SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AFRICOM
Daabaco Boggan | Print

  • FG: Fadlan Qoraallada cusub ka eeg qaybta ugu hooseeya boggan.. [Maadama ay qormadani socotey waxaan qormooyinka cusub ka racinay dhanka ugu hooseysa ama ugu dambaysa qoraalka...]

Saldhigga AFRICOM iyo Qaaradda Afrika...

Welwelka Afrikaanku ka Qabaan AFRICOM

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Feb 19, 2008 | Qormo cusub: Feb 20, 2008

Hordhac - AFRICOM:

AFRICOM waxaa laga soo gaabiyey U.S. Africa Command. Febraayo 2007 ayaa Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush waxa uu ku dhawaaqay in la asaasayo AFRICOM. Waxayna qaabisanaan doontaa maaraynta danaha Maraykanku ka leeyahay Qaarada Afrika.

September 28, 2007 ayaa Gen. William "Kip" Ward (oo ah nin ka soo jeeda dadka madow ee Maraykanka) si rasmi ah loogu magacaabay in uu noqdo Taliyaha AFRICOM. October 1, 2007 ayaa AFRICOM si rasmi ah loo dhaqan geliyey, waxaana xarun looga dhigay Stuttgart, Germany oo weli xarun u ah... Maraykanku wuxuu raadiyey dalkii Xarunta u noqon lahaa AFRICOM, ilaa hadda waxaa ogoladay hal dal oo ah Liberia....

Taliyaha AFRICOM oo Qiray in Ujeedada AFRICOM si kale loo fahmey...


Gen. William 'Kip' Ward, Taliyaha AFRICOM

Asaaskii hoggaanka cusub ee Militariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) qaar ayaa waxay u fahmeen si kale oo ah in lagu duulayo qaaradda, sidaas waxaa Isniin Febraayo 18, 2008 qiray sarkaalka hoggaamiya AFRICOM oo magaciisa la yiraahdo Gen. William 'Kip' Ward oo warsaxaafadeed ka jeediyey London, UK.

Ka hadalka in xarunta AFRICOM laga dhigayo Afrika waxaa loo fasiray dareenka ah in "Maraykanku soo duulay." ayuu yiri Gen. Ward, sida ay qortay Reuters.

Gen. William 'Kip' Ward oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: "Markaan dhambaalka u gudbino Afrikaanka, oo u sheegno in arrintu aysan ahayn in saldhig weyn laga asaasayo Afrika, oo aysan ahayn in tiro badan oo Askar ah aan la keenayn Afrika, waxay yiraahdaan" HAYE, HAYE (OK, OK), maxaad sidaas markii hore noogu sheegi weydeen."

Warbaahinta Maraykanka oo faallo ka bixineysey in madaxda Afrikaanku ay shaki ka qabaan AFRICOM ayaa qortay: Maanta madaxweynaha Keliya ee Afrikaanka ee ogol in xarun ay AFRICOM ku yeelato Afrika waa madaxweynaha Libaria, Ellen Johnson-Sirleaf.

Sannadka 2015 iyo Batroolka Afrika...

Shabakada NEWS24.COM ee laga leeyahay Cape Town, Koonfur Afrika, oo ka hadleysey danaha uu Maraykanku ka leeyahay qaaradda Afrika ayaa Feb 15, 2008 qortay:

Batroolka (oil) - Danaha uu Maraykanku ka leeyahay Afrika waxaa kale oo lagu sharxi karaa xaqiiqada ah sannadka 2015 in Washington ay rajayneyso boqolkiiba 25% batroolka ay soo degsato in uu ka iman doono Qaarada Afrika, gaar ahaan gacanka Gulf of Guinea.

africa
Gacanka "Gulf of Guinea" waxa uu kamid yahay badweynta Atlantic ee Koonfur Galbeed ee Qaaradda Afrika. Gacankaas biyaha ah waxaa ku xeeran dalalka ay kamid yihiin Liberia, Ivory Coast [Cote d'Ivoire], Ghana, Togo, Benin, Nigeria, Camaroon, Eutorial Guinea, iyo Gabon. Aaggaas waxaa lagu tiriyaa in uu ku jiro batrool aad u baaxad badan. | Sawirka: GoogleEarth.

Batroolka (Oil) ayaa sidoo kale ku lug leh sababta uu Maraykanku ugu adkaysano iibinta fikrada la xiriirta hoggaanka Ciidamada Militariga Maraykanka ee Afrika - AFRICOM, oo hadda xaruntoodo tahay Jarmalka.

Markii ay la soo deristey in aan xiiso badan loo hayn marshuucaas awgeed, Washington waxay isku deyeysaa in ay sida ugu wanaagsan u muujiso in ay arrimaha maaraysay. Dhammaadkii bishii Janaayo (2008) ayaa diblomaasiga Maraykanka, Geoffrey Martineau, waxa uu baarlamaanka Dalka Nigeria u sheegay in Maraykanka ujeedadiisu aysan ahayn in uu saldhig Militari ka samaysanayo ama in uu weerarayo gobolka qaniga ku ah Batroolka ee Niger Delta.

Nigeria waqtigan la joogo waa dalka siddeedaad ee Adduunka ee ugu dhoofinta badan Batroolka Ceyriin, waana dalka shanaad ee shidaalka ugu badan u dhoofiya Maraykanka.

Nigeria waxay diidey in ay marti geliso saldhig AFRICOM, waxayna muujisay sida aysan u rabin in ay saldhig AFRICOM ku yeeshaan 'meel kamid ah qaarada Afrika.'

"Arrinta ku saabsan AFRICOM waa laga hadli doonaa laakiin ma jiri doonto wax lagu dhawaaqi doono. Waxaa weli jira hawl badan oo ay tahay in la qabto," sidaas waxaa yiri Stephen Hadley oo ka tirsan Aqalka Cad ee Maraykanka, oo Febaayo 14, 2008 ka hor intii aan Bush safarka ugu ambabaxin Afrika la hadlay warbaahinta.

Shiinaha: Jaal mise cadaw....

Shiinaha oo aad u danaynaya in uu helo batroolka iyo khayraadka kale ee cayriin, dhawrkii sano ee ugu dambeeyey waxa uu lug weyn ku yeeshay qaarada Afrika.

Qaar ayaa u arka jaal ama cadaw, Beijing xurguf xoog leh ayaa u dhexaysa Maraykanka iyo Yurub. Sidaas waxaa qortay NEWS24.

"Wadamada shisheeye waxay u baahan yihiin in ay u dhaqmaan si mas'uuliyadi ku jirto marka ay maal gashanayaan ama helayaan Khayraadka ku jira Afrika," ayuu yiri Stephen Hadley oo ka jawaabayey su'aal ku saabsanayd in Shiinuhu uu kordhinayo muhiimadiisa Qaaradda Afrika.

Forbes.com waxay October 2006 qortay in dalka Shiinaha uu Batroolka hadda boqolkiiba 30% ka keensado Afrika iyo in saddex shirkadood oo ay maamusho dawladda Shiinuhu ay maal gashadeen Batroolka ugu yaraan 20 dal oo Afrika ah, sidaas waxaa February 15, 2008 qortay shabakadda Tribune-Democrat.

Zachary Hubbard, oo ahaan jirey sarkaal ciidamada (USA) ka tirsanaa, waxa uu shabakadda Tribune-Democrat ku qoray in : Website-ka Wasaaradda Tamarta ee Maraykanku uu shaaca ka qaaday in dalalka uu Maraykanku shidaalka ka keensado ay ka mid yihiin dalal aan xasiloonayn ama halis ah oo ka mid ah dalalka Afrika oo ay ka mid yihiin Nigeria, Algeria, Angola, Congo, Chad, Equatorial Guinea, Mauritania iyo Gabon.

Zachary Hubbard oo hadalkiisii sii watey waxa uu yiri: Ha ilaawin Soomaaliya. Inkasta oo Maraykanku uusan Batrool ka keensan Soomaaliya, waxaan hadda ku lug leenahay dagaalka lagula jiro Argagaxisada Islaamiyiinta ah ee taageerada ka haysta Al-Qaaida ee Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah Geeska Afrika. Geeska Afrika waxa uu soo hoos gelayaa masuuliyada Militari ee CENCOM [U.S. Central Command], laakiin waxaa hawshaas la wareegi doona AFRICOM marka uu kobco.

Warbixin kale oo ay Jimce Febraayo 15, 2008 qortay hay'adda Reuters oo ka hadleysey arrimaha AFRICOM ayaa si gaar ah u xustay Soomaaliya. Waxayna tiri: "

Taageeradii uu Maraykanku siiyey Itoobiya weerarkii ay ku qaaday Soomaaliya sannad ka hor si ay u gacan qabato dawladii taagta darayd ee kumeelgaarka ah ee ka soo horjeedey Muqaawamada Islaamiga ah iyo nidaamkii ka dambeeyey ee loo yaqaan 'rendition' [ama in maxaabiis dal lag aqaado oo la geeyo dal kale si loogu xiro ama loogu ciqaabo] oo ah in xabsiga Itoobiya la geeyey Muslimiinta laga shakiyey oo ay ku jireen Kenyaati ayaa sii kordhisey caro baahsan.


Madaxweynaha Benin, Boni Yayi, oo soo dhoweynaya Bush, Feb 16, 2008. Sawirka: Xinhua

Madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush waxaa February 16, 2008 uu tegey dalka Benin oo ay uga bilaabatay safar uu marayo shan dal oo Afrika ah oo ah: Benin, Tanzania, Rwanda, Ghana iyo Liberia.

Warbaahinta Shiinaha oo safarka Bush ee Afrika faallo ka bixineysey ayaa sheegtay in ujeedada safarkaasi yahay mid laxiriira qorshaha durugsan ee dawladda Maraykanku ka leedahay Qaaradda Afrika.

Waxaa la xusuustaa in Jan 30, 2007 uu Madaxweynaha dalka Shiinaha, Hu Jintao, ka ambaxay magaalada Beijing asagoo safar ku maray siddeed dal oo Afrikaan ah, oo kala ahaa: Cameroon, Liberia, Sudan, Zambia, Namibia, South Africa, Mozambique iyo Seychelles. Xilligaas, Telefishanka Aljazeera waxa uu weriyey in Xaqiiqo ahaan quwadda dhabta ah ee ka dambaysa ganacsiga Shiinaha iyo Afrika in ay tahay macdanta dabiiciga ah, gaar ahaan Batroolka.

Qoraal ay March 13, 2007 qortay shabakadda AsiaTimes ayaa tibaaxay xurgufka ka dhexaysa Shiinaha iyo Maraykanka ee la xiriirta Khayraadka Dabiiciga ah ee Qaaraadda Afrika. Waxayan xustay sida uu Maraykanku u danaynayo Afrika iyo xiriirka ay taasi la leedahay dhismaha saldhigga cusub ee AFRICOM. Taas oo ay shabakadu tiri muxuu arrintaas Shiinuhu ka yeeli doonaa. Waxayna muujisay in uu halkaas ka bilaaban karo dagaal ah nooca loo yaqaan 'Dagaalka Qaboobaa" ee xulufaysiga.

AsiaTimes waxay xustay in shirkadaha batroolka baara ee Shiinuhu ay dawladda Beijing weydiisteen in ay ciidamo ilaaliya shirkadahaas geyso dalka Suudaan meelaha batroolka laga baarayo halkii ay ka waardiyayn lahaayeen ilaalo reer Galbeed. Arrimhaas muujinaya in danaha uu Shiinuhu ka leeyahay Qaaradda Afrika ay aad u kordheyso ayaa u muuqda in ay sababtay in Maraykanku agaasimo AFRICOM, ayey tiri shabakaddu.

Welwelka Afrikaanku ka qabaan AFRICOM

Xeel dheerayaal badan ayaa shaki ka muujiyey AFRICOM joogitaankeeda Afrika, sid ay qortay hay'adda wararka ee Reuters, Feb 18, 2008.

"In badan oo Afrikaan ah ayaa dareemaya 'walaac iyo kalsooni darri' ku saabsan joogitaanka Maraykanka (ee Afrika), waxayna ka cabsi qabaan in ay kordhaan weerarada argagaxisada" sidaas waxaa yiri Ebenezer Asiedu, oo ah cilmi baare katirsan King's College ee London, UK.


Sawirkan waxaa faafisay Reuters oo qoraal ka qortay AFRICOM, Feb 18, 2008

Qaar kale ayaa ka walaacsan in AFRICOM loo adeegsanayo in Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka laga dhigayo mid ciidan milatari ama mid lagu asaasayo Keligii taliyaal saaxiib la ah (Maraykanka). "Dawladda Maraykanka sidaas waxay marar badan ka sameeyey Afrika," sidaas waxaa yiri David Francis, oo ah madaxa xarunta Africa Centre ee jaamacadda Bradford University.

Theresa Whelan, oo ah gacan yaraha xoghayaha difaaca ee arrimaha Afrika u qaabilsan Pentagon-ka, waxa ay ganafka ku dhufatay laba eedaymood oo baahsan (ama aadka loo hadal hayo) oo ah - in Washington ay raadineyso sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd Batroolka Afrika iyo sidii ay uga hor tegi lahayd raadka kobcaya ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika.

"Halkan isma soo taagayo anigoo idiin sheegaya in aanaan dan ka lahayn Batroolka, xaqiiqadii dan waa ka leenahay, laakiin waa arrin guud oo ah in dal uu soo saari karo Batrool oo batroolkaas ku iibin karo suuqa furan (suuqa xorta ah), ma aha in aan awood u yeelaneyno in aan xakuno," ayey tiri Theresa Whelan.

Reuters oo halkaas faallo ka bixineysey waxay qortay: Waxaa la qiyaasayaa marka la agaaro 2015 in Batroolka laga adeegsado Maraykanka uu Afar-meelood-oo-meel (25%) uu ka iman doono Dalalka Galbeedka Afrika.

Jaah Wareerka Hawsha ay qabaneyso AFRICOM...

October 18, 2007 mar uu Raadiyaha NPR (USA) uu warbixin ka diyaariyey AFRICOM ayuu sheegay in jaah wareer ka jiro hawsha ay u xil saaraan doonaan AFRICOM. Raadiyaha oo soo xiganayey ilo wargal ah oo ka tirsan aqalka looga taliyo Militariga Maraykanka ee loo yaqaan Pentagon ayaa sheegay in: Ciidamada Militariga (Army) ay doonayaan in AFRICOM xarun looga sameeyo meel ka mid ah Qaarada Africa. Halka Ciidamada Badda ee Maraykanku (Navy) ay doonayaan in AFRICOM ay xaruntoodu ahaato badda - oo ay ka hawl galaan Maraakiib waaweyn oo jooga Xeebaha Afrika.

Raadiyaha NPR waxa uu sheegay in ay mar hore bilaabatay in maraakiibta Maraykanku ay tababar siiyaan maraakiibta Afrikaanka si ay u joojiyaan waxyaabaha sida sharcidarrada lagu waarido.

"Waxaan tababar ka bilownay Gacanka Gulf of Guinea," sidaa waxaa yiri sarkaalka ciidanka badda ee Adm. Henry Ulrich, kaas oo sheegay in dalalka Afrikaanku ay kaalmada weydiisteen.

"AFRICOM waxay ku saabsan tahay Batroolka", sidaas waxaa tiri Sandra Barnes oo ah agaasimaha xarunta deraasadda Afrika ee jaamacadda University of Pennsylvania oo u warameysey Raadiyaha NPR. [Halkan ka dhegeyso]

Ujeedada AFRICOM waxay ka hor imaneysaa Ujeedadii Nkrumah ee Ciidmada Afrikaanka...

Jariidada wararka u faafisa dalka Ghana ee loo yaqaan The Statesman, qoraal ay faafisay Febraayo 18, 2008 ayaa si qeexan cinwaan uga dhigay in qorshaha Bush ee AFRICOM uu ka hor imanayo qorshihii Kwame Nkrumah ee ahaa in Afrika yeelato ciidamo sare oo oo gaar u ah Afrikaan-ka.

Kwame Nkrumah waxa uu ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horeeyey dalka Ghana, isla markaasna noqday madaxweynihii dalkaas. Waxana uu aad ugu ololeeyey in Afrika dhisato ciidamo gaar u ah oo xoog leh oo ay leeyihiin Afrikaanku.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Ghana, Akwasi Osei-Adjei, oo Feb 18, 2008 (maalin ka hor intii aan madaxweyna Maraykanku booqasho ku tegin Ghana) magaalaad Accra ugu waramay warbaahinta Ghana ayaa si cad u sheegay in dalkiisu uusan marti gelin doonin saldhig AFRICOM.

Wasiirka Arrimaha dibadda Gaana waxa uu yiri: "Ghana weligeed tixgelin ma siin in ay marti geliso saldhig ciidamada Maraykanka. Madaxweyne Kufuor (madaxweynaha hadda ee Gaana) waxa uu Ghana u tixgeliyaa dal xor ah marka ugu horaysa. Xornimadayada waa arrin aan aad u qiimayno, sidaas daraadeed marna ma qaadan doono go'aan ka hor imanaya danta qaranka." [Bush waxa uu Gaana safar ku tegey Feb 19, 2008, kaddib markii uu soo maray Benin, Tanzania iyo Rwanda.]

Afrika Waxay u baahan tahay "DOTCOM" ee uma baahna "AFRICOM"...

Qoraal Feb 11, 2008 ku soo baxay shabakadda AfricanPath ayaa sheegay in Raadiyaha Codka Maraykanka Laantiisa Afka Amxaarigu ay (Feb 11, 2008) sheegtay in AFRICOM ay diyaar u tahay in ay xafiisyo kafurato meelo badan oo Afrika ah. Shabakada oo ka faallooneysey AFRICOM waxay qortay: in dalal badan oo Afrikaan ah ay u baahan yihiin "Dotcom" oo ah farsamada casriga ah ee isgaarsiinta Internetka, balse aysan u baahnayn "Africom".

Waxaa Afrikaanku u baahan yihiin in la ballaariyo khadka akhbaarta la isku weydaarsado. Qormadaasi waxay xustay in Dawladda Itoobiya ay shucaac ku furto Raadiyaha Codka Maraykanka si uusan u gaarin dad badan oo Itoobiyaan ah, arrintaas oo Maraykanku uusan cambaarayn, ayey tiri shabakadu.

Liberia oo ay suuurtagal tahay in ay Saldhig u Noqoto AFRICOM....

Madaxweynaha Maraykanka George W. Bush ayaa Jimcadii Febraayo 15, 2008 waxa uu sheegay sida ay macquulka u tahay in xarunta Militariga Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ee hadda ah Jarmalka in laga dhigo Qaarada Afrika in ay ka mid tahay qorshihiisa marka u la kulmo madaxda shanta dal ee Afrika ee uu booqanayo.

The AFRICOM Crest::: February 6, 2007, ayaa madaxweynaha Maraykanka , Bush,  waxa uu amray in la soo dhiso AFRICOM....
::: Xarunta AFRICOM ee hadda  waa Stuttgart, Germany.
::: AFRICOM  waxay hawl galkeeda bilowday  October 2007....
ka akhri: www.africom.mil

Bush waxa uu Jimcadii (Feb 15, 2008) u ambabaxay safar lix maalmood ah oo uu ku tegayo Afrika, dalalka Tanzania, Ghana, Benin, Liberia iyo Rwanda.

Reuters waxa ay sheegtay in qorshaha safarkaas ay ka mid tahay u ololaynta in madaxda Afrikaanka (lagala hadlo) meeshii AFRICOM looga dhigi saldhig laga hago. AFRICOM qorshihiisa koowaad waa in uu la shaqeeyo militariga Afrika, ayey tiri Reuters.

"Haddii aan xarun ku yeelaneyno Qaaradda Afrika ... waxaa cad in aan si aad ah u tixgelineyo Liberia," sidaas waxaa yiri Bush oo waraysi siiyey warbaahinta dibada Khamiistii Febraayo 14, 2008, warkaas oo la baahiyey Jimcadii.

"Africom waa fikrad cusub oo ku wajahan in la xoojiyo dalalka sidii ay u maarayn lahaayeen argagaxisada, laakiin sidoo kale in dalalka laga caawiyo sidii ay u dhisi lahaayeen ciidamo awood u leh in ay nabbada ilaaliyaan taas oo nasiib darro ah mid inta badan looga baahdo qaarada," ayuu yiri Bush.

Reuters oo warbixinteeda sii wadatey waxay tiri: Maraykanka waxaa 1,700 oo ciidan ah ay ka joogaan dalka Djibouti. Inkasta oo Liberia ogolaatay in ay marti geliso AFRICOM, laakiin kuwo awoodda ku leh gobolka sida Koonfur Afrika iyo Nigeria waxay muujiyayeen walaac. [Qorayaal badan ayaa xusay muhiimadda uu adduunka u leeyahay biyo mareenka "Bab al Mandeb" oo ah 32km oo u dhexaysa Jabuuti iyo Yemen. Eeg sawirka hoose.]

February 6, 2007, ayaa madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush, waxa uu amar ku bixiyey in la asaaso hoggaan Militari Maraykan ah oo loogu talo galay Afrika oo loo bixiyey AFRICOM. AFRICOM waxay hawsheeda bilowday October 2007, waxaana xarun usii ah Stuttgart, Germany. Waxaa la qorshaynaya in ay si rasmi ah u hawl gasho October 1, 2008.

Bab al Mandeb
Baab-el-Mandab | ballaciisu waa 32 km oo u dhaxaysa Jabuuti iyo Yemen... | Sawirka: Google Earth

Bab al Mandeb waa biya-mareen u dhexeeya Yemen iyo Jabuuti, una dhow woqooyiga Soomaaliya. Gacankaas badda ah waxa uu isku xiriiriyaa badweynta Hindiya oo ku xiriirsan Gacanka Khaliijka iyo Badda Cas oo kusii xiriirsan badda Mediterranean oo uu isku xiro khooriga Suez. Ballaca "Bab al Mandeb" waa 32km (Xeebta Jabuuti ilaa xeebta Yemen). Sannadkii 2006 waxaa lagu qiyaasay in khoorigaas la marsiiyey 3.3 million oo foosto oo batrool ceyriin ah maalin kasta.

Maraykanka oo faraha ka qaaday Saldhig AFRICOM Ku yeelato Afrika...

afrikaMilitariga Maraykanku waxay go'aansadeen in saldhig AFRICOM uu sii ahaado Jarmalka kaddib markii hal dal oo keliya, Liberia, uu ogolaaday in uu marti gelin doono, sidaas waxaa Febraayo 18, 2008 baahisey warbaahinta Ingriiska ee British Broadcasting Corporation.

Gen. William Ward, taliyahah AFRICOM, waxa uu sheegay in aysan qorshaynayn in ay xarrun ciidamo badan joogaan ay ka samaystaan Qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Nigeria, Umaru Yar'Adua , waxa uu bishii November (2007) ku dhawaaqay in uusan dalkiisa u ogolaan doonin in uu marti geliyo xarun AFRICOM, waxana uu ka soo horjeedaa in saldhig noocaas ah laga hir geliyo Afrikada Galbeed. Koonfur Afrika iyo Liibiya sidaas oo kale ayey u muujisteen ka gaabsigooda. Liberia oo keliya ayaa ogolaatay in ay xaruntaas ay marti gelineyso.

Waxaa jirey shaki laga qabey in AFRICOM xaqiiqo ahaan ay tahay isku day in Maraykanku difaacayo danihiisa Batroolka iyo macdanta Afrika, iyadoo ay jirto xilli uu isasoo tarayo tartanka khayraadka ee lagula jiro dhaqaalaha Aasiya, sidaas waxaa yiri weriyaha British Broadcasting Corporation ee caasimada dalka Nigeria ee Abuja.

Saldhigga AFRICOM waxa uu ku negaanayaa Jarmalka halkii loo rari lahaa Afrika, sababtoo ah Afrikaanka oo diidmo ka muujiyey asaasidda saldhiggaas, sidaas waxaa yiri afhayeen u hadlay AFRICOM, sida ay talaadadii Febraayo 19, 2008 qortay hay'adda wararka ee AP.

"Qaaraadda Afrika oo Guulaysatey..."

Faallo ay Feb 19, 2008 daabacday jariidadda BlackStarNews ee ka soo baxda New York, USA, ayaa waxaa ka mid ahaa: in qorshihii Maraykanka ee AFRICOM uu dhabar jab ku dhacay kaddib markii Maraykanku ku dhawaaqay in saldhigga AFRICOM uu ku negaan doono dalka Jarmalka. Waa guul ay gaareen Afrikaanku, ayey tiri jariidaddu.

BlackStarNews waxay ammaantay madaxweynaha Koonfur Afrika, Thabo Mbeki, oo ay ku tilmaantay in uu si xoog leh uga soo horjeedey qorshaha Washington iyo in uu madaxda kale ee Afrikaanka ugu baaqay in ay kasoo horjeestaan saldhig militari oo Maraykan ah loo asaaso Afrika.

koonfur Afrika
Thabo Mbeki

Nigeriya
Umaru Yar'Adua

Waxa kale oo jariidaddu ammaantay madaxweynaha Nigeria, Umaru Yar'Adua, kaas oo markii uu bishii November (2007) booqday Aqalka Cad ee Maraykanka waxa uu si cad u sheegay in uusan dalkiisa u ogolaan doonin in laga dhigo saldhiga AFRICOM iyo in sidoo kale uu diidan yahay in saldhiggaas laga hirgeliyo galbeedka Afrika. Jariidadda oo halkaas faallo ka bixineysey waxay tiri: Madaxweynaha Maraykanka safarkiisa Afrika (Feb 15-21, 2008) waxa uu ku marayaa dalalka Benin, Tanzania, Rwanda, Ghana iyo Liberia, waxa uu ka boodey Nigeria oo uusan safarka ku tegayn.

Nasiib darro, ayey tiri BlackStarNews, dalka Liberia oo keliya ayaan diidin in saldhig militari ee AFRICOM laga hir geliyo.

Xilligan (2008), Ethiopia iyo Uganda ayaa ah kuwa koowaad ee Maraykanka macaamiisha ugu ah Afrika; Uganda iyo Ethiopia waxay dagaal maqaar saar ah ka dagaalamayaan Soomaaliya iyagoo u dagaalamaya Maraykaanka, kuwaas oo ku kacaya xad gudub ka dhan ah bini'aadaminimada. Sidaas oo ay tahay, labadaas dal ee "baqbaqaaga" ah kama badbaadi lahayn (ama kama soo kaban lahayn iska caabinta shacabka iyo) xiriir xumida ka soo wajahda sidii ay dadkooda ugu sheegi lahaayeen haddii saldhiggaas laga dhigi lahaa dalalkaas, ayey tiri jariidadda BlackStarNews.

Jariidada oo xustay sida madaxda Afrika oo midaysan ay u diideen saldhigga AFRICOM, waxay qortay: Waqtigan Afrikaanku si wadajir ah ayey isu taageen, qaaraduna waa guulaysatey. Waqtigan waa marka hoggaamiyaasha Afrika ay duugeen khilaafkoodii macna darrada ah, oo ay u dhaqmeen sidii hoggaamiyaal qaran ah, si ay Qaaradda Afrika u wanaagsanaato.

Madaxweynaha USA oo Sheegay in aysan Afrika ka samaysan doonin Saldhig Militari, balse ay...

Bush - Kufuor in bilateral talks
Bush iyo Kufuor oo caasimada Ghana ee Acra kula hadlayey saxaafadda, Feb 20, 2008. Sawirka: Gana Prodcasting Corporation (GBC)

Madaxweynaha Maraykanka, Bush, oo safar ku tegey dalka Ghana ayaa mar uu la hadlay saxaafadda (Feb 20, 2008) waxa uu sheegay in AFRICOM ujeedadeedu aysan ahayn in ay saldhig weyn ka samaysanayaan Afrika.

Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yiri: "Kuma hamineyno in aan samaysanyo Saldhig cusub, haddii aan si kale u iraahdo: ujeedadu (AFRICOM) ma aha in aan ku siyaadineyno saldhig cusub oo militari (Afrika). Waan ogahan in Gaana la isla dhex marayo hadallo ah in Bush halkan u imanayo in uu idinka dhaadhiciyo in saldhig militari oo weyn laga asaaso halkan. Taasi waa hadal maalaa-yacni ah, ama sida aan ay Reer Texas yiraahdaan waa waxba kama jiraan," ayuu yiri Bush, oo intaas ku daray: "Madaxweynaha (Ghana] waxa uu si qeexan iigu yiri igu ijbaari meysid sow ma aha in aan halkan (Gaana) ka dhiso saldhig, waxaan ku iri waan fahamsanahay, annaguna ma rabno (saldhigga). Taas macneheedu ma ahan in aanaan nooc xafiis ah ka samaysanayn meel ka mid ah Afrika oo weli aanaan go'aansan (meesha ay tahay), arrintani waa hab fikir cusub" ayuu yiri. Bush waxa uu intaas ku daray "Waxaan doonayaa in aan meesha ka saaro hadalka ah Maraykanku waxa uu noocyo kala duwan oo hub ah usoo wadaa Afrika.. taasi run ma aha.." Waa sida uu faafiyey TV-ga AP.  [Halkan ka daawo].

Shirka jaraa'id ee Accra oo uu goob joog ka ahaa madaxweynaha Ghana, waxa uu Bush erayo kooban ka yiri arrin la xiriirta Shiinaha iyo tartanka uu kula jiro Maraykanka. Taas isagoo ka hadlaayey waxa uu yiri "Uma arko Afrika meel ay tahay in mid ku guulaysto Shinaha iyo Maraykanka." Waxana uu Bush is-weydiiyey "ma u arkaa Shiinuhu in uu yahay mid tartan ba'an oo Qaaradda Afrika ah nagula jira?, Maya, uma arko, ayuu isugu jawaabey. Sidaas waxaa werisey hay'adda wararka u faafisa dalka Faransiiska ee AFP, Feb 20, 2008.

Hay'adda wararka ee Reuters markii uu Bush tegey Ghana (19 Feb 2008) qoraal ay qortay ayey ku sheegtay in markii hore ay saraakiil Maraykan ahi ka hadlayeen in saldhigga AFRICOM loo raro Afrika, laakiin markii ay Afrikaanku ka horyimaadeen ayaa Washington bedeshey habkii ay ku socotey, waxayna yiraahdeen ciidamo ama saldhig ma geyn doono Qaaradda Afrika. Waxayna Reuters xustay in hadda ay Maraykanku xarun ku leeyihiin Jabuuti ay u joogaan ciidan gaaraya ilaa 1,800.

Reuters oo warkeeda sii wadey waxay tiri, hoggaamiyaasha AFRICOM waxay taas bedelkeeda ku taliyeen in la sameeyo qaab dhismeed ay AFRICOM yeelaneyso shaqaale wakiil u ah oo ku baahsan Qaaradda Afrika, kuwaas oo ka caawinaya sidii la isugu dubaridi lahaa mashaariicda ah ka hortagga argaggaxisada iyo tababarrada Militariga ilaa gargaarka.

Safarka uu Bush ku maray Afrika waxa uu ugu dambaysiiyey dalka Liberia oo ah dalka keliya oo Afrikaanka ka taageeray saldhig AFRICOM. Bush waxa uu dalkaas [Liberia] booqday Feb 21, 2008, waana madaxweynihii saddexaad ee Maraykan ah oo isagoo kursiga ku fadhiya booqda dalka Liberia. Labada madaxweyne ee kahoreeyey waa Franklin D. Roosevelt oo booqday 1944, iyo Jimmy Carter oo booqday 1978, sida ay werisey jariidada LiberianObserver. Dalka Liberia waxaa la askumey sannadkii 1847 xilligaas oo lagu soo celiyey qaar kamid ah dadkii Afrikaanka ahaa ee addoonsiga markii hore loogu qaaday dalka Maraykanka, kuwaas oo la xoreeyey.

Qiimaha foostada Batroolka Ceyriin oo sii cagacagaynaysa $100 ayaa waxay Afrika ka dhigeysaa Qaarad muhiimad weyn u leh dhaqaalaha Aduunka, maadaama la qiyaasayo in uu Qaaradda Afrika ku jiro batrool baaxad weyn oo aan weli la soo saarin, la sahmin ama la daah-furin.

Isha: Wararka warbaahinta ee AFRICOM... Akhri halkan...

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 19, 2008 | Qoraal-cusub-ku-darid: Feb 20, 2008 | Feb 21, 2008

Tixraac: Madaxweynaha Shiinaha oo Safar ku maraya Siddeed Dal oo Afrikaan ah

Isha Sawirada: wikipedia.org, wordpress.com & Google images

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: