jibriil Cali Salaad, waxay samaysteen gobol madax bannaan
oo ah Maakhir oo ka kooban afar degmo oo ka tirsan gobolka Sanaag.
Deriskooda Sool waxa ka dhacay iska hor imaadyo hoggaamiyayaasha
beesha dhexdooda, taas oo Garoowe ku eedaysay in ay ka dambeeyaan xoogag
shisheeye oo isku deyahyay in ay carqalad ka dhex abuuraan (iyaga iyo)
Somaliland. Beesha Dhulbahante ee Sool waxay ku dhawaaqeen gobol madax
banaan oo ku xeeran Laascanood oo ah Daraawiish.
Laakiin, in yar oo dadka kor kala socda ah ayaa wax weyn ka soo
qaaday sheegashooyinkaas (waa sheegasha madax bannaanida Maakhir iyo
Darwiish).
Laakiin [Gen. Cadde Muuse] Xirsi waxa uu sheegay in dhulka keliya oo
muranku ka jiro uu yahay dhawr kiilo mitir oo uu murankaasi kala
dhexeeyo Somaliland. Waxana uu intaas ku daray in Puntland ay 10 sano
xakuntey xadkeeda, waxana uu Cadde Muuse yiri "Ujeedadyadu ma aha in aan
carqaladeyno Qabaa'ilka Isaaq ama Hawiye ee naga xiga Koonfurta."
Caaqil Boqor Cabdullahi Muuse Yuusuf, oo ah qareen mar hore wakiil
Soomaaliya uga noqday shirkadda ConocoPhillips, ayaa yiri waxaan ku
faraxsanahay Xirsi (Cadde Muuse) sida xoogga weyn ee uu wadatashiga u
sameeyey. Waxana uu intaas raaciyey "Nidaamka (socda) waxa uu xoojiyey
Dawladda Puntland iyo dalka, inkasta oo uu diciifiyey nidaamkayagii
dhaqanka qabaa'ilka, laakiin taasi waa caadi."
Caaqil Ugaas Yaasiin waxa uu yir "Puntland weligeed kuma dhici doonto
waxa loogu yeero Inkaarta-batroolka, sababtoo ah dadka oo isku mid ah
iyo nidaamka dawladeed ee aadka u sareeya".
Puntland waxay isu diyaarineysaa in ay Keligeed Waddo Qaaddo
- Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha: Upstream
December 21, 2007
Tabar yaraanta DFKMG waxaa muujiyey afar wasiir oo iska casiley iyo
madaxweynaha oo cusbitaal loo qaaday ka hor shir Muhiim aha.
Madaxweynaha Dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, C/laahi Yuusuf
Axmed, waxaa loola cararay cisbitaal ku yaal Nairobi Kenya, saacado ka
hor markii uu Addis Abba kaga qayb geli lahaa shir ay ka soo qayb
gelayeen madaxda gobolka oo ay goob joog ka ahayd xoghayaha arrimaha
dibadda ee Maraykanka Condoleezza Rice.
Qabqablihii hore ee dagaalka ee Punt(land), (dawlad goboleedka
itaalka daran ee ku taal gobolka woqooyi bari ee qabiilka Daarood iyo
Harti), waxaa lagu eedeeyey (C/laahi Yuusuf) in uu soo casumey
Itoobiyaanka si uga caawiyaan in ay meesha ka saaraan Muqaawada
Islaamiyiinta ee dhanka Koonfureed ee dalka dagaalku halakeeyey.
Toddobaayadii hore, afar xubnood oo ka mid ah Baarlamaanka fadhigiisu
yahay Baydhabo, kana tirsan qabaa'ilka Raxanweyn ayaa is casiley.
Arrintaas oo dhabar jab ku ahayd ra'iisul wasaaraha cusub (ee DFKMG)
Nuur Xasan Xuseen (Col. Nuur Cadde), oo dhowaanta uu magacaabay Yuusuf
kaddib markii ay iska hor yimaadeen ra'iisul wasaarihii hore (DFKMG)
Cali Maxamed Geeddi arrimo la xiriira siyaasadda batroolka awgeed.
Nnamdi Azikiwe - Madaxweynihii u horeeyey ee Nigeria (1963–66).
Sawirka: Wikipeadia |
Isagoo sheeganaya in uu qabo cillad yar oo la xiriirta xagga
neefsashada, (C/laahi) Yuusuf waxa uu warbaahinta maxalliga u sheegay in
ay ka taxadaraan in aysan si khaldan u tebin dhimashadiisa.
Arrintani waxay (dadka) soo xusuusineysaa arrin taas aad uga darrayd
oo ahayd in madaxweyne Nnamdi Azikiwe, oo ka mid ah asaasayaashii
Nigeria, kaas oo ka soo jawaabey qoraal tacsi isaga loo dirayey isagoo
dhehay "warka geeridayda aad iyo aad ayaa looga badbadiyey".
Inkasta oo warbixinnadu wanaagsan yihiin, xaaladda caafimaad ee
Yuusuf si degdeg ah ayey uga sii dareysaa sida laga soo xigtey ilo
maxalli ah. Waxaa la geeyey dhakhtar sababtoo ah xaalada beerka oo ka
sii dareysey.
Iyagoo xaaladdaas ku baraarugsan awgeed, dhawr la taliye oo kamid ah
kooxaha Puntland, kuwaas oo u shaqayey Dawlada Federaalka Kumeel gaarka
ah, fursadaas ayey qaateen si ay isu casilaan toddobaadkii hore.
Is casilaadu waxay la xiriirtaa is xulufaysiga la xiriira doorashada
madaxweyne ee soo socota sannadka 2009.
Suurtagal ma aha in xubnaha ku haray baarlamaanka dawladda Federaalk
Kumeelgaarka ah ee Baydhabo in ay awood u yeeshaan in ay dib u sameeyaan
oo ansixiyaan dastuurka loo baahan yahay, sharciga Batroolka, isla
markaasna qaban qaabiyaan doorashada ka hor inta aan la gaarin xilliga
uu tartarku bilaabanayo dhammaadka sannadka 2008.
Waxaa laga yaabaa in qabaa'ilka Puntland ay doortaan goonidooda,
marka ay siyaasadda guud ee Soomaalida ku xeerani diciifto, isla
markaasna Dawladda Federaalka Kumeelgaarka soo celinteeda xornimadu ay u
jihaysato xagga burburka.
Waxa arrinta sii raaca in toddobaadkii hore xarunta militariga
Maraykanka (US Pentagon) uu qirtay in uu u janjeersan lahaa aqoonsiga
Jamhuuriyadda goonida u go'da ee Somaliland taas oo ka soo horjeeda
arrinta muxaafidka ah ee ay ku adkaysanayso waaxda Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka (State Department). Tani waxay dhiiri gelineysaa in qaybaha
kale ee Qaranka Soomaaliyeed ay raadsadaan madaxbaani dheeraad ah.
###
Halkaas waxaa ku eg tarjumaadii SomaliTalk.com ee qoraalladii
Upstream ee December 21, 2007.
Shirkadaha aan la aqoon oo Puntland heshiiska la gashay iyo Musuq
Maasuqa oo wax laga weydiiyey Gen. Cadde Muuse...
C/salaan Hereri oo ka tirsan Idaacadda Codka Maraykanka oo jooga
Washington oo waraysi la yeeshay Gen. Cadde Muuse, madaxweynaha DGPL, oo
Dec 26, 2007 oo ahayd maalintii Boosaaso lagu afduubay labo dumar ah oo
shaqaale ka aha hay'adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF, ayaa
waxa uu weydiiyey "Dadka Maamulkaaga Dhaliilaya waxay sheegayaan in aan
arrin kale meesha lagu hayn ee sheekadiinii noqotay maxaad cuntaan, oo
musuq maasuqu xad dhaaf yahay, oo baddii xitaa haday noqoto laysamo xad
dhaaf ah la gooyo, berrigii shirkado aan qaar kood laba garaneynin oo ku
shidaalka ah lala heshiiyo, oo lacago laga qaato, oo dabadeedna adeeggii
bulshaduna uu meel cidla ah ku dhacay"
Gen. Cadde Muuse oo joogay Garoowe oo arrimahaas ka jawaabayey wuxuu
yiri: "Taa adigaa sheegtay ee annaga ma jirto shiriikadaha aan la
heshiinay waa danta Puntland, iyada ayaanu wax ka qabaney, ragga aad
waraysatay oo warkaan kuu sheegayna waa rag adigu aad taqaanid, annagu
shiriikaadka sharci baanu kula galnaa, heshiisyo aan la galnaa haddana
waan wadeynaa, shuruucda aan kula heshiinana wixii ka soo baxana danta
Puntland baa laga sameyey ilaa iyo labo boqol oo mashruuc baanu ka
sameynay wixii wadanka aan ka helay"..
DFKMG: Khayraadka Dabiiciga ee Dalku wuxuu Hoos Yimaadaa Dowladda
Dhexe, Shirkadii horena waa soo noqonayaan....
Waraysi ay Idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay Wasiirka
Batroolka ee DGPL iyo Wasiir ku xigeenka Batroolka ee xukuumada Col.
Nuur Cadde ee FKMG ayaa muujiyey khilaafkii DGPL iyo DFKMG in uu weli
taagan yahay......
Sawirka Wasiirka cusub ee Batroolka Puntland,
Xasan Aloore, oo la dhaariney markii wasiirka loo magacaabay,
waxaana sawirka aad loogu faafiyey gobaha sayladaha ganacsiga
Austrlia si kor loogu qaado saamiga shirkadda Range.
Isha Sawirka:
http://sharescene.com/
Saamiyada Range ee hoos u dhacey bilahan... |
Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, ayaa dhowaan golihiisa wasiirada
waxa uu kusoo kordhiyey Wasaaradda Batroolka iyo macdanta oo aan hore u
jiri jirin, balse u shaqayn jirtey qaab hay'ad hoos tagta madaxtooyada
Puntland.
Haddaba waraysi ay idaacadda Codka Maraykanku la yeelatay (Dec 21,
2007) Wasiirka wasaaradaas cusub ee Batroolka DGPL, Xasan Cismaan
Maxamuud "Xasan Allore", isagoo joogey Garoowe, ayaa sheegay in wararka
sheegaya in cid hor taagan tahay shidaal qodista in aysan jirin, balse
ay website-yadu wax bilaash ah qoraan. Waxana uu sheegay in shidaal
qodistiu ay Puntland ka bilaabaneyso bilowga sanandka soo socda ee 2008
Nuux Muuse Birjeeb oo Idaacadda Codka Maraykanka uga soo warama
Garoowe oo waraysiga qaday markii uu wax ka weydiiyey xiriirka DFKMG iyo
DGPL, waxa uu Xasan Aloore sheegay in ay hore u diidanaayen sharcigii
batroolka ee lagu soo dhisay Malindi, balse hadda ay la tashanayaan
xukuumaad Nuur Cadde.
Maxamuud Cabdi Xasan "Bekos"
|
Sidoo kale, idaacadda Codka Marayanku waxay waraysi la yeelatay
Wasiir Kuxigeenka Batroolka ee DFKMG, Maxamuud Cabdi Xasan "Bekoos" ayaa
si cad u sheegay in khayraadka dabiiciga ee dalka, sida Batroolka iyo
macdanta, ay mas'uul ka tahay dawladda dhexe oo ay hoos yimaadaan.
Sharci ahan dawladda dhexe ayaa arrintaas qaabislan, cid aan soo marina
ma iman karto dalka.
Wasiir kuxigeenka Batroolka DFKMG waxa uu sheegay in Puntland ay ka
hawl geli jireen shirkado qandaraas ka haystey dawladii hore ee
Soomaaliya kuwaas oo dalka ka baxay dagaalkii ahliga ahaa awgeed, balse
shirkadahaasi ay diyaar u yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan.
Sharciga hadda horyaal baarlamaanka DFKMG waa kii uu ogaa Cali
Maxamed Geeddi, waxa lagu kordhinaaya qodobo la xiriira sida loo
wadaagayo khaayraadka.
Wadahadal dhex mari doona Madaxweyanaha DFKMG iyo Wasiirka
Batroolka DFKMG
Dhanka kale, sida laga soo xigtey jariidada AFRICA ENERGY
cadadkeedii 128aad ee soo baxday 14kii December 2007, waxaa
toddobaadyada soo socda wada hadal dhex mari doonaa Wasiirka Batroolka
ee DFKMG Cabdullahi Yuusuf Maxamed iyo madaxweyanah DFKMG C/laahi Yuusuf
Axmed oo ay kawada hadali doonaa sidii loo anxisin lahaa sharciga
batroolka Soomaaliya, sharcigaas oo hadda diyaar ah oo Puntland soo hoos
gelinaya Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Federaalka ah.
Hadalaas soo kala horjeeda waxaa ka cad in uu markale soo shaac
baxayo khilaafkii u dhexeeyey Puntland iyo DFKMG ee la xiriirey
shidaalka iyo shirkadaha heshiiska lala gelayo. Waxaan arrintani hor
dhac u tahay muranka dhex mari kara xukuumada col. Nuur Cadde iyo
maamulka Gen. Cadde Muuse.
Cabdiraxman Faroole: Heshiiskii 2005 (ee Khayraadka Dabiiciga) Cadde
(Muuse)
sharci uma uu lahayn in uu isagu saxiixo...
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, oo Puntland ka ahaan jirey
Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Qorshaynta, oo Dec 29, 2007 waraysi
siiyey Idaacadda wararka u faafisa dalka Ingriiska ee "British Broadcasting Corporation" ayaa mar kale
caddeeyey sababtii uu uga baxay maamulka DGPL in ay ahayd khilaaf ka
dhashay heshiisyo uu Gen. Cadde Muuse u saxiixay shirkado dadka 'Ku
maaweelinaya in ay khayraad soo saarayaan" kuwaas oo "aan u qalmin" in
heshiiyo lala galo.
Arrimahaas isagoo ka hadlaya Dr. Cabdiraxmaan "Faroole" waxa uu yiri: "2005-tii niman koox ah oo dullaaley ah oo shirkad yar ka diiwaan
gashaday jasiiradaha loo yaqaan Maldives ee ku yaal badda Hindiya ayaa
heshiis waxaa u saxiixay ninka la yiraahdo Cadde Muuse, heshiiskaas
anigu waa is hor taagey waana diidey, aniga iyo isaguna waa ku diriray,
golaha wasaaradda ayaan isla tagnay, golaha wasaaradda nasiib darro
fikirkii anigu aan ka watey way aqbali waayeen, ceeb xun ayaa ka dhacday
meeshaas, arrintu wey fogaatey ilaa dawladda dhexe ayey gaadhey oo aan
dacwadii isla gaarey, Qareemo caalami ah (International Lawyers)
ayaan soo dhex geliney. Arrintu meel halis ah ayey hadda sii mareysaa,
maalin walba laba nin ayaa la keenayaa oo dhuumaalaysi lagu keenayaa,
laba oday iyo dhawr dhallinyaro ah oo amuurahaas kumashquulsan oo ay
dadka ku maaweelinayaan khayraad ayaan soo saareynaa. Heshiiskaas uu
waagaas saxiixay Cadde sharci uma uu lahayn oo ma ahan in uu isagu
saxiixo karo."
Waxaa markaas Faroole la weydiiyey "adigu miyaadan wax ka saxixin
heshiiskaas markii aad ahayd wasiirkii Qorshaha." Waxa uu ku jawaabey
"MAYA, waan diidey, anigu ninkii diidey ayaan ahaa, dadka Soomaalida oo
dhan waa ogyihiin, Puntland-na gaar ahaan waa laga ogyahay, Golaha
Wasiiraduna waa ogyihiin."
Dr. Faroole oo ka hadlayey ka tegidiisii DGPL waxa uu yiri: "Ka
tegidaydu wax caan ah ayey ahayd oo dadka aan ka qarsoonayn, madaxda
maamulka iyo anigu waxaan isku qabanay Khayraadka dabiiciga ah ee dalka
oo qaab xun heshiisyo inta loola galay dad aan u qalmin khayraad dabiic
ah in ay soo saaraan oo loola jeedey oo qura wax ka dhifso oo ka dhaqaaq
uun baan anigu kaga tegey oo aan isku hor fadhiney muddo siddeed bilood
ah oo aan maamulka ku jirey gudihiisa ayaan isku haysaney, sidaas ayaan
kaga tegey ee kama ciil qabo, oo waxaan aaminsanahay in ayan waxba ka
tari karin.."
Waraysiga waxa uu Dr. faroole kaga hadlay ammaan darida ka jirta
Puntland isagoo shacabka Puntland ugu baaqay in ay ammaanka dhawraan,
isla markaana soo daayaan labaad dumarka ah ee afduubka lagu qafaashay.
Yaa leh Shirkadda 'Consort ltd'
Saamiyada Range Resources boqolkiiba 15% waxaa leh 'Consort ltd',
Waxaana Consort wax ku leh madaxda sare ee Puntland.....
Terry
iyo Gen. Cadde Muuse
|
Waxaa dhici karta in akhristuhu is weydiiyo waxa keenay muranka daba
dheeraaday ee shidaalaka Puntland. Arrintaas si aad u fahamtid waxaa
muhiim ah in aad xusuusatid sidii uu ku bilowday mashruuca loogu magac
daray 'shidaal qodista Puntland' iyo cidda wax ku leh.
Arrimaha shidaalka ee Puntland waxay ku bilowdeen
kaddib markii uu Puntland yimid February 2005 nin lagu magacaabo Terry
Donnely oo ka tirsanaa hay'adda Kids in Needs oo hoos timaada
World Vision. Muddo gaaban ka bacdi
Terry waxaa la arkay isaga oo ka mid ah waftiga madaxweynaha DGPL, Gen.
Cadde Muuse, waxana uu durbadiiba Terry soo abaabuley shirkad lagu magacaabo
'Consort ltd' oo laga soo diiwan geliyey dalka Maldives.
Waxaa xusid mudan in Toufic Rahi (oo asal ahaan ka soo jeeda
jasiiradda Maldives) in ay markii dambe soo shaac baxday in uu qareen u
ahaa Terry Donnely iyo Anthony Black (oo ka mid ah aasaasayaashii
Consort) waxana uu Toufic markii dambe ka mid noqday
agaasimayaasha Range Resources. Isla xilligaas (May 25, 2006) waxaa kale
oo agaasimayaasha
Range lagu daray Liibaan Muuse Boqor kaddib markii Maxamuud Muuse Xirsi
Boqor (Gen. Cadde) uu difaacey shirkadda Range. Waxaa isla maalintaas la
magacaabay Liibaan iyo Toufic (Khamiis May 25, 2006) jagadii agaasimaha
guud ee Range iska casiley Mr. Jim Marinis. Toufic Rahi waxa uu is
casiley July 04, 2007.
Sida ay qortay jariidada Indian Ocean Newsletter, caddadkii
June 21, 2006, xubno ka mid ah shirkadda Range ayaa qiray in guddiga
sare (board) ee shirkadda Consort Private Ltd ay ku jiraan wasiirro ka tirsan
maamul goboleedka Puntland. Sidoo kale agaasimihii hore ee Range Mr. Jim
Marinis ayaa sheegay "in agaasimayaasha Consort ay ka mid yihiin wasiiro
ka mid ah dawlada" (Puntland), arrintaas waxa uu
October 7, 2005
u sheegay jariidad ka soo baxda dalka Australia, waxana uu ka gaabsaday
in uu madaxdaas magacaabo, taas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri "ma
aqaan kuwa ay yihiin agaasimayaashu".
Jariidada Africa Energy Intelligence, caddadkeedii June 21,
2006, waxay qortay in markii Consort laga iibiyey Range in
lacagtii ugu horeysey ee la bixiyey ee ahayd $2.5 million ay dheerayd in
saami dhan 85(million shares) oo ah Range la siiyey dadkii lahaa
'Consort ltd' oo ay ka mid yihiin dhawr sarkaal sare oo ka tirsan
Dawladda Puntland [Arrintaas waxay muujineysaa in madax ka tirsad DGPL
ay saamiyo ku leeyihiin Range Resources]. Waxaa kale oo xusid mudan in
aan gebi ahaanba shirkaddii 'Consort ltd' la iibsan, balse uu weli jiro
waxa loo yaqaan 'macaashka' ama 'Royalties' oo ah haddii mashruucaasi
shaqeeyo in weligeed lacag 'macaash ah' ay u socon doonto dadka leh
shirkadda 'Consort ltd'..
14kii
July 2006 qoraal ay shirkadda Range resources u dirtay Suuqa
Ganacsiga Australia (ASX) waxay ku cadaysay in qodobbada heshiiska
ay Range kula wareegtey 100% xuquuqdii lahaanshada qodista macdanta iyo
batroolka Puntland in qodob ka mid uu ahaa in "Consort ltd" lagula
heshiiyey macaash joogto ah (Royalty) oo dhan 2.5% saafi-ah ee mashruuca
Puntland [2.5% net royalty] - halkaas oo laga fahmayo in ay jirto
lacag joogto ah uu socon doonta mulkiilayaasha Consort ltd - xusuusnow
cidda ku jirta mulkiilayaasha Consort!.
29kii November 2007 Cilmi baaris dheer oo ay samaysay "t1ps.com
Limited" (oo qaabilsan adeegyada la talinta shirkadaha iyo
saamileyda, xarunteeduna tahay magaalada London ee dalka UK,) ayaa
shaaca ka qaaday in saamiyada ugu badan ee Shirkadda Range Resources ay
wax ku leedahay Shirkadda 'Consort Private Ltd' (oo ah boqolkiiba 15%).
Shaxda hoose waxay muujineysaa cilmi baarista "t1ps.com Limited"
ay ka samaysay Range Resources oo ay ku muujisay saamiyada ugu badan oo
ah 15% in ay leedahay 'Consort ltd'.
Isha: "t1ps.com Limited" | Nov 29, 2007
Cilmi baarista "t1ps.com Limited" waxa kale oo ay sheegtay in
shirkadda Range ay hadda Puntland ka wado macdan baaris.
Jariidadda Sydney Morning Herald, caddadkii April 18, 2006, oo
waraysi la yeelatay agaasimaha Range Resources, Mike Povey, ayaa qortay in
shirkadda Range ay Dawlad Goboleedka Puntland bil kasta siiso lacag dhan
$200,000 oo doolarka Maraykanka sida uu dhigayey heshiis.
Range Resources waxay hadda ku dadaaleysaa in Puntland ka go'da
Dawladad Federaalka ama Soomaaliya inteda kale si markaas ay ugu madax
bannaanaato badda Puntland.
Ma jiro qorshe sugan oo muujinaya cilmi baaris lagu sameeyey raadka
uu ku reebi karto degaanka Soomaaliya mashruuca ay wadato Range, iyadoo
laga qiyaas qaadanayo arrimaha ka dhacay Niger Delta ee la xiriira
Batroolka. Mana jiraan qoraal sugan ama warbixin ay maamulka Puntland ka
diyaariyeen saamaynta degaanka ee mashruucaas oo ay ahayd in marka hore
la derso.
Arrimahaas marka la isku daro, heshiisyada lala gelayo Range
Resources waxay u muuqanayaan kuwo aan dhinacyada heshiis-yadaasi dhex mareen
aysan daacad ka noqon karin, waayo waxaa meesha soo gelaya dan gaar ah
ama nidaamka loo yaqaan "Conflict of Interest".
Su'aashu waxay tahay shacabka Soomaaliyeed ma aqbali doonaan in
Puntland laga gooyo Soomaaliya?
Maamulka Puntland waxa uu ku dadaaley sidii uu DFKMG ah uga dheerayn
lahaa heshiisyada batroolka ee Puntland. Ifafaalaha arrintaas waxaa ka
mid ah in December 15, 2007 madaxweynaha DGPL uu wasaarad cusub u
sameeyey Batroolka Puntland, arrintaas oo sida ku xusan qoraalka sare uu
durbadiiba ka hadlay wasiir kuxigeenka wasaarada Batroolka DFKMG oo
sheegay in Khayraadka Dabiiciga ee Soomaaliya uu hoos yimaado DFKMG.
Arrintan oo keeni karta xurguf hor leh oo soo kala dhex gasha Garoowe
iyo Baydhabo. Waxaa xusid mudan in ay jirtey xurguf hore u soo kala dhex
gashay xukuumadii hore ee DFKMG iyo Puntland taas oo la xiriirtey
Batroolka.
Su'aasha kale waxay tahay, baarlamaanka Baydhabo ee fadhiidka ah ma
ansixin doonaa sharciga Batroolka Soomaaliya, sharcigaasi Puntland ma
aqbali doontaa, C/laahi Yuusuf ma waxa uu gacan siin doonaa Gen. Cadde
Muuse mase ra'iisul wasaaraha uu soo magacaabay Col. Nuur Cadde haddii
ay labada dhinac ee DGPL iyo DFKMG isku khilaafaan sharciga cusub ee
batroolka. Shirkadda Shiinaha ee CNOOC heshiiskii lala galay xaggee
kudambayn doonaa, shirkadihii Dowladii hore la gashay haddii la soo
celiyo Gen. Cadde ma aqbali doonaa?
Gabagabadii waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyeed inta dhexdooda la
isku mashquuliyey markaas korkooda laga shaxayo, oo loo tashanayo
khayraadkooda. [Waxaa hadda arrimaha Batroolka kusoo biiray Yemen dhanka
badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan aagga Suqadara
batroolka laga baarayo..]
Xaaladda Guud ee Soomaaliya Hal Sano kaddib Imaanshadii Ciidamaad
Itoobiya
- Waraysi ku saabsan hal sano kaddib imaanshadii ciidamada
Itoobiya ay yimaadeen Soomaaliya ayaa waxay idaacadda Codka
Maraykanku (Dec 23, 2007) la yeelatay Madaxweynaha DFKMG, C/laahi
Yuusuf, iyo Guddoomiye ku xigeenka ururka Dib u xoreynta
Soomaaliyeed Jaamac Maxamed Qaalib iyo afhayeen u hadlayey Itoobiya,
gaar ahaan waxaa la weydiiyey immisa ciidammo Itoobiyaan ah ayaa
Soomaaliya ku sugan kuwaas oo tiradooda uu caddayn ka bixin waayey
madaxweynaha DFKMG...
Halkan ka
dhegeyso ama
Halkan (mp3)
-
Waraysi
uu bixiyey SALIM LONE oo afhayeen u ahaan jirey Qaramada Midoobey,
oo hadda ka tirsan wargeyska Daily Nation ee Kenya, ayaa muujiyey in
adduunku dhinaca kale uga jeestay dhibaatada ka taagan Soomaaliya...
Daawo:
Video:
Adduunka oo Indhaha ka laabtay Soomaaliya..
Qoraallada bogga waxaa isku soo dubaridey bahda SomaliTalk.com
Faahfaahin dheeraad oo ah ku
saabsan cidda ay u diiwaan gashantahay shirkada "Consort pvd Ltd"
iyo xilliga dalka Maldives laga diiwaan geliyey, waxaa toos loogala
xiriiri karaa Wasaaradda Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives:
Teleofoon:: +960 3323668, ama Tel: +960 3315593. Fax: +960 3323840.
Ama Email:
contact@trademin.gov.mv Ama Xafiiska madaxweynaha Maldives,
Maumoon Abdul Gayoom, Emailka:
info@presidencymaldives.gov.mv
Akhri: DAGAALKA, BATROOLKA IYO
SOOMAALIYA
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 22, 2007 | Dec 23, 2007
|