SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND



Madaxweynaha DFKMG oo ku Laabtay Baydhabo asagoo aan Saxiixin Heshiiskii Puntland & Range Resources

  • Madaxweyne Cadde Muuse oo aan ku Guuleysan Saxiixa Madaxwayanaha DFKMG ah....

Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa Khamiis July 20, 2006 ku laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah DFKMG kaddib markii uu ka soo laabtay Puntland oo uu ku tegey safar qaatay shan maalmood (Axad 16 - Khamiis 20 July, 2006).

Kulanka dhexmaray xubnihii DFKMG ah iyo DGPL ayaan waxaan ka soo bixin wax war cad ah oo ay wadajir u soo saareen oo saxaafada la siiyay, warar laga helayo xubno ku dhow dhow labada dhinac ayaa sheegaya kaddib markii kulan hordhac ah uu dhexmaray Madaxwayne Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) iyo Cabdulahi Yusuf Axmed uu khilaaf ku dhamaadey.

Khilaafkan ayaa waxaa sababey kaddib markii Madaxwayne Cabdullahi Yuusuf uu su'aalo waydiiyey xubno ka socdey shirkadda Range Resources.

Su'alahan ayaa ku saleysnaa howsha ay shirkaddaasi qabtaan iyaga oo u sheegey in ay baraan macdanta dhulka ku jirta balse aysan shidaalka baarin lakiin ay qaab dulaal ah (ama habka loo yaqaan 'Joint Venture' ama wadaagga) ku raadiyaan in ay helaan shirkad shidaal ka soo saarta Puntland.

Madaxwaynaha DFKMG ah ayaa ugu jawaabey: in aysan dulaal u baahneyn balse ay u baahanyihiin shirkad toos u soo saarta shidaalka. Intaas markii uu Madaxwayna DFKMG yiri ayaa waxa aad ugu xanaaqey xubno ka mid ah DGPL oo uu madaxwayne Cade Muuse hormuud u yahay, waxaana la sheegay in ay yiraahdeen ama adeegsadeen erayo aan wanaagsaneyn/qallafsan.

Waxaa sidoo kale goobtii ka hadlay agaasimaha Wasaarada Batroolka ee DFKMG, kaddib markii uu su'aalo adag waydiiyay Range Resources ayaa waxaa u hanjabey dad aad ugu dhow Madaxwayaha DGPL Cadde Muuse. Kulankaa ayaa habeenkaa (
Isniin July 17, 2006) ku dhammaaday khilaaf iyo in goobta looga kaco Madaxwaynaha Soomaaliya Cabdullahi Yuusuf.

Kaddib khilaafkaa ayaa waxa bilowdey in loo kala dab qaado Madaxwayne Cadde Muuse iyo Cabdullahi Yuusuf. Isla habeenimadii Isniinta ayaa waxaa bilowday u kala dabqaadisaas oo ay ka qayb qaateen
Wasiirka Kalluumaysiga & Khayraadka Badda ee Dowladda Federaalka KMG Xasan Abshir Faarax iyo Wasiirka Maaliyadda DGPL Maxamed Cali Yuusuf (Dr. Gaagaab). Maalintii ku xigtey oo ahayd Talaado July 18, 2006 ayaa waxaa lagu guuleysay in leysa soo hor fariisiyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse oo uu weheliyey ku xigeenkiisa Xasan Daahir Afqurac, kulankaas aan cid kale loo ogolaan, loona diidey saxaafadda.

Madaxwayne Cadde Muuse ayaa ku adkeysanayey in uu helo saxiixa Madaxwaynaha DFKMG ah ee ah in uu u saxiixo Range Resources in ay soo saari karto shidaalka Puntland, balse Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf ayaa yiri: saxiixaygu waxba kuu tari maayo haddaan Baarlamaanka Federaalku ansaxin sharciga lagu maamulayo khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya. Waxana uu C/laahi Yusuuf, sida ay ilo u dhow sheegeen, sharraxaad ka bixiyey in dalku uu leeyahay baarlamaan iyo sharci oo la'aantood aan arrintani ansaxayn, haddii uu saxiixona ay asaga ku soo noqoneyso oo lagu qabsan doono. Kulankaa ayaa waxa lagu wada hadlay qarsoodi ahaa, markii uu dhammaadayna aan wax war ah saxaafadda la siin.

Balse wararka laga helayo ilo war-gal ayaa sheegaya in warqad ah "Letter of Intent" loo saxiixay Range Resources taas oo loogu ogolaanayo in ay dulaalnimadooda ku doonaan shirkadaha ay sheegeen kaddibna la yimadaan Baydhabo, isla markaana ay qodi karaan dhuxusha iyo wixii kale oo shaqadoodu tahay. Waraaqdaa ayaa waxa saxiixay
Xasan Abshir Faarax oo matalayey jagadii Wasiirka Batroolka oo aan weli la magcaabin lana aqoon goorta si ku-meel gaar ahaana loo siiyay Xasan Abshir balse ku sixiixay in uu yahay ku simaha wasiirka Batroolka. [Wasiirkii Patroolka DFKMG, marxuum Yuusuf Maxamuud Xaraare, Allah ha u naxariistee, waxa uu October 24, 2005 ku geeriyooday magaalada Melbourne ee dalka Australia].

