SOMALITALK OO AY KA
TAN BADISAY CADAAWADA AY U HAYSO SHACABKA PUNTLAND???
dabcan waxa ay dad
badani is waydiinayaan macnaha cinwaanka maqaalkayga,
marka ay arkaan, akhristoow si kale maahee, tan iyo
intii uu burburku ka dhacay Somalia ku dhowaad 20
sano, waxa dhegaha shacabka somaliyeed ku soo
dhacayay waagii baryaba Dagaal, dil qax burbur,
gaajo, rafaad, dhimasho iyo wax la halmaalla.
Shacabku waxa uu u
jeelanaa inuu mar uun maqlo wax dhegihiisu ku
farxaan, sida, waa la heshiiyay dawlad baa dhalatay,
dib u dhis ayaa bilaabmay, guryaa la dhisay wadooyin
beero wax soosaar iyo wax lagu farxo.
dadka
waxa laga waanin jiray mudooyinkii la soo dhaafay in
la iska daayo dagaalka oo la heshiiyo, lagana Baxo
rafaadka iyo dhibaatadan lagu jiro tan iyo intii
umada Somaliyeed ay jirtayba? hadaba hadii ay
Goboladii Somalida qaar ka mid ahi ka bilaabantay
ifafaalo muujinaya in laga faa'iidayso Khayradka
dhex ceegaaga ee ALleh ku manaystay. ayaa waxa la
yaab noqotay, in dad badani ay bilaabaan Olole ay ku
majo xaabinayaan ishaas umada u bidhaantay. waxaa
kow ka ah qolooyinkaas u tafo xaytay, nidaamkam
cusub, websiteka SOMALITALK.COM.
waxaan wax la is
waydiiyo ah SOMALITALK qoraaladda uu soo qorayo
sida ay uga muuqato cadaawadda ay qabaan, iyadoo aan
la garanayn waxa ay tahay cadawadaas ay u hayaan
shacabka dega Goboladaas, waxaad arkaysaa Been, isku
dir, munaafaqnimo iyo cadaaawad abuur iyo tashwiish
la kala dhex dhigayo Shacabkaas iyo Maamulkooda, ama
Madaxdooda.
Taariikhdu markay
ahayd 30/08/2005 waxa Dubai ku kala saxeexday
Heshiis, Maamulka Puntland iyo Shirkadda Austrelian
ah oo fadhigeedu yahay Dubai lana Yidhaado Concort,
sida ay Shaaciyeen Shabakaddaha wararka ee Somalidu.
dhowr website oo ay ka
mid yihiin (Eeg halkan) iyo
Kuwao kale oo Fara Badan ayaa ka hadlay oo ay ku
jirto SOMALITALK, waxaan la yaabay markaan arkay
sida ay websityadaasi uga hadleen arinta heshiiska
iyo qoraalkii ay SOMALITALK qortay oo aad u kala
fog, markaad akhrisanaa markiiba ay kuu soo baxayso
aragtiada ah in Cadaawadi ku jirto qoraalkaas SOMALITALK qortay.
bal ila eega walaalayaal oo mid kasta mar akhriya.
marka miyaaan odhan
karnaa SOMALITALK ayaa sax ah oo qoraalkeedu run
yahay, iyadoo tiradda kale ee website-yadaasina ay
been sheegayaan, waxay ila tahay jawaabtaasi inay
dadka caqliga u saliimka ah u taalo.
waxa kale oo jirta in
Heshiiska markii la saxeexaayay ay goob joog
ahaayeen ku dhowaad 40 ganacsatadda ugu caansan
degaankaas Puntland, ma odhan karnaa marka Maamulka
Puntland oo uu u horeeyo Madaxweynahoodu, iyo
dhamaan umadaas heshiiska joogtay waxa ay xadayaan
khayraadkii ay lahayd Puntland, waxayna si sharci
daro ah u guranayaan khayraadkaas. dhanka kalena
waxa kahyraadka ilaalinaya oo run sheegaya waa
wiilasha yaryarka ah ee SOMALITALK ee bartay sida
loo design, iyo edit gareeyo webka, oo waliba iyagu
aan goob joog ahayne dibad wareeg ah.
marka macnaha ay
arintaasi inoo samaynaysaa sow maaha in SOMALITALK
iyo dadka la qabaa fikradaas cadawtanimada ahi ay
raali ka yihin in dadku rafaadkaas hada lagu jiro
iyo gaajada ku sii nagaadaan oo aanay waligoood
talaabo horumar leh samaynin.
mar hadiiba maanta
umadu ay taagan tahay war aynu ka faa'iidaysano
khayraadkeena, oo ay timidba in laga hadlo horumar
iyo sidii wax loola soo bixi lahaa muxuu yahay
dawrka arintaasi u baahan tahay xaga shacabka iyo
Somali oo idilba, sow in lagu garab galo oo lagu
taagero maahe, miyayse meeshaba taal maanta in lagu
furo Tashwiish iyo warxumo tashiil.
waxaad arkaysaa
SOMALITALK oo soo qorayso Dhulkii Puntland oo la
iibsaday sida ay ku mujiyeen khariidada ku daabacan
site-kooda, waxaad arkaysaa mudo hada ah dhowr
bilood iyaga oo isku mashquulinayo qof shakhsi ah,
waxaa hubaal ah hadii SOMALITALK la waydiiyo oo la
yidhaahdo keena daliil cad in Heshiiska Madaxweyhana
iyo shacabka reer Puntland ay la galeen Shirkadas
inuuu yahay mid tuugo ah oo reer Puntland ay ku
xadayaan dhulka, inay indha meer merinayaan, waxa
kaliya ee ay la soo boodayaan waxay tahay, nin Terry
la yidhaahdo oo Dilaal ah ayaa jooga halkaas.
marka waxan leenahay
Somalitalk war waxaasi ma noqoto cadayn, hebelbaa
sidaas ah iyo waxaasaa la lahaa maaha maanta wax
dhegahayga ku cusub waa wixii hore noo soo daashaday
cid dheg jalaq idiin siinaysaana ma jirto. waxa la
idiinka fadhiyaa cadayn iyo raali galin inaad
bixisaan ilayn umad dhan oo ilaah meel ku abuuray oo
ganacsatadoodii iyo maamulkodiiba isla Gartay inay
ka baxaan dhibka, ayaad burush la daba gasheene.
mid iyadu hadal kama
taagna inay u baahan tahay in xal loo helo, waana
muranka arinatan ka aloosmay ee dhexyaala Puntland
iyo DFKMG ah, arintaasi technically waxay u baahan
tahay inay tafaahum ka sameeyaan.
lakin idinka
SOMALITALK ah waxa la idiinka fadhiyaa sidaa isu
dhaqi lahaydeen.
sidaasoo
kale shacak Somaliyeed ee Somaliland, Goboladda
Dhexe, Banaadir iyo Labada Shabeelle, bay iyo Bakool
iyo Jubooyinka iyo gado iyagana waxaa la gudbon inay
ku baraarugaan oo ku tashadaan sidoo looga bixi
lahaa gaajada iyo rafaadka, lga qatan yahay
khayraadka Alleh inagu manaystay.
Sida caadadda u ah
Somalida marka ay arintu khusayso website-kooda ma
soo qoraal maqaalkaas, marka hada Maqaalkan Waxaan u
diray dhowr website oo ay ku jirto SOMALITALK, hadii
marka aad soo daabici waydaan Somalitk-geey ogaada
in dhinacyo kale laga helayo maqaalkan.
wabilaahi tawfiiq
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan Kor
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 1, 2005
QORAALADII HORE EE
SOMALITALK.COM EE JAAMACADA BOOSAASO:::
Jaamacada Bariga Afrika
waxay kutaal magaalada Boosaaso, October 2000 ayaa waxaa
bilaabmay sannad dugsiyeedkeedii ugu horeeyey, markaas oo
fasalada ardayda loogu sii dhigi jirey machadka ama iskoolka
iimaamu shaafici ee magaalada Boosaaso, waxaase fasalada
jaamacada oo weli markaas dhisme ku socdey lagu bilaabay in
ay ardaydu wax ku bartaan sannad dugsiyeedkii kaas xigey oo
bilaabmay Sebteembar 1, 2001.
Bishii Janaayo 2003 ayey
ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University
(Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika,
Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka
socdey
African Research Institute,((ARI), Latrobe University,
Australia. [eeg
warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]
Bishii Janaayo ee sannadkan
2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn
loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso,
waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala
duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda
higsaneyso [Eeg
warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].
1dii Bishii Febraayo ee
2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto
loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo
ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga
Afrika ee Ontario.[Eeg
warbixintii Toronto].
26kii Janaayo 2003 ayey
ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay
kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud
Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta,
Georgia [eeg
warbixintii Atlanta, USA]
Bishii Febraayo ee 2002
ayey ahayd markii Ciise Dhollowaa booqday Jaamacada Boosaaso,
waqtigaas waxaa Dhollowaa warbixin siiyey
CabdiRisaaq Sh. Axmed oo ah Macalin dhiga Luuqada Carabiga
kana mid ah xubnaha Gudiga Maamulka Jaamacada. Waxaa C/Risaaq
sheegay in ay u baahan yihiin dadka Somaliyeed ee awooda u
leh in ay ka caawiyaan dhinacyada waxbarashada, iyaga oo
noqonaya macalimiin yimaada jaamacda sanadkiiba hal mar, si
ay wax u baraan ardadaas.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee
waftiga... GUJI
Qoraaladii hore ee
Faysal Warsame:
|