Cabdullahi waxba ma saxiixin, sida ilo ku dhow dhow sheegeen, wuxuuna ballan qaaday bal in uu arki doono marka ay Baydhabo yimaadaan iyo waxa ay Range Resources halkaas keenaan.

Dhinaca kale waxaa soo baxay warar tibaaxaya in lacagta ay Range Resources bixisay ee ay sheegtay in lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe ee lagu sheegay $250,0000 in loo bixinayo habka loo yaqaan "Installment" (ama qayb qayb), $100,000 ayaa la sheegay in ay hadda baxsheen, waxaana tabeelaha sawirka loogu talo galay ku qoraynaa lacagta cadadka la xusay oo dhamaystiran, iyaga oo yiri waxaan eegeynaa sida dadka degaanku ula shaqeeyaan Range Resources, arrinka bixinta lacagta ayaa lagu tilmaamay mid lagu falisayey shirkadda Shiinaha ee ka socotey dhanka Cabdullahi Yuusuf, taas oo lagu macneeyey in la tusayey in shirkadda ka socota dhanka Cadde Muuse ee Range Resources ay wax bixneyso, halka tan SHIINAHA ee CNOOC aysan waxba wadin, arrinkaas waxa ay ka xanaajisay dhankii watey Shiinaha.

 

Waxaa muuqata, sida ilo udhow labada dhinac (Baydhabo & Garoowe) laga soo xigtey in Range Resources loo ogol yahay in ay baarikarto macdanta Puntland, laakiin shidaalka/saliidda-ceeriin loo ogol yahay shirkadda Shiinaha ee CNOOC in ay baarto, arrintaas oo aad uga duwan tii uu rabey madaxweyne Cadde Muuse ee ahayd in C/laahi Yuusuf uu saxiixo heshiiskii ay ansixiyeen baarlamaanka Puntland ee ka koobnaa sagaalka qodob ee Range Resources u ogolaanayey in ay baari karto khayraadka Puntland.


Shirkadda Shiinaha ayaa waxa wata ama garwadeenno ka ah rag ay aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed.

Haddaba maadaama aan madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, helin saxiixa Madaxweynaha DFKMG, ayaa wixii ka dambeeyey Talaada July 18, 2006 saxaafadda ku hadasha afka dowladda waxa uu hadalkoodii ku dhamaadey in laga aamuuso arrinka oo dhan. [Madaxweyne Cadde Muuse ayaa hore u sheegay in shirkaduhu sheegeen in ay u baahan yihiin saxiixa Madaxweynaha Federaalka, sidaas darteedna uu Puntland ku casumey in uu yimaado Cabdullaahi Yuusuf. (Dhegeyso:7/11/06).]

Waaberigii Arbaca July 19, 2006 ayaa madaxweynaha DFKMG iyo waftigii uu hoggaaminayey waxa ay ka ambabaxeen magaalada Garoowe ee xarunta u ah DGPL, waxana uu isla maalintaas gaarey magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, halkaas oo Khamiis July 20, 2006 uu waftigaasi uga sii duulay magaalada Baydhabo, halkaas (baydhabo) oo uu kusoo dhoweeyey ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG.

Waxaa muuqata intii uu joogey Puntland in safarkiisii iyo qorshihii madaxweynaha DFKMG ay wax weyn iska bedeleen. Waxaa hore looga soo xigtey saxaafadda ku hadasha afka dowladda in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu tegi doono Galkacyo, Garoowe, kaddibana Boosaaso, halkaas oo uu kasii aadi doono dalka Yemen. Laakiin ma qabsoomin safarkii Boosaaso iyo Yemen, taas bedelkeeda waxaa dhacday in July 18, 2006 uu Cabdullaahi Yuusuf ogolaaday in DFKMG ay la kulanto Midowga Maxaakiinta Islaamiga. Arrinta la xiriirta ogolaanshaha kulanka Maxkamadaha waxaa aad u soo dhaweeyey guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden, taas oo soo afjartay khilaaf ku dhex jirey DFKMG (gaar ahaan xukuumada iyo Baarlamaanka) ee la xiriirey in DFKMG ay tagto Khartuum si ay ula xaajooto Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah.

Waxaa kale oo muuqata, sida ilo udhow labada dhinac (Baydhabo & Garoowe) laga soo xigtey in Range Resources loo ogol yahay in ay baarikarto macdanta Puntland, laakiin shidaalka/saliidda-ceeriin loo ogol yahay shirkadda Shiinaha ee CNOOC in ay baarto, arrintaas oo aad uga duwan tii uu rabey madaxweyne Cadde Muuse ee ahayd in C/laahi Yuusuf uu saxiixo heshiiskii ay ansixiyeen baarlamaanka Puntland ee ka koobnaa sagaalka qodob ee Range Resources u ogolaanayey in ay baari karto khayraadka Puntland.

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD